XAFIISKA
ISKAASHIGA IYO XIRIIRKA NABADOONADA G/BARI
BAYAAN
Hambalyo
Golaha
Shacabka Degmada Boosaaso
Oo
Kalsoonidii kala Noqday Duqii Degmada
Annaga oo ah cuqaasha iyo
nabadoonada Beelaha degmada Boosaaso
kadib markii aanu tixgelinay
arrimahan:-
- In ay lagamamaarmaan tahay
in la dhawro nidaamka iyo sharuucda golayaasha shacabka ee
degmooyinka DGPL
- In loo baahan yahay in la
meelmariyo rabitaanka shacabka intiisa badan
- In ay muhiim tahay in laga
foojignaado kala faquuqa Beelaha ku dhaqan degmada Boosaaso
lana tixgeliyo u sinaanshaha sharciga loo dejistay in lagu
wada noolaado
- Inaanay habboonayn in loo
lumiyo, dumiyo, loona baabi’yo iskuxirnaanta, somo ku wada
noolaanshaha Beelaha degmada iyo sharcigaba hal shakhsi oo
ay caddahay eedahiisa iyo dambiyada ay kusoo oogeen golaha
shacabku
Waxaanu halkan ku soo
bandhigaynaa mowqifkayaga cad ee ku aaddan xaaladda muranka
dhalisay ee ka dhex jirta xubnaha golaha shacabka ee degmada
Boosaaso taas oo kadib markii xubanaha council-ku soo eedeeyeen
duqa magaalada, islamarkaasna cod u qaadeen kagalana noqdeen
kalsoonidii.
Sidii ay cuqaasha iyo
nabadoonada degmada Boosaaso horeyba ugu caddeeyeen guddigii
maamulku usoo diray u kuurgalka arrintan ay 19-ka xubnood ee
golaha deegaanku ay kalsoonida ugala noqdeen duqii magaalada,
Waxaanu taageersanahay,
ayidsannahay, raacsanahayna go’aanka ay golaha shacabka degmadu
ku gaareen kalsooni kala noqoshadaas duqii magaalada Boosaaso
maadaama ay iyagu horey u doorteen.
Sidaasi darteed, waxaanu ku
talobixinaynaa in fursadda la siiyo muwaadin kale oo laga yaabo
inuu wax u tari karo Beelaha iyo deegaankaba oo kasban kara
Bulshada qaybaheeda kala duwan, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa
maxalliga ahba.
Wabbillaahi Tawfiiq,
Nabadoon Cabdulqaadir Axmed
Ibraahin
Xoghaynta ahna afhayeenka Nabadoonada G/Bari
Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2007