June 9, 2007
- Maxamed Dheere Oo Gacanta Ula Tegey
Gubista Dukaamo Ka Samaysnaa Jiingado Iyo Al-waaxyo Sharci Daro Ah.
- Isgaashaanbuursi Adag Oo Ay Yeesheen
Xubnaha Baarlamanka Xorta ah ,ONLF-ta,Golaha Maxakiimta Iyo Xukumada
Eretariya.
- Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Khal -Khal
Siyaasadeed Soo Kala Dhex Galay.
- Ciidomo Ethiopian Ah Oo Kusoo
Qul-qulaya Magalada Caasimada Ah Ee Muqdisho.
Degmada Qoryooley oo gacanta u gashay
Maleeshiyo beeleed: Dagaal maanta oo sabti ah ka dhacay degmaad
Qoryooley, kaas oo u dhexeeyey maleeshiyo taabacsan maamulka Shabelada hoose
ee ay soo magacawday DFKMG iyo maleeshiyo beeleed, ayaa sababay in halkaas
ay kula wareegaan maleyshiyadii beeshu.
Yaa Gacanta ku haya Degaanka Buulo
Mareer: Dagaal maanta (Sabti) ka dhacay degaanka Buulo Mareer, kaas oo u
dhexeeyey maleeshiyo taabacsan maamulka Shabelada hoose iyo maleeshiyo
beeleed, ayaa wararka u horeeya ee ka soo baxay ay sheegeen in degaankaas ay
la wareegeen maleeshiyadii beeshu. lama xaqiijin ilaa hadda khasaaraha ay
dagaaladaasi geysteen.
Maxamed Dheere Oo Gacanta Ula Tegey Gubista
Dukaamo Ka Samaysnaa Jiingado Iyo Al-waaxyo Sharci Daro Ah.
Tacsi: Marxuum Aadan Cadde
Marxuum Aaden Cadde oo geeriyoodey June 8, 2007 waxay da'diisu ahayd
99-jir
Suldaan C/raxmaan Olol Diinle & Xaaskiisa
Shamso Cismaan Diiriye iyo Reer
Cismaan Diiriye waxay tacsi murugo leh u dirayaan reer Aadan Cabdulle
iyo
dhamaan Soomaalida,
Geeridii ku timid madaxwenihii ugu horeeyey ee Somaaliya, iyagoo u
rajeynaya
in uu Illaheey janadii ka
waraabiyo.....Aamiin
EMail: bakool55@hotmail.com |
Gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalada
muqdisho Maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere ) ayaa gacanta ula tegey ganacsato
maxaysato ah kadib markii ay ka dhega adaygeen wareegtadii uu soo saaray ee
ahayd in la dumiyo goobaha sharci darada ah ee lagu gacacsado.
Maxamed dheere ayaa amar ku siiyey in xabsiga loo dhaadhiciyo milkiilihii iska
lahaa guri bakhaar ah oo ay ku hor taalay dabakaayo mar labaad la dhisay inta
hore loo dumiyey oo ku yaala suuqa ugu weyn waqooyiga magalada muqdisho ee suuq
bacaad .
Dabakaayada ninkii iska lahaa ayaa isna laga bur-biriyey dabakayadaii islamrkana
lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan labo milyan oo shilinka soomaaliga ah
,tasoo uu xabsi ku mutaystay ninkii iska lahaa bakhaarka ay ku hor taalay
dabakaayadaasi .
dhinaca kale maxamed dheere ayaa gacantiisa ula tegey islamrkaana gubey dhar iyo
bagaash dhex yiilay dabakayo ka dhega adaygtay in laga bur-buriyo goobtaas
islamrkaana ugu daray ganaax lacageed oo aysan tamar u hayn haweenaydii iska
lahayd dabakayaadasi inay bixiso
Sidoo kale maxamed dheere ayaa hore amar uga bixiyey inay ganaax iyo xabsi la
kulmi doonaan cidii u hogaansami weyda awaamiirta maamulkiisa islamrkana
wareegyo uu ku sheegay inay cidii ka dhega adaygta wareegtadaasi la ganaxi doono
lana bur-burin doono xabsigana loo taxaabi doono.
