Jinni-Boqor oo jaantarogtay!
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
Cabdi Cabdulle
Saciid (Jinni-Boqor) oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Mbagathi ayaa
shalay ku soo bandhigay bogagga ay Soomaalidu ku
leedahay internetka maqaalad uu kaga hadlayo maamulkii Madaxweyne Aaden
Cabdulle Cusmaan. Wuxuu ku eedeeyey
maamulkii Marxuumka dhintay inuu mas’uul ka ahaa inay xukunka dalka
faramarooqsadaan askartii militariga. Iyadoo xaqiiqadu ay taas ka soo horjeeddo
ayaa Jinni-Boqor wuxuu ka weecday inuu runta abbaaro, taasoo ah in askartu ay
dalka qabsatay markii maamulkii Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu xalaashaday
musuqmaasuqa, laaluushka iyo boobka hantida dadweynaha.
Madaxweyne Aaden Cadde oo jooga gurigiisa ayaa nin gacanyare u ahaa wuxuu u soo
sheegay in la dilay Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo lagu dilay Laas Caanood,
uuna dilay askari isaga waardiyeynayey, wuxuuna ku jawaabay sida la sheego,
“Cabdirashiid wuxuu u dhintay laaluushkii uu ku raadiyey xukunka markii aanu
tartannay.”
Dhab ahaantii, Marxuum Aaden Cadde wuxuu sameeyey qaladaad siyaasadeed oo mixnad
ku noqday xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, qaladaadkaasna waxaa ka mid ahaa
isku beddelkii Cabdirashiid iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Abwaan ka gilgishay
tallaabada qallafsan ee uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha ayaa dareenkiisa ku
cabbiray shirib, wuxuuna yiri “Marna Rashiid, marna Risaaq, inta kale ma
rootiyaa?”
Dad
badan oo waxgarad iyo aqoonyahanno isugu jira ayaa Madaxweyne Aaden Cadde ugu
tagay talooyin ka hor intuusan magacaabin Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Waxay
kula taliyeen marka la fiiriyo mansabka halganka iyo maamulka xisbiga SYL inuu
mudan yahay in Ra’iisal Wasaare loo magacaabo Cabdullaahi Ciise Maxamuud.
“Haddii aadan magacaabayn Cabdullaahi, magacaw Cigaal,” ayay ahayd talada kama
dambaysta ah ee la siiyey.
Laakiin, Madaxweyne Aaden Cadde dhegaha ayuu suuf gashaday, wuxuuna
goostay inuu qaato go’aan ka duwan talooyinka lagu biiriyey. Wuxuu bishii July
1960-kii Ra’iisal Wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Markey iska hor yimaaddeen ayuu sannadkii 1964-kii wuxuu
xilkii ka xayuubiyey Cabdirashiid, wuxuuna kaddib Madaxweynuhu u magacaabay
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen inuu noqdo Ra’iisal Wasaare.
Waxaa dhacday in 1967-kii uu
Cabdirashiid Cali Sharmaarke xilkii madaxtinimo kula tartamay Aaden-Cadde,
kagana guuleystay jagadii. Laakiin, Cabdirashiid kuma guuleysan cod aqlabiyad
leh ee wuxuu Aaden-Cadde kaga guuleystay hal cod oo keliya. Intii ay socotay
ololaha doorashada wuxuu Aaden Cadde diiday inuu madaxtinimo labaad ku raadiyo
lacag, wuxuuna ka gaabsaday inuu sameeyo wax ballanqaad ah.
Madaxweyne Aaden-Cadde, oo la
rumeysan yahay inuu yahay Madaxweynihii ugu fiicnaa ee soo mara Soomaaliya,
waxaa kale oo uu doorashada ku waayey isagoo ay ka hor yimaaddeen dadkii uu
garabsan lahaa iyo isaga oo diiday in la musuqmaasuqo hannaanka doorashada. Inta
la ogyahay, waxay ahayd markii ugu horreysay ee nin siyaasi ah uu doorasho
madaxtinimo ku raadiyo lacag iyo laaluush, kuna soo baxo Soomaaliya.
