Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya
ku geeriyooday Madax waynihii ugu horeeyay ee Somaliya Marxuum Aadan
Cabdulle Cusmaan (Aadan Cade).
Magaalada Nairobi ee caasimda Kenya ayaa galabta waxaa ku geeriyooday EEBE
ha u naxariistee Madax waynihii ugu horeeyay Soomaaliya Marxuum Aadan
Cabdulle Cusmaan (Aadan Cade ) oo in dhawaale ku xanuunsanaa magaalada
Nairobi ee caasimada Kenya isagoo lagu dabiibayay Nairobi Hospital balse uu
galabta oo jimce ah ku alaystay halkaasi.
Dhimashada Madax waynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cade ayaa
waxaa ka wada naxay dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ka dib
markii ay ka war heleen dhimashadiisa waxayna EEBE uga baryeen in Janadii
Fardawsa inuu geeyo.
C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxmed Geedi oo ah labada masuul ee ugu
saraysa Dowlada Federalka Kumeel gaarka ah ee soomaaliya ayaa warsaxaafeed
ka soo baxay Villa Somaliaay tacsi ugu direen shacabka soomaaliyeed oo idil
geerida ku timid madax waynahii Somalia.
SomaliTalk.com | Nairobi
June 8, 2007
SPP oo si kulul u canbaareeyneysa falkii
DFKM eey ku xirtay 3 da idaacadood .
Anagoo ah Xisbiga Spp (SOMALI PROGRESSIVE PARTY
) oo ah xisbi u taagan ilaalinta danaha shacabka soomaaliyeed waxaan si kulul u
canbaareeyneyna falkii DFKM eey ku xirtay 3 da idaacadood, HORNAFRIK,SHABELLE
IYO IDAACADA QURAANKA KARIIMKA ee magaalada Muqdisho, falkaas oo ka soo horjeeda
xoriyadda Saxaafadda xorta ah iyo madaxbanaanida warbaahinta, falkaan wuxuu ka
hor imaanayaa xeerarka caalamiga ah ee baneeynaya xornimada saxaafada iyo
xoriyadda hadalka.
Sidoo kale Xisbiga spp wuxuu canbaareeynayaa xir xirirstii lagula kacay
odayaasha dhaqanka ganacsatada iyo dad badan oo rayid oo aan waxba galabsan
taasoo xadgudub ku ah xoriyatul qowlka iyo weliba dhaqanka iyo is ixtiraam ka
shacabka soomaaliyeed dhexdeeda ah mana ahan arin u adeegeeysa nabad ku soo
dabaalida dhibaatada soomaaliya guud ahaan gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Xisbiga SPP wuxuu u arkaa in xalku ku jiro in itoobiyaanku ka baxaan wadanka
soomaaliya isla markaana umadda soomaaliyeed eey u madax banaa naato arimaheeda
wada hadalna ku dhameeysato wax kasta oo qilaafa oo jira.
Mahadsanidiin
Chairman: Mohamed Wadani
email: somalipparty@hotmail.com
June 8, 2007
- Qarax Xalay Ka Dhacay Jidka Fagax ee Muqdisho
- Mustafe C/Laahi Qorraxey oo Lagala Baxay
Xarunta Shirkadda Olompic
- Agaasimaha shiirkadda Amal Express ee Muqdisho
oo Khamiistii laga Taxaabay xafiiska shirkadda
- Shirkadda Beder Electronic oo Laga Qafaalay Nin
Shaqaale ah...

Geeddi oo mucaanaqaynaya Zenawi markii uu ka soo degey Muqdisho June 5,
2007...
Read here...
Daudi Aweis
believes there is little hope that progress will be made at the national
reconciliation conference, due to open on June 14.
Read here...

Geeddi oo fiirinaya gaariguu lagu burburiyey qayb ka mid ah gurigiisa
xilli uu ku jirey halkas.. June 3, 2007
Waa Kuma Geeddi |
Qarax Xalay Ka Dhacay Jidka Fagax ee Muqdisho
Fiidkii xalay oo Jimce soo gelayey ayaa aagga
meesha loo yaqaan Fagax waxaa ka dhacay qarrax weyn, laakiin lama oga khasaaraha
uu qaraxaasi geystey iyo cidda ka dambeysey.