Isgaashaanbuursi Adag Oo Ay Yeesheen
Xubnaha Baarlamanka Xorta ah ,ONLF-ta, Golaha Maxakiimta Iyo Xukumada Eretariya.
Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha la baxay barlamanka xorta ah , xubno ka tirsan
golaha maxakiimta islaamka soomaaliyeed ,ururka xoraynta ONLF iyo weliba dowlada
ay martida u yihiin ee eretariya ayaa ka dhacay magalada Asmara ee wadankaasi .
kulankan oo lagu gorfeeyey sidii wadanka soomaaliya looga saari lahaa cadowga
gacanta ku haya iyo weliba daba dhilifka u adeega waa siday hadalka u dhigeene
ayaa waxaa gudoomiye loogu doortay gudoomiyaha golaha fulinta maxaakiimta
islaamka soomaliyeed sheikh shariif sheikh axmed oo ay ku tilmaameen inuu yahay
nin wadani ah islamarkana u adeega bulsho weynta soomaaliyeed.
Sidoo kale kulankan oo ay wadajir u doorteen sheikh shariif ,ururka ONLF
,xubnaha baarlamaanka xorta ah iyo dowlada Eretariya oo uu ugu horeeyo
madaxweynahooda Asiyas Afwerqi islamarkana lagu calemo saaray sheekha oo si weyn
ugu faraxsanaa xilka cusub ee loo dhiibay.
sheikh shariif sheikh axmed oo saxaafada kula hadlay kulankan oo ka dhacay
caasimada asmara ayaa u mahad celiyey xubnaha u doortay xilkan culus iyo weliba
dowlada Eretariya ,isagoo eedayn mar kale dusha kaga tuuray cadowga soomaaliya
iyo daba-dhilifkooda qaban-qabada ugu jira shirka gacan ku rimiska ah ee ay ku
balansan yihiin inay qabtaan bartamaha bishan aynu ku jirno, waa siduu sheegaye
.
sheekh shariif ayaa intaan ku daray inaysan jirin beelo soomaaliyeed oo dirirsan
islamarkaana laysku hayo siyaasad ,taasina ay ragaadinayso xaalad amaan oo dalka
soomaaliya ka dhalata.
Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Khal -Khal
Siyaasadeed Soo Kala Dhex Galay.
Safiirka u fadhiya dowlada FKMG ah dalkasi Ethiopia c/kariin faarax laqanyo ayaa
xarunta gobolka hiiraan ee beled-weyne u yimid inuu isku xiro islamarkaana
xaliyo khal-khal siyaasadeed oo dhowanahanba ku dhex jiray masuuliyiinta gobolka
hiiraan .
Laqanyo ayaa mar uu dhowaan saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhamaan laga
saari doono magaalada beledweyne gudaheeda ciidamada milatariga ,loona saari
doono xerooyin loo cayimay ,kadib markii ay fara badatay amaan xumada ka jirta
magaalada beled-weyne .
Sidoo kale Laqanyo ayaa intaas ku daray inay xubnaha gobolka hiiran ay yihiin
kuwo ay soo magacabeen dowlada KMG ahi islamrkana ay metelaan bulsho weynta
gobolka ,horumarna ay ku gaari karaan inay si wada jira ugu wada shaqeeyaan
umada ay xilka u hayaan loomana baahna ayuu yiri falal keeni kara khilaaf iyo
iska hor-imadyo abuuri kara gacan ka hadal.
C/kariin faarax laqanyo ayaa wararka laysla dhex marayo magalada beled-weyne
ayaa waxay tibaaxayaan inuu si toosa usoo diray raysul-wasaraha xukumada
Ethiopia ee melez-zanawi ,sida uu saxafada u xaqiijiyey qof goob jooge ah oo ku
sugan magalada beled-weyne .
