-
Prof
Ibraahim Xasan Caddow “Haa Cali Mahdi waa uu ila so xiriiray,
waxaana ka wada...
-
Max’ed
Dheere “kuwa qaraxyada ka wada Muqdisho ma doonayaan in…”
-
Qarax ka
dhacay Magaalada Baydhabo oo ay dad ku dhinteen
-
Barre
Hiiraale oo ku dhaawacmay qarax la kacay Baabuurkiisa
-
Qarax
shalay ka dhacay agagaarka Baar-Ubaxa gaar ahaan dhinaca suuqa
Bakaaraha
-
Cali Mahdi
oo shaaciyey inuu xiriir la sameeyey Maxaakiimta Islaamiga ah
-
Cadde Muuse oo xilka ka
xayuubiyey Taliyihii Saldhiga iyo Taliyihii Qaybta G.Nugaal.
-
Salaad Cali Jeelle oo tegay
Garowe.
-
Soo Dhaweyntii R/Wasaare Geedi
ee DC...
Prof
Ibraahim Xasan Caddow “Haa Cali Mahdi waa uu ila so xiriiray,
waxaana ka wada...
"Xalka Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay iyadoo ciidamada
shisheeye ka baxaan Soomaaliya" Prof. Caddow
Xoghayaha arrimahada
dibadda ee Maxaakiimta Islaamiga ah Prof, Ibraahim Xasan Caddow ayaa
daboolka ka qaaday in Cali Mahdi Max;’ed uu xiriir la soo sameeyey
isla markaana ku wargeliyey inay ka soo qaybgalaan shirka dib u
heshiisiinta.
Prof. Ibraahim ayaa
sheegay in maxaakiimta Ilsaamiga ah diyaar u yihiin in ay ka
qaybgalaan meel kasta oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa
uuna sheegay in arrintaani uu kala hadli doono mas’uuliyiinta ugu
sareysa Maxaakiimta Ilsaamiga ah ee iyagu ku sugan Magaalada
Asmara.. “Dalka waxa uu ku jiraa Gumeysi, xalka Soomaaliya waxa uu
ku xiran yahay iyadoo ciidamada shisheeye ka baxaan Soomaaliya” ayuu
yiri Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in inta ay ku sugan ciidamada
Shisheeye dalka aysan suuragal aheyn in la qabto shir dib u
heshiisiin ah. Prof Ibraahim oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay
in Maxaakiimta Islaamigu yihiin kuwo doonaya nabada soomaaliya. Ugu
dambeyntii waxa uu sheegay in gudiga dib u heshiisiinta looga baahan
yahay ergo u diraan xubanaha ugu sareeya Maxaakiimta ee Asmara ku
sugan si ay u soo ogaadaan qaabka ugu haboon ee shir dib u
heshiisiin loo qaban karo.
Wararka hoose ka akhri
"Cali Mahdi oo shaaciyey inuu xiriir la sameeyey Maxaakiimta
Islaamiga ah "
Max’ed
Dheere “kuwa qaraxyada ka wada Muqdisho ma doonayaan in…”
Max’ed Cumar Xabeeb
(Max’ed Dheere) oo ah duqa Magaalada Muqdisho ayaa dib ug u soo laabtay
magaalada Muqdisho kadib markii uu booqasho ku gaaray Magaalada
Nayroobi. Max’ed Dheere mar wax laga weydiiyey sida uu u arko qaraxyada
ka socda magaalada Muqdisho waxa uu yiri “waxaa wada kooxo xiriir la leh
dad shisheeye ah oo aan dooneyn in ay da lka nabadi ka dhalato” wuxuu
sii raaciyey “Fiiriya waxay qaraxiyeen Haween waday hawlo la xiriiray
bilicda iyo nadaafadda Magaalada Muqdisho, kuwaas miyaa la dhihi karaa
Diin ayay u dagaalamayaan”, waxa uuna sidoo kale sii daba dhigay
“Haweenkaasi Taariikhda ayaa xusi doonta, dowladda dhexena waxaan kala
hadli doonaa sidii carruurtooda loo daryeeli lahaa.
