S/land inaga Soomaalisan
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Dadweynaha reer S/land waxay walaalohood ula
tageen calankii ay inoo ka soo dhiciyeen gumaystaha oo ay ku dheehan tahay
walaalnimo, kalgacayl iyo kalsooni. Waxay dhulka ku mudeen tiirkii ugu horreeyay
ee Soomaali xor ah oo midaysan. Taas oo ah tillaabo taariikhi ah oo jiilasha
Soomaaliyeed ku qadarin doonaan walaalohood. Ma aysan dalban xoolo, madaxnimo
iyo dano kale oo gaar ah toonna. Wax kasta waxaa kala weynaa in ay ishoodu ku
qabawsato Soomaali weyn oo midnimo iyo madaxbannaani ku raaxaysanaysa. Reer
koonfur walaalohood say ugu liseen uguma hambayn oo waxay isku darsadeen:
caasimaddii, madaxweynihii, R/wasaarihii iyo R/baarlamaankii. Madaxdii iyo
bulshadii reer Soomaaliland kama ficil qaadan sad bursiga walaalohood kula
keceen, mana aha in ay garan waayeen qaybtan qalloocan ee danta guud ayay ka
hormariyeen tan gaarka ah, sandareertadaana wax ka weyn (midnimo iyo walaalnimo)
ayay doonayeen wayna heleen.
Dulmigii inta badan kursiga la isugu adeegsaday
intii dalku xorta ahaa ee lagula kacay bulshada Soomaaliyeed wuxuu keenay in ugu
dambayntii dadku dalbadaan in si cadaalad ah loo qaybsado talada iyo maamulka
dalka oo aan ninna xaqiisa qalin lagu duudsiin. Dadweynihii Soomaaliyeed ee
dalbaday in ay helaan xaqooda looma garaabin ee waxaa lagula kacay cadaadis iyo
cabburin. Intaa ka dib qaar ka mid ah qabaa’ilka waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa
midba mar isu taagay sidii uu xukunka uga tuuri lahaa xukuumaddii xilligaas
dhisnayd. Waxaa si is daba joog ah loo aasaasay ururadii SSDF, SNM, SPM, iyo USC
. Markii ay dhacday xukuumaddii Max’ed Siyaad Barre oo loo haystay in uu ahaa
ninka kaliya ee dadweynaha Soomaaliyeed dulmiga ku haya, bulshaduna u
diyaargarawday marxalad cusub oo talada iyo maamulka la soo dhex dhigi doono
dadweynaha, cid walbana ay xaqeeda si sahlan ku heli doonto ayaa Mudane Cali
Mahdi Max’ed iyo kooxdiisii Maanafaysto waxay ku dhawaaqeen maamul aanay talo ka
weydiin bulshaweyntii Soomaaliyeed ee dulmanayd. Maamulkaas mashaakilkii jirayna
ma xallin kuwa cusubna wuu keenay, arrintiisuna waxay noqotay: (kud ka guur oo
qanje u guur. Waxaa muuqatay in aysan reer koonfur garwaaqsanayn ilaa arrinta
lagu celiyo halkii ay joogtay 01/07/1960kii ka hor; sidaa darteed ururkii SNM
wuxuu qabtay shirweyne lagaga dhawaaqay dawlad madax banaan 18/05/1991kii.
Reer Soomaaliland miyay diidan yihiin midnimada Soomaaliyeed?
