Waa kuma
Ra'iisalwasaaraha
Itoobiya
ee
kuxigi
doono
Meles
Zenawi?
-
Qoraaga
maqaalkan
waa
shaqaale
katirsan
Wasaaradad
Arimaha
Dibadda
ee
Itoobiya.
Waxaa
tarjumey:
Axmed-shiil
Muxumed
ahmedshil@yahoo.com
Borlänge, Sweden
Bismillaahi
wassalaatu
wassalaamu
calaa
rasuulilaahi
Horudhac
Waxaa
jirtay
walina
jirto
falsafo
loo
aaneeyo
inay
sabab
utahay
bururka
siyaasadeed
ee
kuhabsatay
Jammahuuriyadii
Soomaaliya
taasoo
ay dad
badan
usaariyaan
damaca
ay
qabiillada
qaarkood
rabeen
amaba
wali
rabaan
inay
afduubtaan
qaranka
dadka oo
dhan
kawada
dhaxeeyo,
taasoo
sida
qaalibka
ah
burbur
iyo
barakac
keento
waliba
ha’ugu
darraadeen
qolodii
damaca
qalloocnayde.
Waxaan
jeclaystay
markaa
inaan
uyara
sharxo
dad
badan
oon
aqoon
ulahayn
dabeecadda
siyaasadeed
ee
Itoobiya
inay aad
ugu
egtahay
middaa
Soomaaliya
kajirto
oo
farqiga
udhaxeeyo
uu yahay
oo
qudha:
-
Itoobiya
oo
kawayn
Soomaaliya
dhul
ahaan,
sidoo
kale
kadad
badan
oo
ku
toban
jibbaaranto.
-
Meeshaa
Soomaali
qabiil
qabiil
ay
isu
haysato
waxaa
Itoobiya
la’isu
colaadiyaa
qowmiyad
qowmiyad
kala
af
iyo
kala
diinba
noqon
karo.
-
Marka
siyaasadda
Itoobiya
hadba
qowmiyad
afduubato
oo
ay
haddana
fashilanto
waxna
ukala
socon
waayaan
waxaa
faraha
lasoo
galo
dawlado
shisheeye
oo
danaynayo
jiritaanka
Itoobiya
iyadoo
markaa
dawladdaas
taakulo
ballaadhan
ugaysato
dalkaa
iyadoo
usii
mari
qowmiyaddaa
markaa
afduubato
dalkaas
ama
qowmiyad
cusub
oo
rabto
inay
iyada
maamulka
lawareegto.
Si’uu
qofku
udhuuxo
dhagarta,
fasahaadka,
foolxumada
iyo sida
dhiigga
la’isaga
miirto
dalka
Itoobiya
ha’akhriyo
maqaalkan
kusoo
baxay
dhawaan
bogga
http://www.oduu.com/
oo aan
turjumay
asagoo
ingiriisi
ah
waxaadna
kadaalacan
kartaa
hoos
linkigiisa.
Maqaalkiina
waa
sidan;
(Waxaa
qoray
Galmo
Haromaya)
Wakhti
aan
dheerayn
waraysi
uu
layeeshay
Jonathan
Dimlbey
oo
katirsan
Teachers
TV,
Ra’iisalwasaaraha
Itoobiya
Meles
Zenawi
wuxuu
ballan
qaaday
inuusan
isasoo
sharraxi
doonin
doorashada
soo
socoto.
Meles
wuxuu
hore
usammeeyey
ballanqaadyo
lamida
kan uu
hadda
sammeeyey
laakiin
uusan
waligii
kadhabayn.
Waxa
markan
hadalkiisa
kadhigayo
mid ay
ubadan
tahay
inuu
rummoobo
ayaa ah
inuu
Meles
haysto
cadaadis
sii
kordhayo
oo ay
kuhayaan
ururkiisa
talada
dalka
haya ee
(Tplf)
Tigray
Peoples
Liberation
Front
oo rabo
inuu
iscasilo.
Warbixin
ka’imanayso
gudaha
ururkaas
talada
dalka
haysto
oo soo
gaadhay
Qoraha
(waa
qofka
maqaalkan
qoray)
ayaa
sheegayso
inay
dhowr
xubnood
oo
katirsan
Gudigga
Fulinta
ee
ururkaas
ay
kulataliyeen
Meles
inuu
xilka uu
hayo
kadago
si dib
loogusoo
nooleeyo
sumcadda
ururkaas
ee ah
inuu
dimuqraadi
yahay.
