Weeraro Bambaano Oo
Habeenkii isniinta Lala
Beegsaday Fariisimo
Ciidamada Dowlada KMG
Iyo Kuwa Ethiopia
yaasiin maxamed cali
(faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Weeraradan bambaano
ayaa habeenkii isniinta
mar kale lagu qaaday
fariisimo ay leeyihiin
Ciidamada Dowladda KMG
iyo kuwa Ethiopia ay ku
leeyihiin Magaalada
Muqdisho.
Weeraradan oo ahaa
kuwo qorsheysan ayaa
gaystay dhibaato baaxad
leh islamrkaana la
sheegay inay ka
bilowdeen jidka dheer ee
Wadnaha oo ay ku sugan
yihiin Ciidamada
Dowladda KMG gaar ahaan
fariisin ku yaala
isgoyska howl-wadaag iyo
isgoyska kale ee aadan
cadde ,iyadoo la sheegay
inay wax yeelo u
gaysteen ciidamada
dowlada KMG ah ee
halkaasi saldhiga u
ahayd.
Goob jooge halkaas ka
ag dhowaa ayaa saxaafada
u sheegay inay
indhahoodu qabanayeen
dhaawacyo laga qaadayo
kadib markii ay
joogasadeen
israsaasaynta u
dhaxaysay ciidamada
dowlada KMG ah iyo
weliba kooxaha kasoo hor
jeeda Iska hor imaadkan
oo loo adeegsaday hubka
cul-culus, gaar ahaan
Baasuukayaasha iyo
Hoobiyaha ayaa saameeyey
meelo kamid yihiin
xarunta madaxtooyada ee
villa soomaaliya waloow
aan si dhab ah loo agayn
dhibaatada dhaawac ama
dhimasho ee halkaas ka
dhalatay.
Weerarada isdba jooga
ah ee badanaaba lala
beegsado fariisimada
ciidamada dowlada iyo
Kuwa Ethiopia ayaa dhaca
waqtiyada habeenkii
kaasoo aan u suurta
gelin warbaahinta inay
ogaadaan qasaaraha
nafeed ee halkaas soo
gaara .
Beesha harti Waamo
Oo Dhisatay Gudiga
Xaalada Deg -dega ah .
Kulan looga wada
hadlayo xaalada
siyaasadeed ee dalku
marayo ayaa maanta ka
dhacday hotel marindium
ee magaalada kismaanyo .
kulankan oo ay wada
yeesheen beelaha harti
waamod ayaa waxay kaga
dhawaaqeen gudi ay ku
magacaabeen gudida
xaalada deg-dega ah
iyadoo sida ay sheegeena
ay Gudigan waxaa loo
aas,aassay waxqabadka
iyo ka saarista xaalada
qalafsan ee uu ku sugan
yahay Hartiga degan
degaaka Jubada Hoose
waxayna kala yihiin
sidan hoos ku qoran .
Magac Masuuliyada uu
hayo Tel:
- C/laahi Bile
Siciid Gudoomiye
002521-5527276
- Garaad Cali
Axmed Gudoomiye K/x
1aad 002521-5591322
- Cabdi Cismaan
Bare Gudoomiye K/x
2aad 002521-5877034
- Dr Jaamac Cumar
Nuux Xoghayn
002521-5877473
- Dr C/ladiif
Axmed Nuur Xoghayn
2aad 002521-5856294
- Yuusuf Haybe
Abokor Xubin
002521-5862089
- Maxamed saciid
Xubin No tell
- Xaaji Ibraahim X
Jaamac Xubin
002521-5888292
- C/laahi Jaamac
Barre Xubin
002521-459090
- C/bashi Axmed
Cali Gaban Xubin
002521-5598668
- C/laahi Sahal
Maxamed Xubin
002521-5522411
- Jaamac Maxamed
Muuse Xubin
002521-5856257
Dhamaan ragaas oo ah
rag isugu jira aqoon
yahano culimo awdiin iyo
odayaasha dhaqanka ,
ganacsatada iyo
dhalinyarada IWM.
yaasiin maxamed cali
(faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Ururka SPLU oo
Waraaq Furan u direy
Madaxweynaha
,Ra’iislawasaaraha DFKMG
Ururkan oo ay iska
leeyihiin dadka ku
abtirsada degmada
Baraawe iyo deegaanada
la xiriira ayaa waraaq
furan oo ashkato ah u
kala diray masuuliyiinta
xukuumadda
kumeelgaarka,gaar ahaan
Madaxweynaha iyo
Wasiirka Koowaad.
