Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
AMMAANKII
MUGADISHU
WAQTIGII
MAXAAKIIMTA
YAAKEENAY?
Abuuturaab
ABUTURAB100@GMAIL.COM
MINEAPOLIS
USA
Anoo kamid ah culimaa'u diinka Somaliyed ee kunool dalka Maraykanka
waxan ahay
nin jecel in
uu ku
mushquulo
dacwada
islamka(fidinta
diinta) iyo
cibaadada
Alle
weyne,waxan
jeclahay
siyaasadda
iyo hawalaha
ijtimaaciga
ah in aan u
daayo
walaalahayga
Somaliyeed
oo ku
mushquulsan
arimahaas,sababtoo
ah qof
arrimahoo
dhan isku
qaban kara
majiro,waxan
go'aan saday
in aan si
kumeelgaar
ah uga tala
bixiyo
siyaasadda
Somaliya,intay
kasoo
noqonayso
qarannimadii
dalkeenna oo
hadda u'eg
mid khatar
ku jirta,
iyo inta
ciidamada
Itoobiya ka
baxayaan
Dalkeenna
hooyo.
Waxan
caddeynayaa
in aan ka
mid ahay
dadka ugu
mudan in ay
ka talo
bixiyaan
siyaasadda
Somaliya
waqtigaan
adag lagana
dhageysto,
hadalkaygaan
ha u
qaadannina
nin xukun
raadinaya,
anoo nin
xukun ku
haysta ama
Sheikh
masaajid ku
haysta ma
arki
doontaan.
Shan sifo
oo aan
leeyahay baa
waxay
keenaysaa in
ay igu
waajibinayso
in aanan
arrimaha
Somaliya ka
aamusnaan
karin;
1-Aqoon
(waxan ka
mid ahay
dadka ugu
aqoonta
badan
arimahaan ka
hadli
doono).
2-Caddaalad
(waxan ahay
nin u
caddalad
sameeya
saaxiibkiisa
iyo
khasmigiisa"
qofka kasoo
horjeeda"),
3-Ammaano
(waxan ahay
nin danta
guud ka
hormariya
danihiisa
shakhsiyadeed)
4-Daacadnimo
( waxan ahay
nin u qalbi
furan cid
kasta oo aan
cidna col
la'ahayn
intaan ka
ahayn
shaydaan iyo
camalkiisa)
5-Geesinimo
(waxan ahay
nin ay
muhiim u
tahay in uu
xaqqa
waafaqo,
dadka
khilaafsan
badnaantooduna
hakinayn).
Qof kasta
oo
Soomaaliyeed
oo
sifooyinkaa
Saddex ka
mid ah leh
ama ka badan
waxa waajib
ku ah in
uusan
arrimaha
Somaliya ka
aamusin gaar
ahaan
culimada
Somaliyed
Dal iyi
dibadba,
Waxa kaloo
loo baahan
yahay in uu
qofkastoo
Somali ah ka
hadlo
arrimaha
murugsan ee
Somaliya.
Intaanan
ka jawaabin
su'aasha kor
ku xusan,
waxan
jeclahay in
aan u
caddeeyo
ummadda
Somaliyeed
in
qarannimadii
dalkeenna
iyo
madaxbannaanidii
umaddeena,
ay qarka u
saaran tahay
in ay
burburto, in
la waayo,
Ariintaasuna
waxay
sababsanaeysaa,
Maxaakimtii
Islamiga oo
wada
hawlgal
fududeynaya
sidii
Itoobiya ula
wareegi
lahayd
Dalkeenna,
Sidaad
ogsoon
tihiin waxa
Itoobiya si
dadban ugu
casuumay
Somaliya
Maxaakimta,
kaddib
markay si
joogto ah
ugu
hanjabeen in
ay Itoobiya
la
dirirayaan
ilaa ay
gaaraan
Addis ababa,
Itoobiyana
waxay door
biday una
khasaaro yar
in ay
qabsadaan
Mugadishu
intii loogu
imaan lahaa
Addis ababa.
Waxay
hadda
maxaakimtu
ku
dadaalayaan
(si dadban)
sidii
Itobiya ula
wareegi
lahayd
Somaliya,
Waxa xusid
mudan
hadalkii
Cabda
cabdullaahi,
Ciddii ku
xirta
heshiiska
Somaliyeed,
iyo wada
hadalka, in
ciidamada
Itoobiya ka
baxaan dalka
Somaliya,
wuxuu quful
ku dhuftay
albaabkii
ciidamada
Itobiya ka
bixi
lahaayeen.
