DHAMBAAL
FURAN OO
KU SOCDA
MUCAARADKA
SOOMAALIDA.
Qore:CABDIRAXMAAN
CILMI
XAASHI
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
Bismillaahi
Alraxmaani
Alraxiim.
Mucaarad
waxaan
uga
jeedaa
dadka
kasoo
horjeeda
dawladda
ku-meelgaarka
soomaaliyeed(DKGS),rabana
inay
burburto.Waxaan
qabaa
inaad
qayb
muhiim
ah ka
tihiin
maaraynta
dhibaatada
dalkeenna,waajibna
idinka
saaran
yahay
sidii
dadka
soomaaliyeed
looga
saari
lahaa
dhibaatada
uu ku
jiro.Waxaan
kale oo
qabaa in
sida aad
wax ku
waddaani
qalloocan
tahay,wax
dan
ahina
aysan
dadka
iyo
dalka
midna
ugu
jirin.Inta
aanan u
gudbin
gunta
hadalka,waxaa
caddaaladdu
i
faraysaa
inaanan
isku
xoorin
mucaaradka
sidii ay
yihiin
hal koox
ah oo
isku u
jeeddo
ah.Guud
ahaan
mucaaradka
waxaa la
oran
karaa
waxay ka
kooban
yihiin
qaar aan
doonayn
in dalka
wax
dawlad
ahi ka
curato,iyo
kuwo
dawlad
raba
laakiin
aan
aqbalayn
midda
hadda
jirta.Qolada
hore
waxay
isugu
jiraan
kuwo
xoog ku
haysta
hanti
aysan
lahayn,kuwo
ganacsato
ah oo
waxay
doonaan
dhoofiya
waxay
doonaanna
soo
gesha
dalka
iyo
qolyo
bartay
sida loo
nuugo
hay,adaha
isku
sheega
inay
samafal
ka
shaqeeyaan.Xaaraan
ku
naaxyadani
waxay u
barteen
inay
jaqaan
dhiigga
dadka,mana
doonayaan
dawlad
la
xisaabtanta,wax
dan ahna
kama leh
dadka
intiisa
kale iyo
dalka
toona.
Qaarkood
waxay
isku
xiran
yihiin
dagaal-oogeyaal
ay la
wadaagaan
qabiil
ama
burcadnimada.Door
aad u
weyn
ayey ku
leeyihiin
qaska
dalka ka
jira,waxayna
had iyo
jeer
garab
istaagaan
ciddii
mucaarad
ku ah
dawlad
kastoo
la
dhiso,iyagoo
la
gashada
shaarka
ay
qabaan.Maalin
ayaa
dadka
soomaaliyeed
kuwaas
la
xisaabtami
doonaa
InshaAllah,tii
Ilaahna
meesheeda.
Qolada
labaad
oo
mucaaradnimadoodu
mabda,a
ku
dhisan
tahay,dhambaalkanina
ku
socdo,waxay
isugu
jiraan
kuwo
taageerayaal
u ah
maxkamadihii,kuwo
diidan
joogitaanka
ciidammada
Itoobiyaanka
oo
mabda,oodu
waddaninnimo
ku
salaysan
yahay
iyo
qolyo u
badan
aqoonyahanno
oo qaba
in dadka
dawladda
hoggaaminayaa
aysan u
qalmin
talada
dalka.
Dhammaantood,iyagoo
midba
mabda,iisa
ka
ambaqaadayo,waxay
isku
raacsan
yihiin
inaan
dawladdu
ahayn
mid
sharci
ah.
Sharcinnimada
Dawladda
Sharcinnimada
dawladeedi
waxay ku
timaadaa
doorasho
dadku si
toos ah
ama
dadban u
doorto
madaxdiisa.Sida
tooska
ahi waa
marka
qof
kasta ay
suuragal
u tahay
inuu
codkiisa
dhiibto
isagoo
xor
ah.Sida
aan
tooska
ahayni
waxay
noqon
kartaa
marka ay
dawladda
doortaan
dad talo
ka go,do
oo
wakiil u
ah
qaybaha
kala
duwan ee
bulshada.
