Mudaharaadkaasi waxa uu ahaa xiligii marxuun cigaal ku fadhiisiyaysaamigii
kuraasta wakiilada lixda gobol oo min laba iyo toban xubnood ah,arintaa oo
aan aad uga biya diiday awgeed waxan soo abaabulay mudaharaad silmi ah si
aan ugu muujinno dareenkeyaga iyo sida aan uga soo horjeedno go'aanka
xukuumaddii M.I.Cigaal, bulshadana ugu baraarujinno micnaha dastuurka loo
codaynayaa xambaarsanyhay,balse arintaasi waxay u cuntamiwayday madaxdii
dawladda iyo maamulkii gobolka oo iyagu mustaqbalka umadda ay metelaan ku
bedelanayey nololmaalmeedkooda.
Waxan 580 saac inka badan xorriyadayda aasaasiga ah ku waayey waxay
ahayd,maxaad udamqanaysaa!!!.Waayo Sharci kuma xadgudbin,Shoobaro ma
samayn,Shaqaaqo kale ma abuurin Shucuurtayda uunbaan muujiyey.
Xadhigan oon kala kulmay tacadiyo iyo meelkadhacyo ka dhan xuquuqul insaanka
oo qeyrul sharci ahaa laguna tuntay xuquuqdaydii maxbuusnimo. Todoba sano ka
dib dhacdadan inaan qalinka uqaato waxa igu kallifey markii aan arkey in
wali tii aan ogaa uuni ka taagantahay gobolkii,oo lala dagaalamayo xorriyatu
qawlkii.Sidaas darteed
Qoraalkeygan waxan u hibeeyey Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Habane oo xabsiga
dhexe ee Boorama ugu xidhan xaqdaro, .Habane wuxu ka mid ahaa dhalinyaradii
boolisku qab qabtay maalintii mudaharaadka oo ku beegnayd 12 May
2001dii,wakhtigaas oo uu wariyuhu gudanayey shaqadiisa,inkastuunan Habane
wakhtiagaa ahayn wariye buuxa balse hadana wuxu ka hawl galli jiray
xafiiska uu wargeyska Jamhuuriya ku lahaa Boorama oo uu madax ka ahaa wariye
A.A.Dhameeye.Waxan iyagana si guud u xusayaa dhalinyara badan oo
maalintaa la iska qab qabtay si loo cabsi galiyo intaan aniga la isoo xidhin
kuwaas oo loogu gooddiyey haddii ay sheegi waayaan ciddii mudaharaadkan ka
danbaysay in xabsiga wayn ee mandheere loo gudbin doono.
Ma wada daabici karo wakhtigan xaadirka ah duruufihii ku xeernaa
xadhigeyga iyo Xaaladdii cakirayd ee xabsiga dabo illaa dacal,balse
waxan isku dayayaa inaan waxyar ka taa taabto.
Waxay ahayd subax hore oo Khamiiseed 17-05-2001,markii aan usoo daadegay
suuqa magaalada Boorama anoo safar dheer udoonyeystay,markii koox ku
hubaysan qoryaha gacanta oo wata halgaadhi oo ah nuuca loo yaqaan Toyata
ay sida maafiyada iiga qafaasheen makhaayad laga cunteeyo oo ku taal
farasmagaalaha.Nimankii hubaysnaa oo aan wadan haba yaraatee wax astaan
Booliis ah,xadhigaygana aan usoo marin wadada sharciga waxan ka codsaday
inay isugaan inta aan qureecanayo,balse taa dheg-jalaq umay siin.Iyagoo
iigu hanjabey haddii aan deg deg udhaqaaqi waayo inay qori dabadii ila
dhacayaan.Dadwaynihii huteelka ka cuntaynayey oo ay ku jireen rag badan
oo an asxaabnahay ayaa isku dayey inay nimanka hubaysan ku qanciyaan in
la isugo inta aan wax cunayo,iyagoo kor ugu dhawaaqaya
"Mawla-kulmeedkuba wuu sugaa inta qofku wax cunayo.
