SIDEE LOOGA ARKAA SSHC WEFTIGA W/GALBEED EE
CAYN YIMI?
Jibriil M. H. Salah
talo-keen@hotmail.co.uk
A/c Ammaa bacdu, Waxaan akhriyey qoraal uu Somalitalk usoo gudbiyey Max’ud
C/hi Mux’ed ama Gadhyare, Qoraalkaas oo uu kaga hadlayey Dhacdadii ka
dhacday Xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodle iyo mid ka horraysey oo uu isagu
tilmaamay inay dhammeeyeen Odayaal Galbeed ka yimi waa sida uu hadalka u
dhigaye,
Haddaba isagoo Maxamuud sheegtay inuu yahay nin Soomaalida nabad la jecel oo
wanaagga ku farxa ayuu haddana markii uu hadalkii sii waday muujiyey xaqiiq
ahaan waxa uu aamminsan yahay ee qalbigiisa hurda,
Haddaba mar haddii aannu dad Muslim ah nahay kuma xadgudbi doono dadka
W/galbeed oo aanu isagu metelinna hadalkiisa uma raaci doono waxaanse ka xog
warrami doonaa meelaha uu Gadhyare taataabtay kuwaas oo uu si xogmoogenimo
ah uga hadlay ama aanu miisaan sax ah saarin, Laakiin intaanan labadan qodob
ee nabadda Gobollada SSHC ku saabsan wax ka odhan waxaan Gadhyare xusuusin
lahaa bal inuu wax ka ogyahay inay jiraan Ergooyin dhankooda loo soo diray
oo dib u heshiisiin Shaqaaqooyin Beelaha Isaaq ee uu magacooda ku hadlayo
sida aan u fahmey dhexmaray ka qayb galay kuwaas oo uu qaarkood raadkoodii
sii qoyan yahay misana aanay jirin cid ugu lib sheegatay ama abaal kaga
rabta ama ku faanaysaa,
@ Dagaalkii Burco ka dhacay ee Yaroowe cammiray waxaa ka qayb galay Guurti
ka soo jeedda Mandaqadaha SSHC oo nooc walba isugu jirta kuwaas oo aan
la’aantood waxba ka hagaageen maadaama aanay jirin cid kale oo ay labadii
qoys ee xilligaas dagaallamay ku kal soon yihiin ama si daacadnimo ah u dhex
geli karaysey,
@ Dagaalkii ugu dambeeyey Darroor oo ay ka qayb galeen Ergo culus oo
Mandaqadda SSHC meteleysey kuwaas oo badiba ka baxay Buuhoodladan aad maanta
u abaal sheeganaysid, Adeer miyaad Ergooyinkaas illoowdey misee wixii lagu
taraa kuuma xisaabsana,
Miyaadanse ogeyn inay Ergo kasta oo dhankaaga timaadda u timi ujeeddo gaar
ah oo ka baxsan sida aad wax u dhigaysid ama aad u mannasheeganaysid, Aan
far waaweyn wax kuugu dhigee dhug u yeelo, Waa Ergada hore’e waxay ahaayeen
Ufo ama Ceelalyo Riyaale Kaahin soo dirsaday si uu mar uun Laascaanood isu
dhextaago, Taas oo aad ogeyd khasaarihii uu W/galbeed u keenay, (Hooge inad
tahay oo hadhaa tahay oo horma cab tahay oo lo’da herdido horta ma ogtahay)
Ta labaad Ergadaasi waxay la soo kulmeen Gogol nabadeed oo Hotel Gaadaale oo
L/caanood ku yaalla taalla taas oo ay dhigeen Guurti Reer Buuhoodle ah oo
hoggaaminayeen Xaaji Axmed Cali Xaad iyo Xaaji Maxamuud Cumar Camey,
Kaddibna waxay ka codsadeen in hawsha laga qayb geliyo oo Guddiyada wax
loogu daro si ay dadka weji uga samaystaan, Taas oo aannu ka yeelnay xubnona
aannu ka siinnay, Soomaalidu waxay tidhaahdaa:- (Guuli nin ku faana ma
weydo) Haddiise aannu ogaan lahayn inay BBCda been abuur ay ku faanaan ka
sheegayaan jawaab kale ayeey la kulmi lahaayeen,
Arrintan Buuhoodle uma arko inay ragga yimi qaarkood lillaahi u yimaaddeen
mase ah ragga oo dhane haddii aan taladaas gacanta ku hayn lahaa labo
kooxood waxaan ahayni Buuhoodle cag ma soo dhigeen, Labadaas kooxood oo kala
ah Culimada ilaahay hortiis u socota iyo Madax-dhaqameedyada Togdheer ka
yimi, Weftiga kale ee W/galbeed ka yimi arrintoodu waa:- (Waxarona way iga
lumeen waxna way ii weheliyaan) Waxayse noqon doonaan wixii aan daacad
usoconi kuwo ku khasaara safarkooda,
Ugu dambayn Gadhyarow Soomaaliyi ma kala maaranto mar walbana waxaa ugu
baahi weyn ka gees u baxa ee inta kale ka ufooda, Haddaba mid ogoow dadka ku
dhaqan SSHC waxay ka mid yihiin Soomaalida aad diiddan tahaye wakhti ha iska
lumin hadallada dhiifta leh ee xagashada badan ee dadka kala fogeynayana ka
fiirsada, Dhulkan aad S/land ku magcaabaysaana kama tirsana kamana tirsanaan
doonaane shaqo kale qabso,
Xaqiiqduna waxay tahay inaanay maamulka W/galbeed nabad iyo wanaag midna ka
shaqayn taasna waxaa u markhaati ah afkooda iyo afkaartooda medse ogaada
(Dhul iyo mafiiq mafiiq baa madhata) Soomaaliya waa dhul,
Wasalaamuu
caleykum,
Jibriil M. H. Salah
talo-keen@hotmail.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Sideee
looga arkaa Sool wufuudda ka timid Togdheer iyo Hargaysa
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007


|