SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: June 3, 2007

Booqashadii Dalxa ee Minnesota

Booqashadii Dalxa ee Xafiiska Duqa Magaalada Saint Paul, Minnesota

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Mohamed Cumar Dalxa ayaa waxa uu booqdey xafiiska Mayor-ka magaalada Saint Paul. Magaalada Saint Paul ayaa ah caasimada gobolka Minnesota sidaas daraadeed ayaa gudoomiyaha loogu doortey in uu la kulmo madaxda magaaladaas.

Kulankaas ayaa waxa soo qaban qaabiyey Somali Media, Abdimalik Askar oo isagu deganaa magaaladaas in kabadan dhowr sano kana mid ahaan jirey madaxda xisbiga Dimoqoraadiga ee magaalada Saint Paul (delegates).

Mayor-ka magaalada Saint Paul Chris Coleman ayaa waji furan ku sooo dhaweeyey Prof, Mohamed Cumar Dalxa kuna qaabiley xafiiskiisa. Xafladaas ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ururka Somali Women Civil War Survivors iyo Confederation Somali Community of Minnesota.

Xafladaas oo uu Prof, Mohamed Cumar Dalxa uga warbixiyey imaatinkiisa iyo in Dowlada Mareykanka ay sii kordhiyaan xiriirka ay lee yihiin labada wadan. Halkaas oo uu Mayor-kana uu siiyey warbixin kooban oo ku saabsan xaalada magaalada Saint Paul, mar walbana uu jecel yahay in uu soo dhaweeyo Soomaalida degan magaalada.

Gebogabedii ayaa Abdimalik Aksar u soo jeediyey talo Mayor-ka Chris Coleman oo uu ka codsadey in la sameeyo xiriir iskaashi labada magaalo ee Mogadishu iyo Saint Paul (Sister Cities) halkaas oo uu Mayor-ku la dhacay fikirkaas.

Booqashadii prof. Dalxa ee Aqalka Baarlamaanka Minnesota..

Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@htomail.com

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayey

Guddoomiyaha 1aad ee Baarlamanka DFKG Soomaliya Mudane Mohamed Cumar Dalxa ayaa lagu qabtay fiidnimadii jimcaha Xarunta Brian Coyle Center….

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka DFGS mudane Mohamed Cumar Dhalxa ayaa lagu qabtay fiidnimadii jimcaha oo ay bishu

Ahayd 06/01/07 saacaddu 6:00 pm .Xarunta (CSCM) ee Braincoyle center .xafladaasoo ay soo qabanqaabiyeen urur cusub oo la aasaasay

Markii la unkamay DFGS lana yiraahdo (Somali American United Council) iyo CSCM oo ah xarunta communitiga soomaaliyeed ee mpls

Gaar ahaan waxaa si hufan u daadihinayay Abdirisak Ahmed oo loo yaqan ducaysane iyo saeed faahiye .

Xafladaas waxaa ka soo qaybgalay dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan iyo marti sharaf ka kala socotay haydaha gobolkan mpls ,iyo dadweyne kala ah culumaaudiinka ,haweenka aradayda soomaaliyeed ee wax ka dhigata magaalooyinka mataanaha ah ee mpls iuo st. paul ,aqoonlayda hobolada wabari oo ay hogaaminayeen abwaanka weyn eek u can baxay suugaanta

Mohamed cabdulaahi sangub iyo saaado cali .

Waxaa halkaa hadaloo qiimo leh ka soo jeediyay Haawo kamaaludiin haji oo u hadlaysay ururka haweenka ee mpls Waxayna iyadoo u hambalyaysay gudoomiye ku xigeenka inay soo dhaweyaan iyadoo ku hadlaysa magaca ururka haweenka ee mpls .

Waxaa kaloo hadlay caasha abuukar oo ka timid Rochester oo ah magaalo u dhow mpls waxayna tidhi mudane dhalxa waxaanu ahayn isku iskuul si fiicana waan u aqaan waxaana ku dhaaranayaa inuu yahay nin soomaali dhab ah una qalma masuuliyadaan uu hadda u hayo shacabka soomaaliyeed sidaa darted mudane soo dhawoow .