Hadalkan
uu
dhawaan
sheegay
Meles
ayaa
markaa
sababay
inay dad
badan
falanqeeyaan
qofka
booskiisa
buuxin
doono.
Waxay
arrintan
abuurtay
dooddo
kulul oo
kadhax
aloosanto
taageerayaasha
maamulka
Meles.
Bulshada
Tigreega
gaar
ahaan
ayaa
iyadu
ukala
jabtay
laba
koox
doodda
cidda
buuxini
booska
Meles
awgeed.
Qolyaha
aadka
uxagjira
ee
Tigreega
ah ayaa
ayagu
kudhaggan
in uu
noqdo
ra’iisalwasaaraha
cusub
nin
Tigree
ah oo
katirsan
Tplf ta,
meesha
qolyaha
qunyarsocodka
ah ay
leeyihiin
waa in
Meles
booskiisa
uu
buuxiyo
nin aan
Tigree
ahayn si
ay
sumcadda
maamulka
dalka
kor ugu
kacdo
mucaaradkana
ay
uwaayaan
waxay ku
eedeeyaan
nidaamka
ayagoo
leh
meesha
Tigree
unbaa
xukuma
oo qof
kale
waxba
looma
ogola.
Qolada
hore
oo ah
kuwa
xagjira
waxay
kudoodayaan
sidan;
cadaadiska
badan ee
madaxda
Tigreega
soo
foodsaarayo
iyo
sidoo
kale
fakashada
isdaba
joogga
ah ee ay
sammaynayaan
qawmiyadaha
kale oo
kafakanyo
dawladda
waxaa
mustaxiil
ah in
lugu
a’aamino
kursigan
cid aan
Tigree
ahayn.
Waxay
kabaqayaan
kooxdan
xitaa
hadii ay
jagadan
udhiibaan
qof ay
aamineen
oo
kadhashay
qowmiyad
kale
qofkaas
oo xubin
ka’ah
urur
waynaha
Ethiopian
Peoples
Revulationery
Democratic
Front
(EPRDF)
oo ah
urur ay
dhiseen
gacantana
kuhayaan
Tplf ta,
Waxaa
dhici
karta
markaa
qofkan
la’aaminay
ee
katirsan
qowmiyadaha
kale ee
loo
dhiibayo
xukunka
inuu
kubiiro
ururrada
qowmiyaddiisa
ee
mucaaradka
ku ah
nidaamka.
Waxayna
kudoodayaan
oo ay
tusaale
kadhiganayaan
madax
iyo
saraakiil
badan oo
Oromo
ahaa
darajo
sarena
kahayey
nidaamka
aadna
loo
aminsanaa
oo wada
goostay
una wada
galay
mucaaradka
Tplf
ta.
Meesha
ay
qoloda
qunyarsocodka
ah
kudoodayaan
haddaan
qof
udhashay
qowmiyadaha
kale
jagada
Ra’iisulwasaraha
loo
magacaabin
waxaa
sii
kordhi
xiisadda
iyo
tuhunka
laga
qabo
qowmiyadda
iyo
maamulka
Tigreega,
iyadoo
caalamka
laga
dhaadhicin
doono
inay
Itoobiya
tahay
dal ay
iska
maamushaan
Tigree
kaligood
say
rabaanna
kayelaan.
Waxay
leeyihiin
waa
lagamamaarmaan
in
jagada
loo
magacaabo
qof aan
udhalan
Tigree
iyadoo
qofkaas
uu
gacanta
ugu jiri
nidaam
ay
gacanta
kuhayso
Tplf
100%.
Waxay
intaas
kudarayaan
inuu
qaabkaas
shaqayn
doono
maxaa
yeelay
bay
leeyihiin
Ra’iisalwasaarahaas
lamagacaabay
waxaa
gees
walba
kafadhin
doono
Tigree,
tusaale
ahaan
lataliyaashiisa
iyo
dadka
nabadgalyadiisa
masuulka
ka ahba
waxay
noqoni
Tigree.
Meles na
isagoo
jagada
kadagay
ayuu
wali wax
walba
faraha
kulajiri
sidoo
kalena
ahaani
lataliye.
Waxaad
mooddaa
inay
doodda
kugacan
sarreeyaan
qolyaha
qunyarsocodka
ah oo
rabo in
lamagacaabo
nin aan
udhalan
Tigree.