Mustafe C/Laahi Qorraxey oo Lagala Baxay
Xarunta Shirkadda Olompic
Waxaa Khamiistii xarunta shirkadda Olompic ee
magaalada Muqdisho lagala baxay Mustafe X. C/laahi Qorraxey, waxaana wararku
sheegeen in ay kaxaysteen ciidamda Xabashida ee ku sugan magaalada Muqdisho,
lama oga meesha ay u kaxaysteen.
Waxaa wararku tibaaxeen in Mustafe Qorraxey uu
dhowaan ka soo laabtay dalka Maraykanka halkaas oo uu muddo deganaa. Kaxaysiga
ay ciidamada Itoobiya kaxaysteen ayaa qayb ka ah hab Muqdisho laga macneeyey
"Raafka dadka ganacsatada ah" oo ay maalmahan Muqdisho ka fulinayeen ciidamda
Xabashidu, gaar ahaan intii uu Muqdisho yimid Zenawi wixii ka dambeysey waxaa la
dardar geliyey qafaalka ay Muqdisho ka wadaan ciidankiisu.
Agaasimaha shirkadda Amal Express ee Muqdisho
oo Khamiistii laga Taxaabay xafiiska shirkadda
Khamiistii waxaa xafiiska shirkadda Amal
Express ku leedahay Muqdisho ay ciidamo lagu sheegay kuwa DFKMG ka kaxaysteen
agaasimihii shirkadda ee Muqdisho, CabdiWeli Muuse, ayadoo aan la garanayn
sababta loo taxaabay ganacsadahaas iyo meesha loo qaaday.
Shirkadda Beder Electronic oo Laga Qafaalay Nin
Shaqaale ah...
Xafiiska shirkadda Beder Electronic ayey
Khamiistii Ciidamo ka kaxaysteen nin ka mid ah shaqaalihii shirkadda, in kasta
oo ay jiraan warar sheegaya in markii hore la kaxaystay saddex shaqaalaha ah
laakiin markii dambe labo ka mid ah la soo daayey, laakiin aan la aqoon kii
saddexaad meesha uu ku dambeeyey.
June 7, 2007
-
Dowlada Maraykanka Oo Eedayn Ku Aadan
Xiritaanka Idaacadaha Iyo Hogaamiye Dhaqameedka La Xiray Dusha Kaga Tuurtay
Dowlada KMG ah.
-
Xaaji Cabdi Iimaan Oo Ay Ciidamada Dowlada KMG
Iyo Kuwo Ethiopian ahi Gurigiisa Kala Bexeen
-
Maxay Tahay Sababta Soo Cel-celisay Xiritaanka
Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK
-
Maalintii Sadexaad Oo ay ciidamada Ethiopia
Howl-gal aad u Culus ay Ka Wadaan Qaar Kamida Isgoysyada Caasimada Muqdisho.
Dowlada Maraykanka Oo Eedayn Ku Aadan
Xiritaanka Idaacadaha Iyo Hogaamiye Dhaqameedka La Xiray Dusha Kaga Tuurtay
Dowlada KMG ah.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Macheal Renunberger oo ah safiirka soomaaliya wakiilka uga ah dalkaasi
maraykanka ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray dowlada KMG ah ee soomaaliya oo
sheegay inay jebisay xeerkii u yaalay heshiiska dib u heshiisiineed ee dalka
soomaaliya laga wadey islamrkaana ay aad uga xun yihiin xiritaanka sadexda
idaacadood iyo weliba hogaamiye dhaqameedka mucaaridka ah.
Safiirka ayaa sheegay inay warbaahintu kaalin mug leh ka qaadatay sidii hore
loogu marin lahaa dadka soomaaliyeed islamarkaana ay tahay mid lama ilaawaan ah
xubinta fir-fircoon ee ay saxaafadu kaga jirto bulshada ,taasoo wiiqaysa xeer
hoosaadka iyo weliba dib u heshiisiinta laga dhex waday dadka soomaaliyeed
xiritaanka hogaamiye dhaqameedka mucaaridka ah ee ay xirtay dowlada KMG ahi
Macheal ayaa intaas raaciyey in saxaafadda Soomaalidu kaalin wanaagsan kaga
jirto bulshada islamrkaana aysan abuurin wax xiisad colaadeed keenaya ,isagoo
sheegay in ay taageersan yihiin saxaafada xorta ah ee aduunka haday yihiin dalka
Mareykanku islamrkaana ay kasoo hor-jeedaan waxii caqabad ku ah saxaafada xorta
ah .
