Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji
May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri
Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya
The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |
Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |
Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
c/raxmaan xariiri nin karmeed diinta islaamka ka jecel dawladnimada
bashir diriye
bdirie@hotmail.com
Ilaah baa awood leh, nabigeenii suubanaa muxamed (csw) nabadgalyo
iyo naxariisi korkiisa ha ahaato.
Asalaama calaykum dhamaantiin.
Gobolkaa la yiraahdo mudug somalida degta magaca ""nin karmeed ""
weey fahmayaan, laakiin Somalida kale waxaa laga yaabaa in ay la 'aadaan
fasirka saxda ah oo ay
yiraahdaan nin karmeed soow maaha nin dadaal badan, oo hawl kar ah,
oo xoogiisu ay si mug leh u ' intifaacsadaan awalan caruurtiisa ama
eheladiisa, ka
gadaalna bulshada ama wadankiisaba, haa waa sidaa fasirka saxda
ah, laakiin bulshada reer mudug la yiraahdo waxaa fasirkaa u
weheliya khiil u helid arin kasta oo gardaro xanbarsan oo markaa la maarayn
wayo, oo waxaa
bulshadaa laga helaa rag xaajo kasta u khiil daya waxaa kaloo la
yiraahdaa '' waa khoodh iyo xedho-laawayaal" waa niman ka Marag kaca
wax alla waxii ay markaa dantoodu ku jirto, waxeeyna si khaawan u
taageeraan Qabyaaladda, hadeey yihiin niman aqoon diineed ama mid madaniba
lehna kama reebto dulmiga oo waxaa loogu yeeraa hebel waa nin karmeed birta
calaashaday.
Abdiraxmaan xariiri oo ah nin si 'aada websidyada somalida wax ugu qora ,
ahaan jirayna nin si weyn u qoraalo fiicnaa ilaa xad, ayaa in dhaweydba u
xilsaarnaa in uu qalinkiisa noqdo mid qoodh iyo xedho laawe ah, waxaana
muuqata in tolkii ku yiri waa qayb ka mida halganka dawligaa in waxii la
doono la qori karo, oo aysan jirin cid kaa dhacsanysa ilayn damiirka ayaa
wax qoree, mr cabdiraxmaan xariiri waxaa loo xilsaaray in uu jaa'ifeeyo
wadaadadii maxaakiinta ee xabashida loo soo kaxaystay , waxuuna mar kasta ka
qoraa arimo runtii iskugu jira kuwo uu tolkii inta caamadaa ugu xaqiijinayo
in nimankaa maxaakiinta ay gaalo ahaayeen aan islaanimo shaqo ku lahayn,
waxuuna si toosa u soo xigtaa ereyo ay madaxdaa maxaakiintu isticmaaleen oo
mr xariiri siduu doono iyo fasirka uu rabo siiyo ayadoo ay arintaasi ka mid
tahay halganka tolkii ay u edmadeen ''NIN KARMEEDKAA "".
Cabdiraxmaan xariiri waxaan dhawr jeer kala helnay e-mail, xiriirkeenii ugu
danbeeyeyna maahayn mid wanaag ku dhamaaday, cabdiraxmaan soow maahid
ninkii wadaniga ahaa, waa maxay qumayada ku qaaday, waxeey ahaayeen su'aalo
ka mida su'aalaahii aan u diray, waxuu igu yiri hawiye iyo xabashi waxba
iskuma keey dhaamaan, oo waliba xabashidu wadanka ayeey inooga kiin
xoraynayaan, waxuuna ahaa arinta ay somalidu tiraahdo NIMEEY MEEL U CADAHAY
MEELI KA MADOOW, saaxiibkeey cabdiramaan waxaa ugu danbeeyey qoraaladiisii
mid uu lahaa sheikh shariif sheikh axmed wuu ka baxay diinta islaamka.
Ilaaheey baan ka magan galnay gaalnimo iyo duli laysku dhiibo, cabdiraxmaan
xariiri waxaan oran lahaa iska daa qoraalo yar-yar oo doqonimo ahe, cid
kalana siri mayside tolkaa inta ku noqotid waxaad ku tiraahdaa, niman yahow
aniga hawsha halganka meel xun baad iga siiseen ee halayga badalo, waana iga
waano cabdiraxmaan, waxaana hubaa inaad ka danbi iyo fidno badan tahay kuwa
sida saxdaa wadanka u soo geliyey cadawga, waloow adigu cadawgaagu yahay kii
la yiri '' doqonta waxeey leedahay 13 indhood, 12 indhood waxeey iskaaga
eegtaa sokeeyaha, halna shisheeyaha.
Waxaan hubaa in arimaha socdaa ay yahiin arimo dulmi badan lagu galayo,
waxaana muuqata in somalidu aan heshiino ay u badashay aan is khaladno, aan
heshiino macnaheedu waa aan heshiino, maahan yaa ila jira, maahan dadka
caqiidadooda soo jieenkaa in laga bajiyo (ka cabsoodaan), maahan in taladii
somaliyeed cadow gacmaha loo geliyo, maaha in durba la arko aarsi khaawan,
arimahaa socda oo idil maaha arimo sii socon kara, dadka somaliyeey oo
sharfta iyo dadnimada u dhashayna waxa la gudboon in ay samraan, oo ay
adkaysi mug weyn leh ka muujiyaan duliga somali lala damacsan yahay, waxaan
hubaa in somaliga taariikhda aduunka wax ka akhriyey uu si fiican u
daalacanayo in arimaha dhacaaya ay dhamaanayaan, duligana wuu inaga tagayaa
waxaana helaynaa somali macne leh oo si weyn iskuugu damqata, waxaan
qormadaydaan yar ku soo gaabinayaa cabdiraxmaan xariiri ilaahoow ku soo
hanuuni adiga iyo dhamaanteenba wabilaahi tawfiikh
bashir diriye
bdirie@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2007
|