Inkastoo
ay qurba
joogga
Tigreega
iyo
madaxda
sarsare
ee Tplf
ta ee
Mekele
iyo
Addisababa
joogto
ay
kabaqayaan
in
lamagacaabo
qof aan
tigree
ahayn
inuu
Ra’iisalwasaare
noqdo,
haddana
waxay
kuqanacsan
yihiin
inayna
suurtogal
ahayn
inay
kaligood
awoodda
iskasii
haystaan
oo in
jagada
loo
magacaabo
qof kale
mooyee
si
markaa
loogu
ekeysiiyo
inay
meesha
kajirto
isbedel
iyo
dimuqraadiyo
dhaba.
Arrinta
taas
xigta ee
laga
doodayo
ayaa ah
qowmiyaddee
lagasoo
xulan
qofka
jagadan
loo
magacaabayo.
Waxay
ubadatay
in uun
laba
qolo
middood
lagasoo
xulan,
labadaas
oo kala
ah;
Axmaarada
ama
Oromada,
maadaama
ay tiro
ahaanna
dadka
ugu
badan
yihiin
sidoo
kalena
ay
mucaaradka
ayaga
ugu xoog
badan
yihiin.
Qoloda
rabto in
lagadhigo
RW nin
udhashay
qowmiyadda
Axmaarada
waxay
kudoodayaan
laba
qodob oy
u arkaan
inay
kukala
duwan
yihiin
xubnaha
labada
qoomiyadood
ee
kujiro
urur
waynaha
EPRDF;
madaxda
ururka
Amahara
National
Democratic
Movement
(ANDM)
waxay
aad
daacad
ugu
ahaayeen
maamulka
Tplf ta
marka
loo eego
ururka
oromada,
Oromo
Peoples
Democratic
Organisation
(OPDO).
Waxaa
kale oy
kudoodayaan
in marka
la’isbarbardhigo
fakashada
laga
fakado
dawladda
markii 1
xubin oo
katirsan
ANDM uu
dawladdA
kagoosto,
ay
dhinaca
OPDO
dawladda
kagoosato
20
xubnood,
taasoo
muujinaysa
farqiga
udhaxeeya
labadan
qolo.
Intaas
waxaa
sii
dheer
inay
dadka
goosto
ee
Oromada
ah ay
intooda
badan
yihiin
dad aad
loo
aaminay
darajooyin
sarsarena
hayey
islamarkaana
ay
ugaleen
jabhadda
Oromo
Liberation
Front
(OLF)
oo
kamida
ururrada
ugu
daran ee
ay TPLF
ta
dagaalka
kula
jirto.
Oromo
badan oo
kasoo
qaybqaadatay
dajinta
iyo
xididaynta
awoodda
TPLF ta
dhulka
oromada
ayaa
maanta
ama
kagoostay
dawladda
ama
noqday
dad
ladayriyey
ama ay
TPLF tu
laysay
kadib
markay
ushaqayn
waayeen.
Dadkaasna
waxaa
kamida
Madaxwaynihii
hore ee
gobolka
Oromada
Xasan
Cali,
Madaxwaynihii
hore ee
Fedwraalka
Itoobiya
Negaso
Gidada,
Afhayeenkii
baarlamaanka
fedaraalka
Almaza
Meko,
Madaxii
nabadsugidda
Yonathan
Dibissa
iyo kii
hadda
ugu
danbeeyey
janaraal
darajo
sare
lahaa
aadna u
ammaannaa
Sarreeye
Gaas
Kemal
Gelchu
kaasoo
lagoostay
boqolaal
askari
oo Oromo
ah kuna
biiray
jabhadda
OLF.
Ganaraal
Kemal
Gelchu
waxaa
hadda
loo
magacaabay
Madaxa
Taliska
Guud ee
Ciidamada
Oromada
oo
dhawaanahan
xulufo
lanoqday
Ciidanka
Ururka
Ogaden
National
Liberation
Army
(ONLA)
si ay
ulawada
daggaalammaan
ciidanka
bari ee
Itoobiya.
Sidaa
awgeed
bay
yidhaahdeen
qolyahan
haddii
Ra’iisalwasaare
laga
dhigo
nin
Oromo ah
wuxuu
sababi
karaa
khasaare
ba’an oo
kuyimmaado
awoodda
Tigreega
ee
Itoobiya.
Waxaa
markaa
halis
yar
magacaabidda
nin
Axmaar
ah
maadaama
aynan
kubadnayn
fakashada
ururka
ANDM
sida
ururka
OPDO.
Lix iyo
tobankii
sano ee
ay
Tigreegu
Itoobiya
xukumeen
oo
kaliya
Tamirat
Layine
ayaa
kajirey
wax
kamid ah
madaxda
ururka
ANDM wax
ay is
khilaafeen
madaxda
Tigreega.