Daqiiqado yar ka dib waxa la igeeyey saldhiga dhexe halkaas oo la igu
wargaliyey inaan xidhanahay.Inkasta oon dareensahay in la igu haysto
arrimo siyaasad ku lug leh hadana si cad uma ogi sababta la iixidhay.Run
ahaantii markii saldhiga la igeeyey ee aan aqoonsaday in nimankan isoo
afduubay boolis ahaayeen,waxa maskaxdayda kasoo burqanayey su'aala badan
oo aanan jawaab uhayn.Ma muddaharaadkii nabadgalyada ku dhamaadaybaa
lagugu sabobsaday,Ma maqaaladii aad saxaafadda ku soo qortaybaa lagugu
haystaa. Isla subaxdaa waxan gacanta ku sitay qoraal dheer oo aan ugu
tala galay wargeyska,kaas oo aan kaga hadlayey khiyaamada xukuumada
M.I.Cigaal iyo khuurada M/weyne xigeenkiisa Daahir
rayaale(M/weynaha Somaliland)oo xiligaa fadhiyey xafiiska ku
xigeenka,kana soo jeeday gobolka dulman.
SALDHIGA DHEXE IYO SIDII LA IILA DHAQMAY
Saldhiga dhexe waa dhisme da'wayn oo uu ka tegay
gumaysigii Ingriisku,xukuumadihii kala danbeyeyna aanay waxba ku
kordhin marka laga reebo deyr sagaashameeyihihii ay ku wareejisay
Hay'adda UNDP.Saldhiga dhexe wuxu ka koobanyahay dhawr xafiis iyo afar
qol oo yar yar oo dadka lagu ciqaabo.
Intaa kadib waxa la igu xereeyey qolyar oo dhan walba 3mitir ah,oo ay ku
jiraan 7maxbuus,iyadoon la iisheegin sababta la igu xidhayo,halkaas oo
aan ku xidhnaa 120 saacadood.Qolka magaciisa waxa layiraa Cadarre
udgoonka iyo naacawda dhexdiisa waxad mooddaa in dhawr Litir oo Barafuun
ah lagu jabiyey.Waxa dhexyaal baaldi wayn oo kaadi ah iyo qashin haashka
sigaarka ubadan,daaqad male oo loogumaba talagalin,habeenkiina waa
mugdi.Waxa kuyuu aan dhamaan loo galaa dal-daloolka yar ee
albaabka.Qofku wuxu hawada arkaa inta uu afka waxsaarayo,daqiiqadahaana
waxa qori amaanku furanyahay ila dultaagnaa kolba mid aad moodo inuu
sakhraansanyahay,oo aan habayaraatee la barin xeerka booliska iyo
xuquuqda maxbuuska.
Markii aan codsaday in marmar hawada la iisaaro waxa la igu wargaliyey
in hawadu iibtahay,waliba qiimuhu kala sareeyo.Laba aqaarood,Nuskiiloo
jaad ah,kolba inta aad bixiso uunbaad hawadeeda helaysaa.Waxa la yiri
dawo la helayaa qaali maaha,waxan ku khasbanaa inaan maalin walba
askariga gaadhka la gorgortamo inkasta oo maalinba maalinta ka danbaysa
qiimuhu kor usii kacayey.Taasi waxay ahayd si aan uhelo waxogay hawo
ah iyo waliba si aan jaanis ugu helo eheladayda,asxaabtayda iyo umadda
faraha badan ee isoo booqanaysa.Halkaa waxa kaaga cad in meeshu tahay
saylad dadka lagaga ganacsado,waana sababaha uu shicibku Boliska ula
shaqayn la'yahay.Hawraarsan
Kiiskayga oo aan lahayn gal-dacwadeed balse ahaa mid telefoonka gacanta
lagukala warqaadanayey waxa gacanta ku haysay hay'adda danbi baadhista
ee loo soo gaabiyo CID-da.Marka la iisii wado qolka dambi baadhaha iyo