Dadkaas
taladu
ka
go,do(Ahlul
xal wal
caqd)
waxay
noqon
karaan,
iyadoo
la
waafajinayo
hab-dhismeedka
bulsho,
hoggaamiyeyaal
dhaqan,siyaasadeed
ama
milateri.Hab-dhismeedka
bulsho
ee
soomaalidu
waa mid
ku
salaysan
qabiil,hoggaan
dhaqameedyada
ayaana
looga
dambeyn
jirey
ilaalinta
danta
qabiilka.Dagaalkii
sokeeye
ee
qarxay
1991-kii
waxaa
soo
baxay
hoggaamiyeyaal
cusub oo
dhinac u
riixay
hoggaamiye
dhaqameedyadii
hore,si
toos
ahna ula
wareegay
awooddii
qabiilka.Hoggaamiyeyaalkani
waxay
horboodayeen
kooxihii
hubaysnaa
ee
qabiillada.Awooddooda
ciidan
waxay ku
raadinayeen
awood
siyaasadeed,waayo
dagaalka
sokeeye
ayaa
ahaa mid
salka ku
haya
siyaasad.Shirarkii
siyaasadeed
ee
soomaalida
loo
qabtay
waxaa
lagu
casuumi
jiray
nimankan,iyagaana
goobjoog
u ahaa
qabiilkooda.Shirkii
ugu
dambeeyey
ee lagu
soo
dhisay
dawladda
kumeelgaarka
ah waxaa
lagu
casuumay
hoggaamiye
kooxeedyadii
hubeysnaa,mid
kastana
qabiilkiisu
raalli
ayuu ka
ahaa.In
kastoo
nimankani
masuul
ka
ahaayeen
burburkii
ballaarnaa
ee ku
dhacay
dalka,haddana
waxaa
hubaal
ah in
mid
kasta oo
iyaga ka
mid ah
qabiilkiisu
u
arkayey
halyey.Xubnihii
loo
magacaabay
Baarlamaanka
waxay u
badnaayeen
nimankan,madaxweynahana
ayagaa
doortay.Hadday
nimankani
idinla
xun
yihiin
waxaad
ogaataan
inay
yihiin
kuwaan
annagu
haddaan
soomaali
nahay
talada u
dhiibannay.Bal
soo
qaado
midka
aad ugu
neceb
tahay oo
iyaga ka
mid ah.
Waxaad
ogaanaysaa
in
qabiilkiisu
nin oday
ah u
arko!Waad
I
garatay
baan u
malaynayaa.
Haddaan
markii
hore
nimankan
dabajoogney
iyagoo
mid
kastaa
tuulo
ama
xaafad
madax u
yahay,maxaynnu
u raaci
weyney
markay
isu
yimaadeen
oo si
wadajir
ah
dawlad u
dhisteen?
Haddaysan
dawladdani
sharci
ahayn,ii
sheega
sida
dawladda
aad
sharcinnimadeeda
oggoshihiin
loo
hirgelin
karo,dhabtana
yeynnaan
ka
tegin.
Maxkamadaha
iyo
taageeryaashooda
Aad
baan
idiinku
riyaaqnay
markaad
Muqdisho
la
wareegteen
oo
magaaladani
muddo 16
sano
markii
ugu
horreysey
yeelatay
hal
maamul.Nabadgelyadii
aad soo
celiseenna
dadku
illoobi
maayo.Siday
aniga
ila
tahay
khaladkii
ugu
weynaa
waxaad
gasheen
markaad
Jowhar
dhaafteen.Anigu
qof
ahaan
markaas
baan
sacabka
joojiyey,rajadii
aad na
geliseenna
iga
baxday.Taasi
waxay
ahayd
fursaddii
ugu
weyneyd
ee
soomaali
soo
marta 16
sano.Bal
ka
warrama
haddaad
markaad
Muqdisho
qabateen
wafdi
ballaaran
u diri
lahaydeen
Baydhabo.
Dawladda
waxaad
ka heli
lahaydeen
shardi
kasta
ood ku
xirtaan.
Waxaan
weli la
yaabbanahay
sidaad
isu
waafajiseen
aqoonsigiinna
Dawladda
iyo
inaad
weerartaan,adinkoo
sheeganaya
xukun
Islaami
ah.Waa
xaaraan
in laga
horyimaado
dawlad
aad
aqoonsan
tahay,waanad
ogtihiin.Masuuliyad
weyn baa
idinka
saaran
soo
gelitaanka
ciidammada
shisheeye
ee
Itoobiya
ugu
horreyso,sababtana
waad
garanaysaan.Haddaba
khalad
waa la
galaa,laakiin
waa
doqonnimo
inaan
wax laga
baran.Weli
dad
badan
ayaa
idin
taageersan,dawladduna
xoog
badan oo
ay
wadahadallada
ku
diiddo
ma
laha.Waddadii
wadahadalku
waa
furan
tahay,waana
sida
keliya
ee dalka
looga
saari
karo
ciidammada
shisheeye,dibna
loogu
dhisi
karo.