Waraysihgii
Zenawi:: Waxa kale oo waraysigaas uu Meles Zenawi markale ku
caddeeyey in sababta ay Soomaaliya u galeen ay ahayd arrimo iyaga
(Ethiopia) ammaankooda ay ku xejisanayeen, sababtaas awgeedna ay
Muqdisho uga saareen Maxkamadaha Islaamiga ah, taas oo uu kaga
jawaabayey su'aal la xiriirta in dhaqaalaha Itoobiya ay la degayaan
ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, ayuu intaas ku daray in markii ay
maxkamada saareen ay ciidankooda la bexeen in kabadan 65%, oo aysan
ciidan dambe u dirayn Soomaaliya, taas oo weriyuhu inta uu hadalkaas la
yaabay weydiiyey in uu taas ku adkaysanayo ayaa Zenawi ugu jawaabey waa
hubaa in aanaan ciidamo dambe u dirayn Soomaaliya, markaasna uu weriyuhu
yiri "arrintani waa mid aad u xiiso badan". [Laakiin wasiirkiisa
Arrimaha Dibadda,
Seyoum Mesfin, ayaa May 29, 2007 sheegay in
ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin Soomaaliya].
Akhri... |
Ciidomo Ethiopian Ah Oo Kusoo Qul-qulaya
Magalada Caasimada Ah Ee Muqdisho.
Wadooyinka soo gala casimada ayaa lagu arkayey maalmahan ciidamo Ethiopian ah oo
wata gawarida gashaaman oo si weyn u hubaysan oo soo gelaya gudaha muqdisho
iyadoo lagu xoojinayo ciidamadii hore u joogay .
Ciidamadan Ethiopianka ah oo tiro ahaan aad u badan ayaa kusoo qul-qulaya tan
iyo xiligii uu magalada muqdisho soo gaaray raysul-wasaaraha xukumada ethiopia
Mellez ,taasoo sida lagu helayo ilo lagu kalsoonan karo ay shegayaan in lagu
xoojin doono amaanka shirka ka dhici doona magaalada muqdisho bartmaha bishan
june ee aynu ku jirno.
Sidoo kale ciidamadan ayaa la kala dejiyey xarumahii hore ay u deganayeen
ciidamada ex-maarada ee hore ugu sugnaa caasimada muqdisho,kuwasoo kala ah
ex-kuliyadii jaalle siyaad, xaruntii hore ee gaashaandhiga , rugtii hore ee
sarakiisha shirkole iyo wersheda baastada .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili xalay saqdii dhexe ciidamada Ethiopianka ah ee
ku sugan wershada bastada lagu weeraray bumbo gacmeedyo iyo weliba rasaas
,islamrkaana ay ku jawabeen rasaas ad u culus lamana oga khasaaraha dhabta ah ee
ka dhashay goobtaas .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
June 9, 2007
June 8, 2007
- Qarax Xalay Ka Dhacay Jidka Fagax ee Muqdisho
- Mustafe C/Laahi Qorraxey oo Lagala Baxay
Xarunta Shirkadda Olompic
- Agaasimaha shiirkadda Amal Express ee Muqdisho
oo Khamiistii laga Taxaabay xafiiska shirkadda
- Shirkadda Beder Electronic oo Laga Qafaalay Nin
Shaqaale ah...
Qarax Xalay Ka Dhacay Jidka Fagax ee Muqdisho
Fiidkii xalay oo Jimce soo gelayey ayaa aagga
meesha loo yaqaan Fagax waxaa ka dhacay qarrax weyn, laakiin lama oga khasaaraha
uu qaraxaasi geystey iyo cidda ka dambeysey.
Mustafe C/Laahi Qorraxey oo Lagala Baxay
Xarunta Shirkadda Olompic
Waxaa Khamiistii xarunta shirkadda Olompic ee
magaalada Muqdisho lagala baxay Mustafe X. C/laahi Qorraxey, waxaana wararku
sheegeen in ay kaxaysteen ciidamda Xabashida ee ku sugan magaalada Muqdisho,
lama oga meesha ay u kaxaysteen.
