SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Heshiis Dhexmaray Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Iyo Ururka Xidhiidhka Guud Ee Dalka Suuriya. 

Xaflad ka dhacday xarunta Ururka Xidhiidhka Guud ee dalka Suuriya uuna goob jog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya iyo madaxda jaaliyadda Soomaalida ee dalka suuriya ayaa waxa heshiis iskaashi  ku kala saxeexday Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo ururka xidhiidhka Guud ee dalka suuriya.

 

Heshiiskan oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in labada dhinaca ay xidhiidh joogta ah yeeshaan, isla markaana is dhaafsadaan khibrada, xubnaha laba urur ka tirsan loo fidiyo tababar iyo in lays weydaarsado booqashooyin ayaa waxa u saxeexay dhinaca ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Guddoomiyaha ururka xiriirka guud ee Soomaaliya  isla markaana ah xoghayaha ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed C/qaadir Maxmed Cusmaan(Barnaamij), dhinaca ururka xidhiidhka guud ee Suuriyana waxaa u saxeexay Dr. Nasar Mayhuub.

 

Xafladii lagu saxeexayey heshiiskan ayaa waxa hadalo kooban ka soo jeediyey ugu horayn madaxa xidhiidhka guud ee dalka suuriya Dr.Mayhuub oo sheegay in u heshiiskani noqon doono mid daahfuri doona xidhiidh joogta ah oo ay yeeshaan laba urur kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan labada dhinacba. 

Waxa isna goobta ka hadlay xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomalaiyeed C/qaadir Maxmed Cumar wuxuu isaguna sheegay in ay ku faraxsan yihiin heshiiska manta halkan lagu gaadhay uuna rajeynayo in saxafiyiinta Soomaaliyeed ka faa’ideysan doonaan.

 

Safiirka Soomaaliya u Fadhiya dalka Suuriya Mudane Maxmuud Xasan Tarey ayaa isaguna hadal kooban oo uu xaflada ka jeediyey ugu hanbalyeeyey labada dhinaca heshiiska ay gaadheen, waxa kale oo xafladan goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya C/raxmaan Aadan Cali iyo ku xigeenkiisa Axmed Daahir.

Asad Caddaani Ibraahim
asadlaska@hotmail.com

July 21, 2007


Wararkii: July 20, 2007

  • Garowe: Shirkadda NEC oo Dib Loogu Celiyey $8000 oo ay ugu Deeqday Masjidka Al-huda..
  • Dib U Dhac Ku Yimid Shirka Sababo La Xiriira Hoobiyeyaal Sida Daadkii U Socda
  • Ciidamada Tigreegga oo Xasuuq ba'an u gaystay dadkii degganaa Tuulada Higlaley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur.
  • Cabdi Xaaji Iimaan : Baaqashadayada Shirka Waxaa Sabab U Ahaa Warqada Casuumada Oo Lala Soo Daahay.

Somalia Humanitarian Situation Report 46: 20 July, 2007 - UN

Garowe: Shirkadda NEC oo Dib Loogu Celiyey $8000 oo ay ugu Deeqday Masjidka Al-huda..

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ku  celiyay lacagbadan shirkada NEC kaasi oo ay shirkadu ugu deeqday dhismaha masjidka maxay tahay sababtu?

Shiikh C/qaadir Nuur faarax oo ka mid ah culimada ugu waawayn deegaanada Puntland aadna looga yaqaan dhulka Soomaalida  oo haatan ku hawlan dhamaystirka dhismaha Masjidka alhuda oo hada maraya heer gabo gabo ah oo Laba dabaq looga dhigayo ayaa ku celiyay shirkada korontada Galisa magaalada Garowe ee NEC lacag gaaraysa ilaa iyo $8000  oo dollarka maraykanka ah taasi oo uu shiikhu ku tilmaamay mid xaaraan ah  islamarkaasina aysan gali karo sadaqo.

Nugaal Electronic Co-opration  oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano NEC waa shirkada galisa korontada dhamaan xaafadaha magaalada Garowe taasi oo ugu deeqday dhismaha masjidka alhudda hantidaaasi lagu celiyay iyada oo lagu tilmaamay hantida shirkadu mid xaaraan ah oo ay dadka ka qaadaan lacago aan ku waajibin sidaas la ajligeedna ay tahay shirkad ku dhisan ribo.