Waxaa iyadana hadal aad qiiro u leh halkaa ka soo jeedshay faadumo

Hiirad oo can ku ahayd radio muqadisho kana mid ahayd hobollada waabari , faadumo waxay tidhi waxaanu rabnaa dowlad ma rabno qabiil waxay kaloo tidhi haweenka soomaaliyeed waxay naftooda iyo dahabkooda u hureen sidii ay u heli lahaayeen xoriyada xoriyaddii maray heleen oo ay calankii qaateen baa loogu jawaabay dil iyo dhac iyo kufsi dooni mayno bay tidhi dowlad la’aan .

Waxaa markaa heesoo aad qiiro leh ka soo jeediyay hobolada qaranka oo ay hogaaminayaa Mohamed cabdullaahi sangub iyo saado cali

Gabagabadii baa waxaa qaatay micrafoonkii suldaam ibrahim Aliyow ibrow si uu u soo dhaweeyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka mudane Mohamed cumar dhalxa wuxuunaa si aad ah uga mahadceliyay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyay wuxuuna balan qaaday inuu fulin doono waajibaad qaran ee la saaray .wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la helo nabadgalyo iyo kala danbayn si loo soo cesho qarankii soomaaliyeed ee burburay .

Maxamed Xuseen
info@somaliamericanmedia.org


Kulankii lagu ansixinayay sharciga saxaafadda oo lagu qabtay Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho

   

Kulan ay ka qeyb galeen wasaaradaha kala ah wasaarada warfaafinta, garsoorka iyo arrimaha diinta, arrimaha gudaha, amniga, bay’ada iyo madaxda saxaafada xorta ah ayaa lagu qabtay maanta Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo lagu ansixinayay laguna taageerayay sharcigii saxaafadda xorta ah oo dhowaan ay ansixiyeen golaha wasiirrada ayna hordhigtay wasaaradda warfaafinta iyo madaxda saxaafadda xorta ah ayaa waxaa ugu horreyn markii ugu horreysay loo soo bandhigay sharci saxaafadeed oo lagu hagayo qeybaha kala geddisan ee saxaafadda, kaasoo ka kooban 27 qodob.

Ugu horreyn waxaa halkaasi warbixin kooban ka soo jeediyay wasaaradda warfaafinta iyo guddi 11 xubnood ka koobnaa oo wax ka soo diyaariyay sharciga saxaafadda, dabadeedna waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka warfaafinta dowladda federalka Madoobe Nuunow Max’ed, wuxuuna sheegay in sharcigan ay wasaaradda warfaafinta iyo qeybaha kala duwan ee bahda saxaafadda ay ku howlanaayeen muddo isagoo sheegay inuu soo maray marxalado kala duwan intii wasaaraddu dhisneyd oo ay isku beddeleen seddax wasiir, wuxuuna sheegay in nasiib wanaag maanta sharciga saxaafadda oo dhameystiran la soo saaray lana ansixiyay, saxaafadduna ay tahay inay ku dhaqanto oo ay ilaaliso shuruucda lagu heshiiyay.

Saxaafaddu waa awoodda afraad ama xoogga afraad ee uu dal walba leeyahay, waxaana waajib ku ah saxaafadda inay ilaaliso waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka, una soo bandhigto shacabkeeda waxa qancin kara shacabka iyo dowladda.

Kulankan oo ay ka hadleen wasaaradaha sida tooska ah uu u saameeyo sharcigan ayna ka mid ahaayeen wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta, arrimaha gudaha, amniga iyo bay’adda ayaa waxay wasiiradii wasaaradahaasi sheegeen in loo baahan yahay inaan lagu xadgudbin sharciga saxaafadda lana dhowro anshaxa iyo meel marinta cahdigaasi, cid kasta ee sharcigaasi ku xadgudubtana uu sharciga soo qaban doono.

Kulankan oo ay dhinaca saxaafaddu kaga qeyb galeen idaacadaha madaxa bannaan, wargeysyada madaxa banaan, website-yo iyo ururo siyaasadeed oo maxalli ah ayaa waxaa si buuxda lagu ayiday inuu dhaqan galay sharcigan wixii ka billowda maanta, iyadoo saxaafadduna ballan qaad ku bixisay inay ku shaqeyn doonto.

Sharcigan oo ka kooban 27 qodob ayaa waxaa dhowaan ansixiyay golaha xukuumadda dowladda federalka, iyadoo muddo seddax biloodna uu ku jiri doono gacanta xukuumadda, dabadeedna la horgeyn doono baarlamaanka, markuu ansixiyana uu si rasmi ah u dhaqan geli doono..
 
Halkan Akhri Xeerka Qabyada ee Saxaafadda

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SosmaliTalk.com | June 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com