Jawaab qoraalkii "Jinni-Boqor oo Jaantarogtay!"
- Waxaan la yaabay ninka xiiqsan ee
ingriis ladheho..
Qore: yusuf essa
yusufessa@gmail.com
Waxaan la yaabay ninka xiiqsan ee
ingriis ladheho war jini boqor raga Adan cade
shukaanta lahayey uuna sheegayo waa isla Jini boqor beeshiisa, waxuu ka sheekeyey na waxey aheyd Tariikh uu goobjoog ka ahaa, marka
bal waxaad sheegtaa sida aad unaqdiyeyso ma qabiil ahaan baa oo waxaad leedahay
sidee Jini boqor madaama uu yahay beel ahaan ahayn tan Adan cade wax uga
sheegaa? Mise qodobada iyo tariikhda uu sheegay baa qaldan? mise Magaciisa iyo
inuu Adan cade wax ka sheegay baa kuu muuqatay oo maba fahmin waxuu ka hadlay?
Kawaran hadduu dhehi lahaa Dawladii Siyaad bare wey fiicneyd amase tan hada
Jirta waa ku saxsantahay iney Ethiobia wadanka keento? mise xiligii dawlada Adan
cade baad ku jirtey ama ahayd qof masuula oo mowqifkiisa baad si cad uu ku
dhisan facts and finds ku beenineysaa?
war ninyahow dhaqtarka cilimi nafsiga u
tag waayo cudurkaaga qabiilka waa la isqaadsiinkaraa bal iney umadu biskooto mid
cusub ha ugudbin, fadlan haddii aadan si fiican u akhrin warbixintii Jini boqor
markale adigoo meel degan aan buuq laheyn fadhiya u fiirso,aniga waxa keliya aan
meesha qalad kasoo saari karo waxaan u arkay maaha xiligii loo baahnaa in lasoo
bandhigo tariikhdan, waxaan kaloo dhehi karaa Jini boqor ma jeclayn Adan cade
waayo xiligan masoo bandhigeen tariikhdan! waxaanse shaki iiga jirin tariikhda
Somaliya iney qalad ku bilaabatay!!
yusuf essa
yusufessa@gmail.com
Xil. Jinni Boqor: MAAMULKII AADAN CADDE AMAAN
MA ISTAAHIL?!!!
Baydhabo, Khamiis, June 14, 2007 | Isha: Simba
Radio
Waxaa Qorey:- AVV Xildhibaan Cabdi C/lle
Saciid (Jinni Boqor)
Qoraal uu idacada Simba soo gaarsiiyay Siyaasiga
AVV Xildhibaan Cabadi C/lle Saciid (Jinni Boqor) cinwaana ugu dhigay Maamulkii
Adan Cadde Amaan Ma Istaahilaa?!!! waxa uuna ku bilaabay sida tan:-
"Marka hore waxaan tacsi u diraynaa aniga iyo
asxaabtayda iyo familkaygaba qoyskii iyo qaraabadii uu ka geerayooday Marxuum
Aadan C/lle Cusmaan Madaxweynahii ugu horeeyay ee Soomaaliya 1960-67 waxaan
Ilaah uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa eheladii uu ka tagayna
iyo Ummadda soomaaliyeed dhamaan samir iyo iimaan ka siiyo.
Shaki kuma jiro in Aadan C/lle Cusmaan ahaa
halgame soomaaliyeed ahaana qof wanaagsan, taariikhda been lagama sheegi karo
lamana marin habaabin karo shakina kuma jiro in maamulkii Aadan C/lle Cusmaan
xilligii xoriyo qaadadka 1/ julay 1960-kii ilaa jullay 1967-dii uu dalka
soomaaliyeed uu madaxweynaha ka ahaa aanu helin maamul sax ah oo haboon wuxuuna
dalka uga tagay arrimo badan oo istaahila in lagu xasuusto sida uu u maareeyay
arimaha dalka uguna kaxeeyay wado aan sax ahayn hadduu tagay xilkiina laga
qaaday dadweynaha soomaaliyeed waxaynan marna ilaawi Karin maamulkiisii ku
dhisnaa cadaalad darada, qaraabaysiga iyo daciifnimada ku dhisnaa kaasoo dalka u
keenay maamulo kale oo ka dhashay qaladkii ay galeen nimankii uu dalka u
hibeeyay taas oo keentay in dalka ciidamo qabsadaan dastuurkii iyo sharcigiina
la tuuro iyadoo sabab looga dhigaayo qaladaadkii maamul xumadii iyo
musuqmaasuqii ay ku caan baxeen dowladahii uu ka sameeyay intuu talada dalka
hayay ee uu madaxweynaha ahaa.