Waxaa wararku tibaaxeen in Mustafe Qorraxey uu
dhowaan ka soo laabtay dalka Maraykanka halkaas oo uu muddo deganaa. Kaxaysiga
ay ciidamada Itoobiya kaxaysteen ayaa qayb ka ah hab Muqdisho laga macneeyey
"Raafka dadka ganacsatada ah" oo ay maalmahan Muqdisho ka fulinayeen ciidamda
Xabashidu, gaar ahaan intii uu Muqdisho yimid Zenawi wixii ka dambeysey waxaa la
dardar geliyey qafaalka ay Muqdisho ka wadaan ciidankiisu.
Agaasimaha shirkadda Amal Express ee Muqdisho
oo Khamiistii laga Taxaabay xafiiska shirkadda
Khamiistii waxaa xafiiska shirkadda Amal
Express ku leedahay Muqdisho ay ciidamo lagu sheegay kuwa DFKMG ka kaxaysteen
agaasimihii shirkadda ee Muqdisho, CabdiWeli Muuse, ayadoo aan la garanayn
sababta loo taxaabay ganacsadahaas iyo meesha loo qaaday.
Shirkadda Beder Electronic oo Laga Qafaalay Nin
Shaqaale ah...
Xafiiska shirkadda Beder Electronic ayey
Khamiistii Ciidamo ka kaxaysteen nin ka mid ah shaqaalihii shirkadda, in kasta
oo ay jiraan warar sheegaya in markii hore la kaxaystay saddex shaqaalaha ah
laakiin markii dambe labo ka mid ah la soo daayey, laakiin aan la aqoon kii
saddexaad meesha uu ku dambeeyey.
June 7, 2007
-
Dowlada Maraykanka Oo Eedayn Ku Aadan
Xiritaanka Idaacadaha Iyo Hogaamiye Dhaqameedka La Xiray Dusha Kaga Tuurtay
Dowlada KMG ah.
-
Xaaji Cabdi Iimaan Oo Ay Ciidamada Dowlada KMG
Iyo Kuwo Ethiopian ahi Gurigiisa Kala Bexeen
-
Maxay Tahay Sababta Soo Cel-celisay Xiritaanka
Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK
-
Maalintii Sadexaad Oo ay ciidamada Ethiopia
Howl-gal aad u Culus ay Ka Wadaan Qaar Kamida Isgoysyada Caasimada Muqdisho.
Dowlada Maraykanka Oo Eedayn Ku Aadan
Xiritaanka Idaacadaha Iyo Hogaamiye Dhaqameedka La Xiray Dusha Kaga Tuurtay
Dowlada KMG ah.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Macheal Renunberger oo ah safiirka soomaaliya wakiilka uga ah dalkaasi
maraykanka ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray dowlada KMG ah ee soomaaliya oo
sheegay inay jebisay xeerkii u yaalay heshiiska dib u heshiisiineed ee dalka
soomaaliya laga wadey islamrkaana ay aad uga xun yihiin xiritaanka sadexda
idaacadood iyo weliba hogaamiye dhaqameedka mucaaridka ah.
Safiirka ayaa sheegay inay warbaahintu kaalin mug leh ka qaadatay sidii hore
loogu marin lahaa dadka soomaaliyeed islamarkaana ay tahay mid lama ilaawaan ah
xubinta fir-fircoon ee ay saxaafadu kaga jirto bulshada ,taasoo wiiqaysa xeer
hoosaadka iyo weliba dib u heshiisiinta laga dhex waday dadka soomaaliyeed
xiritaanka hogaamiye dhaqameedka mucaaridka ah ee ay xirtay dowlada KMG ahi
Macheal ayaa intaas raaciyey in saxaafadda Soomaalidu kaalin wanaagsan kaga
jirto bulshada islamrkaana aysan abuurin wax xiisad colaadeed keenaya ,isagoo
sheegay in ay taageersan yihiin saxaafada xorta ah ee aduunka haday yihiin dalka
Mareykanku islamrkaana ay kasoo hor-jeedaan waxii caqabad ku ah saxaafada xorta
ah .