marka la iga soo wado waxa la ii xidhayey garbaduub ama laba duble.Shan
maalmood iyo shan habeen markii aan ku jiray xaaladdaa cakiran,waxa
maalintii shanaad oo ku beegnayd 21-05-2001 CID-du igu wargalisay in
danbi la igu waayey,isla markaana sargaalkii kiiskeyga gacanta ku hayey
wuxu teebgareeyey waraaqdii uu ku caddaynayey in wax danbi ah la igu
waayey ka dib markii uu kala tashaday madaxdii ka saraysay,waxa qalinka
ku duugay Taliyihii CID-da Cabdi Xasan,sarkaalkii kiiskeyga gacanta ku
hayey Cabdi Qase wuxu bilaabay inuu xafiisyada uqaybiyo og ama ku
wargaliyo in xorriyadayda la iisoo celiyo.Hawraarsan
XASARADDII MAAMULKII XILLIGAA
Waxa maalintaa xilka kala tirsanayey Kornayl Xaddi oo kala wareegayey
Cabdilaahi dhegoole.Taasi waxay dib udhac ku keentay qabashada
waraaqahaygii sii daynta.Aniga oo diyaar u ah inaan baxo gogoshaydiina
askartu banaanka iigu soo saartay ka dib markay saraakiisha CID-du ku
wargalisay ilaaladii balse wali aan kabahaygii la isiin.
Dhanka kale Eheladayda iyo asxaabbadan oo isoo booqday ayaa saldhiga
tuban,iyagoo sugaya sidii ay iisii galbinlahaayeen ka dib markii ay
maqleen sii dayntayda.Waxyar uun ka dib mar uu ii yimid sarkaal kale oo
ka tirsan CID-a oo igu hambalyeynaya sii dayntayda, waxa skarigii
gaadhka hayey uyimid sarkaal kale oo boolis ah oo umuuqday inuu sido
fariin dhinaca mobilka ah,askarigii gaadhku wuxu si degan iigu yidhi
iska yar joog mardhaw waad iska bixiye.
Waa galin danbe waxa albaabka dibadda ee saldhiga dhexe kasoo galay
gaadhigii dawladda hoose.Waxa ka soo degay Ex.mayor Max'ed deheeye oo
Tay ku taagan,wuxu galay xafiiskii taliyaha qaybta,aalaaba inta badan
xafiisyada dawladda waa la cidleeyaa galinka danbe ,balse maalintaa kala
guurka darteed waxa joogay saldhiga madaxdii Booliska ee gobolka oo
dhan.Waxa iyaguna gobolka ku sugnaa Wasiiradii iyo madaxdii kale ee
gobolka kasoo jeeday oo galbinayey waraaqaha aftida dastuurka.
Maayarkii wuxu shir albaabadu uxidhanyihiin la galay madaxdii
nabadgalyada ee gobolka 15daqiiqo ka bacdi waxa albaabka wayn ee
saldhiga ka baxay taliyihii CID-da oo ay ka muuqato cadho fara
badan.Nus-saac ka dibna waxa kala dareeray madaxdii sare ee
booliska,maayarkiina wuxu ku dhacay gaadhigiisii caddaa.Wax yar ka dib
waxa askarigii gaadhka hayey markale kusoo noqday sarkaalkii fariinta
hore keenay,askarigiina wuxu igu amray inaan qolkii caddarre dib ugu
laabto,markaan idhi maxaa isbedelay,wuxu iigu jawaabay wakhtigiibaa
dhacay,markaa berribay sii dayntaadii udhacday.Run ahaantii iima
cuntamin askariga warkiisu waayo Nin wayni wadkiisa waa yaqaan.Waxan
dareemay in wadadii toosnayd ee ay wax ku socdeen laga leexiyey oo
xadhigayga darajo iyo magac lagu raadinayo.Halkii aan caroos iyo
ka filaayey cayn cayn miyaa ceel la iiqoday".