Ugu horeyn waxaa lama ilaawaan ah oo lagu
xasuustaa maamuladaas sharciyadii dalka oo uu ugu horeeyo Xeerka oo lagu dhaqmi
waayay meel la isaga tuuray markii muwaadiniinta soomaaliyeed oo inay wax
doortaan waxna diidaan dastuurka u ogolaanaayay loo diiday inay gutaan
waajibaadkooda dastuuriga ah inay wax doortaan markaas oo la qaatay nidaamkii ku
shubashada warqadaha beenta ah oo kumanyaalka ah laga buuxiyay sanaadiiqdii cod
bixinta iyadoo aan dad ku codayn taas oo dalka u horseeday in la kala aamin baxo
tusaale ahaan, dastuurkii u horeeyay ee dalka.
1-markii aftida loo qaaday ee dadweynaha la
weydiiyay HAA & MAYA dowladii xilligaas ka jirtay dalka waxay ku shubatay
warqado been ah waxayna ku xaalaalaysay dastuurkii waxayna been ka sheegtay
tiradii dadka codeeyay waxayna ku xadgudubtay nidaamkii cod bixinta, tusaale
ahaan magaalada wanla weyn oo uu xiligaas gudoomiye ka ahaa nin la oran jiray
Ibraahim Jeneraale waxa uu ku dhawaaqay in magaalada Wanla weyn ay ku codaysay
HAA 100kun qof diidan ma leh xiligaas waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa una
xil saarnaa Aftida iyo amaanka dalka Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen, taliyaha
Ciidamada Booliiska oo nabad gelyada qaabilsana waxa uu ahaa Jen. Max'ed Abshir
Muuse.
2-Mar kasta oo doorasho timaato xisbigii dalka
xukumay ee SYL ee Aadan Madaxda u ahaa wuxuu xalaalaystay waxa la yiraahdo (LIST
UNICO) oo micnaheedu yahay kursaatoo dhan waxaa helay SYL 121Korsi iyagoo aan
lala tartamin taas oo lagu hogaaminaayay xoog dadkana la xirxiraayay taasina
waxay keentay in xisbigii SYL uu wadadii ka leexdo lagana aamin baxo.
Xaaji Max'ed Xuseen oo ka mid ahaa aasaasayaashii
13 SYL ahaan jirayna Gudoomiyahii SYL oo laga soo doortay deegaanka Marka
1964-tii isla markaana ahaa Xildhibaanka kaliya oo aan qabiil lagu soo dooran
isagoo ahaa gudoomiyaha xisbiga SDU ee mucaaradka Madaxweyne Aadan C/lle Cusmaan
waxa uu isku dayay inuu ka hor istaago gelida baarlamaanka isagoo aqlabiyad
balaaran lagu soo doortay wuxuuna isku dayay inuu korsigaas ku soo galo
baarlamaanka Xaaji Faarax Cali Cumar oo ahaan jiray wasiirka arrimaha debada ee
Soomaaliya, nasiib wanaag soomaalidu way u gurmadeen wayna garab istaageen Xaaji
Max'ed Xuseen.
Waxaa kaloo isoo gurmaday oo garyaqaano caalami
ah usoo diray dowlada Taliyaaniga maxkamdiina waxay u xukuntay korsigaas Xaaji
Max'ed Xuseen taasi waxay ahayd arin aan ku fiicnayn Dimuqraadiyada iyo
dastuurka soomaaliyeed waxayna meel ku dhac ku ahayd xuquuqda soomaaliga.
