Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 July
2007.
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada
cadowga Itoobiya.
Gawaadhi uuraalo ah oo laga
gubay cadowga Itoobiya.
======================
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada
cadowga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama
furinta dagaalka ee Ogadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo
dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya,
kuwaasoo lagu jabiyay ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
10/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku
qaadeen kuwa cadowga ee ku sugan Higlaley, waxaa loogu gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
13/07/07 weerar mir ah oo CWXO ay
ku qaadeen kuwa cadowga ka tirsan oo ku sugan Cobolle, waxay ugu
gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
09/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku
qaadeen kuwa gumaysiga Itoobiya ka tirsan oo hawlgal u yimid
meesha lagu magacaabo Shan-dhoorre, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxay ugu gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
18/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku
qaadeen kuwa cadowga ee fadhigoodu yahay magaalada Shilaabo
waxay ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
07/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku
qaadeen kuwa cadowga ee ku sugan degmada Sagag, waxay cadowga
kaga dileen 8 askari, waxay sidoo kale kaga dhaawaceen 5 kale.
13/07/07 waxaa sidoo kale cadowga
Sagag lagaga dilay 14 askari, ka dib markii weerar mir ah lagu
qaaday, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 18 askari.
18/07/07 dagaal dagaal CWXO iyo
kuwa cadowga ku dhex maray Nus-dariiqa, waxaa cidammada cadowga
lagaga dilay 4 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 7 kale.
18/07/07 dagaal sidoo kale ka
dhacay Tuula-canbaar, oo Nus-dariiqa ka tirsan, waxaa cadowga
lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
05/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku
qaadeen kuwa cadowga ee ku sugan degmada Gunagado, waxay ugu
gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. Isla degmada
Gunagado ciidammada cadowga ee ku sugan ayaa weerar mir ah lagu
qaaday markii ay taariikhdu ahayd 07/07/07, waxaana loo gaystay
khasaare ba’an.
Gawaadhi uuraalo ah oo laga
gubay cadowga Itoobiya.
14/07/07 CWXO ayaa hal baabuur oo
Uuraal ah ciidammada cadowga kaga gubay Hal-gariga, oo Garigo’an
iyo Garbo u dhaxaysa, waxaana cadowga halkaas kaga dhintay in k
abadan 60 askari oo baabuurkaas saarnaa.
Isla 14/07/07 waxaa ciidammada
cadowga sidoo kale hal baabuur oo Uuraal ah lagaga gubay
Heelle-dheere, oo degmada Garbo k a tirsan, waxaana cadowga
halkaas kaga dhintay ilaa iyo 60 askari oo baabuurkaas saarnaa.
16/07/07 CWXO ayaa baabuur Uuraal
ah cadowga kaga gubay Laas-galool, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxaana cadowga falkaas kaga dhintay 60 askari.
Xildhibaan Jamaal Daahir
Khaliif oo kamid ah baarlamaanka federaalka ee Gumaysiga
itoobiya kana soo baxa degmada Galaadi oo baarlamaanka ka
goostay magangalyo siyaasadeedna weydiistay wadanka
Jarmalka(Waraysi dheer oo xiiso leh oo maqal ah ka dhagayso
Radio Xoriyo).
21
July
2007
C/nuur Sh. Maxamed
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada
Bari