Si kastaba ha ahaatee dhismaha masjidka ayaa hadda maraya heer gabo gabo ah kaasi oo u saamaxday masjidka in ay shismihiisa ka wada qayb qaataan Soomaali badan oo dalka iyo dibedba kuwada nool kuwasi oo hantidooda ugu huray in ay ula baxaan ama ay sii hormarsadaan inta ay dunida ku nool yihiin iyada oo ay u noqonayso sadaqatu jaariya taasi oo aan nina  laga qaadi karin wixii uu hormarsaday ilaa iyo maalinta qiyaamahdana ay ahaan doonto mid u taagan oo u socota wixii uu hormarsaday intii uu aduunka ku noolaa.

Masjidka alhudda oo  ah laba dabaq ayaa laguwadaa in dhawaan la furo isaga oo  qaybaha hoose ee masjidka uu ahaan doono masjid lagu cibaadaysto qaybta sarena ay ahaan doonto Machad diini ah oo ay wax ku baran doonaa arday badan kuwaasi oo ka faa iidaysanaya fursada ay u heleen in ay wax ku bartaan.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Dib U Dhac Ku Yimid Shirka Sababo La Xiriira Hoobiyeyaal Sida Daadkii U Socda

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Ugu yaraan lix madfac oo ka dhaca qoriga loo yaqaano hoobiyeha ayaa lagu weeraray shalay xili uu socday shirka dib u heshiisiinta qaran ee beelaha soomaaliyeed .

Madaafiicdan ayaa gaystay khasaare naf iyo maalba leh oo ay u gaysteen agagaarka degmada c/casiis iyo weliba shibis oo ku dhow dhow madasha shirku ka socdo ,halkasoo ay ku nafwaayeen ku dhowaad 6-caruura oo kubad ku cayarayey agagaarka hoygooda .

Madaafiicdan ayaa la sheegay in lala gefay bar tilmaamedkii loosoo qor sheeyey inay la beegsadaan kooxaha diidan qabshada shirka balse ay la hareer mareen waloow uu aburay khal khal iyo nabad gelyo xumo soo wajahaday ergooyinkii madasha fadhiyey.

Sidoo kale weerarkan oo ah weerarkii labaad ee la sheegay in loo soo qorsheeyey in khal khal lagu geliyo madasha uu shirku ka socdo ayaa goob jooge magaciisa lagu magacaabo axmed jaamac ayaa saxafada u sheegay inuu indhihiisa ku arkayey goobtii shirka oo noqotay jantaa rogan islamarkaana uu soo wajahay kala carar uu qof kastaba naftiisa kala baxsanayo goobta iyo agagaarka oo hoobiye ba,ani hareeyey .

Af-hayeenka shirka dib u heshiisiinta c/raxmaan shifti ayaa ku baaqay inuu waqti xaadirkan uu xiran yahay shirku ,islamrkaana dib laysu soo noqon doono sabtida .

Maaha markii ugu horaysay ee shirku dib u dhac uu ku yimaado sababo la xiriira xaga amaanka iyadoo ciidamada Ethiopia ,kuwa AMISOM iyo kuwa dowlada FKMG ahi ku gadaman yihin madasha shirka uu ka socdo islamarkaana ay xusul duub ugu jiraan siday amaanka u hanan lahaayeen ,balse ay hareereyen mowjado hoobiyeyaal ah .

Ciidamada Tigreegga oo Xasuuq ba'an u gaystay dadkii degganaa Tuulada Higlaley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay xasuuq ba'an u gaysteen dadkii degganaa Tuulada Higlaley oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur, Ciidamda Itoobiya ayaa dadkii tuuladaas degganaa ugaystay Ciqaab tii ugu xumayd iyagoo waliba ugu daray xadhig dhammaan dadkii ay Jidh dishay oo u badnaa Odayaal iyo dhalinyartii tuuladaas, sidoo kale waxaa ku jiray dadkaas haween badan oo xitaa qaarkood ay Uur lahaayeen dadkan ayaa aad looga dayrinayaa xaaladooda kadib jidh dil naxariis daro oo markii horaba ay ugu gaysteen tuulada dhexdeeda.