Dowladii 1960-1967-dii waxaa loo yiqiin Abaaro,
Cawaro, Dameeraalay iyo (GOVERNO INVACANSA) oo micnaheedu yahay dowladii aan
shaqeynayn ama dowladii fasaxa ku maqnayd, kalimadahaas waxay ka soo burqanayeen
caradii iyo naceybkii dadweynahu u qabay maamuladii dowladahii xiligaas uu
Madaxda u ahaa ALLAH u naxariistee Aadan C/lle Cusmaan
3- Madaxweyne Aadan markii uu 1964-tii
magacaabayay Ra'isu wasaarahii labaad Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen oo
baarlamaanku kalsoonadii u diiday madaxweynahu mar labaad ku celiyay C/risaaq oo
lagula taliyay inuu bedelo joojiyana magacaabistaas waxa uu yiri "ISKA DAA
C/RISAAQOO HABAR IISHO HADAAN MAGACAABO WAY SOCONAYSAA" habar iisho waxay ahayd
Islaan maskiimad ah maskaxda ka jiran kuna noolayd oo deganyd darbiga
baarlamaanka.
4-Madaxweynuhu mar uu damcay inuu socdaal ku tago
Jarmalka galbeed oo uu dadweynahii xamar degenaa ay ka hor yimaadeen safarkaas
oo ku can baxay "NO BONN" taasoo macnaheedu tahay Bonn ha aadin wuu ka dhega
adeygay qodobadaas aan kor ku soo sheegay waa qodobadii sababay in la rido oo la
dooran waayo mar labaad.
5- Dhinaca horumarka dhaqaalaha maamulkii Aadan
C/lle Cusmaan ma qaadin talaabooyin wax ku ool ah oo dalka u keeni kara hormar
dhaqaale iyo ilbaxnimo marnana isku fikrad ma noqon Madaxweynaha iyo Ra'isu
wasaarihiisii Dr. C/rashiid Cali Sharma'arke oo u liicay dhinaca Sofit Union-ka
ama shuuciyada si uu uga fushudo ilo dhaqaale iyo awood ciidan taasoo lidkeeda
Madaxweynahu diidanaa oo uu ku xirnaa Taliyaaniga oo kaliya in wax lala qabsado
waa tii keentay in la ceriyo Dr. Rashiid lana bajiriyay mashruucii beeraha ee la
magac baxay Faanoole oo ay ku baxday 300 oo malyan oo dollarka Mareykanka ah.
6- Qorshaha kuma aanay darin dowladu maamul
wanaagsan iyo ilbaxnimo soo korodha (GOOD GOVERNANCE & CIVILASATION).
7-Dastuurkii soomaaliya ee 1960-kii waxa uu
qoraayay in dalka uu yahay dal dimuqraadi ah dadkuna xuquuqdooda ay u helaan si
waafaqsan dimuqraadiyada dastuurka lagu qorey taasoo aan dhicin marna.
8-Usku darkii labada qeybood dalku ka koobnaa ee
koonfur iyo waqooyi lama adkeyn lamana cilmiyayn oo durbadiiba 1961-kii waxaa
bilowday buuq iyo kala aamin bixid labadii qeybood ee midowday taasoo keentay in
saraakiisii waqooyi isku dayaan inqilaab si ay u goostaan Somali land isku soo
duuboo halaaga soomaaliya ku dhacay iyo qabsashadii ciidamadu la wareegeen
xukunkii dastuurkiina tureen.