Max’ed Dheere waxa uu
sheegay in aysan marnaba maamulkiisu u hakan doonin qaraxydaasi balse ay
sii wadi doonaan hawlahooda ku aadan bilicda iyo nabadgelyada Magaalada
Muqdisho.
Qarax ka
dhacay Magaalada Baydhabo oo ay dad ku dhinteen
Wararka
naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in xalay
fiidnimadii uu qarax ka dhacay Magaaladaasi gaar ahaan halkii uu
horey ugu yiilay Hotel Bakiin, waxaana qaraxaasi la xaqiijiyey inay
ku dhinteen labo ruux oo halkaa ka ag dhawaa. Warar kala duwan
ayaana ka soo baxay qaraxaas oo sheegay in qaraxasai uu ahaa bam
gacmeed la soo tuuray iyo in uu ahaa Miino meesha la dhigay.
Markiiba waxaa soo gaaray goobti uu qaruxu ka dhacay ciidamada
Booliiska oo halkaasi baaritaan ka bilaabay. Dhawaan ayay ahayd
markii qarax lala beegsaday Bankiga dhexe ee magaalada Baydhabo
halkaas oo ay ku dhinteen labo askri oo ka tirsanaa ciidamadii
halkaasi illaalada ka ahaa, sidoo kale waxaa ka horeeyey bam lagu
tuuray shaneemo ku taalay Magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen afar
ruux, isla markaana ay dhaawacyo ka soo gaareen dad rayid ah.
Barre
Hiiraale oo ku dhaawacmay qarax la kacay Baabuurkiisa
Wararka naga soo gaaraya Degmada
Baardheere waxay sheegayaan in Xildhibaan Barre Aadan Shire
(Hiiraale) oo dhawaan laga qaaday xilkii wasiirka Gaashaandhiga
Dowladda Federaalka ayaa shalay ku dhaawacmay qarax miino halka meel
u dhexeysa Muuri iyo Baardheere oo isku jira ilaa iyo 10-kiilo
Mitir.
Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa la
sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen dhowr sarkaal oo la socday
Xildhibaan Barre Hiiraale oo haatna lagu daweynayo xarun caafimaad
oo ku taala degmada Baardheere.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya
dhaawaca gaaray Barre Hiiraale qaar waxay sheegayaan in uu yahay mid
fudud, halka kuwo kalana ay sheegayaan in uu yahay mid culus,
waxayna wararka qaar sheegayaan in saacadaha soo socda Xildhibaanka
laga yaabo in dhaawiciisa loo qaado Magaalada Nayroobi ee dalk
Kenya.
Baryahanba degmada Baardheere waxaa ka
jiray qaraxyo, waxaana laba qarax lala beegsaday goob lagu
daawanayey Aflaanta oo ku taala degmada Baardheere kuwaas oo ay ku
dhintee dhowr qofood.
Qarax
shalay ka dhacay agagaarka Baar-Ubaxa gaar ahaan dhinaca suuqa
Bakaaraha
Ugu yaraan shan qof ayaa ku
geeriyootay toban kalana way ku dhaawacantay kadib markii uu qarax
ka dhacay agagaarka Baar-Ubax gaar ahaan dhinaca bakaaraha waxaana
qaraxaasi lala damacsanaa gaari ay wateen ciidamo Booliis ah.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa
la sheegay in aya ahaayeen dad rayid ah oo ka ag dhawaan goobta uu
qaraxu ka dhcay.
Waqtiyadan dambe waxay Magaalada
Muqdisho wehel u noqotay qaraxyada iyo dilalka loo gaysayo xubnaha
Dowaldda, waxaana maalintii doraad ahayd uu qarax ka dhacay
Magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay ilaa iyo shan Haween ah oo ka
shaqeynayey hawl nadaafadeed.
Cali Mahdi
oo shaaciyey inuu xiriir la sameeyey Maxaakiimta Islaamiga ah
Guddoomiyaha Guddiga dib u
heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cali Mahdi Max’ed ayaa waxa
uu shaaciyey in uu xiriir la sameeyey mas’uuliyiinta ugu sareysa
Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ugu horeeyo xoghayaha arrimaha
Dibadda Maxaakiimta Islaamiga ah Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ku
sug an Magaalada Doxa ee dalka Qadar.
