SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 

Guusha AK Iyo Dooda Islaamka iyo Dimoqoraadiya:

CabdiRaxman Warsame
cabdirahman@hotmail.com

Xisbiga Cadaallada iyo Horumarinta ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AK ee wadanka Turkiya ayaa ku guulaystay in ka badan boqolkiiba afartan codadka doorashadii Turkiya ka dhacday. Hogaamiyaha xisbiga islamarkaana ah ra’iisuwasaaraha dalka Dhayib Ordogan wuxuu si kalsooni buuxda ah ku yiri hadii “xisbigaygu uu kaligiis isagoo taxaaluf u baahnayn doorashooyinka kusoo bixi waayo waan iscasilayaa

Waxay ahay kalsooni buuxda. Waxay ahayd fariin adag oo ku socotay Milateriga Turkiya oo isagu sheegta inuu ilaaliyo Calmaaniyadda Turkiya , weliba AK ka ilaalinaya. Guusha AK waxay dunida inteeda badan ka furtay dood wayn, taasoo maanta aqaladda cilmibaarista aduunka, bogaga saxaafadda iyo minbiradda dood cilmiyaadka haraysay, doodaasoo ah Dimoqoraadiyadda iyo Islaamku ma wada noolaan karaan.  

Dood wayn ayaa iyana ka taagan in AK uu xisbi Islaami ah yahay. Inta badan ururadda Islaamiyiinta ah uma haystaan in AK uu urur Islaami ah yahay, laakiin indheergaradka iyo hogaamiyayaasha reer galbeedka marna shaki ugama jiro in AK xisbi Islaami ah yahay. AK qudhiisa wuxuu ku doodaa inuusan Xisbi Islaami ah ahayn. Taana waxay ku diideen in Islaamku uu kala dhexeeyo bulshadda Turkiya sidaaas daraadeedna waxay sheegeen in aysan arrinkaa si gaar ah cidna uga xigsan karin. Laakiin doodooda si kale ayey u dhigeen oo waxay yiraahdeen “Waxaanu u taaganahay Qiyamka iyo Hidaha shacabka Turkiya”, waxay kaloo sheegaan in ay doonayaan Cadaalad, Horumar, Xoriyad, Nolol wanaagsan iyo dimoqoraadiyad.  

Xisbigan wuxuu meelsaaray oo uu go’aan ka gaaray dood ka dhex furan ururadda Islaamka taaso ah Islaamka iyo Dimoqoraadiyadda mawadda noolaan karaan. AK wuxuu ku qanacsanyahay in ay wada noolaan karaan. Waxay kaloo ka duulaayaan aragti in ay sameeyaan wixii ay kari karaan socodsiiyaana siyaasadii socon karta. Waxay si wayn ugu doodaan in kalitelisnimadda dunidda Islaamka haraysay ay Dimoqoraadiyadu ka wanaagsantahay Waxa sheegeen in ay doonayaan in Turkiya ay noqoto wadan Dimoqoraadi ah oo dadka rabitaankooda la tixgeliyo, dhaqaalaha dalka la kobciyo, xuquuqda dadka la ixtiraamo, hay’adaha dawladda lala xisaabtamo. Kolkii ay heerkaas soo gaarto cid walba ajandihiisa lasoo baxo kii diin doonayo iyo kii kalaba.   

Dinta iyo Dimoqoraadiyadda

Dooda la xariirta Islaamka iyo Dimoqoraadiyadda si wayn ayey maalmaha usoo xoogaysanaysaa. Laakiin si wayn ayaa loo kala fogyahay. Reer galbneedku hadii ay maqlaan Islaam ayaa la dabaqayaa waxaa markiibakusoo degdegaya oo sawirmiya Gacmaha la gurayo, Gabdhaha guryaha lagu xaraynayo, Shinoomooyinka la xirayo, Dad la karbaashayo. Marna kusoo dhici mayso horumar, xuquuqul insaan, dawlada lala xisaabtamayo, Sidoo kale ayaa Islaamiyiinta markii ay dimoqoraadiyad maqlaan waxaa markiiba usoo degdegaya rag isqaba (Qaniisyo) haween qaawan oo dharka dhigtay, dariiqyadoo la isku fuulfuulo, nolol iska ibaaxi ah oo aan wax xiro lahay. Marna kuma soo dhacayso. Xukun cadaalada ku dhisan, madax dadka kiraysteen oo markii ay doonaan  eryayaan hay’ado dawladeed oo isku dheelitiran oo isxisaabinaya, garsoor madax banaan. Xuquuqul insaan la dhowrayo. Saxaafad madaxbanaan, hay’ado u taagan dabagalka tayadda adeega guud (watch dogs) iwm. 

