GUMEYSI NIMAAN AQOON BAA GALAC MOODA
(Gunnimo Geeri Baa Dhaanta)
Qore: Khaalid Maxamed, MA. Cilmiga
Siyaasadda
khaalid100@hotmail.com
Hor Dhac:
Waa dhab in ay Soomaaliya tahay dal gumeysi
ku jira. Waxaase dhici karta in ay dad badani
aanay dareensaneyn in dalka gumeysi ku jiro
iyagoo runtii aan fahamsaneyn macnaha gumeysiga.
Gumeysi – macnahiisu waa marka uu waddan ku
duulo waddan kale ama ummad kale iyadoo
duulaanku noqon karo mid xoog ah ama xeelad ah.
Ujeedooyinka habka qabsashada dhulal kale ayey
gumeystayaasha ku kala gedisan. Matalan,
Ingiriiska dalka duulaan kuma iman laakin wuxuu
ku yimid oggolaashaha qaar ka mid ah beelaha
gobollada waqooyi. Ilaa shan beelood ayuu
mucaahadooyin la saxiixday isagoo leh ‘waxaan
idinka difaacayaa quwadaha kale ee reer Yurub’.
Markii dambe, Ingiriiska iska daa in uu dhulka
Soomaaliyeed difaaco e, wuxuu isagoo bixiyey
dhulka Soomaaliyed ee ay hadda Xabashidu
gumeysato. Sidoo kale, Talyaaniga dhul qaar
wuxuu ku yimid oggolaashaha beelaha Soomaaliyeed
qaarkood, gaar ahaan gobollada Bari, halka
gobollada koofureed uu xoog ku qabsaday.
Talyaaniga ayaa la ogyahay in uu ummadda
Soomaaliyeed six un ula dhaqmi jiray. Waxaad
xusuusantihiin Soomaalidii Keli Asaayle lagu
gumaaday, Koroojo Dal Suud oo Soomaalida oo
dhulka iska leh laga xarimay.
Waxyaabaha laga bartay gumeysiga: Soomaaliya
waxay tiraahdaa ‘dhuub dhuub u gal, dhago
ballaar uga bax’. Gumeysaha sidiisaba muxuu dhul
aanu lahayn ugu duulaa? Gumeysaha wuxuu doonayo
waa in uu kheyraadka ummadda uu gumeysto boobo
isagoo weliba addoonsanaya dadka dhulkaasi u
dhashay. Waxay kaloo uu curyaamiyaa waxsoosaarka
ummaddaasi si ay badeecadahooda suuq cusub ugu
noqdaan. Waxaa intaa dheer, isagoo marka dambe
ku soo roga casuur uu ciidamadiisa ku biilo.
Laakin haddii uu gumeystuha doonayo in uu
dhulkaaga qaato, adigana ku addoonsado, maxaad
kula gudboon?? Waxaan ognahay in Xabashidu aanay
bad lahayn una baahantahay bad ay wax uga soo
dagaan. Soomaaliya waxay leedahay bad ballaaran
oo Eebbe ugu manneystay. Xabashidu waxay
dareentay in aysan baddaasi dad difaacda lahayn
oo ay booby karto. Dagaalka ay Soomaaliya ku soo
qaadayna ma aha mid ay Soomaaliya dowlad la
dhiseyso, balse waa mid ay dooneyso in
Soomaaliya iyo xeebaheedaba ay xoog ku qaadato.
In ay riyadaasi u xaqiiqowdo waxaa ka xiga oo
keliya in ay geesiyadii Soomaaliyed god ku soo
hubsatay. Inta wiil Soomaaliyed noolyahay,
Xabashi Soomaaliya waa ka xaaraan.
Runtii aqoon la’aanta xeeladaha
gumeystayaasha ayaa ugu wacan in ay ummadi
oggolaato in gumeyste dhulkeeda soo qalo.