Aan usoo
noqdo
jawaabtii,
Waxaa
ammaankii
Muqdisho iyo
gobollo
kale,waqtigii
Maxakimta
keenay
ALLAAH
weyne, tan
labaad waxa
sababay
kalmaddii
qiimaha
badneyd oo
Alle
waafajiyay
maxakimta,(waxan
rabnaa in
dalka lagu
xukumo
kitaabka
ALLE weyne
SW.)
Qabqablayaashii
dagaalka,
mooryaantii,
jirridii iyo
tuugtii baa
haybaddoodii
dhacday, oo
u khushuucay
kalmadda
qiimaha
badan. waxa
kaliya oo
dhici karay
qoriga
maxaakiimta,qofkasta
wuxuu ka
cabsaday in
uu ka hor
yimaado
shareecadda
Alle,markaas
baa
ciidamadii
maxakimtu
marba dhinac
u ordeen.
Waxan si
buuxda u
oranayaa ma
jirin maamul
wanaag
maxakimtu
sameeyeen oo
keenay
ammaankaas,ma
aysan u
samayneyn
maamul
meelahay
qabsadaan,Taasu
waa wax
weyn, waxay
ku guul
darreytee in
ay maamul
hal
hogaamiye
leh
dhistaan,
Urur awoodi
waayay in uu
guddoomiye
samaysto
dawlad ma
smayn karaa?
Abuuturaab
wuxuu yiri
maya,urur ku
guul
darreystay
in uu doorto
guddoomiye
hormar ma
laga sugi
karaa? waxan
leeyahay
maya, Urur
ku heshiin
waayay in uu
samaysto
guddoomiye
ma dooran
karaan
madaxweyne?
jawaabtu waa
maya, urur
ku guul
darreystay
in uu
samaeysto
hal
guddoomiye
ururo kale
ma casuumi
karaa si ay
isaga
kaashadaa
xoreynta
Somaliya(shirka
Casmara,
Aug,2007)
Waxan
weydiinayaa
maxakimta
iyo dadka
taageersan
yaa
gudoomiye u
ah
maxaakiimta?
Su'aashaaas
waxan
weydiiyay
taageerayaasha
maxakimta,
qaar waxay
dheheen waa
Sh.Xassan,
maxakimtu
waa gole
shuuro,
guddomiyaha
golaha waa
waa
sh.Xassan
Daahir
Aweys,golaha
fulintu waa
gole ka mid
ah
golayaasha
shuurada
waxana
guddoomiye u
ah Sh.
Shariif,
sidaasu
qurux
madnaan
lahaydaa.
Qaar kale
waxay
dheheen
gudoomiyaha
kulankii
maxaakimtu
la
baycoodeen
waa
Sh.Sharif,sidaas
darteed
guddoomiyaha
maxaakiimtu
waa Sh.
Sharif,(
hadalkii Sh.
Sharif uu
yiri
guddoomiyahaygu
waa Sh.
Xassan waxay
ahayd
Tawaaduc
madax
weyneyn,
maadaaba Sh.
Xassan yahay
Sheekh wayn
oo
ruugcaddaaya
oo muddo
badan
halgankaan
in la helo
dawlad
Islami ah
hogaaminayay)
marka Sh.
Xassanna waa
guddoomiyaha
golaha
shuurada;
sida sh.
Xassan waa
ra'uusul
baarlamaan,
Sh.Sharifna
Ra'iisul
wasaare,
waxan
weydiiyay
yaa markaas
madaxweyne
ah? Cid iiga
jawaabta waa
waayay,taasaan
fahmi
waayay,
golaha
shuuradu ma
wuxuu hoos
yimaadaa
golaha
fulinta,mise
waa laba
golale oo
mid kasta
leeyaha
guddoomiye,
guddoomiye
ay hoos
yimaadaan
labada
golana uusan
jirin,sidaasssaa
xogtaydii ku
dhammaatay.
Waxa
halkaas
kasoo baxday
in
taageerayaasha
qaar uu
guddoomiye u
yahay
Sh.Xassan
qaarna uu
guddoomiye u
yahay Sh.
Sharif,
markaas mid
walba
intiisa
hadduu
joosto maxaa
soo haraya?,
waxa taas
xoojinaya
hadajkii
Prof.Ibrahim
Caddow oo ah
xoghaya
arrimaha
dibadda ee
maxaakimta
uu BBC ka
yiri Sh.
Xassan kama
hadli karo
arrimah
maxakimta,waxa
taladu ka
go'daa oo
maxaakimta
guddoomiye u
ah Sh.