Waliba
iskudhaca
Tigreega
iyo
Tamirat
ma’ahayn
wax
siyaasad
kusalaysan
ee waxay
ahayd
iskudhac
ay
sababtay
hanti
la’iskuqabsaday
hantidaasoo
hore
looga
dhacay
dadka
Reer
Itoobiya.
Qoloda
Rabto in
ra’iisalwasaaraha
laga
dhigo
nin
Oromo ah
waxay
leeyihiin
sidan;
mucaaradka
ugu adag
halisna
kuhayo
awoodda
siyaasadeed
ee
Tigreega
waa
Oromada
siiba
kuwa
taageersan
ururka
OLF.
Sababta
xoogaysay
mucaaradka
Oromada
ayaa ah
in
lasoocay
ayaga
xag
bulsho,
xag
dhaqaale
iyo xag
siyaasadba.
Waxay
leeyihiin
maadaama
ay
Oromadu
yihiin
qowmiyadda
ugu
ballaadhan
Itoobiya
haddii
lamagacaabo
ra’iisalwasaare
Oromo ah
waxaa
kadhaadhici
caalamka
inay
Itoobiya
kajirto
dimoqraadiyo
iyo
awood
qaybsi
sax ah.
Sidoo
kale
kacdoonka
kajiro
dhulka
Oromada
wuu is
dhimo
haddii
lamagacaabo
Ra’iisalwasaare
ayaga
ah,
uruka
OLFna
waxaa
yaraani
taageerada
uu heli
maadaama
ay
meesha
kabaxayso
dooddoodii
ahayd
Oromada
waxba
looma
ogola.
Waxaa
iyana
suurtogal
noqoni
in
ladhagro
bulshada
caalamka
ayagoo
moodi in
dalkan
xubnaha
baarlamaankiisa
ay
saddex
meelood
oo meel
ay Oromo
yihiin
sidoo
kale
Ra’iisalwasaaraha
uu Oromo
yahay,
hadday
imaato
in
layidhaahdo
Oromada
waa
lacubudhiyaa
oo
lacadaadiyaa.
Hadday
dhacdo
markaa
in
ladhibaateeyo
Oromada
waxaa
loo arki
inay
Oromoda
dhaxdeeda
isdhibaataynayso
sidaasna
Tigree
wuu ku
eed
la’aani.
Qolodan
marka
waxay
leeyihiin
magacaabidda
nin
Oromo ah
waa
waddada
kaliya
ee lagu
sharciyayn
karo
awoodda
Tigreega
ee
itoobiya.
Si marka
loo
yareeyo
halista
ka’iman
karto
Ra’iisalwasaaraha
Oromada
ah iyo
inuu
lasafto
ururka
OLF waa
in
jagooyinka
kale ee
muhiimka
ah laga
buuxiyo
tigreega
xagjira
sida
nabadsugidda,
Milatariga
iyo
latalintaba
si’ay
gacan
ugu
hayaan
Ra’iisalwasaaraha
had iyo
goor.
Inkastoo
la’isla
fahmay
Tigree
ahaan in
lamgacaabo
Ra’iisalwasaare
aan
Tigree
ahayn
haddana
wali
la’iskuma
afgaran
qowmiyadda
lagala
soo bixi
Axmaaro
ama
Oromo
waloow
ay
doodda
ku gacan
sarreeyaan
qoloda
Oromada
u
ololaynayso.
TPLF ta
waxay
abuurtay
guddi
soo xulo
soona
qiimeeyo
cidda
loo
dhiibi
jagadan
waxaana
madax
looga
dhigay
Sibehat
Nega
oo asagu
kamid
ahaa
aasaasayaashii
ururka
TPLF iyo
profasor
Medhine
Tadesse
oo
kamida
khubarada
ugu
magaca
dheer
Tigreega
iyo
profasor
Kinfe
Abraha
oo ah
madaxa
machadka
caalamiga
ah ee
nabadda
iyo
horumarinta
oo ah
machad
ay
Tigree
gacanta
kuhayaan,
si’ay
usoo
wada
baadhaan
una
keenaan
qof aan
Tigree
ahayn oo
dhaxlo
booska
Meles
Zenawi.
Baadhista
waxay
kusaabsan
tahay
soo
ururinta
warbixinno
buuxo oo
kasheekaynayo
murashaxiinta,
mabaadii’da
ay
aaminsanyihiin,
cidda ay
taageersanyihiin
iyo
waliba
noloshooda
bulsho
iyo mid
siyaasadeedba.