Cali Mahdi waxa uu sheegay inuu ka
dalbaday Prof. Ibraahim in Maxaakiimta Islaamiga ah ka soo
qaybgalaan shirka dib u heshiisiinta Soomaliyeed oo la filayo in la
qabto 15-ka bisha foodda nagu soo hayso.
Cali Mahdi waxa uu sheegay in Guddiga
dib u heshiisiinta ay dadaal u gali doonaan sidii ay shirka dib u
heshiisinta uga qaybgali lahaayeen dhamaan kooxaha Soomaaliyeed meel
kasta oo ay ku sugan yihiin ha noqdaan kuwa mucaaradka ku ah
Dowladda Federaalka iyo kuwo kalaba.
Cali Mahdi waxa uu sheegay in qof
kasta ay diyaar ula yihiin uu ka soo qaybgalo shirkaasi haddii uusan
ku shaqeyneen qoriga.
Cali Mahdi waxaa kale oo uu sheegay in
dhaqaalihii lagu bixin lahaa shirkaasi uu caalamku u diyaariyey,
isla markaana la dhameystiray goobtii lagu qaban lahaa shirkaasi oo
ah xaruntii hore ee Gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed.
Cali Mahdi
waxa uu sheegay ergooyin u kala diri doonaan qaar ka mid ah Gobalada
Dalka oo aysan weli ergooyin u dirin, si ay ugala so hadlayaan ka
qaybgalka shirka dib u heshiisiinta iyo sidii ay ergooyin ugu soo
diran lahaayeen shirka dib u heshiisiinta.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Garowe: Wafdi uu hogaaminayo wasiir ku
xigeenka Gaashaandhiga Dawlada FKMG oo Arbacadii ka soo dagay Garowe.
Wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DKGFS Salaad Cali
Jeele ayaa Arbacadii June 27 ka soo dagay gagida diyaaradaha ee Conoco
oo magaalada garowe dhanka bari ka xigta una jirta 35 KM.
Wafdigan ayaa waxay dubra kulamo kafool kafool ah la qaateen madaxda
dawlad GPL oo uu hor kacayo madaxwaynaha Puntland Gen: Cade Muuse.
Si kastaba U jeedada wafdigan ayaan ilaa iyo hada la shaacin waxaana la
filayaa inay puntland ku sugnaan doonaan mudo 7casho ah.
Caawa ayaa waxaa la rajaynayaa in ay faah faahin dheeraad ah ay ka
siiyaan madaxda dawlada GPl ujeeda safarkooda.
A/rizak koronto
garowe Puntland
Cadde Muuse oo xilka ka xayuubiyey
Taliyihii Saldhiga iyo Taliyihii Qaybta G.Nugaal.
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe-DGPL
mcbille@gmail.com
Wareegto uu soo saaray Gen. cadde
Muuse, M/weynaha DGPL ayaa xilka lagaga qaaday Taliyihii Booliska ee
Qaybta G/Nugaal wuxuuna u magacaabay taliye cusub oo la yiraahdo.
Cabdidhagaf Jaamac Saxar oo ahaa Sarkaalka Ilaalinta Dakhliga
Garoonka Conoco(Land Fee). sidoo kalena wuxuu shaqada ka eryey Cabdi
Gaani Axmed oo ahaa taliyaha Saldhiga Garoowe wuxuuna u magacaabay,
Aadan Faarax Bulay, halka uu u magacaabay taliyahan Saldhiga
ciidanka Birmadka ee loo yaqaan S.Bari ee Garoowe, Xaashi Hambo
Dawaco, iyadoo uu booskii Cabdidhagaf oo laga dhigay Taliyaha
Qaybtana loo magacaabay Laandhuu.
Isku soo wada duub oo arintaan ayaa
waxay salka ku haysaa Cadde Muuse oo diyaarsanaya amaba kasbanaya
Ciidamada .
Waxaa sidoo kale la filayaa in uu
M./weynuhu xilka ka xayuubiyo saraakiil badan oo kale, sida kuwa
Boliiska iyo Milateriga amaba sida Puntland looga Yaqaan
Daraawishtam kuna bedelo kuwo awaamirta qaadanaya waa sida ay dadku
isla dhexmarayaane.