Waraaqda ayaa ka
hadleysa xasuuq ay
geysteen Ciidmada ka
amar qaata C/llaahi
Xalane Dhuxuloow,oo
maalinimada khamiiista
ahayd xasuuqey ciidmo ka
tirsan Militeriga
gobolka shabeellada
hoose ka howlgala,kuwaas
oo ka tirsanaa dadka ka
soo jeeda degmada
Baraawe oo u socdey inay
xaasaskooda iyo
reerahooda soo booqdaan
iyo dad shacab ah oo la
saaranaa gaariga ay
wateen.
Sida ku cad waraaqda
ayaa markii ay ciidmadu
u sii socdeeen degmada
lagu wargeliyey
Dhuxuloow,oo muddo dheer
degmadaas gacanta ku
hayey haatanna lagu
darey maamulka degmada
Baraawe,ayaa
ciiidmadiisu si ulakac
ah u xasuuqeen
ciidamadii iyo shacabkii
la saaranaa
gaariga,halkaas oo ay ku
dhinteen 5 rtuux oo 4 ka
mid ah ay ahaayeen
ciidmada Fasaxa ahaa oo
guryahooda u socdey.
Masuulka u hadlaya
Ururka SPLU ayaa
xukuumadda,ka dalbadey
inay caddeyso waxa
dadkaas loo xasuuqey
ilaa iyo hadda aysan ka
hadllin Maamulka Gobolka
Shabeelada
Hoose,Saraakiisha
Ciidamada Guutada 9aad
ee ay ciidmada la
xasuuqey ka tirsnmaayeen
iyo xukuumadda
kumeelgaarka intaba .
Sidoo kale waraaqda
ayaa lagu xusey in dadka
shacabka Gobolka
shabeellada Hoose mudada
dheer gaboodfalka xun u
geystey ay haatanna
abaalmarin uga dhigeen
inay ku soo darto
maamulka sharciga ee
gobolka shabeellada
hoose,waxayna dalbadeen
inay xukuumadda caddeyso
mowqifka ay arrintaas ka
qabto.
Sidoo
kale waxay ku
dalbanaayeen in magdhow
laga bixiyo dadkii la
xasuuqey iyo kuwa
dhaawcu soo gaarey oo
ciidan iyo dad rayid ah
iskugu
jira,masuuliyiinta
ururukan ayaa sheegey
inay aad uga xun yihiin
dhibaatada soo gaartey
dadka deegaanka Baraawe
oo iskugu jirta shacab
iyo Rayid .
Dhinaca kale waxaa
xasuuqa dadkaas si
jeejsjes ah uga hadley
ninka abbaanduulaha
Ciidan u ahaan jirey
Maamulka
Indhacadde,haatan ah
Taliye ku xigeenka
Booliiska Gobolka
Nuuriye Cali Faarxa ayaa
sheegey in Ciidamo
Militeri ah ay soo
weerareen Ciidmao uu ku
sheegey Booliska,hase
yeehee ka tirsan
malleeshiyaadka
Beeshiisa ee Mudada
dheer si xoog ah ku
maamulaayey Gobolka
shabelada Hoose,taasna
ururka SPLU waxay ku
sheegeen gef labaad oo
uu ku kacey,warkaasna uu
yahay mid jees-jees oo
uu geystrey dadkii ay
ciidmadiisu xasuuqeen.