Sharif. Aan
su'aal ku
cesho Prof
Caddow,
markaas
golaha
shuuradu ma
wuxuu hoos
galaa golaha
fulinta?.
Maxaakiimtu
waxay ku
dhawaaqeen
kalmad qiima
badan (ku
dhaqanka
shareecada
islaamka),
Laakiin kama
aysan
faa'iidaysan,
Somalida 16
ka sano
dagaalada
sokeeye
wiiqayna
kagama aysan
faa'iidayn.
Abaalka
ay noo
sheegtaan,
waxan ka
dhignay
Mogadishu
iyo
meelahaan
xukunnay
ammaan
lixdii
bilood oo
aan
xukumaynay
waxan uga
jawaabayaa
waxad
khaariseen
fursad
dahabi ah oo
aad uga
faa'iidayn
lahaydeen
haddaad
tawfiiq
lahaan
lahaydeen
ummadda
Somaliyeed
oo 16 ka
sano
dagaalada
sokeeye iyo
dowlad
la'aantu
baabi'isay,
waxan ku
darayaa
abaalka aad
ummadda
Somalied u
sheeganaysaan
iyo eedda
aad ka
tirsanaysaan;Abaalka
waxa uga
jawaabayaa
laba
jawaabood,B-Ammaankaad
keenteen
adinkaa
burburiyay,
oo
dawladnimadii
cassar ka
cararay,
T-Waxan ku
jawaabayaa
hadalkii
Cabda
Cabdullaahi
;Ummadda
Somaliyed
waxay idinka
badbaadisay
qabqablayaashii
doonayay in
ay
maraeykanka
idinka
gataan oo
haddeer
waxad joogi
lahaydee
Guwantaana
Bay,Adinkaa
abaal la
idinku lee
yahay.
Tan eedda
waxa
shacabku
raaceen
gaalo,oo waa
nacayrsheen,
cidna idin
ma cayrine,
dawladnimadu
waxay
leedahay
waddo loo
raaco
wadadaas mid
aan ahayna
magasho,
adinkuna
wado kalaad
raacdeen
waxayna idin
gaysay
meeshay
galaysay.
Waxan
idiin
sheegayaa
qiso dhacday
oo tan
maxakimta la
mid ahayd;
Dawladdii
cabbaasiyiinta
waqtigii
Abuu-jacfar
Al-mansuur,
uu ahaa
Amiirul
Mu'miniin,baa
waxa
mucaarad ku
noqday laba
wiil oo
walaalo
ah,Muxammad
iyo Ibraahim
ilma
Cabdullaahi
Xassan
Xassan Cali
bin
Abii-taalib,oo
ahaa
awlaaddii
Faadumo
Rassuul
Allaha ka
raalli
noqdee,Wiilashaas
waxa u
qarxay
magacii Aala
bayt-nimada,
waxay heleen
taageero aad
u wayn oo
aysan ku
kasban
hogaamin iyo
siyaasso
sarreysa ee
ay ku heleen
in ay yihiin
ilmahii
Fadumo Nabi
Muxammad
(calaa
abiihaa
wacaleyhaa
assalaam),Muxammad
wuxuu
qabsaday
magaalada
barakatsan
ee Madiina
al-munawara,
wuxuu helay
ciidan aad u
badan, waxa
ku soo
duulay
ciidamadii
dawladda
cabbaasiyinta,
markii
ciidankii is
horyimaadeen
baa muxamad
wuxuu u
khudbeeyay
ciidankiisii
wuxuuna
siiyay
khiyaar
qofkii nala
dagaal
galaya ha
joogo qofkii
kalana ha
iska tago,
ilaa 300 baa
kusoo hartay
meeshii
baana lagu
laayay.
Waa wax
lala yaabo
ma ahan wax
horey u
dhacay,waxa
caadi ah in
marka
ciidamadu is
hor
yimaadaan
ladhiirri
galiyo loona
rajeeyo in
ay
guuleysanayaan,ciddii
isku dayda
in ay
dagaalka ka
baxaanna ay
yihiin
danbiilayaal
ciidanka
dhabar
jabiyay,
waxad ka
garanaysaa
in Maxamad
khibraddiisa
hogaamin aad
u hooseysay
isla
markaasna
uusan ka
faa'iidaysan
ruug
caddaagii
ciidankiisa
ka mid
ahaa,(Taasu
waxay u
dhigantaa
maxakimta oo
hubkii iyo
dalkii ku
wareejiyay
shacabka oo
yiri haddaa
dagaal kow
nooyahay,shacabow
dirira,
waxan idiin
sheegayaa
shacabku
wuxuu idinku
taageeray in
aad dowlad u
noqotaan,
haddaad
dawladnimadii
cassar ka
cararteen
shacabkii
dawladnimadii
rag kaluu u
dhiibtay ee
rabshada ka
daaya).