Siyaabaha uu gumeystuhu dhulalka kale ku galo
waxaa ka mid ah: waxaan idinka difaacayaa waddan
kale ama qabiil kale ama beel kale ama waxaan
idinka beddelayaa suldaankiina, boqorkiina,
madaxweynahiina iwm. Goormuu gumeysaha noqday
mid ka naxa ummad kale? Goormuu gumeystaha ka
jecelaaday suldaanka dadkiisa? Goorma…Goormaaa…
Waa ma dhacdo in gumeyste ummadda uu gumeysto
ixtiraamo, wax u qabto, waxbaro, dhalkooda u
dhiso iskaba daa in uu dowlad iyo nadaam u
sameeyo. Ingiriis iyo Talyaani Soomaaliya meel
cidlo ah ayey uga tageen. Ka dib 70 sano oo
gumeysi qaawan ah, waxay labaduba ka guureen
habeen madow iyagoo aan dugsiyo sare, jaamacado,
macaahid, warshado iyo khibrad siyaasadeed midna
uga tegin.
Waxaad akhrisaan Aayaddaha 32-34 ee Suuradda
Annamal:
Waa kuwan aayadaha oo Af Somali ku tarjuman:
32- Waxayna tidhi madaxeey ii ishaara
amarkayga ma ihi mid goysa amar intaad ka
joogtaan
33 - Waxayna dhaheen annagu waxaan nahay kuwo
xoog badan oo geesinimo badan, amarkase adaa leh
ee fiiri waxaad fari
34- Waxay tidhi xaakimyadu hadday magaalo ku
galaan (xoog) wy fasaadiyaan waxayna ka yeelaan
ehelkeeda sharafta leh kuwo dullaysan saasayna
falaan
Aayadahaa kariimka ah waxay tilmaamayaa wixii
Ciraaq ka dhacay oo ah in la burburiyey
eheladeedii sharafta lahaana la dulleeyey. Waa
waxa Soomaaliya ka socda, Afgaanistaan ka
dhacayaa horeyna ay u sameeyeen gumeystayaashii
reer Yurub. In aanu gumeyste dhimasho mooye
nolol wadin aayadaha kariimka ah ayaa sheegaya.
Xaaladda Maanta:
Soomaaliya – dalkeenii hooyo- in uu gumeysi
Xabashi ku jiro waa dhab, mana u maleynayo in
jiro qof moog. Laakin waxaa jira ismoogeysiin
badan, is yeel yeel, mas’uuliyad darri, iyo
iyadoo doqon ma garatadu u qaadatay in ay u
danleeyihiin Soomaalida qaar. Xabashi Soomaali
waa isugu mid hadba kii ay ku adeegan karto ayey
soo dhoweysataa, marka ay ka maarantana jidka
ayey uga tagtaa…
Ogaada … taariikhda labo jireen isku si..
isla dalkii iyo dadkiisa uma wada qorto.
Soomalida waxay tiraahdaa ‘ mar i dage Allaha
dago, mar labaad idagase anigaa isdagaye Allaha
i dago’. Qaarkeen waxay shalay dhow lahaayeen
Xabashi waxay wadataa Ceydiid oo ay taageeri
jirtay, markii uu dowladii loo yiqiin Salballaar
dhisay waa kuwii ka kala daadiyey iyadoo Sodre
shir ku qabatay oo dhisay taxaalufkii SSA.
Haddana, shirkii Qaahira markii Cali Mahdi la
isku raacay in uu madaxweyne noqdo waa tii ka
hor istaagtay oo fashilisay. Xuseen Ceydiid waa
tii madaxa ku waday haddana dhulka ku dhufatay.