Kala war la’aantan waxay fogaysay xiriirka labada dhinac. Marna dood lagama furin wax ay labada dhinac wadaagi karaan, waxay ay kala faa’iidi karaan iyo sida ay u wada shaqayn karaan. Balse waxay labadda dhinacba xooga saareen waxyaabaha ay isku diidanyihiin inta xooga la saari lahaa waxyaabaha la isku raacsanyahay.  Waxaan shaki ku jirin in Islaamka iyo Dimoqoraadiyadu ay wax badan wadaagaan, waa hadii loo garto in Dimoqoraadiyadu aysan Diin ahayn ee nidaam xukun oo umadda lagu kala hago uu yahay.  Sidoo kale hadii Shareecadda loo garto in aysan ahayn qodobo ciqaab ah oo keli ah ee ay tahay wado nolol iyo horumar horseedaysa.  

Nuxurka Shareecadda Islaamka waa cadaaladd waxa loosoo dejiyayna waa maslaxadda umadda. Sidaas daraadeed ayaa culimadda Islaamku yiraahdeen “ Wixiii ay Maslaxadu ku jirto ayaa Shareeca Ah” Quraanku wuxuu si cad ayuu qeexay in sababta diinta loo soo dejiyey ay tahay in cadaalad la helo. Suuradda Al-xadiid 57 ayaadeeda 25aad ayuu Ilaaheey leeyahay “ Waxaan lasoo dirnay rususheena xujooyin cad waxaana lasoo dirnay Kutaab iyo Miisaan si dadku ay cadaaladda ugu sitaagaan”. Ayaaddani waxay si cad u qeexaysaa in waxa Rususha loo soo diray kutubtana loo soo dejiye ay tahay in cadaaladda la helo. Islaamku ama Shareecaduu iskuma shidaynin in ay xadido sida cadaalad lagu heli karo, laakiin waxay u jeexday mabaadi’ guud iyadoo tafaasiisha iyo qaabka lagu xaqiijinayo cadaaladda u daysay waqtiga iyo duruufta nolosha.  

Tusaale ahaan diintu waxay mabda’ guud ahaaneed u sheegtay Wadatashi ama Shuuro, laakiin marna ma xadidin qaabka shuuradu lagu xaqiijinyo, sababtuna waxay tahay in dadka loo daayay in ay iyagu la yimadaan wadada ugu haboo ee arrinkaas lagu xaqiijin karo. Ibnu qayin Al- jawziyad ayaa kitaabkiisa Iclaamu Muwaqiciin isagoo arrinkaas ka hadlaya wuxuu yiri 

“ Shareecadda  Asaaskeedu wuxuu ku dhisanyahay Danta dadka aduun iyo aakhiraba, waa cadaalad dhamaanteed, waa naxariis, waa maslaxad, waa xikmad, masalad kasta oo cadaaladda, naxariista, maslaxadda iyo xikmadda ka baxsan shareecadda kuma jirto waloow shareecadaba haloo nisbeeyee”. Isagoo sheekhu ka hadlaya in tabaha cadaallada lagu xaqiijinayo aysan koobany oo aysan wado keli ah ku xadidnayn ayuu yiri 

“ Ilaaheey wuxuu rusushiisa u soo diray kitaabadiisana usoo dejiyey in ay dadku cadaalada u qumaan, waa cadaaladda ay samadu iyo arladu ku taaganyihiin, hadaba hadii calaamadda xaqnimo kasoo muuqato, daliisha caqligana ay ku qunto waagiisana uu dariiqii uu doono uu kusoo baryo waa sharciga ilaaheey diintiisa , raali ahaanshihiisa iyo amarkiisa, Ilaaheey wadooyinka cadliga iyo calaamooyink xaqa iyo daliilkiisa hal wado kuma soo koobin, balse wuxuu ku cadeeyey sharcigiisa  in ujeedkiisu uu yahay oogista xaqa iyo cadaaladda iyo in dadku cadaaladda u qumaan, wado kasta oo xaqa lagula soo baxayo cadligana lagu gaarayo waxaa waajib ah in la qaado, wadooyinku iyo asbaabaha  iyagu laf ahaantoodu hadaf maahan laakiin muraadku waa ujeedada iyo qasadka”. 

