Maxaa loo beegsanayaa suuqa Bakaaraha
Jimcaale Rooble (
Jimcaale@hotmail.com)
Waxaa beryahan socda olole lagu hayo suuqa Bakaaraha oo si joogto
ah ay u baarayaan maleeshiyaadka kooxda Mbagathi iyo ciidamada
itoobiya iyadoo hanti badan laga dhacay ganacsatada bakhaaradooda
iyo dukaamadooda la baarayay, hadaba waxaa layswaydiinayaa maxaa
laga rabaa suuqa bakaaraha , ma inta dhulkii oo dhan laso hagaajiyay
ayaa suuqyada dowrkoodii lasoo gaaray?, mase dukaamada iyo
bakhaarada badeecadaha kala duwan lagu gado ee suuqa ayaa Hoobiyaal
iyo madaafiic lagu dhex haystaa?, runtii arintu labadaas midna
maahan oo waan aragnaa in amaan la sugo iska daaaye xataa waxaa la
sugi la’ayhay amaanka shakhsiyeed ee mas’uuliyiinta dowladda , in
bariis iyo bambooyin meel is la yaalaana waa arin aan macquul
ahayn.
Hadaba arinta dhabta ah ee loo beegsanayo suuqa Bakaaraha waxaa
weeye iyadoo Itoobiyaanka dalka haysta ay iswaydiiyeen in maadaama
dalkii oo dhan ay koontaroolayaan, magaaladii Xamarna cunaqabatayn
lagu soo rogay oo xataa dekedii aanay shaqaynayn kadib markii
canshuur xad dhaaf ah lagu soo rogay waa ayo cidda maal galisa
dagaalka maalinlaha ah ee wax iska caabinta ee lagu hayo
ciidamadooda iyo maleeshiyaadka kooxda Mbagathi, waxayna iska
dhaadhiciyeen in cidda maal galisa muqaawamada ay tahay ganacsatada
suuqa bakaaraha maadaama aan dagaal lawadi Karin taageero dhaqaale
la’aanteed, hadaba ayagoo taas ka duulaya ayay yiraaheen waxaa hub
laga baarayaa Suuqa bakaaraha iyagoo cuuryaamiyay dhamaan
dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka socday suuqaas, natiijada ka
dhalatayna waan aragnaa maleeshiyaadkii hogaamiya kooxeedyada oo 16
sano dadka laynayay oo inta laba bilood xero lagu hayay dadkii lagu
soo fasaxay waxay bilaabeen arintii caadada u ahayd waa dil dhac iyo
boob, taas oo gumaysigu rabo in uu shacabka soomaaliyeed isku laayo
dhinac walbana ka cuuryaamiyo si usii haysto dalkeena.
Gumaysiga itoobiya iyo gumaysi kalkaalku waxay iloobeen in
shacabka soomaaliyeed aanu marna aqbali doonin gumaysi xataa hadii
aduunyadoo dhan laga soo xiro, waliba markasta oo cadaadis lasii
saaro waxaa sii kordhi doona wax iska caabinta iyadoo ugu
danbayntana aan rajaynayno in qaar badan oo aan garan waxa lala
damacsanyahay Soomaaliya ama ay qabyaaladi madax martay in ay fahmi
doonaan in gumaysigu aanu macno kale lahayn gumaysasho mooyee taas
ayaana keeni doonta dib uxoraynta dalka soomaaliya iyo midnimada
ummadda Soomaaliyeed … Muqaawamada waxaan leenahay waa in aad
sabartaan waayo xornimada laguma helo si sahlan oo waxay u bahaan
tahay halgan adag, waxaad ujeedaan in kuwa gumaysi kalkaalka ahi
iyaguba ay ku sabrayaan baadilkooda. Mushrikiintii carabta ee kasoo
horjeeday nabigii ilaahay iyo saxaabada waxay dhihi jireen war ku
sabra ilaahyadiina iyo sanamyadiina aad caabudaysaan sida quraanku
nooga waramay, marka maxaad moodaa qofka xaq ku taagan ee waliba
dhulkisii gumaysi kan ugu liitaahi qabsaday , waxaa loo baahan yahay
sabar adag guushana waad helaysaan ilaahy idanki.
Wasaalaamu calaykum WW.
Jimcaale Rooble (
Jimcaale@hotmail.com)