Sidoo kale safiirka ayaa carabka ku dhuftay inay tiro ka dhowr jeer la kulmeen
madaxweyne c/laahi yuusuf islamrkaana ay kala hadleen sidii loo taageerii lahaa
xoriyatal qowlka ,si loo helo bulsho caafimaad qabta ama dimoq-raadiyad waa
siduu hadalka u dhigaye .
Safiirka oo ka hadlay qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ayaa taageeray
booqashadii uu dhowaan uu muqdisho ku yimid Raysul - wasaaraha Ethiopia Melez
-zanawi ayuu ku sheegay inay ahayd mid cadaynaysa sida ay xukuumada Ethiopia u
garab taagan tahay dowlada KMG ah ee soomaaliya waa siduu sheegaye .
Dhinaca kale mar uu ka hadlayey shirka dib u heshiisiinta fooda inagu soo haya
waqtigii la shaaciyey ayaa sheegay inay golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed
ay shirka kaga soo qayb geli karaan iyagoo kamid ah beelahooda islamrkaana sii
raaciyey inaysan ogolaan doonin cid ku lug lug leh waxa ay ugu yeeraan
arga-gixisada .
Xaaji Cabdi Iimaan Oo Ay Ciidamada Dowlada KMG
Iyo Kuwo Ethiopian ahi Gurigiisa Kala Bexeen
Guddoomiyaha guddiga Dhaqanka beelsha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa si
lama filaana gurigiisa ay ugala bexeen ciidamo Ethiopian iyo isugu jira kuwa
dowlada KMG ah islamrkaana xabsiga la dhigay.
Caaqil Xaaji Cabdi Iimaan oo lagu qaatay gawaarida tikinkada loo yaqaano ayaa la
cadayn xabsiga lagu xiray iyo halka uu ku yaalo taasoo ay qaylo dhaan kasoo
saareen odayaasha dhaqanka beeshaasi .
Axmed Diiriye oo ah afhayeenka dhaqanka beesha hawiye ayaa cambaareeyey falkaasi
lagu xiray oday dhaqameedka islamrkaana codsaday inaysan dhaqanka soo jireenka
iyo xeerka soomaalidab ku haboonayn in la xiro oday soomaaliyeed oo weliba
dhaqan ah taasina ay wiiqayso ololaha nabadeed ee laga wado dalka soomaaliya
gaar ahaan caasimada .
Sidoo kale axmed diiriye ayaa intaasi raaciyey inay xiriir la sameeyeen
guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada muqdisho Max'ed cumar xabeeb
(maxamed Dheere) islamrkaana uu caddeeyey inuusan waxba kala socon arintaasi ,
Arintan ayaa kusoo beegmaysa horaantii asbuucan xili uu gudoomiyaha gobolka
banaadir maxamed dheere uu ku eedeeyey odayaasha dhaqanka beesha hawiye inay ka
dambeeyaan qaraxyada iyo weliba dilalka ka dhacaya caasimada muqdisho.
Maxay Tahay Sababta Soo Cel-celisay Xiritaanka
Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK
Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay dowlada KMG ahi ay u fara baxsanayso
xoriyada saxaafada iyo weliba xoriyatul qowlka oo axdi qarameedka DFKMG ahi
qorayo inay saxaafadu xor tahay islamrkaana ay ka dul boodayso xoriyada
saxaafada .