Cabdi Qaasim iyo dowladdii Carta lagu soo dhisay
oo ay Xabashidu markii hore Djibouti kula jirtay
markii dambena uga baxday dhistayna SRRC si loo
dumiyo. Taariikhda mar kale isla goobtii ha ku
qorina…
TFG hadda jirta, wax weyn oo ay tartay ma
jiraan. Runtiina waxa kaliya oo ay ka rabtay waa
in ay dalka ku qabsato. Farqiga u dhaxeeya Cali
Mahdi, Caydiid iyo Cabdi Qaasim iyo kuwa hadda
madaxda (Cabdullahi Yusuf iyo Cali Geedi) ka ah
TFG waa saddexda hore waxay diideen in dalka
Xabashi qabsado ama u qabato. Halka kuwa hadda
jooga ay yihiin kuwo loo soo carbiyey in ay
Soomaaliya Xabashida ku daraan. Waxaan
Soomaalida u sheegayaa in Cabdullahi Yusuf iyo
Geedi ay OGYIHIIN, QEYBNA KA YIHIIN, mashruuca
Xabashida ee qabsashada Soomaalida. Waxaase wax
lagu qoslo ama lala yaabo ah in mid waliba
taageerayaashiisa ugu sheekeeyo ‘ Annaga ayaa
dalka naloo qabanayaa’. Waxay ummadda ku
maaweeliyaan been aan raad lahayn iyagoo og in
aysan Xabashi dalka ka baxayn iyadoo xoog looga
saaro mooyee. Waxaase nasiib daro ah in dad
badan oo yiraahda waxbaan baranay ama waxaan
nahay waxgarad ama aqoonyahanno ay rumeysteen
beenta ay Cabdullahi iyo Geedi wax magaratada ku
maaweeliyaan. Waxaan sidoo kale wax laga xumaado
ah in ay qaar badan oo kale ballamo been ah
sida: safiir baan kaa dhigayaa, qunsul baan kaa
dhigayaa, wasiir baan kaa dhigaya, guddoomiye
gobol baan kaa dhigayaa lagu maaweelinayo ay
dhulkoodii Xabashi u oggolaadeen. Goormaad wax
garataan???? Qiimaha dhulku leeyahay goormaad
ogaan doontaan? Qiimaha xoriyaddu leedahay
goormaad garan doontaan? Ma marka aad sida reer
Falastiin noqotaanbaa????
Waxaase aan wax lala yaabo ahayn in ay
Xabashi mar kale Cali Mahdi ku tiraahdo waxbaan
kaa dhigaynaa, Cabdullahi Yusuf baan kugu
beddeleynaa ee shirka sidii uu ku dhici lahaaa
ka shaqeey. Cali Mahdi iyo ku xigeenadiisa iyagu
damiir ma leh miyaa? Garasho ma leh miyaa?
Xusuus ma leh miyaa? Goormaad waxgarataan??
Shirka Iibinta Soomaaliya:
Shirka lagu qasbayo ummadda ee la leeyahay
shirka waa shir beeleed ee ma aha shir
siyaasadeed, macnahiisu muxuu yahay? Ma waxaa
jira beelo Soomaaliyeed oo hadda dagaalsan?
Soomaliduse ma ceel, beer ama dhul bey markii
horeba ku dagaaleen mise siyaasad? Dagaalka
sokeeyana sow ma ahayn mid siyaasadeed? Waxa
weli la isku haystana sow siyaasad ma aha? Maxaa
keenay in la qabto shir beeleed? Sow
ujeedooyinka shir beeleed iyo shir siyaasadeed
ma kala duwana?
Maxay tahay ujeedada shir beeleedkan?
Ujeedada shir beeleedka waa in meel la isugu
keeno taageerayaasha Cabdullahi iyo Geedi ka
gadaalna ay saxiixaan qodobada ay Xabashida
rabto oo ah IN SOOMAALIYA LAGU DARO XABASHIDA.
Si taasi loo meel mariyo waxay ka qeyb
galayaasha ansixin doonaan qodobada soo socda:
In..
- Xabashidu dalka sii joogto muddo aan la
cayimin oo furan;
- Dekedaha iyo garoonnada diyaaradaha iyo
guud ahaan ilaha dhaqaalaha ay Xabashidu
maamusho inta ay dalka joogto;
- Xabashida ( oo aan bad lahayn) ay
badaheena ilaaliso, kana kalluumeysato;
- Ismaamullo si toos ah uga ammar qaata
Xabashida laga dhiso Xamar, Baydhabo iyo
Kismaayo. Kuwaasoo la mid noqon doona
maamullada ka jira Waqooyi Bari iyo Waqooyi
Galbeed. Ismaamuladan oo yeelan doona
magacyada Kilil.