Ragga
sharaxan
ama
laxiisaynayo
Madaxda
sarsare
ee ANDM
iyo OPDO
ayaa aad
loogu
kuurgalay
waxaana
tartamayaasha
xisbiga
ANDM
kamida
Tefera
Walwa,
Wasiirka
Tayaynta
iyo
Addisu
Legesse
Ra’iisalwasaare
kuxigeenka
iyo
Wasiirka
Beeraha
iyo
Horumarinta
Reer
Miyiga.
Labadan
nin
waxay
lashaqaynayeen
TPLF ta
kudhawaad
20 sano.
Labadoodaba
waxay
xubno
ka’ahaayeen
ururkii
Ethiopian
peoples
Revolutionery
Party
(EPRP)
laakiin
waxay
kagoosteen
horaantii
1980 kii
ayagoo
ugalay
ururka
TPLF,
kadibna
waxay
aasaaseen
ururka
Ethiopian
peoples
Democratic
Movement
oo
markii
danbana
loo
bixiyey
ANDM si
uu
ubuuxiyo
hadafka
TPLF ta
aya
kalahaayeen
urur
waynaha
EPRDF ee
ah inay
urur
xubin
kanoqdo
kahelaan
qowmiyad
walba.
Tefera
Walwa
waa
ninka
ugu
daacadsan
Tigreega
marka
la’eego
ragga
aan
udhalan
Tigree,
inkastoo
ay
colaad
kadhaxayso
kuwa
Tigreega
ah ee
sii
xagjira.
Adissu
Legesse
, wuxuu
kudhashay
Hararge
wuxuu
kuhadlaa
afka
Oromada,
waa nin
hawlkar
ah una
dhashay
Axmaaro
aadna
daacad
ugu ah
Meles
Zenawi.
Waa
ninkii
badbaadiyey
Meles
markuu
shirqoolayey
ninkii
xag
jirey ee
Siye
Abraha
iyo
kooxdiisii,
wuxuuna
wargaliyey
Meles in
la
afganbin
rabo.
Niman
kamida
Tigreega
xag jira
ayaa u
arka nin
khaa’in
ah balse
waxaa
aad
utaageersan
Meles.
Labadan
nin een
soo
xusnay
waa
Walwa
iyo
Addisu
ee waxay
aad ugu
xidhan
yihiin
maamulka
sare ee
TPLF ta
hanoqoto
xag guur
iyo xag
ganacsiba.
Meles Zenawi oo Muujiyey in uu Xukunka Ka Degayo Laba Sano Gudahood... :: Ra'iisul wasaaraha xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday sida uu damacsan yahay in uu xukunka dalkaas ka dego inta aan la gaarin laba sano. Waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Jonathan Dimbleby oo ah weriye aad looga yaqaan dalka Ingriiska, waraysiga oo May 29, 2007 lagu baahiyey warbaahinta.
 :: Waxa kale oo waraysigaas uu Meles Zenawi markale ku caddeeyey in sababta ay Soomaaliya u galeen ay ahayd arrimo iyaga (Ethiopia) ammaankooda ay ku xejisanayeen, sababtaas awgeedna ay Muqdisho uga saareen Maxkamadaha Islaamiga ah, taas oo uu kaga jawaabayey su'aal la xiriirta in dhaqaalaha Itoobiya ay la degayaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, ayuu intaas ku daray in markii ay maxkamada saareen ay ciidankooda la bexeen in kabadan 65%, oo aysan ciidan dambe u dirayn Soomaaliya, taas oo weriyuhu inta uu hadalkaas la yaabay weydiiyey in uu taas ku adkaysanayo ayaa Zenawi ugu jawaabey waa hubaa in aanaan ciidamo dambe u dirayn Soomaaliya, markaasna uu weriyuhu yiri "arrintani waa mid aad u xiiso badan". [Laakiin wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin, ayaa May 29, 2007 sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin Soomaaliya].
:: Waxa kale oo Zenawi uu afku ka xaday in ay jiraan nidaam lagu bedeli karo xuduudaha Ethiopia, laakiin arrintaas faahfaahin kama uusan bixin waxa uu ula jeedey. Waraysigaas qaar ka mid ah halkan ka dhegeyso....
Video: Waraysigaas oo dhamaystiran halkan ka daawo |
Xagga
xisbiga
OPDO
,
Cabdulla
Gemeda
,
Kuma
Demeksa
iyo
Girma
Birru
ayaa ugu
horreeya
tartanka
musharaxnimada.