Xilligaas ka dib siyaasiyiinta reer koonfureed
waxay caado ka dhigteen in ay xukuumado ku sheegyo ay dhisteen ku daraan xubno u
dhashay beelaha dega S/land ama ay ugu baaqaan reer S/land in ay ka soo
qeybgalaan shirweyneyaal dib u heshiisiin iyagoon talada dhulka soo dhigin ee
ay iyaga guntiga ugu jirto. Waxay hal hays ka dhigteen Soomaali waa mid iyagoo
ficil ahaan u hortaagan say mid ku noqon lahayd. Mar walba waxay eedda dusha uga
tuurayeen reer S/land. Hadaba aynu is weydiinee miyuu ururkii SNM ku dhawaaqay
gooni isu taag intii uu dagaalamayey?, xukuumaddii Max’ed Siyaad markii ay
burburtayse miyuu horay kaga dhawaaqay goosasho?, mise waxaa tillaabadaan la
qaaday markii Maanafaysto ummaddii mar kale af duubtay?, kuwii ka dambeeyay ee
maamulada dhistayse ma ka garaabeen khaladaadkii ay ku keceen maanafaysto mise
wadadoodii ayay mareen?. Tan kale haddii aad walaalkaa ka sad bursatid oo uu
cadaalad dalabado ma midnimo iyo walaalnimo diidbaa?, dulmigaas raadka ka
dhashase ma isagaa ku eedaysan mise adiga xaqiisa duudsiyey?. Siyaasiyiinta iyo
aqoonyahanka reer S/land way ka wada dharagsan yihiin ahmiyadda ay midnimadu
inoo wada leedahay iyo in la marayo casri ay dunida ku tartamayaan isbahaysiyo
waaweyn oo aysan shucuubta taagta darani sii jiri karin ayna u noqonayaan
cadawgooda luqmad sahlan. (Si arrintaa aad loogu fahmo waxaan ku talin lahaa in
akhristayaashu si wacan u dhagaystaan muxaadaro cinwaankeedu yahay: Taariikhda
waxaa ku jira duruus iyo cibrooyin oo uu jeediyay Sh. Musdafa X. Ismaaciil).,
waxaase loo baahan yahay in aan midnimada laga dhigan wado lagu gaaro dano gaar
ah.
Goorma ayaa la ogaan karaa mawqifka dhabta ah
ee reer S/land?
Waxay ila tahay in la qaado tillaabooyinkaan si
aynu u ogaano xaqiiqda:
1.
Dadweynaha reer S/land halgan dheer ka dib waxay dhaliyeen xorriyad, waxayna
taageen calankii ugu horreeyay ee Soomaali yeelato gumaysigii ka dib, waxayna
mideeyeen Soomaali xor ah. Si mar kale Soomaali loo mideeyo waa in reer koonfur
keenaan dal xor ah oo ka madax banaan gumaysi.
2.
Reer S/land waxay walaalohood ugu tageen Muqdisho iyaga oo socda, waxayna u
bandhigeen midnimo aan wax shuruud ah ku xirnayn. Hadaba reer koonfur si ay u
sugaan in ay midnimadu iyaga daacad ka tahay ha tageen Hargeysa iyaga oo wada
midnimo aan shuruud ku xirnayn.
3.
Reer koonfur waxay isku darsadeen caasimadii, madaxweynihii, R/wasaarihii iyo
R/baarlamaankii. Reer S/land iyaga oo xorriyadda kaga horreeyay koonfur, isla
markaana aanay cidina dheerayn aqoon, khibrad maamul, karti iyo daacadnimo midna
ayay ugu dulqaateen walaalohood sad bursigaas muuqda iyaga oo eegaya qiimaha
midnimada iyo danta guud ee ummadda. Hadaba aynu walaaleheen reer S/land isugu
darno jagooyinkaas dhammaan oo haday wada qaataan aynu ugu dulqaadano, haddii ay
qaar inoo daayaanna aynu uga mahad celino.
Waxaan qabaa in reer S/land ilaa iyo hadda ina kaga horreeyaan Soomaalinimada.
Haddii aynu tillaabooyinkaan qaadno ayaynu walaaleheen reer S/land kula tartami
karnaa Soomaalinimada iyada oo waliba ninka wanaagga bilaaba uu ka mudan yahay
mar walba kan kaga dayda.
Ninka midnimadu la weyntahay ee daacadda ka ah waa
in uu u huro wax weyn, uuna uga tanaasulo darteed mawaaqif iyo masaalix uu
leeyahay. Ninkii doonaya in uu midnimada ummadda ku xiro jagooyin uu helo iyo
masaalix gaar ahna ma mudna in uu cid kale ku eedeeyo in ay danihiisa kala
shaqayn weyday.
Ugu dambayntii waxaan u soo jeedinayaa
aqoonyahanka Soomaaliyeed in arrimahaan si deggan oo xikmadi ku dheehantahay loo
darso iyada oo mar walba isha lagu hayo danta guud ee muslimiinta gaar ahaan
Soomaalida. Waxaan ka digayaa in dooda iyo ra’yi is weydaarsigu noqdaan muran
iyo kala fogayn. Tan kale waxaan u baahanahay in juhdiga iyo miskaxda aynu
galinayno arrintaan aan ka helno ajar isla markaana aynu ku xaqiijino wax
ummaddeenna adduun iyo aakhiroba wax tara.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku
saxiixan
Jun 7, 2007
Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad
tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri
Bannaanbaxii London iyo
sawiradii halkan ka daawo
|