Ninkii
labaad
Ibraahim
wuxuu tagay
Basra waxa
kusoo
dhaweeyay
gudoomiyihii
gobolka
Abu-sufyaan
bin
Mucaawiye
bin Yasiid
bin Muhallab
bin
Abii-safrata,(awoowayaashiis
baa madax
sare ahaa oo
aan
aqaannay),
wuxuu ku
wareejiyay
madaxtooyadii
iyo
dawladnimadii,
waxa isugu
soo aruuray
ciidan ilaa
100000
(boqol kun)
waxa soo
weeraray
ciidankii
dawladda oo
ahaa ilaa
2000 (laba
kun),Ruug
caddaagii
yaqaanay
dagaalka iyo
maamulka baa
Ibrahim la
taliyay,
ciidankaagu
waa
qalamaanyo,(ciidan
aan isla
taba baran
dagaalna
horey u wada
gali jirin),
ciidanka
dawladduna
waa ciidan
yar, marka
ciidankeenna
aan dhowr
qaybood oo
is daba yaal
ka dhigno,
haddii kuwa
hore lasoo
jabsho waxa
ku soo
jabayaan
ciidankoodii
oo nasan,
ciidanka
dawladdu
intaas oo
ciidan oo is
daba yaal
majabin
karaan.Ibraahim
iyo
shabaabkii
la jiray
waxay
dheheen maya
waxan
raacaynaa
quraanka
Ilaahay
wuxuu yiri
(Innal-laaha
yuxibbul-ladiina
Yuqaatiluuna
fii
sabiilil-laahi
saffan ka
annahum
bunyaanun
marsuus),
Ilaahay
wuxuu jecel
yahay kuwa
ku dagaalama
jidkiisa
ayagoo u
safan sida
darbi
dhisan,maka
ciidanka hal
saf oo dheer
baan ka
dhigaynaa,
sidii baana
ciidankii
Ibrahi lagu
jabshay
Waa
mushkulo,
aayadda ma
faham aan
Rassuulkii
CSS iyo
asxaabtiisii
ka fahmin
bay ayagu ka
fahmeen?,Rassuulkeennii
suubanaa
CSS, laguma
soo dajin
sida loo
dagaalo ee
sidii dadkii
waagaas
jirayn u
dagaali
jireen buu u
diriri jiray
wuxuuna
kaartooyinka
dagaalka ka
kaashan
jiray,
hogaamiyayaasha
dagaalka
khibradda u
leh, ha
ahaadeen
kuwa markaas
soo muslimay
ama kuwo
muddo muslim
ahaa.Ciidankana
waxa laga
dhigi jiray
shan madax,
Midigta,
bidixda iyo
dhexda
saddexdaas
ciidan waa
wajiga
hore,ciidanka
saldhigga oo
saadka iyo
hogaaminta
sare ka mid
yihiin baa
ku xiga,
waxa kasii
danbeeya
ciidanka
ilaalinta
dhabar
jabinta oo
haddii loo
baahdana
dagaalka soo
gala,Xagey
ka keeneen
100000 oo
cidan ah oo
hal saf ah
oo hal
taliye
leh?.
(Taas
waxa la mid
ah markii
maxaakimta
ay u soo
gurmadeen
ruug
caddaagii
siyaasadda
iyo
ciidamada,
oo ay ka mid
ahaayeen
golahii
baarlamaanka
iyo
wasiirada
dawlada
kumeelgaayka,
si ay ula
ridaan
dawladda
kadibna ula
dhisaan
dawlad,
kuwaasoo
ciil u qabay
dawladda ama
jago
raadinayay,waxa
ka dhacay
af-garanwaa,
nin walibana
candhuuftiisuu
gadaal u
liqay,
shabaabka
maxaakimtu
sida
dabeecadooda
ah uma
arkaan in
cid aan
ayaga ahayn
wax
garanayaan
ama xaq u
yeelan
karaan in ay
dawlad
islaamig ah
hogaanshaan
ama ka qayb
qaataan).
Waxan ka
cudur
daaranayaa
dhereka
qoraalkan,qoraaladayda
danbaan ku
faahfaahinayaa
sida
maxakimtu
Somaliya u
dhabar
jabinayaan,
sidadbanna u
taageerayaa
Itoobiya.
Talo iyo
taageeraan
codsanayaa.
Abuuturaab
ABUTURAB100@GMAIL.COM
MINEAPOLIS
USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2007


|