Tusaale ahaan caradii Siyaasiyiinta uu
hogaaminayeen Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal, Xaaji Cali Ismaaciil (Weyaanay) iyo
Xaaji Cali Jimcaale Barraale waxay keentay in ay furtaan xisbi loo yiqiin SNC
xisbigaas oo la isugu geeyay xoogag IRIRIST ah dhamaan waxyaalahaas oo dhan
waxay muujinayeen sida aan Maamulka Aadan Cadde dadku uga raali ahayn, taasoo
keentay in dalku ku jiro xukun maliteri oo aan ku socon qorshe dowladeed oo isu
dheeli tiran iyo maamul wanaag sharci ku dhisan waxaa ka dhashay burburka
soomaaliya ku jirto 17sano dhamaan qaladaadkaas dhacay iyo maamul xumidaas
dhacday mudada ka badan 47sano uu dalku ku jiro maamul xumo sharci la'aan iyo
burbur guud waxaa gundhig u ah qaldaadkii ay galeen maamuladii uu hogaanka ka
ahaa ALLAH u naxriistee Madaxweynahii hore Aadan C/lle Cusmaan Ra'isu
waasaarayaashii maamulkii Aadan C/lle Cusmaan ALLAH u naxriistee Mudane
C/rashiid Cali Shar ma'arke iyo C/risaaq Xaaji Xuseen oo imanka nool waxaynu
xusuusaynaa ooraahda ah (ALIF XUMAADAY AL- BAQRA KAMA HAAGAAGO) waxaa kaloo
mudan inaan xusuusano ooraahda ah ( AYAX TAG ELNA REEB) gababadii Marxuum Aadan
C/lle Cusmaan waxa uu ahaa shaqsiyan qof wanaagsan sidii uu Alle u abuuray
laakiin maamulkiisu waxa uu ahaa maamul aan wanaagsanayn wixii uu wax u
dhiibayna wax wanaagsan ma samayn.
9-Arinta soomaaliya waxay u qeybinaynaa 3-Xilli
(three Periods) xiliga hore oo ka bilowda xoriyada lana kowsaday qaladaadkii
1-dii Jully 1960-kii- 1-dii Jully 1967 (First Period).
Xilliga 2-aad (Second Period) waxaynu u
qaadanaynaa xilligii ay Askartu dalka la wareegeen21- Okotobar 1969 - 1990-kii.
Xilliga 3-aad( Third Period) waa xilligii ka
danbeeyay 1990-ka oo ka bilowday burburkii oo haatana dalka ciidamo shesheeye
iyo cadow sukeeye dalka qabsadeen.
Run ahaantii sedexda xilli mid walba waxa uu
leeyahay waxyaalo u gaar ah oo lagu garto:-
Kan kowda ah waa xilligii Mudane Aadan C/lle
Cusmaan Madaxweynaha ahaa waana xilligii la magac baxay Musuq maasuqa, Eexda,
Qabiilka iyo Boobka doorashooyinka oo lagu shubto warqado been ah oo qofka dadku
rabeen laga xoogo codkii loona duwo qof aan dad haysan laakiin ku xiran maamulka
Aadan Cadde si kastaba ha ugu xirnaadee.
Arintaasu waxay sababtay in la Dilo Madaxweynahii
dalka Mudane C/rashiid Cali Sharma'arke xoogagii maliterigu qabsadaan awoodii
dalka taasoo keentay tuurista dastuurkii iyo xuquuqda Aadanaha oo meel looga
dhacay gababadiina ku soo biyo shubatay dhibaatada soomaaliya ee bur burka iyo
dowlada la'aanta u keentay.
Haddii aynu tusaale u soo qaadano qodobadii ka
mid ahaa dastuurkii 1960-kii ee lagu tuntay waxay u dhawaaqayeen sida tan:-
FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN:
Art-8-RIGHT TO VOTE
=The Vote Shall be Personal, Equal, Free and
Secret
Art-3- EQUALITY OF THE CITIZEN
=Shall have Equal Rights and Duties before the
Law
Art-5- SUPERMACY OF THE LAW
The Ornization of the State and the Relationships
of the State and other Person Puplic or Privat shall be Governed by Law.
Akhriste intaas waxay cadaynayaan qaladaadkii
Jamhuuriyada 1-aad ee Soomaaliya gashay waxayna sabab u noqotay qaladaadkaas
dhacay burburka iyo Qaran jabka Soomaaliya noqdayna mool aan guntiisa la aqoonn.
Haddaba waxaa is weydiin mudan Maamulkii ALLAH u
Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan Amaan ma Istaahilaa?!!!
FG:- Qoraalkan loola ma jeedo in Marxuumka iyo
Eheladiisa wax loogu dhimo waxaase loola jeedaa in taariikhda run laga sheego
jiilalka cusubna la xusuusiyo wadadii dalku soo maray laga soo bilaabo 1960- kii
ilaa wixii ka danbeeyay.".
Waxaa Qorey:- AVV Xildhibaan Cabdi C/lle Saciid
(Jinni Boqor)
Isha: Simba Radio
BARLAMAANKU MA
SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?


|