Sida taariikhda adduunyadu ay
weriso, Madaxweyne Aadden Cadde wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee Madaxweyne ka
soo noqday waddan ku yaalla Africa ee xukunka isagoo ku yimid hab dimoqraadi ah
uga dega isla habkii dimoqraadiga ahaa. Markii uu xukunka ka degay, laguma
sagootin hab-maamuuskii uu mudnaa ee waxaa Radio Muqdisho laga sii daayey
heestii uu allifay Maxamed Warsame Al-Qasaali;
-
Ilaahayga weyn baa amarkiisu
fulayaa
-
Inaad adigu talisaad
ayaamahaan is moodee
-
Waa adduunyoo, illeyn aayo ma
lehee
-
Ubixii
baxaayey, sowdigaan abaarsaday
-
-
Nabsi waa abaar cuna, araxda
iyo feeraha
-
Waa mici
abeesoo, aayahaa ku logada
-
Ma illoobin
goortaad, nabaddeennii aastee
-
Arxan mid
ah ku deysee
-
Waa adduunyoo, illeyn aayo ma
lehee
-
Ubixii
baxaayey, sowdigaan abaarsaday
-
-
Xiddigeygii
aasnaa, ururkuu ku biiroo
-
Soo celi
iftiinkoo, ili qabatay weeyee
-
Alle magane
waan rabay, inay kugu adkaatoo,
-
Cidna
eersan weydee
-
Waa
adduunyoo, qosol kuma idlaatee
-
Ila arag,
ax iyo wey, inay urugo leedahay,
-
Ooy oohin
leedahay
Si
kasta oo loo duro, maamulkii Madaxweyne Aaden Cadde wuxuu ahaa maamulka keliya
ee soo maray Soomaaliya ee aan record-kiisa lagu haynin qof maxbuus ah oo loo
xiray dhinaca siyaasadda (political detainee). Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa waxay soo wadaan buug ay u bixiyeen “The First
African Democrat” oo ay kaga hadlayaan maamulkii Aaden Cadde oo ahaa maamul ay
dadku si furan uga doodi karaan xaaladda dalka iyagoon wax cabsi ah ka qabin
dowladda.
John F. Kennedy
ayaa wuxuu yiri, “Dowlad ka baqeysa inay u oggolaato dadkeeda inay runta iyo
beenta ku falanqeeyaan (xukmiyaan) suuqa furan, waa dowlad ka baqeysa dadkeeda.”
Buugga ay
qorayaan labada Professor wuxuu ka warrami doonaa dadaalkii iyo dimoqraadiyaddii
Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan. Inkasta oo aanan ogeyn inay cabqariyiintu ku
soo hadalqaadi doonaan u roonaantii Aadan Cadde uu u roonaaday xididka, haddana
waxay ila tahay wuxuu faaqidi doonaa islaamnimadii iyo iimaankii Madaxweynaha.
Marxuum Aaden Cadde wuxuu caan ku ahaa hufnaan, caddaalad iyo dulqaad. Wuxuu
kaloo caado u lahaa inuu Ilaaheey u baryo Soomaalida. Intuu xukunka hayey ayuu
galab galbaha ka mid ah wuxuu bannaanka uga soo baxay dhismaha madaxtooyada,
wuxuuna gacmaha u taagay cirka, isagoo yiri, “Ilaahayoow, Soomaalida ka dhig
bini’aadam.” Wuxuu Alle weydiisanayey in Soomaalida oo uu ka waayey dhaqan
bini’aadam in Alle u yeelo dhaqanka bini’aadamka.
Jinni-Boqor wuxuu iska indha-saabay, hiilo iyo hagar mid ay ka ahaydba, inuu
tilmaamo bililiqadii boobka bankiyada ee madaxdii maamulkii Cabdirashiid uu
sutiga u hayey oo ku sifooobay is daba marinta gargaarkii caalamku ugu deeqayey
in lagu hormariyo Soomaaliya, waxaana ay gaareen heer ay jaraa’idka adduunku ugu
yeeraan Soomaaliya “Dhallaankii sadaqada ku noolaa.”
Shaki la’aan, Maamulkaas Aaden Cadde ka dambeeyey ayuu ahaa kii baa bi’iyey
rajadii ay ummadda Soomaaliyeed ka qabtay in la isu doono Soomaaliweyn. Wuxuu
ahaa maamul laga necbeystay guri walba oo ay Soomaali ku nooshahay. Dhaxalkiisii
wuxuu noqday in dadweynaha Soomaaliyeed, iyagoo ogsoon cawaaqibka xukun militari
ah, inay si weji furan leh ku soo dhoweeyaan askartii xukunka marooqsatay.
Markaas wixii
ka dambeeyey Soomaaliya faraha ayay ka baxday oo waxay noqotay hal nin iyo
caa’iladiisa oo dadkii iyo dalkiiba ay calaacashooda ku jiraan (one man rule
with one clan apparatus). Waxaaba dhacday, sida ay leeyihiin taariikh-qorayaasha
ajnabiga ee sida baahsan wax uga qora arrimaha Soomaaliya, in xukunkii dalka ay
isku qabsadeen labadii bahood ee Maxamed Siyaad Barre (Bah Khadiijo iyo Bah
Dalaayo).
Taariikhda
Soomaaliya ayaa waxay tahay taariikhda keliya ee adduunka ee nin kasta siduu u
jecel yahay uu u haysto, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aanay jirin wax qoran
oo la isku raacsan yahay. Inay xaqiiqdu sidaas tahay waxaa caddeynaya weerarka
Jinni-Boqor uu ku qaaday marxuum usbuucaan god-galay oo xabaashiisu ay weli
qoyan tahay.
Maxamed Xaaji
(Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
June 16, 2007
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


|