Sidoo kale safiirka ayaa carabka ku dhuftay inay tiro ka dhowr jeer la kulmeen
madaxweyne c/laahi yuusuf islamrkaana ay kala hadleen sidii loo taageerii lahaa
xoriyatal qowlka ,si loo helo bulsho caafimaad qabta ama dimoq-raadiyad waa
siduu hadalka u dhigaye .
Safiirka oo ka hadlay qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ayaa taageeray
booqashadii uu dhowaan uu muqdisho ku yimid Raysul - wasaaraha Ethiopia Melez
-zanawi ayuu ku sheegay inay ahayd mid cadaynaysa sida ay xukuumada Ethiopia u
garab taagan tahay dowlada KMG ah ee soomaaliya waa siduu sheegaye .
Dhinaca kale mar uu ka hadlayey shirka dib u heshiisiinta fooda inagu soo haya
waqtigii la shaaciyey ayaa sheegay inay golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed
ay shirka kaga soo qayb geli karaan iyagoo kamid ah beelahooda islamrkaana sii
raaciyey inaysan ogolaan doonin cid ku lug lug leh waxa ay ugu yeeraan
arga-gixisada .
Xaaji Cabdi Iimaan Oo Ay Ciidamada Dowlada KMG
Iyo Kuwo Ethiopian ahi Gurigiisa Kala Bexeen
Guddoomiyaha guddiga Dhaqanka beelsha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa si
lama filaana gurigiisa ay ugala bexeen ciidamo Ethiopian iyo isugu jira kuwa
dowlada KMG ah islamrkaana xabsiga la dhigay.
Caaqil Xaaji Cabdi Iimaan oo lagu qaatay gawaarida tikinkada loo yaqaano ayaa la
cadayn xabsiga lagu xiray iyo halka uu ku yaalo taasoo ay qaylo dhaan kasoo
saareen odayaasha dhaqanka beeshaasi .
Axmed Diiriye oo ah afhayeenka dhaqanka beesha hawiye ayaa cambaareeyey falkaasi
lagu xiray oday dhaqameedka islamrkaana codsaday inaysan dhaqanka soo jireenka
iyo xeerka soomaalidab ku haboonayn in la xiro oday soomaaliyeed oo weliba
dhaqan ah taasina ay wiiqayso ololaha nabadeed ee laga wado dalka soomaaliya
gaar ahaan caasimada .
Sidoo kale axmed diiriye ayaa intaasi raaciyey inay xiriir la sameeyeen
guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada muqdisho Max'ed cumar xabeeb
(maxamed Dheere) islamrkaana uu caddeeyey inuusan waxba kala socon arintaasi ,
Arintan ayaa kusoo beegmaysa horaantii asbuucan xili uu gudoomiyaha gobolka
banaadir maxamed dheere uu ku eedeeyey odayaasha dhaqanka beesha hawiye inay ka
dambeeyaan qaraxyada iyo weliba dilalka ka dhacaya caasimada muqdisho.
Maxay Tahay Sababta Soo Cel-celisay Xiritaanka
Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK
Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay dowlada KMG ahi ay u fara baxsanayso
xoriyada saxaafada iyo weliba xoriyatul qowlka oo axdi qarameedka DFKMG ahi
qorayo inay saxaafadu xor tahay islamrkaana ay ka dul boodayso xoriyada
saxaafada .
Xasan guute oo wax ka bartay jaamacada saxaafada ayaa dowlada KMG ah ku eedeeyey
inay u hanqal taagayso sidii xukun keligii taliye islamrkaana aysan ogolayn
dadka iyo bulshada u adeegsaysa dadkooda iyo dalkooda oo weliba dhex
dabaalaynaysa dhibaatada colaadeed islamrkaana ku shaqaynaysa waqtiga adag
,dhaqaalo xumada iyo weliba dhibaatada dilka kufsiga iyo dhaca .
xasan ayaa intaas ku daray hadba sow ma ahaboona inay dowladu ogaato
dhaq-dhaqaaqa saxaafadu inuu yahay laf-dhabarta umada islamrkaana aysan jiri
doonin hadii la siticmaalo xoog nabad islaaxda ,hadiiba ay dowlada KMG ahi
qofkii dhaqaaqaba xirato sow abuuri mayso dhibaatooyin hor leh.