Waraaqdda uu ururka
SPLU u direy
masuuliyiinta DFKMG ayaa
s u qoran sidan,ka firri
lifaqa.
yaasiin maxamed cali
(faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Suuqa Bakaaraha Oo
Isniintii Furnaa Oo
Markale Qarax Xoogani
Gil-giley
Qarax gil-giley qayb
kamida caasimada ayaa
galabta [isniitii] ka
dhacay suuqa weyn ee
bakaaraha ee caasimada
muqdisho .
Qaraxan oo ahaa sida
ay xaqiijiyeen goob
joogayaal ku sugnaa m
eel ku dhow goobtaas
ayaa ahaa bam gameedka
loo adeegsado gaanta oo
lala beegsaday askar
boolis ah oo ka tirsan
ciidamada dowlada KMG ah
Qaraxa kadib ayaa
waxaa goobta isku
gadaamay ciidamada
booliska dowlada KMG ah
islamrkaana baaritaano
ka bilaabay ,iyadoo gebi
ahaanba ay dadkii
goobtaas ku ganacsanayey
ay ka kala carareen
,lamana sheegin wax
khasaare ah oo qaraxani
gaystay .
Qaraxan ayaa ah kii
ugu horeeyey ee maanta
ka dhaca suuqa ganacsiga
ee bakaaraha oo beryahan
ahaa meel ay hareeyeen
fowdo ka dhalata qaraxyo
iyo dillal ,lala
beegsado ciidamada
dowlada KMG ah
,islamrkaana uu xirnaa
mudo ka badan labo
todobaad ,iyadoo
maalinkii shalay ahaana
dib u furmay ,kadib
markii ay kulmeen gudiga
ganacsatada gobolka
banaadir ,gudiga amniga
qaranka ,maamulka
gobolka banaadir iyo
weliba raysal wasaare
geedi islamrkaana laysku
afgartay in dib loo furo
suuqaas .
Maaha markii ugu
horaysay ee qarax noocan
oo kale ah ka dhaco
suuqa iyadoo maalinkii
shalay ahaydna uu qarax
lala beegsaday Ciidamo
ka tirsan kuwa booliska
dowlada KMG ah oo ku
sugnaa xiligaas isgoyska
baar ubax oo aan sidaasi
uga dheerayn suuqa
bakaaraha islamrkaana ay
rasaas ay u fureen
afarta gees islamrkaana
ay ku qudh baxeen afar
qof oo rayid ah .
Harar oo lagu qabtey
Xuska 1000 Sanadguuradii
kasoo wareegtey markii
la aas aasey
Magaaladaasi.
Magaalada Harar oo ah
magaalo soo jireen ah oo
taariikhi ah ayaa waxaa
maalintii arbacadii ee
asbuucii aynu soo
dhaafney lagu qabtey
xusas kala duwan oo lagu
xusayo kun sanad guuradi
kasoo wareegtey markii
la yegleeley
magaaladaasi.
Xuskan lagu xusayay kun
sanad guuradii kasoo
wareegtey markii la aas
aasey magaaladaasi ayaa
waxaa lagu qabtey sida
uu ii sheegtey suxufi
madax banaan uu ku sugan
magaaladaasi xurunta
dhaqanka ee magaalada
harar.
Hase ahaatee xuskan ka
dhacey xarunta dhaqanka
ee harar ayaa waxaa lagu
soo bandhigey aroos
wadareed cajiib ah
waxaana la iskugu
guuriyay 40 qoys oo
arooskoodu ka dhacey
sida la sheegey hal meel
ah waxaana lagu xusayay
kun sanad guuradii kasoo
wareegtey markii la aas
aasey magaalada harar oo
ka tirsan xukuumada
itoobiya.
Isku soo wada duuboo
aroos wadareedkan ayaa
waxa uu dhacey hal
habeen waxa uuna ka
dhacey xurunta dhaqanka
ee magaalada harar sida
uu ii sheegeyna suxufi
ku sugan magaaladaasi
waxaa kasoo qeyb galay
dadweyne aad u fara
badan oo ka kala yimid
dalal dhowr ah oo ay ka
mid yihiin dalka sweden,
Talyaaniga, iyo dalka
UK.