Afduubkeygu wuxu dhacay shanmaalmood ka dib maalintii aan mudaharaadka
silmiga ah soo abaabulay,anigoo u ambabaxay safar xagga cirka iyo
dhulkaba isugu jira oo ka bilaabmayey Boorama kuna dhamaanayey Los
Angales carriga maraykanka.Su'aalaha dambibaadhayaasha CID-du igu soo
celcelinayeen waxa ugu badnaa"Xidhiidhka aad la samayso
madaxda dawladda Carta xillimuu bilaabmay?Lacag intee le'eg ayaad ka
heshay Ismaaciil cumar geelle? Lacagta aad hawshan ballaadhan kusoo
abaabushay xageed ka keentay iyo wax aan macno buuran lahayn,iyagoo
markasta carrabka ku adkeynaya inay hayaan caddaymo.Sida faktuurradii
aan lacagta xawaaladaha kaga gurtay iyo ciddii noo dhexaysay aniga iyo
xukuumadda Jabuuti.Eedaymahaas oo dhamaantood ahaa qaar bug ah oo aanay
waxba ka jirin,iyo ciddii soo aluftayba waxay caddaadeen maalintii
maxkamadda la ihorkeenay.Waayo horaa loo yidhi "Beeni raadmale.
Hawraarsan.
MAALMIHII XABSIGA IYO XAALADIHII ADKAA.
Waa subax hore oo Talaada ah bisha May-na tahay 22 Inkastoon habeenkaa
maanka ku hayey in la ii qayilay,oo Odeybiiqe muska iigu jiro,hadana
waxan meesha ka maqnayn rajada aan ka qabay in subaxdaa la isii daayo,si
aan usii wato safarkeygii dhoofka oo aniga ii ahaa fursad dahabi ah.
Barxadda wayn ee saldhiga waxa la soo tubay ciidan hubaysan oo ku
gaashaaman gaadhi Toyata ah oo uu saaranyahay qori dhashiika ah.Waxa la
idhigay sagxadda gaadhi kale oo xaajiyad ah anigoo garba duub
uxidhan.Waxa xusid mudan Taliyihii CID-da iyo Sarkaalkii kiiskeyga
gacanta ku hayey oon soo xaadirin maalintii siday udhanayd.Caalaa iyo
xaal waxa subaxdaa la iidhaadhiciyey Jeelka wayn ee magaalada Boorama
kaga yaal dhanka waqooyi.
WAA NUUCEE NOLOSHA XABSIGU?
Ereyga xabsi ama maxbuus marka qofku maqlo wuxu markaaba dareemayaa in
xorriyadii shakhsiga la laalay,balse ma garankaro waaqica dhabta ah
illaa uu dhadhamiyo macaan iyo qadhaadh waxa ay leedahay ee halkaa ka
jira siiba xabsiyada dalkeenna.Xabsi marka uu qofku galo horta waxay
isdaayeen dhamaan wixii aad adigu awoodda u lahayd inaad
qorshaysato.Sidii aad jeclayd iyo wixii aad jeclayd waxa kuugu danbeysa
marka aad kasoo gasho albaabka wayn ee xadiidka ah.Sidii aad u
seexanlahayd ,wixii aad ku seexanlahayd,mileygii aad
seexanlahayd,Meeshii aad seexanlahayd,Wixii aad cuni lahayd,Xilligii aad
cuni lahayd,wax kasta oo aad adigu go'aankeeda iska lahayd wuu kaa
wareegay,adoo qof wayn ah naftaada halagula maamulo waa masiibo.
Maxbuuska ciqaab waxa ugu filan xorriyadiisii oo uu
waayey.Laakiin Jeelka Boorama waxa ka jirta duruuf adag oo
nololeed,Cunto xumo, Caafimaad darro, Cabsi,Caga juglayn iyo Ciqaab
joogta ah ay maxaabiista ugaystaan ilaalada jeelku.
