Hanaanka Geeddi Socodka Waxbarasho ee SSC
(Hordhac)
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaha abuuray koonkan aynu ku noolnahay
cidkasta iyo wax kastaba (SW) suxbxaana watacaala sidoo kale Naxariis iyo nabad
gelyo nebigeenni suubanaa korkiisa ha ahaatoo (C.S.W), intaa ka bacdi, waxaan
danaynayaa in aan akhristayaal idiin soo gudbiyo faaladan oo aan door biday
inaan ku lafa guro hanaanka geedi socod waxbarasho ee SSC, iyadoo sida la
ogyahay waxbarashadu tahay furaha horumarka bulshada ee dhinacyada dhaqan
dhaqaale iyo bulsheedba waana farsamada ay ku kala tageen dhamaan shucuubta
adduun weynuhu waa xoogga is dhaafiyay oo wax weyn ka bedelay hab nololeedka
bulsho, sidoo kale aqoontu waa tiirarka furaha dhabada horumar jaan qaadka
bulsheed maadaama horumarku xidhan yahay dadka, waxa uu ku xidhan yahay dhaxalka
cilmiga ay leeyihiin. Diinteenna Xaniifka ahi waxay si weyn uga hadashay
ahmiyadda waxbarashada Rasuulkeenni Muxamad ahaa S.C.W wuxuu muslimiinta ugu
baaqay inay noqdaan umad ku horumarta waxbarashada Kitaabka Munazalka ah ee
Qur'aanka Kariimka ahna Alle waxa uu inoogu tilmaamay inaanay sinayn qofka
cilmiga leh iyo ka aan lahayn.
Afeef: Waxaa suurta gal in warbixintaydu noqon kari weydo mid aad u dhamaytiran
inta ka hadhsan waxaan uga leexan lahaa ciddii aqoon iyo aragti kale haysa ee
hawsha iiga furfuran, markaa waxaan danaynayn lahaa in wixii dhaliilo ah la
sheego ee ku jira mawduucayga.
Hadaan u gonda-dego dulucda maqaalkayga aan dib u yara jaleeco dhibaatooyinkii
waxbarasho ee deegaanka la soo deristay ka dib (1991), waxaa gebi ahaanba meel
bar bilow ah laga soo bilaabay saan-saanka waxbarasho, dadka deegaanka ayaa aad
ugu dadaalay dhidib u aasidda waxbarasho waxaa xusid mudan in schoolkii ugu
horreeyay ee la furay ka dib (1991) uu noqday Dugsiga H/Dhexe ee Alfurqaan
dugsigaasoo muddo badan soo dhex jibaaxay ceeryaamo badan balse alle mahaddii
samir iyo dulqaad kaga soo gudbay marxaladdii adkayd ee waqtiyadaa jiri jirtay,
ka dib waxaa iyana ku soo biiray dugsiyada kale ee Imamu Shafici H/Dhexe,
Golkhaatumo oo iyana qayb lixaad leh ka qaatay horumarka waxbarasho ee
deegaankan, ka dib waxaa si is daba joog ah ugu soo kordhayay deegaanka
dugsiyada h/dhexe iyo kuwa gaarka ee Private Schools ka loo yaqaanno.
Markay taariikhdu, ahayd (2000) dadaal dheer oo aad looga baaraan degay si qoto
dheerna loo falan qeeyay wada tashiyo badanna laga yeeshay ayna ka qayb qaateen
bulshada aqoonta u saaxiibka ah iyo dhamaan bulshada deegaanku waxy ku
guulaysteen inay dib u furaan Dugsigii sare ee Muse Yousuf Secondary School
Las-anod kaasoo wax weyn oo aad u balaadhan ka taray hanaan socodka hawl
waxbarasho ee ardayda iyadoo markaasi lagu bilaabay ardaydii ka soo baxday
Dugsiyada H/Dhexe ka dib waxaa soo batay iyana dugsiyada sare waxaana saaxadda
waxbarasho soo galay Dugsiga Sare ee Nugal Secondary School iyo Ileys Education
Service.
Markay taariikhdu ahayd, (2005) dadaal dheer iyo hawl aad u baaxad weyn ka dib
waxaa lagu guulaystay in albaabada loo furo ileyskii jaamacadeed ee deegaanka oo
aad loo hadal hayn jiray waxaana jaamacadda loo bixiyay Jaamacadda Nugal
University oo runtii dad badan oo waxbarashadii ka go'day ka sii bilaabeen
waxbarashadoodii, runtiina ay ku guulaysteen shucuubta dal iyo qurbe joogta
ahiba inay SSC ka mid noqoto Gobolada Waxbarashada jaamacadeed leh.
Waxaa xusid gaar ah mudan, waxbarashada oo iyana si balaadhan uga hana qaaday
deegaanada kale ee SSS sida Degmada Xuddun, iyo Degmada Buuhoodle oo iyana laga
furay Dugsiyo sare sidoo kale Widhwidh ayaana iyana dadaal iftiin waxbrasho ka
hilaacay iwm.
Geba-gebadii, waxaa ku soo geba-gebayn lahaa maqaalkayga maanta in heerka
waxbarasho ee deegaanku meel wanaagsan marayso loona baahan yahay in kor u
qaadid lagu sameeyo lana garab istaago dadka wada dadaalada firfircoonida leh ee
ku saabsan horumarka waxbarashada ee SSC.
Allaa Mahad Leh,
Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Sool
E-mail: subeyr1425@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku
saxiixan
Jun 7, 2007
Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad
tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo


|