SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


FAALLO: Askarigii Mushaharadiisa aan Heli xaq buu u leeyahay inuusan shaqayn. Gen. Cadde Muuse

Mohamoud Hayir Haghi
Mohamoud_haghi@hotmail.com

General-ka Madaxa ka ah maamulka Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo ay ka muuqato guul daro iyo fashil baahsan oo soo wajahay Maamulkiisa ayaa hada waxaa soo baxay fursad ah dhanka awooda ciidanka inuu xoog saaro ka dib markii uu ka fursan waayey talooyin badan oo uu ka helay la taliyaashiisa gaarka ah, iyaga oo u ifbixiyey sida keliya ee awood baahsan lagu heli karo isla mar ahaantaasna xukuumada hada jirta waqtiga loogu siyaadin karo ay tahay cudud Ciidan oo xoogan in la sameeyo.

Waa hubaal in Gen. Cade Muuse iyo taliskiisa ay dastuuka jira ay garab maryaan,bacdamaa ay si dhaqso leh u soo if baxaday qorsha maldahan ee uu maagan yahay Taliska Cade Muuse.

General-ku waxa uu si aan qarsoodi lahayn goob kasta iyo goor kasta la taaganyahay eryo burinya xilka awooda badan ee uu umada u hayo.

Kulankii 1aad ee uu kula yeeshay golihiisa xukuumada in mudo ah ka dib Magaala madaxda Puntland ee Garowe wuxuu Generalku ka jeediyey ereyo burinaya masuuliyada ama xilika madaxnimo (Presidential legitimate) ee loo edmaday.

General-ku wuxuu yiri Doowlad ma jirto , Madaxwayne Majiro, Sharci ma jiro, waa arin argaga, amankaab iyo yaab badan !! oo cidkasta oo caqli iyo damiir lehba ay ka damqan karto isla mar ahaantaasna xaq loo leeyahay in la waydiiyo Generalka Su'aal." Oo Hadii aan intaasiba jirin maxaa jira markaas ?" runtii waa su'aal fursadeedu furayd si gaar ah Goloha xukuumada oo markaas la goob joogay Generalka ayaa xaq u lahaa ineey waydiiyaan su'aashaas, ma dhicin, oo arintu waxayba noqotay "Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma leh".

Si kastaba xaaladu ha noqotee maalmihii ugu danbeyey dadka siyaasada indha indheeya rajana ka qaba mansabka siyaasadeed waxay is waydiinayeen talaabooyinka baahsan uu Gen. Cade Xirsi ku talaabsanayo, iyada oo ay ugu horeeyso arinta ciidanka oo uu xoog saarayo maalmihii ugu danbeeyey ee xilkiisa, waxaa General-ku caan ku ahaa Ereyga HORUMARINTA, oo uu markasta hadal hayn jiray, iyada oo ugu danbeyntii ay ka raacday Fashil iyo fara taag, waqti badana uu ku lumiyey daba galka wuxuu ugu yeeray Horumarinta Gobolka (Regional Development) waa erayo iyo hadalo macaan badan qofkastina uu ku soo hiran karo, balse talo kaa isuma sheegto Generalku wuxuu goor danbe ka war helay in waqtigii la Edmaday gaba gabo iyo gunaanad uu joogo.

Maalintii khamiistii 15 Bishii June 2007 wuxuu ku dhawaaqay inuu la wareegay Awoodii Ciidanka, lama oga cida idinka u siisay iyada oo la ogyahay in Xukumada cade ay tahay Mid Dastuuri ah oo wax kasta oo la fulinyo ay lagama maarmaan tahay in la marsiiyo Goloha wakiilada ee DGPL, waxaa sidoo kale xusid mudan in Awooda madaxwaynaha sida ku xusan QODDOBKA-54, Farqooyinkiisa 1- 15 ( AWOODA IYO XILKA MADAXWAYNAHA) Oo ah mid kooban lama oga halka looga daray iyo goorta lagu daray in Awooda ciidan uu yeelan karo Madaxwaynaha Marka laga Reebo Ciidanka Nabad sugida.

Waa arin yaab iyo cajiib badan si cadna u daah fureeysa qorshaha shirqoolka ah ee uu damacsanyahay Gen. Cade Muuse, isla goobtii uu Generalku kula wareegay Awooda Ciidanka ka dhawaajiyey Eerayo uu isagu isku dacweeynayo balse markaas ula muuqatay inuu wax dac weeynayey, wuxuu yiri isagoo Meel fagare ah dad badan iyo warbaahintuna goob joog ka ahayd, "Askarigii Mushaharadiisa aan helin xaq buu u leeyhay inuusan shaqayn" waa hubaal in askartu xaq iyo xuquuq u leedahay ineey helaan Mushaharadooda iyo daryeel aad looga taxadaray , maadaama ay yihiin Difaacii Gobolka, oo runtii mudan Mudnaan gaar ah, balse su'ashu waxay tahay Yuu Generalku ku canaananayaa ? sidoo kalena yaa ka masuula denbiga ah in mushaharadii aysan helin Ciidanku ? ereyada ka soo yeeraya Generalka ma ahan kuwo ku qotoma daacadnimo iyo niyad sami ee waxaa toogtaan ciidanka dayaca, darxumada iyo mushahar la'anta la bur buray galay dantiisa gaarka ah ee uu ka leeyahay tasoo u dhacaysa ama dhan ina ka tuseeysa Xil kororsiga uu damacsanyahay.

Gen. Maxamuud Xirsi Boqor waa ruux marka uu hadlayo ay ka muuqto daacadnimo, wuxuu dabeecad u leeyahay inuu iska dhigo mid aan waxba qarin oo mararka qaarkood sheega waxyalo xasaasi ah oo ka dhex dhaca Doowladiisa, lakiin arintu sidaas mahee, generalku waa mid qoto dheer oo siyaasadiisa ilbaxnimda ku dheehan ayaa sababtay inuu sidan kolba halka uu jooga iyo goorta uu joogo uu afka ku balaariyo erayo muujinaya daacadnimo.

Ugu danbeeyntii waxaan Qormada Xigta tan ku eegi doonaa Guul darada Baahday ee uu gaaray maamulka Generalku uu hogaamiyo iyo sidoo kale fashilka uu kala kulmay balan qaadyadii uu hadal hayn jiray dhamaadkii sanadkii 2004 markii ay socotay qaban qaabadii doorashadii January 8, 2005.

Sidoo kale waxaan uga diyagayaa Dadka Reer Puntland ineey ka feejignaadaan shirqoolka siyaasadeed ee uu Generalku damacsanyahay , Generalkana waxaan ku leeyahay, Nin fac iyo de’a ay ka muuqato ayaad tahaye, intaasina fashil iyo Foolxumo maamul kuugu Filane Generaloow 5 Taada bilood dhameeyso oo si xor iyo xarago ah uga deg Xukunka. Ogoowna iney dhab tahay Xigmada oraynaysa WAX BADSO WAX BEEL BAY LEEDAHAY .

Mohamoud Hayir Haghi
Mohamoud_haghi@hotmail.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2007

Murankii la xiriiray Golaha Deegaanka degmada Bosaso oo mel sare Gaaray.
iyo Cadde Muuse oo  yiri "Dhaqaalihii Puntland kordhay hadana lama qaato Mushahar"... Akhri...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com