Xasan guute oo wax ka bartay jaamacada saxaafada ayaa dowlada KMG ah ku eedeeyey
inay u hanqal taagayso sidii xukun keligii taliye islamrkaana aysan ogolayn
dadka iyo bulshada u adeegsaysa dadkooda iyo dalkooda oo weliba dhex
dabaalaynaysa dhibaatada colaadeed islamrkaana ku shaqaynaysa waqtiga adag
,dhaqaalo xumada iyo weliba dhibaatada dilka kufsiga iyo dhaca .
xasan ayaa intaas ku daray hadba sow ma ahaboona inay dowladu ogaato
dhaq-dhaqaaqa saxaafadu inuu yahay laf-dhabarta umada islamrkaana aysan jiri
doonin hadii la siticmaalo xoog nabad islaaxda ,hadiiba ay dowlada KMG ahi
qofkii dhaqaaqaba xirato sow abuuri mayso dhibaatooyin hor leh.
'' waxaa dowlada KMG ka codsanaynaa inay saxaafada ula dhaqanyo sida caalamka ka
jirta islamrkaana ay iilaaliso xeerarka soo jireenka ah ee qawaaniinta saxaafada
,hore ayay u sheegeen inay saxaafadu xor tahay maxaa qasabaya inay iska xiraan
'' ayuu yiri xasan guute.
Dhinaca kale waxaa xiritaanka idaacadaha cambaareeyey ururada u taagan xoryaltul
qowlka islamrkaana saxaafada ee ka jira caasimada muqdisho .
Wareegtada lagu xirey idaacadahaan ayaa waxa ay u qorneyd sidaan.
:::::::::::::::::
Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho.
Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.
Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta
xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho.
Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday
xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay
warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik,
Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris,
Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo
dowlad diidnimo.
Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega
ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula
xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman.
Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan.
Howl-wacan.
Wareegtadaan waxaa ku saxiixnaa:-
Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah
Madoobe Nuunoow Max'ed
::::::::::::::::
Wareegtadaan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Taliyaha ciidamada booliska Somalia
Gen. Cabdi Qeybdiid oo faahfaahin ka bixiyay, waxaana ay ku soo beegmeysaa xilli
maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ay howl-gallo baaritaano ah
ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Mana aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale albaabada laysugu laabo sadexdan
idaacadood ee ka jira magaalada Muqdisho Ee horn -afrik ,shabelle ,iyo idaacada
quraanka kariimka .
Maalintii Sadexaad Oo ay ciidamada Ethiopia
Howl-gal aad u Culus ay Ka Wadaan Qaar Kamida Isgoysyada Caasimada Muqdisho.
waxaa soconaya howgal baaxad weyn oo ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee
dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia ,kuwaasoo baaritaano xoogan ka wada qaar ka
tirsan degmooyinka iyo xaafadaha magaalada muqdisho islamrkaana ku xir-xiray
boqolaal dad ah oo rayid ah.
Ololahan baaxada leh ayay ciidamada iskaashanaya ee ethiopia iyo booliska
dowladu KMG ah ayaa waxay kusoo qab-qabteen hub aad u fara badan oo isugu jira
hubka noocyadiisa kala duwan sida uu u xaqiijiyey saxaafada taliyaha ciidanka
booliska soomaaliyeed gen,cabdi qaybdiid
Cabdi qaybdiid ayaa sheegay inay hub isugu jira kuwa gawaarida la saaro iyo
hubka yar-yarba ay kusoo qab-qabteen xaafadaha ay baaritraanka ka wadaan ,taasoo
uu sheegay inay saaka oo ugu dambaysay ay hub kala duwan kusoo qabteen guri ku
yaala xaafada ifka xalane islamrkaana ka samaysnaa jiingad iyo al-waax ,sida uu
cadeeyey Gen, qaybdiid.
Sidoo kale ciidamada isku jirka ah ayaa baaritaanka ka wada xaafadaha caasimada
ayaa ku hubaysan hubka waaweyn islamrkaana ay horkacayaan taangiyada iyo weliba
hubka gaashaaman iyo tiro ciidamo aad u fara badan oo lagu soo daadiyey
wadooyinka iyo xaadafaha dhexdooda .
Baaritankan ayaa kusoo beegmaya xili uu soo dhow yahay shirkii dib u
heshiisiinta soomaaliyeed islamrkaana lagu qa-qabanayo dad aad u badan oo
shacabka ku dhaqan caasimada muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka caasimada.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Jun 7, 2007
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo


|