Muqdisho xaalad ammaankado oo ka si
dareyso
Xaalada magaalada muqdisho ayaa bilihii u danbeeyey waxey aheyd
meel dhiig badan uu ku daato sababao kala duwan iyo iska hor imaadyo la isu
adeegsaday hubka noocyadiisa sida maadaafiicda goobta ,aaltiileriga ,qaaxyo ,
ismiidamin,hubka fudud ,baasuukayaal IWM intaa oo la siticmaalay ayaan hadane
fari ka qodneyn in ay dhamaadeen arimihii keenayey isku dhacyada dhiigu ku daato
,
Mudooyinkii ugu danbeeyey magaalada muqdisho ee caasimada u ah
dalka somaliya waxaa ka dhacay dilal ,afduubyo , iyo dhowr ismiidaamin oo loo
adegsaday askarta dowlada fadaraalka KMG smaliyeed, mas.uuliyiinta dowlada ku
jira madaxda dowlada iyo cidkasta oo loo maleeyo in ay lug ku leedahay dadaalka
loogu jiro nabad ku soo dabaalida gobolka banadir oo mudo 16 sanno ah ku so
jiray fowdo iyo qalaanqal siyaasadeed marka laga reebo mudo lixbilood ah oo ay
gacanta ku hayeen maamulka gobolka banadir midowgii maxaakiimta islaamka
somaliyeed oo iyagu wax badan ka bedelay jewigii nabadeed ee magaalada muqdisho
,
Hadaba markii uu dhamaaday dagaalkii uu dhiiga badani ku daatay
ee la isku adeegsaday hubka culcuus iyo diyaradaha dagaalka ee wadamada Ethiopia
iyo maraykanka ay
ka qeyb qadanayeen isla markaana garab siinayey dowlada fadaraalka KMG
somaliyeed oo codsi ka yimid ay dowlada Ethiopia ku timid gudaha dalka somaliya
kaas oo magaalada muqdisho ka dhigay gelgelin ee ciidamada iskaashanayey la
sheegay in ay ka xoogroonaadeen maxkamadii kooxihii kacdoonka waday waxaa
bilowday rabshado heerkoodu uu ma hooseeyo kuwii hore ee ahaa dagaalkii fol ka
foolka ahaa balse soo kordhiyey halis weyn oo xaga ammaanka ah ,
Iskasta oo maamumlka gobolka banadir uu sheegay in uu isbedel ku
sameynayo xaalada muqdisho ay gashay hadana waxaa dhaca dilal iyo qaraxyo
galaaftay nolosha mas.uuliyiin badan oo dowlada ah ,
Todobaadyo gudohood ayaa lagu dilay gudoomiye yaal degmo
mas.uuliyn xaga sirdonka ah ,waxaana iyane la si ugaarsasho loo dilay askar
badan oo ka tirsanaa ciidanka dowlada fadaraalka KMG somaliya
Waxaana hada xusul duub loogu jiraa qabsoomida shirka dib u
heshiisiinta midnimo qaran oo dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid waxaase kama
danbeys loo qabtay in uu dhaco bishaan gudaheeda
Ilaa iyo lix gudoomiyaal degmo ayaa ku dhacay dabino loo maleegay
kuwaas oo si gaado ah loo dilay meelo kala duwan kuwaas oo aan la aqoosan weli
cida ka danbeysa .dilalka mas,uuliyiinta ayaa waxaa hareer socdo qaraxyo
,mambaanooyin gacanta laga tuuro ,kuwo ismiidaanmin ah loona adegsado loo
adeegsado baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana lala beegsadaa
fadhiisimada madaxda dowlada iyo xeryaha ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeyaha
ah

Dhamaan falalka qareaxyada ah iyo dilalka qorsheysan ayaa
maamulka gobolka banadir waxey horey ugu eedeeyeen in ay ka danbeeyan odoyaasha
beelaha hawiye inkasta oo ay odoyaashu iska fogeeyeen arintaa in ay wax lug ah
ku leeyihiin eedeyntaasi oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka jirin belse odoyashu
ay canbaareynayaan wax kasta oo dhibaato ku ah shacabka somaliyeed ,
Marka la eego xaalda hada ku soo korortey magaalada muqdisho
waxey tahay mid si hoose u tilmaamaysa mashaqada ka taagan ciraaq oo maalin
kasta nafaf ay ku go.aan ,
Dadka indha indheeya arimaha dalka dagaaloadu ay aafeeyeen ee ku
yaala geeska Africa waa somaliyee waxey leeyihiin hadii muqdisho ay ku sii
socoto ammaandarada waxey hery u qaadaysaa dhabaha qulqulshada dhiiga badan ee
ay qaaday baqdad ,caasimada dalkii horey loo oron jiray ciraaq oo kale oo
calaamda u ah dilal ,weeraro ,iyo daraasiin ismiidaamin ah ,
Muqdisho hada waxey sii galaysaa wada baqdaad oo lawada ogyahay
xaaladeedu sida ay tahay manta isdulkune wuxuu ka noqday mid ay u kala horeeyaan
warbaahinta calaqmku sidii ay u sheegi lahaayeen maalin walbo qarase iyo dhiilo
coaadeed cusub oo halkaasi ka dhacday hadii aan la helin fikradaha isdiidan ee
somaliya
Safiirkii hore ee maraykan ayaa horey u sheegay in waxaa hada ka
taagan somaliya ay salka ku heyso defiraada ay dowladu ku heyso ragii
hogaaminayey midowgii maxaakiimta islkaamka somaliyeed kuwaas oo taageero
balaaran ka sameystay qeybaha shacabka somalida .defiraadaas ayaa ah dowlada oo
cadaysay in aysan wax wada xaajood ah la furaynin maamulkii maxaakiimta oo
dagaalka looga awood roonaaday
iyo madaxdii maxaakiimta oo sharuud ka dhigay in marka hore dalka laga saaro
ciidamada Ethiopia .
Jun 7, 2007
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo


|