Sidoo kale waxay Ciidamda Itoobiyaanku tuuladaas ka qaateen dhammaan wixii hub ahaa ee yiilay ee ay dadka tuuladaas dagani lahaayeen , hubkan ayaa tiro ahaan gaadhayay dhawr iyo toban qori oo u badnaa Aka 47 qoriga loo yaqaano, dhibaatadan iyo xasuuqan ayaa ah mid dhamaan shacabka dagan dhulkaas ay qabaan, waxaana uwaheliya cunaqabatay lagu soo rogay dhamaan dhulka la gumaysto ee S/galbeed , dadka reer S/galbeed ayaa ganacsigoodu waxa uu ku xidhnaa dalka Soomaaliya , gobaladiisa iyo dakdiisa kala duwan gobalada Konfurta ayaa ku dhixnaa ganacsi ahaan konfurta Somaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdishi halka gobalada dhexana ay ku xedhnaayeen gobalada waqooyi bari ee dalka Soomaaliya gaar ahaan dakada Boosaaso, gobaladda galbeedka ayaa iyana ku xidhanaa gobalada waqooyi galbeed gaar ahaan dakada Beerbera.

Gobaladda iyo Dagmooyinka ayayna jirin wax gaadiid ah oo ukala socda qiimaha raashinka daruuriga ah ayaa cirka isku shareeray inta badana magaalooyinka waxaa gabaabsi ku ah raashinka Daruuriga ah, Gumaadka iyo xasuuqa ay ku hayaan ciidanka gumaysigu shacabka S/galbeed ayaa sii xoogaystay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii dhex maray Ciidamadii Maxkamadaha iyo kuwa Macatab udirirka ah ee qabsaday dalka Soomaaliya,

Waxaa soo tebiyey: Gaashaan .
Soomaaligalbeed.com
Jigjiga Dhulka Soomaaligalbeed

Cabdi Xaaji Iimaan : Baaqashadayada Shirka Waxaa Sabab U Ahaa Warqada Casuumada Oo Lala Soo Daahay.

Cabdi xaaji iimaan oo gudoomiye u ah garab kamida gudiga midnimada beesha hawiye ayaa shir jaraa,id ku qabtay hoteel ramadaan islamarkaana ka hadlay inuu dib u dhac ku yimid doorkoodii ahaa ka qayb galka shirka qaran ee furmay shalay khamiistii .

Dibu dhacan ayuu ku macneeyey cabdi xaaji iimaan cumar in lagala soo daahay casumadii [invationkii] shirka isalamarkaana ay sidaa awgeed uga baaqdeen balse uu sheegay inay sabtida hadii uu furmo ay ka qayb geli doonaan hadii alle idmo waa siduu hadalka u dhigaye .

Sidoo kale cabdi xaji iimaan ayaa la weydiiyey su,aal ahayd sidee u aragtaa hadii aad tihiin xubnaha dhaqanka beesha hawiye shirka dib u heshiisiinta waxa kasoo bixi kara ayuu waxuu ku jawaabay shirkani waa shir soomaaliyeed oo laysugu keenay dhamaan beelaha soomaaliyeed iyo aqoon yahankooda waxanuna u aragnaa inuu kasoo bixi karo miro waxtar u leh shacabka soomaaliyeed.

Saxaafada ayaa sidoo kale weydiisday su,aal ahayd inay dowladu kusoo jiidatay isaga iyo c/laahi shekh xasan dhaqaalo badan iyadoo hore loo ogaa mowqifka ay ka tagnayeen arimahan dib u heshiisiinta ayuu si kulul isaga fogeeyey inaysan waxba ka jirin arintaas islamrkaana uu shegay inuu hore ganacsade u ahaa waxyabahasna uusan ku saqaajamin balse uu sheegay inuu u tanaasuley danta shacabka waa siduu hadalka u dhigaye .

Si kastaba ha ahaatee gudigan dhaqanka ee uu hor boodayo cabdi xaaji iimaan ayaa iminka degan hotel ramadaan waxayna ka kooban yihiin beelaha hawiye oo kala gedisan iyagoo ku tilmamay shirka inay taageersan yihiin waa siduu shegaye .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2007

Geedi "Wax aan kala socdo ma jirto heshiiska la sheegayo in DFKMG la gashay Shirkado Shidaalka Baara"
.Taliska Booliiska: hawlgalada Suuqa Bakaaraha waa socon..
.Ganacsatada Bakaaraha oo beesha Caalamka ka codsaday..
.Cali Geedi oo dib ugu soo laabtay Muqdisho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 18

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com