Cabdulla
wuxuu
hore u
ahaa
Wasiirkii
Gaashaandhigga
haddana
waa
Madaxwaynaha
Gobolka
Oromada,
waana
ninka
ugu
daacadsan
oo Oromo
ah
madaxda
ururka
TPLF,
laakiin
asaga
waa nin
aqoon
yar,
sidoo
kale
sumcad
xun iyo
waliba
Qawmiyadda
Oromada
oo
kudoodayso
inuusanba
ninku
Orormo
ahayn
ayaa
hoos
udhigtay
inuu
guddiga
soo
xulidda
iyo soo
qiimeyntu
aad
uxiiseeyso.
Kuma
Demeksa
oo ahaan
jirey
Madaxwaynihii
hore ee
Gobolka
Oromada
haddana
ah
Wasiirka
gaashaandhigga
wuxuu
leeyahay
dhinacyo
wanaagsan
iyo kuwa
xunba.
Dhinacyada
xunxun
waxaa
kamida
inuu
lasaftay
nimankii
Tigreega
ahaa ee
xag
jirey ee
damcay
inay
afganbiyaan
Meles ee
uu
gadhwadeenka
u ahaa
Siye
Abraha
markii
ay
Tigeergu
is
khilaafsanaayeen,
waxaana
xilka
looga
qaaday
amar uu
bixiye
Meles
naf
ahaantiisa.
Dhinaciisa
wanaagsan
ayaa ah
inuu
iska
gaabsaday
dhacdadaa
kadib oo
uusan
caban
inuu
Meles
xilka
kaqaaday,
akhiiranna
waxay
arrintaa
keentay
inuu
Meles
usoo
dabco
kana
dhigoWasiirka
Gaashaandhigga
sanad
kahor.
Meles
ayaa si
daacadnimo
kujirto
uga
hadlay
markii
uu
usharaxay
baarlamaanka
asagoo
yidhi
“Teshrom
Yalakorefe”
oo
macnaheedu
yahay
ninkii
aan
dhibsan
waxba
xitaa
markii
lacasilay.
Girma
Birru,
oo ah
Wasiirka
Ganacsiga
iyo
Warshadaha
ayey dad
badan
kutilmaameen
inuu
yahay
ninka
ugu
rajada
fiican
inuu soo
baxo,
maxaa
yeelay
wuxuu
isku
darsaday
daacadnimo
iyo
karti,
waa
dhaqaalayahan
aqoon
sare leh
waligiina
kama
hadlin
dhibaatada
lugu
hayo
oromada
umana
nixin
marka
loo eego
madaxda
sarsare
ee
katirsan
xisbiga
OPDO oo
ayago
kagubtay
dhibka
lugu
hayo
dadka
Oromada
ah.
Waligiina
kama
uusan
horimaan
lawareegidda
ay
Tigreegu
dalka
lawareegeen
xag
siyaasad
iyo xag
dhaqaalaba.
Sidaa
awgeed
Addisu
Legesse
iyo
Girma
Birru
ayaad
mooddaa
inay
kusoo
baxeen
tartanka
labada
urur ee
ANDM iyo
OPDO.
Warar
la’iskuhallayn
karo oo
kasoo
baxay
gudaha
Tigreega
ayaa
xaqiijiyey
inay
guddigu
sharaxeen
Girma
Birru
inuu
noqdo
ra’iisalwasaaraha
Itoobiya
marku
Meles
Zenawi
xilka
kadago,
waxaa
sidoo
kale loo
badinayaa
inuu
Meles
aqbalay
arrintaa.
Inkastoo
uu Girma
Birru
wakhti
danbe
kusoo
biiray
ururka
OPDO
haddana
wuxuu si
daacadnimo
ah ugu
adeegay
Meles
Zenawi.
Girma
waa
dhaqaalayahan
kudheereeya
maamulka
kanasoo
shaqeeyey
maamulkii
hore
Migistu
oo uu
wasiir
ka’ahaa.
Gudiga
xulashadu
waxay
leeyihiin
sababta
ay u
doorbideen
Girma
Birru
ayaa ah
inuusan
kujirin
ama
xidhiidh
lalahayn
urur
Oromo ah
oo
mucaarad
ah sidoo
kalena
uu
kamadhan
yahay
wax
dareen
wadaninimo
sida
lugu
arko
qaar
badan oo
kamida
madaxda
ururka
OPDO.
