Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Barnaamijkii Radio
Xoriyo
17 July
2007.
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Itoobiya.
Dilal iyo xidhay ay ciidammada gumaysigu u
gaysteen dadwaynaha.
Taliska CWXO oo bogaadin u diray shacabka
Ogaadeenya.
K/xigeenka Hogaanka arimaha dibada ee jwxo
oo aan ka waraysanay xaaladaha ka taagan Ogadenya.
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama furinta dagaalka
ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya, kuwaasoo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada saama-la-luudka ah
ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
06/07/07 hawlgal si wayn loo qorsheeyay oo
CWXO ka fuliyeen ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Fiiq, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 14 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
Askarta hawlgalkaas lagu dilay waxaa ku jiro saraakiil, kuwaasoo maydkooda
lagu qaaday diyaarad halokobtar ah.
8/07/07 koox Dabaqoodhi ah oo ciidammada
gumaysigu iska soo hormariyeen ayaa soo weeraray cutub ka tirsan CWXO oo ku
sugnaa degmada Haarcad, hase yeeshee CWXO ayaa is-difaacay markii weerarkaas
xaqdarrada ah lagu soo qaaday, waxayna kooxdii weerarka wadday ka dileen 13
ka mid ah, waxay sidoo kale ka dhaawaceen 9 kale.
03/07/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya ku dhex maray Waafdhuug, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4
askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/07/07 koox Dabaqoodhi ah oo cadowgu soo
diray ayaa lagu halay meesha lagu magacaabo Dogobley, oo Maraacaato u dhaw,
waxaana laga dilay 4, 8 kalana waa laga dhaawacay.
08/07/07 CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxaana loo
gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
10/07/07 waxaa la miray ciidan cadowga ka
tirsan oo ku sugnaa Higlaley, waaxana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
Dilal iyo xidhay ay ciidammada gumaysigu u
gaysteen dadwaynaha.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala
duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dilal iyo xadhig ugu gaystay dadwayne rayad ah
oo aan waxba galabsanin.
Nawaaxiga Labiga waxaa laga halay maydka
dadwayne ka mid ah dadkii ay ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen dhawr tuulo oo
Dhagaxbuur ka tirsan oo Labiga ay ka mid tahay. Dadka maydkooda hadda la
halay waxaa ka mid ah;
1- Sh Maxamed Xasan Waxar
2- Fatxi Cali Shide
3- C/llaahi Tima-jaad
4- Maxamud Maxamed Adhi-fuul iyo 2 carruur ah
oo uu dhalay iyo
5- C/llaahi Muxumed Gaaxnuug
05/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen
meesha lagu magacaabo Qaw-dheer, oo Dhagaxbuur u dhaw, ninka lagu magacaabo
Maxamed Aaden Bulxan.
12/07/07 waxay ciidammada gumaysigu nawaaxiga
Dhagaxbuur jidhdil xun ugu gaysteen oo ka dibna ay la tageen 3 nin oo shacab
ah oo magacyadoodu ayna wali na soo gaadhin.
28/06/07 waxay ciidammada guaysigu ku
xidhxidheen magaalada Dhagaxbuur dadwayne aad u badan. Dadkan ayaa markii
denbe loo qaaday meelo aan la garanaynin, ka dib markii ay ciidammadu ka
warhaleen in deegaanka ay imanayaan ergo ka socota Laanqayrta Cas, ilaa iyo
haddana lama garanayo meesha ay dadkani ay ku xidhan yihiin. Dadkaas waxaa
ka mid ah;
1- Bashiir Xaashi
2- Cabdi Madoobe Baddal
3- Maxamuud Cabdi Siraad
4- Faadumo oo magaceeda buux aanaan haynin
5- Qawad oo magaceeda buuxa aan la haynin
6- Ayaad Siyaad
7- Ifraax Xaaji Cali
8- Xuseen Macalin
9- Muxubo C/llaahi iyo
10- Khadra Cabdi Jaamac
15/06/07 waxay ciidammada gumaysigu ku
kufsadeen Garigo’anka Dhiyaad gabadh lagu magacaabo Ceeg Aw Muuse.
Taliska CWXO oo bogaadin u diray shacabka
Ogaadeenya.
Taliska sare ee Ciidammada Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya CWXO ayaa dhambaal bogaadin ah u diray dadwaynaha Ogaadeenya,
isagoo ku bogaadiyay sida geesinimada iyo adkaysiga leh ee uu ugu gegsaday
dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee xukuumadda gumaysatada Itoobiya ku
hayso iyo sida waddaninamada ah ee uu isu garab istaagay dagaalka ay naftood
hurayaasha CWXO kula jiraan taliska hororka ah ee gumaysatada Itoobiya.
Taliska CWXO wuxuu shacbiga Ogaadeenya, yar
iyo wayn, rag iyo dumarba, ugu hanbalyaynayaa sida isku duubnida ah ee uu
ugu gacan saydhay keenada uu gumaysigu isku dayay inuu ku galiyo, isagoo
adeegsanaya noocyo kala duwan oo ciqaab ah, sida dilka gumaadka ah, xidhayga
wadarta ah, kufsiga, boobka hantida, gubista magaalooyinka iyo aqallo
soomaaliga iyo gaajaysiinta wadareed, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka
soo baxay taliska guud ee CWXO.
Bayaankan ayaa lagu sheegay in shacbiga
geesiga ah ee Ogaadeenya uu ku guulaystay inuu fashiliyo qorshihii cadowga
ee ahaa inuu qasab ku aqbalsiiyo hooggaankiisa gumaysi, isla markaana awood
ku muquuniyo, si ay isu dhiibaan oo u oggolaadaan heeryada gumaysiga. CWXO
waxay ku dhaadanayaan adkaysiga uu shacabkoodu muujiyay iyo taageerada uu u
hayo halgankiisa xaqa ah, iyadoo ayna marna suuragalaynin in cadaadiska iyo
dhibka uu gumaysigu ku hayo ay ku qasbaan inay ka leexdaan toobiyaha
xorriyada iyo sharafta.
17
July 2007
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2007


|