SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Waa maxay "Webi"..?!!, Sidee ayuuse u yaallaa..?!!!

kaalmoyWQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email: kalmoi@hotmail.com


Sannad-dugsiyeedkii 1997/1998-kii ayaa waxaa aan ka shaqaynayay oo "Bare" ka ahaa dugsi ka mid ah dugsiyada degmooyinka Gobolka "Al-jowf " ee dalka Yemen. Gobolkaas oo ku yaalla xuduudda Yemen ay la leedahay dalka Sacuudiga; dadkiisuna badanaaba ay yihiin Qabaa'il reer-Baadiye ah oo Xoolaley iyo Beeraley isku-dhafan ah.

     Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo goor casar-gaabad ah fadhiya hoos-galbeedka aqalkii aan degmada ka degganaa, dhabtana ku heysta "Radio", oo ka dhegeysanaya warkii oo ka socday Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa waxaa i soo ag-fariistay Oday reer-Baadiye ah , oo aannu meesha deris ku ahayn; da'diisuna ahayd markaas qiyaastii dhowr iyo toddobaatan jir.

     Markii Odaygu uu cabbaar i ag-fadhiyay, arkayna inaan dhegeysigii dhammeeyay, oo demiyay Raadiyihii, ayuu  igu yiri:-   " Ustaad, maxaad ka dhegeysaneysay Raadiyaha..?. Waxaan u sheegay inaan ka dhegeysanayay wararkii ugu dambeeyay ee " Somalia". Wuxuu igu yiri:-" Hadda xaaladda dalkiinna Soomaaliya waa sidee ? Dagaalladii sokeeye ee xaggiinna laga sheeg-sheegayayse xaggee ayay marayaan ?!!.  Waxaan Odayga reer-baadiyaha ah siiyay jawaab waafaqsan Su'aashiisa, oo uu isaguna qaadi karayo, oo uusan fahamkeedu ku cuslayn.

     Wuxuu haddana i weydiiyay Su'aal la xiriirta; Sida iyo Waxa ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin, iyo wixii Hanti ah ee ay Soomaalidu leeyihiin ..? Waxaan u bilaabay Odaygii, inaan si kooban wax uga taataabto nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.  Waxaan soo hadal-qaaday, inay  Soomaaliya tahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer Qaaradda Afrika; Xoolo la dhaqdo, Ugaar( duur-joog ) aan xad lahaynna leedahay; Dhul-beereed carra-san ah oo ballaaranna uu dalku leeyahay; kuwaas oo aad uga badan Soomaalida, marka loo eego tiradooda.  Waxaan kaloo xusay inuu jiro khayraadka dhulka hoostiisa jiifa oo dihin, welina ayan dadka Soomaaliyeed la soo bixin.

     Wuxuu Odaygu i yiri:-" Ma annaga oo kale ayaad Beeraha ku waraabsataan Ceelal ? Mase roobabka xilliyada ayaad la beegsataan ?. Waxaan u sheegay, walow ay jiraan  beero-roobaad, haddana inuu dalku leeyahay laba "Webi", oo ay Beeralayda ku dhow-dhow qaarkood ku waraabsadaan Beerahooda, laga dhaansado, Xooluhuna ka cabbaan Webiyadaas.

     Wuxuu Odaygu la soo booday Su'aal ahayd : Waa maxay Webi ? Sidee ayuu u yaallaa ? Ma Balli baa, mase waa Baxar (Bad) ?!!!.  Yaabkii ayaa i hareeyay oo weydiintaas ayaan filan kari waayay. Hawl aanan yarayn ayaa waxay iga qabsatay sharraxaadda "Webi", waxaanse ugu soo koobay oo iri:-"  Webigu waa sida Waadigan ( Toggan ) degmadiinna dhex-maraya , oo ay biyo xareed ahi, si joogta ah uga buuxaan oo kale.  Dalal badan oo dunida ah ayaa sida Soomaaliya  oo kale  leh Webiyo, sida;- Suudaan, Masar, Ciraaq, Ruushka, Shiinaha, Maraykanka iwm.