Sheeku wuxuu kaloo isla kitaabkiisa kusoo arooriyey dood dhexmaetay Abii Wafaa Ibnu Caqiil iyo culimo kale kuwaaso ka dooday Siyaasadda. Wuxuu sheeku soo minguuriyey jawaab uu Ibnu caqiil ka bixiyey sheekh yiri “ Siyaasad ma ahan wixii aan sharciga waafaqsanayn” Ibnu caqiil ayaa isagoo arrinkaas ka jawaabaya wuxuu yiri “ Siyaasadu waa wixii ficil ah dadka wanaag u horseedaya xumaana ka fogaynaya xitaa hadii uusan Rasuulku sharciyeynin waxyina kasoo deign” Wuxuu Ibnu caqiil ku dooday in aysan muhiim ahayn in wax kastoo siyaasad ah diinta laga helo, ee waxa muhiimka ah in tahay in aysan diinta khilaafin. 

Hadaba sida aan hadalka culimadda ka dhedhensanayno waa in nuxurka shareecadu iyo sababta ugu muhiimsan ee loosoo dejiyey ay tahay in cadaalad la helo, wixii danta umadda ku jirtana ay shareecadu tahay, waxaase su’aal ka tagaantahay sidee cadaalad lagu xajiiqin karaa, yaase xadidaya danta umadda waxa ay tahay? Waxaa sidoo kale u baahan dood maadaama ujeedka iyo maqsadka uu cadaalad yahay dariiqooyinkii lagu gaari lahaan ijtihaadka iyo dadaalka dadka loo daayey ma dhici kartaa in umadaha kale khibradooda aan kasoo amaahano, mise wax kasta waxay ku jiraan kutabada oo waxaa go’aan ka gaaraya culimadda. 

Tusaale ahaan sida doorashadda loo sameeyo, sida loo xadeeyo loolanna xisaabtamo hay’adaha dawladda, sida ay uwada shaqaynayaan iyaga qudhoodda, sida maamulka iyo maaraynta loo jideeyo, sida maalka iyo dhaqaalaha loo maamulo, sida horumarka, tacliinta, cilmibaarista loo qaabaadhigo, sida tayadda iyo waxqabadka adeega guud loo koontaroolo, sida ciidanka , booliska, taraafikadda loo agaasimo, sida canshuurta, zakadda, samafalka loo maareeyo, sida  kaabayaasha dhaqaalaha loo taago, sida maalgashiga iyo xiriirka dawliga loo maamulo, diblomaasiyadda iyo danaha isku dhexmilgan ee dunidda loo kala furdaamiyo, sida,,, sida,, sida waxaasoo dhan ma uga baahnahay umadda kale hadii jawaabtu haa tahay sideen ku heli karnaa.  

Hadii aan qirsanahay xadaaraddu in tahay meerto hadba meel taagan, Rasuulkeenna suubana (CSW) uu yiri “Xikmaddu waa baadidda ruuxa muslimka ah meeshuu ka helana isaga ayaa u xaq leh” hadii uu Abuu hurayra ku yiri markii isagoo waardiye ka ah saad raashineed ee ay muslimiintu lahaayeen ayuu ku qabtay nin xadaya kolkaasuu ugu calaacalay inuu ilmo masaakiin ah kasoo tegey uu ilaaheey dartiisna ku daayo, mar labaad markii uu qabtay ayuu sidiiyoo kale ku yiri, mar sedexaadkii uu ku yiri waxaan ku barayaa wax wanaagsan ee isii daa markaasuu ku yiri markaad seexanayso Aayad Kursiga ha Iloobin. Abuu hurayra sida xadiiska oo saxiix ah uu sheegayo dhacdadii ayuu rasuulka u sheegay markaasuu ku yiri Ibliis ayuu ahaa “ Run ayuu kuu sheegay waase beenloow” Waa aduun kaaga baahan sidii aan ula xaali lahayd  beenloow run sheegaya. Nuxurka doodani waxay tahay in AK iyagoo ka duulaya arrinkan ay aduunkii madaxa iyo majaha isugu dhufteen oo ay ku doodeen ay doonayaan in ay cayaarta wax ka ciyaaraan.  

