Gogoshii tacsida madaxwaynihii Hore ee
soomaaliya Mud.Aden Cabdulle Cusmaan oo maanta lagu soo gabagabeeyay Safaarada
Soomaaliya ay ku leedahay dalka Liibiya.
Markii lama maqlay geeridii ku timid alaha u naxariistii madaxwaynihii hore ee
soomaaliya Mudane Aaden cabdulle Cusmaan isla markaana dawladda FKMG ah ay
safaaradaha dibada ku amartay in hoos loo dhigo calanka Jamhuuriyada ayaa
safaada soomaliaya ee dalka Liibiya waxay warqado u kala dirtay dhamaanba
Safaaradaha ajnabiga ah ee fadhiya dalkan Liibiya iyo waliba hayadaha iyo
ururada caalamiga ah ee fadhiya dalkan waxay ogaysiisay geerida ku timid
madaxwaynihii hore ee Soomaaliya una sheegtay in gogosha tacsida ay taalo
xarunta safaarada soomaaliya iyadoo halkaasina uu ka furan yahay buuga tacsida.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si is daba joog ah ugu soo qulqulayay xarunta
safaarada soomalida ee Tripoli Liibiya safiirada dadlaka ajnabiga u jooga dalkan
iyo hayadaha caalamiga ahba, waxaana saxiixay buuga tacsida safiiro iyo wakiilo
safaaradeed oo kor u dhaafaya 50 safaaradood iyo hayadood, kuwaasoo ay ku jireen
dalal badan oo ka mid ah kuwa reer Yurub sida safiirada Jarmalka,
Kanada,Bolland,Ruushka, Malta Bulgaria,Bella Rusia, iyo qaarkale oo badan ,
halka Safiirada Aasiyaanka ah ee saxiixay buuga tacsida ay ka mid ahaayeen ,
Indonisia, Malasia,Filibiin,Bangladesh, Iiraan, Azerbajan iyo qaar kale oo badan
, halka carabta inta nbadan safiiradooda saxiixeen buuga tacsida sida safiirada
Yaman,Jasaa'ir, Tuunisia, iyo wakiilada Masar, Kuwait, Sucuudiga iyo qaar kale,
halka inta badan dalalka afrikaanka ay kasoo qayb galeen gogosha tacsida
madaxwaynihii hore ee soomaaliya kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, safiirada Sinigal,
koofur afrika, kenya, Ugandha,Zaambiya,Koongo, Suudaan iyo qaar kale oo fara
badan.
Waxaa xarunta safaarada kusoo dhowaynayay dhamaanba safiirada kala gedisan ee ka
qayb galayay tacsida danjiraha u fadhiya soomaaliya dalkan liibiya Mud. Dr.
Maxamed Xuseen Maxamed iyo diblomaasiyiinta Safaarada, iyadoo dhamaanba kasoo
qayb galayaasha gogosha tacsida ay ilaahay uga baryeen marxuum Aden Cabdulle
Cusmaan madaxwaynihii hore ee soomaaliya in ilaahay naxariistii jano ka
waraabiyo , shacabka soomaaliyeed iyo ahaladii uu ka tagayna samir iyo iimaan
kasiiyo , halkaasoo maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 14 June lagu soo
gabagabeeyay gogshii tacsida ee taalay xarunta safaarada soomalida ee
Tripoli-Libya.
Cabdilatif Maxmuud Cali
Xog. Laabaad ee Safaarda Somalia Tripoli-Libya
cabdilatif@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2007


|