Girma
Birru
iyo
madaxa
UNIDO,
Vienna,
Austria
Taariikhda
dheer ee
uu
kuyeeshay
maamulkii
hore iyo
kan
Tigreegaba
waxay
muujinaysaa
bay
dheheen
inuu
ninku
yahay
danayste
dantiisa
un
culayska
saaro
oon
siyaasad
iyo
arrimo
kale
aynanba
kujirin
hammigiisa.
Haddayna
xaggiisa
isbadal
ka’iman
isbadalkaaso
oo
saammeeya
fikradda
guddiga
xulashada
waxaan
arki
doonna
asaga
waa
Girma e
oo aad
loogasoo
daynayo
Tv ga,
Raadiyaha
sidoo
kale
asagoo
safarro
badan
dibadda
ku’aadayo
taasoo
muujinaso
in loo
diyaarinayo
jagada.
Maxaa
xigi
doono?
Tallaabadan
ay
qaadeen
Golaha
Fulinta
ee TPLF
ta iyo
Meles oo
ah inay
Ra’iisalwasaare
kadhigaan
nin
Oromo ah
waxaan
shaki
kujirin
inay
abuuri
doodo
dhaxmarta
dadka
lasocdo
siyaasadda
Itoobiya
iyo
gobolkaba.
Waxaana
kudoodi
inay
tallaabadan
muhiim
utahay
TPLF ta
sidoo
kale ay
noqoni
tab ay
madaxda
sarsare
ee
urukaas
ay wax
kuleexinayaan.
Waa
qirid ay
qirayaan
in ay
mucaaradada
ugu
ba’an ay
uga
imanayso
xagga
dadka
Oromada
ah.
Midda
kale
mucaaradadii
cimriga
gaabatay
ee ay
Axmaaradu
wadeen
xilligii
doorashadii
2005 ta
marka
labarbardhigo
Oromadu
waxay
kuhayaan
Tigreega
mucaarado
marba
marka
kadanbayso
sii
xoogaysanayso
oo xag
diblumaasiyadeed,
xag
siyaasadeed
iyo xag
millatariba
ah.
Tusaale
ahaan
xisbiyada
sharciga
ah ee
Orormada
sida
Oromo
National
Congress
(ONC)
iyo
Oromo
Federalist
Democratic
Movement
(OFDM)
waxay si
nabadgalyo
kudheehan
tahay u
faydeen
bannaankana
usoo
dhigeen
silica
iyo
saxariirta
lugu
hayo
Oromada,
meesha
ay OLF
sii
xoojisay
cadaadiska
millatari
iyo kuwa
diblumaasi
ee ay
kuhayso
Tigreega.
Tallaabooyinkii
ugu
danbeeyey
ee ay
guulaha
kakeentay
OLF ta
taasoo
ahayd
inay
dhaxgasho
ciidamada
Itoobiya
saraakiil
iyo
ciidanba
waxay
curyaamisay
awoodii
TPLF ta
ee
kutiirsanaanta
Oromada
inay u
ahaadaan
cudud
millatari
ooy
kudagaal
galaan.
Sidoo
kale
talaabadii
ay OLF
tu kaga
mid
noqotay
uruka
Alliance
for
Freedom
and
Democracy
(AFD)
oo ay
kula
midowday
mucaaradka
kale ee
Itoobiya
ayaa
markii
ugu
horryasay
kor usoo
qaaday
sumcadda
ururka
iyo inay
aaminaan
dadka
aan
Oromada
ahayn ee
Itoobiya,
waxayna
sababtay
arrintaa
inay
TPLF
waydo
awooddeedii
iyo
farsamadii
ay
kukala
qaybin
jirtay
kuna
xukumi
jirtay
dadyowga
kale ee
Itoobiya.
Sidaa
awgeed
madaxda
TPLF ta
waxay
aaminsan
yihiin
inay
hadday
Ra’iisalwasaare
Oromo ah
magacaabaan
ay dib
ulasoo
noqon
doonaan
wixii
kahallaabay.
Wadaniyiinta
Oromada
ayaga
haddii
lamagacaabo
Girma
Birru
ama nin
kale oo
Oromo ah
waxay
leeyihiin
innaba
hayaraatee
wax
saamayn
ah
kuyeelan
mayso
dadka
Orormada
ah.
Waxay
intaas
kudarayaan
halganka
dadka
Oromada
kuma
saabsano
inuu
Madaxwaynaha
Itoobiya
ama
Ra’iisalwasaaraha
Oromo
noqdo.