'' waxaa dowlada KMG ka codsanaynaa inay saxaafada ula dhaqanyo sida caalamka ka
jirta islamrkaana ay iilaaliso xeerarka soo jireenka ah ee qawaaniinta saxaafada
,hore ayay u sheegeen inay saxaafadu xor tahay maxaa qasabaya inay iska xiraan
'' ayuu yiri xasan guute.
Dhinaca kale waxaa xiritaanka idaacadaha cambaareeyey ururada u taagan xoryaltul
qowlka islamrkaana saxaafada ee ka jira caasimada muqdisho .
Wareegtada lagu xirey idaacadahaan ayaa waxa ay u qorneyd sidaan.
:::::::::::::::::
Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho.
Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.
Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta
xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho.
Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday
xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay
warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik,
Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris,
Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo
dowlad diidnimo.
Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega
ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula
xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman.
Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan.
Howl-wacan.
Wareegtadaan waxaa ku saxiixnaa:-
Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah
Madoobe Nuunoow Max'ed
::::::::::::::::
Wareegtadaan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Taliyaha ciidamada booliska Somalia
Gen. Cabdi Qeybdiid oo faahfaahin ka bixiyay, waxaana ay ku soo beegmeysaa xilli
maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ay howl-gallo baaritaano ah
ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Mana aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale albaabada laysugu laabo sadexdan
idaacadood ee ka jira magaalada Muqdisho Ee horn -afrik ,shabelle ,iyo idaacada
quraanka kariimka .
Maalintii Sadexaad Oo ay ciidamada Ethiopia
Howl-gal aad u Culus ay Ka Wadaan Qaar Kamida Isgoysyada Caasimada Muqdisho.
waxaa soconaya howgal baaxad weyn oo ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee
dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia ,kuwaasoo baaritaano xoogan ka wada qaar ka
tirsan degmooyinka iyo xaafadaha magaalada muqdisho islamrkaana ku xir-xiray
boqolaal dad ah oo rayid ah.
Ololahan baaxada leh ayay ciidamada iskaashanaya ee ethiopia iyo booliska
dowladu KMG ah ayaa waxay kusoo qab-qabteen hub aad u fara badan oo isugu jira
hubka noocyadiisa kala duwan sida uu u xaqiijiyey saxaafada taliyaha ciidanka
booliska soomaaliyeed gen,cabdi qaybdiid
Cabdi qaybdiid ayaa sheegay inay hub isugu jira kuwa gawaarida la saaro iyo
hubka yar-yarba ay kusoo qab-qabteen xaafadaha ay baaritraanka ka wadaan ,taasoo
uu sheegay inay saaka oo ugu dambaysay ay hub kala duwan kusoo qabteen guri ku
yaala xaafada ifka xalane islamrkaana ka samaysnaa jiingad iyo al-waax ,sida uu
cadeeyey Gen, qaybdiid.
Sidoo kale ciidamada isku jirka ah ayaa baaritaanka ka wada xaafadaha caasimada
ayaa ku hubaysan hubka waaweyn islamrkaana ay horkacayaan taangiyada iyo weliba
hubka gaashaaman iyo tiro ciidamo aad u fara badan oo lagu soo daadiyey
wadooyinka iyo xaadafaha dhexdooda .
Baaritankan ayaa kusoo beegmaya xili uu soo dhow yahay shirkii dib u
heshiisiinta soomaaliyeed islamrkaana lagu qa-qabanayo dad aad u badan oo
shacabka ku dhaqan caasimada muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka caasimada.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Jun 7, 2007
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo
|