Muslimiinta iyo La Macaamilka Reer Galbeedka 

Muslimiintu waxay reer galbeed la macaamilkiisa ka istaageen labo mawqif. Mawqifka hore waa mid diidmo buuxda ah kasoo oranaya waa cadaw, waa shar iyo fasaad wax ay hayaan wax aan uga baahananahayna ma jiraan ee amaan aan isi siino. Qolyaha sidaa leh waxay ogolyihiin in waxa keli ah ee ay ka qaadan karaan reer galbeedka in ay tahay sayniska iyo tiknoolajiyadda. Kooxdan waxaa horseed u ah Islaamiyiinta kooxahooda kala duwan, waloow ay xoogaa kala dabacsanyihiin. 

Kooxda kale waa koox leh hadaan reer galbeed arday loo noqon oo aan si aan kala go’ lahayn khayrkiisa iyo sharkiisa loo qaadan waxba inoo hagaagi mayaan, kooxdan waxaa horseed ka ah dadka ku qanacsan in sida keli ah ee horumar lagu gaari karo ay tahay in diinta iyo siyaasadda iyo nolosha la kala saaro waxaa horseed u ah waxa loogu yeero cilmaaniyiinta. Kooxdan danbe dhibka haysta waa in nidaamyadda calmaaniyadda ku dhisan ee dunida Carabta iyo Islaamka maanta ka jiraahi ay yihiin kuwo, kali talis, xoriyad xayuubis iyo dib u dhac ku sifoobay. Waxaa kooxda caqabad iyo xujo ku ah ficilka saaxibadooda xukunka jooga oo Islaamiyiintu waxay ku doodayaan hadii Cilmaaniyad wax tarayso kuwan ayaa ku bulaali lahaa ee inaga ayaa cadaalad iyo horumar hayn, xalkana Islaamka ayuu ku jiraa. Laakiin Islaamiyiintu waxaysan marna soo badhigin oo lagu haystaa marka laga gudbo hal ku dhigga ah in Islaamku xalyahay qaabka uu xal u yahay. Maxay tahay jawaabaha ay Islaamiyiintu u hayaan mushkiladaha xididaystay ee dunida Muslimka ka jira, mise woxoodu theory iyi nadariyaad ma dhaafsiisanna.  

Waxaan shaki ku jirin in reer galbeedku aysan hal midab ahayn, waxaan kaloo shaki ku jirin in nidaamka cadaaladeed ee gudaha wadamadooda ka jiraahi uu maanta yahay kan ugu sareeya dunida guudkeedda, laakiin sida ay ula dhaqmaan dunida ay tabar iyo taagta dhamaan waa mid si wayn uga duwan nidaamka gudahooda ka jira. Gudahoodu waa cadaalad, xurmaynta xuquuqda insaanka, ilaalinta sareynta sharciga, laakiin marka ay dadka kale gaar ahaan dunida islaamka iyo carabta la dhaqmayaan waa mid cadaalad ka aradan, xurmayn xuquuqda insaanka ka qaawan sharci iyo sareyntiisa ka irdhaysan. Hadii  arrinku sidaas yahay Muslimiinta waxaa laga rabaa in ay iyana labo weji ku waajahaan labadda weji ee galbeedka, weji in laga dhuxul qaato sida nidaamka gudahooda u shaqeeyo looganna xerysto khibradda ay dhinacaas ka gaareen , wejiga kale waa in la iska caabiyo dulmiga iyo dadnimadda xumadda wejigooda kale oo dulaysiga iyo darxumaynta ku dhisan.

CabdiRaxman Warsame
cabdirahman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com