Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
DALSAN
(GABAY) - ku saabsan Dalka Soomaaliya
Gabaygani waa ammaan
ku saabsan Dalka
Soomaaliya waxaana
tiriyey:- Jibriil
Muxamed X. Saalax oo
deggan magaalada
London ee Dalka
Ingiriiska, Waxaa la
tiriyey markii ay
taariikhdu
ahayd:-10/05/06,
Magaciisana waxaa la
yidhaahdaa:-
(DALSAN) Wuxuuna
yidhi:-
· Dadku waxay
ammaanaan Dhul aan
Deeradu u hoyane
· Ay dood ka
jeedshaan intay meel
ku duubaane
· Ay daya
yidhaahdaan siday
Dalalsan haystaane
· Ducafada waxaa
lagu siraa dabaqyo
dhaadheere
· Dalka aynu
leenahay haddaan dib
uga faalloodo
· Ku dambaabi maayee
haddaan dhawr daliil
sheego
· Janno daadataa
lagu meteley
dawladdeenniiye
· Iyana duminney
doorkana mid kale
doonimaysaane
· Dalsanka iyo
Dooxaa ku badan aan
wax diidayne
· Kuro Daaqa Xoolaha
ku wacan Ay
dugsoonkii leh
· Webiyaal durdura
oo Badweyn darafka
wada geliya
· Oo Dalagga kii
lagu shubaa wada
dillaacaayo
· Oo Digirta iyo
Muuska qaar debedda
loo qaado
· Xeeb aan wax
diidayn Baddoo
daribi ay buuxdo
· Kalluun daadsan
labadeeda dacal
Doonyohoo foofa
· Dekedaha u dheer
qaaraddoo laba
docood eega
· Carro dihin hadduu
Dahab ku jirey uu
kuu duugoobey
· Dabjoogta iyo
Duurjoogta oo eebbe
ugu deeqay
· Duunyada shan nooc
oo ninkii doonaya u
foofta
· Oo Caano wada
dixanayaan Doog
markay noqoto
· Ay Daribta Subixii
la qalo daadiyaan
fiidka
· Dabatadiyo kii
Duunyo lihi way
duceeyaane
· Dullo buuxa nolol
debecsan aan cidina
kuu diidayn
· Aan Dooggu ka
idlaanin iyo Daaqa
Xooluhuba
· Dabayoodka baxay
Darayga iyo toban
dir oo Midha ah
· Yicibtoo dabool
weyn leh oo diirka
laga qaaday
· Xabag daambustoo
ay Dhirtii daadisoo
qubayso
· Dal aan Baraf ku
soo daadan iyo qabow
kaloo darani
· Misana aan Dabayl
badan lahayn oo
Guryaha dumisa
· Aan Daadna wax
halakeeya iyo
dacal-gariir jiidhin
· Aan Dayra-dhaaf
ba’an lahayn ama kul
lala duukho
· Oo Diirrimaad uun
ah oo debecsan oo
fiican
· Hu ma doonto Dayr
iyo Xagaa Guga
Diraac weynta
· Webiyada dushoodaa
ku filan oo la
daayimo’e
· Soo daawo mooyee
Dal aan hawlba kaa
doonayn
· Waa deeq ilaah
dhiibey oo aan dadku
ogeyne
· Daayimow allow ha
iga dumin Diinna
nagu toosi
· Dammanaanta
Soomaali waa loogu
dawgalaye
· Dareenkoodu waa
dila Tolkiin ama
Dubaaqeeye
· Deris kama
xishoodaan samana
diide oo nace’e
· Daayeerradaa
dhaama iyo qaar
Dugaagga ahe
· Dood kuma
heshiiyaan haddaan
loo dab-qaadayne
· Diintoodii laayace
intay Gaal ka
doorteene
· Culimaa la dabayaa
intay Doollar
siistaane
· Aan loo damqanayn
oo af xumo loogu
darayaaye
· Hadba dhaqan
dulloobaan maqlaa oo
dalkii yime
· Dadka qaar
afduubaba yimi oo
dillaallo ahe
· Doonyaha Badweyn
jooga bay qaar
dullaalaane
· Dabka waxay u
qaateenba waa dila
walaalkiine
· Kuwo derejadii loo
igmaday diidey oo
dhigaye
· Dumar iyo Carruur
baadhashay taas ka
doorteene
· Diihaalka jaan ay
qabaan waa mid aan
damine
· Waa kaa qaxootigu
daf yidhi dunida
qaarkeede
· Doonyuhu waxay
laba dhigaan Yaman
dusheediiye
· Dadkii laaye
Duunyana ma deyn ama
Dugaaggiiye
· Dacar bay u
qooshaan ninkay Diin
ka uriyaane
· Kuwo dude kuwona
dalow ka dhace diide
magaciiye
· Ma digtoona cadow
debed ka yimi dan
uma yeeshaane
· Nin damiir leh ama
Diin leh way dili
yaqaanniine
· Digtoorrada ma
daayaan si ay bal u
daweeyaane
· Dulmigay ku
bararaan sharkay
Dogobyo saaraane
· Dumarrada ma
dhaafaan hadday beel
ku duulaane
· Dirindiirihiyo Dad
iyo Bahal deeq alle
u simane
· Naf weliba wixii
loo dalbee Daayin
ugu deeqay
· Ee looxa ugu
duugan baan cidi u
diidayne
· Si xun oo wax loo
doono waa lagu
dulloobaaye
· Kugu diisey hadal
duluc leh oo daacad
loo yidhiye
· Daallimkay
codsiiyaan markay
doorashada tahaye
· Derejada waxaa
laga sugaa Duufley
Xabashida’e
· Digtoonaada
geerida intaan damag
lagaa siinnin
· Dalkeennii naga
maqnaa naga dafire
umana doodaane
· Dembi kama
xishoodaan hadday
daabacaaan hadale
· Dayniilaa tusaale
ah waxay been
daldalayaane
· Biibiisidaa laga
diraa Dumarku
haystaane
· Dano khaas ah baa
loo demmerey
degelladeenniiye
· Iyagaa isdilayoo
qabiil dooxay
Feedhaha’e
· Way kala direen
Ciidankii daafaca
ahaaye
· Dawladdiina ride
oo mid kale dooni
maayaane
· Dalagyada ma
beertaan shaqana uma
dareeraane
· Qaad bay daliigaan
intay waabo
deyrtaane
· Dubnaddaw shirtaga
hawlahay badi ku
daalaane
· Debedday u
qayshaan hadday
Dakharro geystaane
· Tilifoonnaday soo
diraan dalabka
Lacageede
· Kuwo Diin la
diriraaba yimi oo ka
sii darane
· Dibjir baa u
waayeel ah iyo
daallim Shaydaane
· Iyana waa Dundumo
soo duntoo Danab ku
dhacaye
· Waa Daar hawada
taagan oo debecdey
waa hore
· Daraawiish waxaa
lagu maqtalay Diin
ha sheegina’e
· Cumar Doolowdii uu
demmerey dib uga
sheekeeye
· Marka laga
danaystaa sidii
Dacas la tuuraaye
· Ama dabin la
geliyaa sidii Deero
ama Cawle
· Dulli weeye
Gaal-raac intuu
Dunidan joogaaye
· Cudurraa badh
diley Odayadii
Daaciyada dhibaye
· Daayimkaa awoodda
leh iyana waa
dariiqiiye
· Danni kuma
hadlaayee war baan
dunida moogayne.
La xiriir:
jidbaalea@hotmail.com
Afeef: Aragtida gabayga waxaa leh qoraaga ku
saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2007


|