Walaalayaalow
la gala
dawladda
wadahadal
aad kaga
dhammeyneysaan
inaad
dalka
tagtaan,ka
bilowdaan
dhaqdhaqaaq
siyaasadeed
oo aad
mustaqbalka
ku
asaastaan
xisbi
weyn oo
islaami
ah.Siiya
dawladda
fursad
ay
labada
sano ee
u hartay
ku
shaqeyso,adinkuna
ka
faa,iideysta
waqtigaas
oo soo
diyaariya
barnaamij
habaysan
oo aad
dalka ku
maamushaan.Markii
isugu
keen
dambeysey
waxbaa
isaga
kiin
dhexdaadsanaa,oo
wadaad
kasta oo
kitaab
gaab ahi
loox
isaga u
gooni ah
ayuu la
ordayey,saasna
dal
laguma
maamulo.Noo
soo
caddeeya,tusaale
ahaan
waxa aad
uga
jeeddaan
xukun
islaami
ah,mad-habta
aad
fiqhiga
ka
qaadaneysaan,iyo
sida aad
yeeli
doontaan
haddii
doorasho
dhacdo
oo aad
heshaan
25%
kuraasta
golaha
shacbiga.Sidee
u
maareyneysaan
ururrada
kala
duwan ee
dhammaantood
ku
abtirsada
“islaami”.Qorshe
cad baa
loo
baahan
yahay,dadkuna
waa
rabaa
wax diin
lihi
inay
maamulaan.Dawladda
dad
badan
baa
raacsan,dagaalka
hadda
socdana
dhiig
mooyee
wax kale
siyaadin
maayo.Qofka
dhimanaya
ama
dhaawacmaya,guriga
dumaya
iyo
dhulka
gubanayaa
waa
keenna.
Xaaladda
Afgaanistaan
iyo
Ciraaq
wax la
higsado
maaha.Ka
shidaal
qaata
xisbiga
AKP ee
hadda la
ku
guulaystay
47%
doorashooyinka
Turkiga,fiiriyana
intay
soo
dulqaateen
iyo
tanaasulaadka
ay
dhiibeen.Nacayb
iyo
aargoosi
qof uu
wadana
xal ma
gaaro.In
la isku
baaba,o
waxaa
dani ugu
jirtaa
cadowga
dadkeenna
iyo
dalkeenna.Iskana
jira
waxaa
badan
kuwo
iska
dhigaya
inay
idinla
socdaan,laakiin
ka
tirsan
qolyihii
aan kor
ku soo
tilmaamay.
Qolyihiinna
hadda ku
sasay
ciidanka
itoobiya
ee Xamar
soo
galay;waxaad
dambeysaan
16
sano!Lagasoo
bilaabo
1991kii
Itoobiyaanku
dalka
iyagaa
ka
talinayey,hub
isugu
keen
dhiibayey.Kaaraha
Itoobiyaanku
magaalooyin
badan oo
dalka ka
mid ah
ayuu
horay
usoo
galay
,xasuuqna
ka
sameeyey.Anigu
waxaan
qabaa
maanta
ayey
inoogu
dhawdahay
inaan
Itoobiya
ka
xorowno.Xal
kalena
anigu ma
arko in
dawladda
la
taageero
mooyee.
Shir
ayaa
lagu
baaqay
ka dhici
doona
Eriteriya,waxaana
isugu
imaanaya
mucaaradka.
Dadka
soomaaliyeed
wuu idin
eegayaa,talo
ayaana
la
idinka
sugayaa.Rabbi
waxaan
idiinka
rajeynayaa
kheyr,iyo
in
shirku
noqdo
mid
soomaaliyi
dib
isugu
timaaddo
oo
gacmaha
isku
qabsato.
WA
BILLAAHI
TAWFIIQ
Qore:CABDIRAXMAAN
CILMI
XAASHI
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no