"Halkaan waa Radio Itoobiya Laanta Af-Soomaaliga Killinka 6-aad ee Muqdisho.
Qormadii Abwaan Maxamed Warsame Faarax oo ah Abwaan Soomaaliyeed.
"Warka Madaxdiisii"
1 Dowladda Itoobiya oo irdaha isugu
dhufatay idaacadihii Soomaalida ee Muqdisho
2 Rey-sul wasaaraha Dowladaha Federaalka
Itoobiya-Somalia Ato M. Zenawi oo si fiican loogu soo dhaweeyey caasiimada
Killinka 6-aad ee Muqdisho.
3 Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo amar ku
siiyey kuwa Soomaalida ah in ay isaga baxaan gudaha magaalada; askarigii lagu
arkana uu yahay toogasho.
4 Dowlada Jaalka ah ee Maraykanka oo
duqeysay degaamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ee hoos yimaada Killinka
6-aad.
5 Maraykanka oo ku amaanay Itoobiya in ka
badan 1,500 oo shicib ah oo ay ku laysay magaalada Muqdisho iyo 300,000 oo ay
bara kicisay.
6 Hogaamiyihii hore ee dalka Itoobiya oo ku
amaanay, Hogaamiyaha Cusub, Ato M. Zenawi oo gaarsiiyey wixii ay Itoobiya
higsanaysay qarni in ka badan oo in ay maanta gaartay.
7. 4 Gaari oo argagixsiadu ay ka soo buuxiyeen
walxaha qarxa ayaa xilli ciidanka Itoobiya ku jireen fayl, soo dhexgalay oo
isku qarxiyey balse cid wax ku noqontay ma jirto:
8. Af-hayeen u hadlay masuuliyiintii Soomaaliyadii
hore oo ku sugan caasiimada Shacbiya oo canbaareeyay dagaalka ka dhanka ah
argagixsiada ee Jaalka Itoobiya ku qaaday degaanka Baargaal.
9. Idaacadaan afka Itoobiya ku hadasha ee Muqdisho
oo amaankeedu sugan yahay kuna dhextaal Villa-Somalia.
10. Cali Maxamed Geeddi oo aan ka argagixin
qarixii lala beegsaday.
11. C/laahi Yuusuf Axmed , Madaxweynaha Killinka
oo si fiican uga amar-qaadanaya saraakiisha Dowlada Federaalka Itoobiya iyo
Salaad Cali Jeele oo caqligiisa ku hadlaya.
12. Saraakiisha Itoobiya oo u
sheegay kuwa Uganda in ay isaga baxaan Killinka 6-aad maadaama lagu daray
Itoobiya.
13. Gudoomiyihii Gobolka
Puntland oo maalmahaan danbe la aamusaty canshuurtii dhexe ee Dowladda
Federaalka IToobiya iyo Qodobo kale oo fara badan
Wararka Ganacsigana waxaan diin ku haynaa:
Itoobiya oo dhaqaalaheedu kordhayo tan iyo markii
ay qabsatay Soomaaliyadii Hore ka dib markii ay heshay Dekado iyo Garoomo waa
weyn.
Dhinaca Ciyaaraha waxaan idiinku haynaa.
Itoobiya oo koobka Bariga iyo Bartamaha Qaarada
Afrika looga badiyey 10 iyo Nill, taas oo Tababaruhu ku eedeeyey kooxda
Itoobiya oo aan tababar ciyaareed qabin balse mid dagaal qabtay.
Dhinaca Suugaanta:
Hees ay ku luuqaynayaan fanaaniinta Qaranka Itoobiya oo loo qaaday markii la
saarayey calanka cusub ee Itoobiya iyo Killinka Lixaad ee ku soo biirtay.
Qormadii Abwaan
Maxamed Warsame Faarax
Afeef: Qoral kaygu kuma lid
ah jiritaanka DFKM ee Soomaaliya balse waxaan ka soo horjeedaa Dowlada
Itoobiya ee xoogga ku haysata dalka, waana in ay isaga baxdaa.
AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Waxaa soo tebiyey
Mohamud Omar Bile
mcbille@gmail.com
Faain: SomaliTalk.com | June 8, 2007
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo


|