Dhinaca maamulka Puntland ayaa iminka
waxaa ka dhexmuuqda dhalinyarada oo uu M/weynaha Puntland xilal uga
dhiibay waana markii ugu horeysay ee lagu dhex arko Puntland,
dhalinyaro, sida wasiiro iyo madax ciidan, taasna waxay niyad-wanaag
u tahay dhalinta balse dadka ruug-cadaaga ah ayaa u fasirtay arin ah
nin aad ushaada ka qaadan kartid baa loo dhiibtaa oo macnaheedu
yahay (Dhalin-yaradu waa kuwa awaamiirta madaxda dowladda siday
tahay u fulinaya, loona yeerinayo wax kasta, maadaama aysan khimrad
u lahayn.
Tacsi:
Dhamaan ardayda dhigata Jaamacada Forte
Hare University (Online-ka) taas oo la mataansan Jaamacada Puntland
State University-Garoowe oo ay isku xiran yihiin Jaamacadaha dibbada
waxay u tacsiyeynayaan Caduur Aadan Caduur :
- 1. Xildhibaan Axmed Barre Siciid
Muuse
- 2. Maxamuud Cumar Bille
- 3. Faadumo Maxamuud Maxamed
- 4. Axmed Maxamed Cilmi
- 5. Candinaasir Maxamed Yusuuf
- 6. Fartuun Maxamuud Maxamed
- 7. Faarax Cismaan Muuse
- 8. Caato
- 9. Siciid Ceerigaabo
- 10. Eng. Siciid
Waxay dhamaan ardaydaas u
tacsiyeynayaan ardayga la yiraahdo Caduur Aadan Caduur oo aabihiid Aadan
Caduur ku geeriyooday magaalada Boosaaso ee Xarunta G.Bari 27/06/2007
geeridaas oo ku soo beegmatay wakhti ay ardaydu u fadhiyaan imtixaankii
kama damaysta ahaa ee jaamacada dibbada(Final Exam) ayey ardaydu mar
kale uga tacsiyeynayaan Caduur, waxayna leeyihiin janadii ALlaha ka
waraabiyo marxuumka isagana samir iyo iimaan ha ka siiyo.
AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN.
Tacsi taas la mid ah waxaa diraya
dhamaan shaqaalaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee
DGPL iyo Ardayda Jaamacada Puntland State University-Garoowe
Salaad Cali Jeelle oo tegay Garowe.
Wefti uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee DFKMS ayaa so
gaaray Caasuumada DGPL ee Garowe.
Wafdigan waxay isugu jiraan xubno ka kala socda hay'adaha DFKMS ,
waxayna u yimaadeen Puntland arimo la xiriira iskaashiga DGPL iyo DFKMS
ee ku aadan dhinaca Amniga, weftigaan ay kulan albaabadu u xiran yihiin
la yeesheen Gen. Cadde Muuse iyo Ku-xigeennkiisa Afqurac iyo wasiiro ka
tirsan golihiisa xukuumada, umana aysan suurta gelin saxaafadu in ay la
kulanto .
Weftigaan ayaa waxaa hogaaminaya Salaad Cali Jeelle oo ah Wasiir ku
xigeenka Gaashaandiga ee DFKMS, waana markii ugu horaysay ee uu yimaado
Garoowe.
Wafdigan oo ka kooban 19 xubnood ayaa waxaa ka mid wasiir ku xigeeno,
xubno baarlamaan iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka Somaaliyeed, iyo
xubno ka socda wasaarada Amniga Qaranka, waxaana ku soo dhaweeyey
Garoonka Conoco ee Garoowe, wasiiro ka tirsan DGPL.
dhowr maalmood ayaa ka so wareegay markii uu ka tegay Puntland, Taliyaha
Ciidanka Boliiska DFKMS, Cabdi Xasan Cawaale(Qaydiid)+ arintaan ayaa
mujinaysa, sida ay Puntland ugu tahay kayd DFKMS gaar ahaan dhinaca
cidamada.
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe-DGPL
mcbille@gmail.com