Halganka
dadka
Oromada
wuxuu
kusaabsan
yahay
kala
daadinta
nidaamka
kudhisan
cadaadiska,
cubudhinta
iyo
kafaa’iidaysiga
dadka
laga
xoogga
badan
yahay ee
jira
maanta
iyo in
la’abuuro
xaalad u
ogolaanayso
dadka
Oromada
ah inay
ayagoon
cid kale
saamaynin
go’aansadaan
mustaqbalkooda
siduu
noqon.
Aqoonyahan
caana oo
Oromo ah
oo
katirsan
Jaamacadda
Addisababa
ayaa
wuxuu
yidhi
tani
noqon
mayso
markii
ugu
horraysay
ee qof
Oromo ah
madax
looga
dhigo
Itoobiya.
Teferi
Bent
wuxuu
ahaa
madaxwaynaha
Itoobiya
1974-77,
laakiin
wax
isbadal
ah kuma
iman
nolosha
dadka
Oromada
ah
xilligiisii,
dalka
wuxuu
gacanta
ugu
jirey
Axmaarada,
kadibna
waxaaba
dhacday
in
asagii
ladilo
kadib
markuu
dhibsaday
dilkii
loo
gaystay
aqoonyahannadii
Oromada
iyo
hogaamiyayaashii
kaleba
sida;
Tadase
Birru
iyo
Xayle
Fida.
Waxaa
iyana
jirtay
inuu Dr.
Negasso
Gidada
ahaa
madaxwaynaha
Itoobiya
muddo
intii
TPLF ta
talada
haysay
uuna
naftiisa
sheegay
inuusan
waxba
uqaban
Oromada,
waxa
uuba sii
cimri
dheereeyey
xukunkii
TPLF ta.
Aqoonyahankan
Oromada
ah ee
katirsan
Jaamacadda
Addisababa
wuxuu
leeyahay
magacaabidda
Girma
Birru
waxba
kabadli
mayso
xaaladda
Oromada
inta uu
nidaamka
TPLT ta
awoodda
haysato.
Su’aasha
ah inay
tallaabadan
hoos
udhigi
awoodda
uruka
OLF oo
ay kor
uqaadi
sumcadda
iyo
sheegashada
dimuqraadiyada
ee TPLF
ta,
wuxuu
leeyahay
madax
katirsan
ururrada
mucaaradka
ee
Oromada;
inta
bulshada
Oromada
ah
qaybaheeda
kala
duwan la
cadaadinayo,
ladhibayo,
laxidhxidhayo
sidoo
kalena
lagummaadayo
suurtogal
noqonmayso
in
mucaaradku
yaraado
inuu
joogsado
iskaba
daayee.
Gunaanadkii
Waxaa
jiro
su’aalo
culculus
oon laga
jawaabin.
Ma
kudhaqaaqi
doonan
madaxda
Tigreega
go’aan
kama
danbays
ah oo ay
umagacaabaan
masuul
Oromo ah
jagadan
sare?
Talaabadan
halista
ah ee
laga
yaabo
inay
qaataan
Tigreega
malaga
yaabaa
inay
kacaawiso
TPLT ta
sharciyaynta
xukunkooda
sida
ayaga ay
ku
riyoonayaan?
Girma
Birru
hadduu
jagadan
qabto
wali
daacad
ma’usii
ahaan
doonaa
TPLF ta
mise
wuxuu
qaadan
doonaa
go’aan
taariikhi
ah oo
wuxuu
kubiiri
doonaa
sidii
saaxiibadiisii
ay
kuwada
jireen
ururka
OPDO
sida
Almaza
Meko,
Yassin
Xuseen,
Xasan
Cali iyo
Sarreeye
guud
Kemal
Gelchu
oo
markaas
uu
dhiibo
kursiga
awoodda?
Kuwani
waa
su’alaha
la’iswaydiinayo
waxaana
uun
kajawaabi
karo
wakhtiga
oo
qudha.
*Qoraaga
maqaalkan
waa
shaqaale
katirsan
Wasaaradad
Arimaha
Dibadda
ee
Itoobiya.
*Maqaalkii
oo
igiriisi
ah
http://www.oduu.com/news/index.php?news_id=1397
Waxaa
turjumay;
Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com
Warbixin:
Borlänge iyo Somalitalk.com II
Gunnimo doon : Askari gumaysi tababaray, Askari
shuuci soo tababaray, Akhri
Argagixii
loo ooyayey oo irridaha kasoo galay:
Siyaasiyiin argagax baadigoobayo si ay hanti uga..
Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com |
June 17, 2007


|