     Inta uu Odaygii qumaati ii soo fiiriyay, si la-yaab lehna dhegaha u taagay, ayuu igu yiri:-" Hadde, maxaa adiga meeshan ku dhigay ?!!!. Maxaase waalaya oo wad-wada Soomaalidan dhulalka Carbeed ee lama -degaanka ah u soo yaacaya, ee uu dalkooduna  u yaallo oo u eg-yahay sida aad tilmaamayso Ustaadow ?!!!.

     Waxaan u sheegay Odaygii; in ayan dadka Soomaaliyeed ee Yemen joogaahi, ka soo cararin gaajo, Carabahana ayan u soo doonan "Cunno", balse ay ka soo yaaceen dagaallada sokeeye ee dalka( Somalia) ka jira iyo waxyeelladiisa ee  ay degganaansho-darridu ka midka tahay.

     Inkastoo aan ilaa xad waabiyay Odayga, haddana wuxuu u muuqday ruux aanan ku qancin oo ayan ka daadegin casharka aan u dhigayo; aniga ayuuna bilaabay inuu Cashar kale ii mariyo oo igu dul-aqriyo; wuxuuna isagoo sii kacaya oo taagan igu  yiri:- " Ma adinka oo Xeeb dheer, Dhul-beereed, Xoolo aan tiro lahayn, Ugaar, Webiyo buuxa iyo Kheyraadka dhulka hoos-jiifa...adinka oo  intaas oo dhan leh miyaad dhulkiinnaas barwaaqada ah uga soo cararaysaan xabbad ay ridayaan  tiro yar oo dad ah oo  uu damac wado ..?!!!. Maad u midowdaan, iska qabataan, meelna uga soo wada jeesataan..?!!!"

     Wuxuu Odaygu intaas raaciyay oo uu yiri:-" Ustaad, waxaan maqlay, xitaa Ariga tirada badan ee Yemen soo gala, laguna magacaabo "Barbarii" inuu xaggiinna Somalia  ka yimaado, taas ma jirtaa ?!!.  Waxaan ugu jawaabay haa wa dhab, oo Arigaas wuxuuba wataa magaca magaalada dakaddeeda laga soo dhoofiyo , oo ah  "Barbara" oo Woqooyiga Soomaaliya ku taalla.

     Wuu iska sii socday Odaygii, isagoo aan xitaa i dhihin "maca-salaama", jawaab kalena aanan iga sugin; wuxuuse si la-yaab leh u sii lahaa oo aan maqlayay:" Soomaalidu waa dad waalan, Allana uu siiyay dhul "Janno" ah...may heshiiyaan, iska-qabtaan kuwa uu damucu wado, aayarna isaga dhuuqaan barwaaqada uu "Raxmaanku" ugu deeqay ?..maxay ahayeen dadku ?!!!.

     Markii uu Odaygu iga dhaqaaqay, baan keligay isla hadlay; waxaan soo xusuustay heesihii Hobollada Qaranka ee "Dhulkaayagiiyow", "Arligaygow" iyo kuwa kale. Waxaan is-arkay anigoon is-ogayn oo  ku luuqaynaya ereyo ku jiray heeso jacayl ahaa, laakin timaamaya  quruxda, bilicda, muuqaalka iyo barwaaqada dalka,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:-" Berdihii ku yiil Isha baydhabo, Haakaba bannaanshee, Beledweyn Allahayow ka dhig guri barwaaqo, Liibaantii Qoyooley, dhuuxii Boorama, Ceel-buur  iyo Ma-ogtihiin Magaalada Muqdisheynu joognaa, sida maanta ay tahay..." iwm. Keligay ayaan ku jiriiricooday  kobtii aan fadhiyay,ilaa  aan ku baraarugay Aadaankii Salaadda  Maqrib.

WQ/ Muxyaddiin M.Kaalmoy  -kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com