Jawaabtii Bashiir Saalax ee qoraalkii Jini
Boqor oo Jaanta Rogtay
Waxaan akhriyey cinwaanka ah
Jini Boqor oo
jaanta rogatay. Xil. Jini Boqor inkastoo aanan siyaasadda arimaha
Soomaaliya inta badan isku mowqif ka ahayn, marka laga reebo xiligan
hadda lagu jiro. Haddana maqaalkii uu qoray wuxuu ku dhisaan, qodobo
taariikhsan, raggii xiligeeda joogay ayaa ka warami kara. Laakiin
haddaan raaco ku tiri ku teenta Soomaalida sida mudane Ingiriis, waxaan
dhihi karaa arinta uu xil. Jini Boqor sheegay waa dhab oo waxyaabo badan
oo dowladdii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ka gaabisay ayaa jira.
Runtuna waxay u egtahay in aanay ka maraan doonin ku lug yeelashada
arimaha murugsan ee Soomaaliya.
Dowladdii xiligaas jirtay xitaa qeexid
fiican kama siin dadka gumeysigii iyo gumeysigii-cusbaa, umana sheegin
farqiga u dhexeeya labada. Waxaa kaloo laga gaabiyey si dadka loo tuso
in ay iyagu dowladda leeyihiin ayna ka duwan tahay gumeysigii. Dhinacii
dhulka, wax dhoofinta iyo soo dejinta lafteed waxweyn oo laga qabtay ma
jirin. Haddii aan kacaanku dhalan lahayna way yaraan lahayd maanta dad
Soomaaliyeed oo dhul beereed fiican leh.
Waxyaabahaasi iyo kuwa kale oo badan waxaa
cad in laga gaabiyey, waxaan soo jeedinayaa markii wax la naqdinayo in
la qodobeeyo warka lana sameeyo tixraac.
Maqaalka Xil. Jini Boqor kuma arag wax
habayaree la dhihi karo waa eex, ama aflagaado qabiil, waxaa cad in
xildhibaanku soo qoray taariikhda Soomaaliyeed siduu u arkay, ama
waxyaabo uu u soo joogay isagoo dhibaatada u qaybiyey masuuliyiintii
waqtigaasi joogay, marka ma aan garan wuxuu qoorsatay mud. Igiriis,
waxaanse soo jeedin lahaa in haddii qof la dhaqan celinayo (qabiil
celinayo) tixraac loo siiyo in uu booqod oo dhegaysto arimaha ku saabsan
qabiilka shabakadda
www.somalicongress.org
ugu yaraan shan maalmood oo xidhiidh ah, way ku filan tahay (therapy
ahaan).
Mahadsanidin,
Bashir Salah
bashiris@hotmail.com
. Jawaab qoraalkii "Jinni-Boqor oo
Jaantarogtay!" | Yusuf essa