Maxbuuska waxa la siiyaa subaxdii Jab rooti ah iyo koob shaaha oo bigays
ah,casarkiina koombo qamadi ah,oo bilaa cusbo ah.Maxaabiista qaarkeed
way macal-barareen.Inkasta oo maxaabiista jeelka ku xidhan qaarkood ay
cuntada ka helaan qoysaskooda magaalada degan hadana waxa jira qaar
badan oo aan magaalada qaraabo kulahayn.Waxa xusuus mudan cuntada loo
keeno maxbuuska oo ay ka cunaan ilaalada Jeelku.Laakiin ninkii Jaad
bixiya waa loo soo gudbiyaa cuntadiisa.Hawraarsan
Xabsigu waa dhisme kooban oo magaalada Boorama kaga yaal dhanka waqooyi,
marka aad dusha sare ka joogto waxad moodo Dundumo aboordhistay bari
hore,Jeelka waxa ku dhexyaalla afar qol oo yar yar ood mooddo
Kontiinarro daxalaystay.Maxaabiista meeshaa ku jirtana diifta iyo
darxumada ka muuqata waxad mooddaa in mar la soo cadaabay.
Markii aan jeelka dayacan kasoo galay albaabka hore ee birta ah waxa
khudbad dheer halkaa nooga jeediyey aniga iyo dhalinyara tobaneeya ah oo
uu ka midyahay wariyaha Jamhuuriya ee xabsi jiifka ah, Masuulka ugu
sareeya jeelka oo la odhan jiray Cumar siciid,isagoo ilaalada jeelka
dhegta ugu ridaya in dhiigayagu xalaal yahay,Hadaladiisiina waxa ka mid
ahaa"Halkan xiniinyo lalama soo galo,haddii aad rag ahaydeen markaad
guryihiinna joogteen halkan rootibaa la idinka dhiganayaa".
Waxa halkaa iiga bilaabantay Nolol cusub oo ka duwan tan caadiga ah.Waxa
durba lanala boobay silsilado dhaadheer iyo qufullo culculus sidii dad
gacan ku dhiiglayaal ah.Waxa la isugu kaaya xidhxidhay darsin
darsin,waxan xasuustay filim laga meteley waagii dadka madow laga
taxaabi jiray qaaradda afrika xiligii adoonsiga (slave trade).
Xorriyadaydii guud ee aan xaqa ulahaa markii aan waayey ee xabsiga la
idhigay sidaa la igagama hadhin ee waxa la ii maleegay shirqool si la
iigu ciqaabo jeelka gudihiisa,aalaaba arintaasi waa mid ka dhacda
xabsiga Boorama,waana tacadiyada lagula kaco maskiinka maxbuuska ah oo
aan lahayn awood uu isku dufaaco Af iyo addintoona.
Waa xeeladaha ay adeegsadaan madaxda dawlada ama shakhsiyaadka maalka
leh marka ay doonayaan inay karbaashaan qof ay maalin wax isku qabteen
marka xabsiga la dhigo,arintaana waxa fuliya qaar ka mid ah askarta
jeelka oo lacag qaata.Waa arin macruuf ah oo qof kasta oo xabsiga soo
maray ka warqabo,Waxay ka midtahay nolol maalmeedka maxaabiista.Askarigu
ciqaabtaa wuxu fuliyaa maalinta uu shaqada uleeyahay,isagoo askarta kale
ka dhaadhicinaya inuu maxbuuskani xalay maleegayey qorshe liddi ku ah
arimaha xabsiga.
Maxbuuska inta lala baxo ayaa la jidh dilaa.Waxa lala dhacaa xaabada
dharyaha lagu kariyo iyo geed xajiin kulul oo dhegwayn la
yiraa,markaasaa qayladiisa Maxaabiistu dhegaha faraha gashadaan,marka
kabaha lala dulmaro ee laf-dhaqaaqda loo diido ayaa goordanbe raqdiisa
lagu soo dhextuuraa qolkii lagala baxay.Si kastaba ha ahaatee anigu
shirqoolkaa waan ka badbaaday.
