SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


PSU: Puntland State University oo ay dhigtaan arday gaaraysa 1000

Jaamacada puntland State University ayaa noqotay jaamacad taya sara leh oo aqoon teedu saraysao kadib markii ay dhawaan jaamacadasi hir galisay waxbarashada "distance online" ka loo yaqaano taasi oo ay maal galisay Haa'yada qaramada midowbay u qaabilsan dhinaca horumarka ee UNDP.

Jaamacada Puntland State University oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (PSU) ayaa ka mid ah jaamacadihii ugu horaysay oo laga hirgaliyo deegaanda Puntland iyada oo soo martay marxalado kala duwan oo is xig xigay kuwaasi oo ay jaamacadu ka soo hoysay guulo badan oo waxbarasho ah ayna ku gaartay hiigsiga jaamacadnimo ee ay maanta marayso ama ay jaamacadu ku tilaabsatay iyada oo dhinaca kalena jaamacadu soo saartay arday ka badan 500, kuwaasi oo siyaabo kala duwan wax uga bartay Jaamacada ugana bartay jaamacd ahaan iyo intii ay san jaamacadu isku badalin jaamacda oo ay ahayd Machadkii loo yaqiinay Puntland Community College kaasi oo aasaas hooyonimo xaga waxbarashada uga ahaa jaamacada noqdayna mira dhalkii jaamacada.

Si kastaba ha ahaatee, Jaamacada Puntland State University ayaa la asaasay sanadkii 1997dii xiligaasi oo ay jaamacadu ahayd Macahad yar oo lagu furay 60 gabdhood. xiligaas Macadka waxaa la oran jiray Garowe Management College waxaana hirgalisay Haa'yada isla hada jaamacada gacanta ku haysa ee Diakonia waxaana loogu tala galay in markaasi la helo arday tayo sare leh oo ka dhisan aqoonta maamulida xafiisyada kala duwan isla markaasina u badan Gabdho taasi oo ay Haa'yadu ugu tala gashay in lagu soo saaro 60 gabdhood kuwaasi oo qaatay koorsoonyin kala duwan dhigtayna mudo hal sano ah kuna guulaystay helida shahaadada Diplomada loo yaqaano.

Gabdhahaasi qaar ka mid ah ayaa markiiba ka hawlgay lana jaanqaaday asaaskii DGPL oo xiligaas ku soo beegantay qalin jabintoodii isla markaasina ay dawladu shaqaalaysiisay qaybo badan oo gabdhahaasi ka mid ah qaar kale ayaa u bakhoolay waxbarasho dibeda ah kuwaasi oo kala aaday wadamo ay ka mid yihiin Hindia, Pakistan, Sudan, Malaysia, iyo meelo kale oo dibada ka mid ah.

60kaa gabdhood waxaa ka danbeeyay 90 arday oo markale machadkii oo magiciisii labadalay lagu furay kuwaasi oo isugu jira 45wiilal ah iyo 45 gabdhood qaatayna waxbarasho 2sano kuna guulaysatay helitaanka Diploma waxayana ahaayeen ardaytii ugu fiicnayd ee soo marta Machadka kuwaasi oo siwayn maamulka uu u amaanay waxbarashadooda iyo akhlaaqdooda islamarkaasin ahaa ardaydii ugu badanayd oo mar qura ka qalin jabisa Mahcadka Puntland Community College.

Marxaladahaasi kala duwanaa ee uu soo maray machadku iyo intii ay socotay koorsooyinka waxbarasho ee Machadka waxa kaloo bar bar socotay taba baro uu machadku u furay laamaha kala duwan ee dawlada sida madaxda xafiisyada dawlada ee aan sida sare aqoona ugu lahayn adeegsiga Computerka casriga oo markaasi ku soo badanayay deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Somalia oo aysan jirin dad badan oo aqoon u leh kaasi oo machadku taaba galiyay in la helo arday iyo aqoonyahano barta Computerka laamaha kala duwan ee loo furay tababarada sidoo kale ayaa waxaa ka mid ahaa booliska oo labaray habka loo galiyay fileska iyo sida xog loogu xafido ama save garaysto islamarkaana si fudud loogala soo baxo iyo sida danbiilaha sawirkiisa loo kaysto iyo waliba aqoon sare oo markaasi muhiim u ahayd tayaysiinta booliskii curdunka ahaa ee markaasi ka hirgalay Puntland waxaana la oran karaa waa jaamacadii sida wayn uga qaybqaadatay helitaanka madax aqoon sare leh.

Ka gadaal markii ay ka qalin jabiyeen 90kii arday ee qaatay Diplomada waxaa ay jaamacdu hirgalisay heshayna magaca Jaamacadnimo iyada oo markaasi baal dahab ah ka gashay waxbarashada Jaamacadaha caalamiga islamrkaasina raadisay jaamacado kale oo ay jaamacadu la gashay heshiisyo xaga mataana nimada ah iyada oo Jaamacdu Heshiis lagu mataanaysiinayo Jaamacad kale la gashay.

United State University ayaa noqotay Jaamacdii ugu horaysay oo ay la gasho heshiis Jaamacada Puntland State university kaasi oo ay labada Jaamacadood isku waydaarsanayaan qalabka waxbarashada iyo macalimiinta sidoo kale Jaamacadu waxay tayo sare u gashay sidii ay u heli lahayd markaasi dhisme iyada u gaara ah taasi oo ay ugu danbayntii ay jaamacdu heshay dhisme iyada u gaar ah oo ay jaamacdu hada iska leedahya dhismahasi oo ka kooban 200x60.

Jaamacadu waxay ka koobantahay Labortary, laba laab Computers, Office room, Caffeteria, guard room, iyo qaybaha waxbarashada, sidoo kale jaamacada waxaa lagu bartaa maadooyinka kala ah Bussines administration, office Management, Comuters, Accountancy, iyo maadooyin kale waana sadex kuliyadood (Faculty).

Waxaa xusid mudan in jaamacad Puntland State University ay hada madax k atahay (Dean ka tahay) Gabar ka mid ah Gabdhihii ka qalin jabiyay Machadkii ugu horeeyay oo lagu magacaabo Naciimo taasi oo waxbarasho u aaday dalka Hinida islamarkaasina ka soo qaadatay shahaadada loo yaqaano Master.

Naciimo ayaa ka mid ahayd gabdhihii sida wayn ugu ololeeyay in Macahadka la sii balaariyo isla markaasina sheegtay mar la weydiiyey su'aalo cilmi baaris ah in la wadi karo machadka loona baahan yahay in sare loo qaado tayadiisa aqooneed,

Xili Naciimo ay ka hadlaysay iyada oo ah Deanka Cusub ee jaamacada furitaankii waxbarashada onlineka ah waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka noqoto Machadkii ay ka baxday Dean isaga oo hada ah Jaamacad.

A/rizak adan koronto
Garowe Puntland  Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com