Naftii kaligeed seexan jirtey,kaligeedna soo kici jirtay kadeedbaa
udhamaaday.Waxan la darsay nolol aan caadi ahayn,afar wiil iyo anigaa la
isku kaaya katiinadeeyey,ninna kaligii ma gudan karo xaajadiisa,haddii
mid musqusha ubaahdo waa in la wada galaa,inkastoo kuwa dhexda ku jiraa
ugu sii daraayeen.Haddii ay hurdo tahay iyo haddii ay hawl kale tahayba
halaag uun iga dheh.
Waxa xusuus mudan markii laba wiil oo aan xayndaabka kuwada jirrey mid
dhasantari haleeshay midna si kale uxanuunsaday,bal qiimee xaaladaa.Kii
calooshu xanuunaysay markasta wuxu ubaahanyahay musqul kii xumadaysnaana
wuxu ubaahanyahay in la xaqdhawro,bal qiimee xaaladaa."iyaduba kadeed
noo hadhay ahayd oo kabadh ku oodnaa"Haddii xorriyada uunlagaa qaado ood
xabsiga aayar iska jiifto waad ku xamdiyeysaa.
Gaba gabadii xadhigeyga iyo garowshihii Maxkamadda gobolka.
Waxay ahayd goor barqo ah 10-06-2001dii markii la ihorkeenay maxkamadda
gobolka.Layaabkeyga Maxkamadu markii ay isku dayday inay kiiskeyga guda
gasho ayuu xeer ilaaliyihii iwaydiiyey danbiga aan ku eedaysanahay,anna
waxan ugu jawaabay anigu cid aan u xidhanahay iyo wax aan ku xidhanahay
ma aqaan adigaaba xeer ilaaliyihii maxkamadda ah ee bal adigu iisheeg.
Waxa maxkamaddu fariin udirtay sarkaalkii CID-da ee kiiskeyga gacanta ku
hayey.Waxa yimid dambibaadhihii Cabdi qase, xeer ilaaliyihii maxkamadda
ee xilligaa Cumar madoobe wuxu sarkaalkii waydiiyey danbiga xabsiga
dhexe la iigu gudbiyey.Halkii aniga iyo maxkamaddu aan ka wada doodi
lahayn waxay noqotay in maxkamadii iyo CID-dii wada doodo.Cabdi qase
wuxu maxkamadda horteeda ka qirey in wax danbi ah la igu waayey,laakiin
awood iyaga ka baxsan xabsiga la igu dhigay.
Wuxu yiri:Wax danbi ah ninkan waanu ku waynay ka dib markii ciddii soo
dacweysay ay ku guuldareysatey inay keento caddeyn buuxda,sidaasaanan
anagu ku sii daynay,ogtiina maxkamadda waan usoo gudbinay ka xafiis
ahaan,waanad haysataan warqaddaa.Laakiin ragbaa ishortaagay,maalintii
xabsiga loo gudbinayeyna anigu waan ka xumaaday xafiiskana kama soo
xaadirin.
Xeer ilaaliyuhu wuxu waydiiyey su'aalkale oo ahayd yaa amarka
gudbintiisa bixiyey,waraaqdii amarkaa lagu bixiyeyse ma haysaa?
Dambibaadhihii wuxu cod-dheer oo aan gabasho lahayn ku yidhi: "Cumar
madoobe waad iska ogtahay meeshu dawlad maaha waa jabhad" wax waraaq ah
oo lanagu amray ma jirin,masuulkii markii hore ninkan dacwaddiisa
saldhiga keenay waydii, aniga ma shaqadaydaad igaga ciyaaraysaa.Hadal
waa run kama rayste.Hawraarsan
Halkaa markay marayso ayuu gudoomiyihii maxkamaddu dubaha miiska ku
dhuftay.Sidaana waxa la iigu soo celiyey xorriyadaydii sharci darada la
igaga laalay.Ugu danbeyntii Madaxda gobolka waxan ka codsanayaa inay
shuruud la'aan kusii daayaan wariye Cabdiraxmaan Maxamed Habane si uu
waajibaadkiisa shaqo ee uu umadda uhayey uguto.
Qalinkii: Jowhar Cabdisamad Qalinle (korwaayeel)
korwaayeel@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2007