- Lacagta Xabashida (Birr) ay noqoto midda
rasmiga ah;
- In muddo gaaban ka dibna Baasaaboorka
Xabashida la siiyo dhammaan Soomaalida rabta
in ay dhoofaan.
- Iyo ugu dambeyntii in ay ansixiyaan in
Soomaaliya ay ka mid noqoto Xabashida.
Haddaba, haddii aad moodeyso in aan ka
badbadiyey la imow wax aad igu beenineyso.
Muhiimaddu waa in dalkeena uu galay gacan
Xabashi loona baahanyahay in laga xoreeyo.
Gunaanad:
Dagaal sokeeye waa caadi, ummadahoo dhami wey
soo mareen. Annagana maanta ayuu nala
derisyahay. Waxaa fiican in aan u aragno in uu
ka mid yahay marxalad ay ummadaha soo koraya soo
maraan. Yurub, Aasiya, Laatin Ameerika iyo qeybo
badan oo Afirka ka mid ah wey soo mareen. Wax
badan oo naga xumaaday wey jiraan, wax badan noo
kordhay wey jiraan. Laakin waa in aan loo arag
dagaalka sokeeye mid aan quus gaarno oo aan
dalkeena ka iibino cadowgeena soo jireenka ah.
Naxariista Eebbe lagama quusto, dagaalka
sokeeyena wuu dhammaan doonaa.
Waxaan rabaa in dadka shakiga ku jiro ama
kuwa Xabashiga ehelka moodaya aan xusuusiyo
nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka
ay Xabashida gumeysato. Waxaad ogtihiin in
magaalooyinka iyo tuulooyinka dhulkaasi aysan
biyo gelin lahayn, isbitaallo lahayn, dugsiyo
sare ama jaamacado lahayn, koronto lahayn,
waddooyin ama jidad lahayn, halka qofka
Soomaaliga ah ee dhulkaasi ku nool uu yahay qof
aan xuquuq lahayn, la iska xiri karo, la iska
dili karo, hantidiisa la dhici, wixii kaloo la
rabana lagu sameyn karo. Ma jeclaan lahayn in
aad nolol noocaasi ah ku noolaato???
Haddaba, qofka doonaya in nolol noocaasi ah
uu ku noolaado oo xoriyaddii iyo qaranimadii aan
dooneyn ee ka door biday gumeysi iyo dullinimo,
waxaan kugula talin lahaa in aad tagto dhulka
Soomaaliyeed ee ay Xabashida gumeysato oo aad
soo aragto nolosha dadkaa walaalaha ah ku
noolyihiin iyo sida uu gumeysiga Xabashida ula
dhaqmo. Haddii aad ku soo qanacdo noloshooda,
fadlan ha nagu soo noqon oo hadlaa iska joog,
waayo annaga ma dooneyno gunnimo iyo gumeysi
toona.
Soomaaliyey, dalkeenii hooyo, wuxuu galay
gacan gumeysi. Waana waajib in aan xoreynaa.
Qoys qura ama qabiil qura dal ma xoreyn karaan.
Maxkamado kaligoodna dal ma xoreyn karaan. Qurba
joog keligood dal ma xoreyn karaan. Waxaa loo
baahanyahay in aan si wadajir ah halganka dalka
lagu xoreynayo uga wada qeyb qaadano. Ninowna
dalkaaga cidna marti uga matihid. Cid aad ka
fasax qaadaneysaa ma jiro. Laakin, waxaa loo
baahanyahay illeyn ‘GACMO WADA JIR BEY WAX KU
GOOYAANE’ in aan mideyno awoodeena, maalkeena
iyo maskaxdeena si loo helo halgan isu
dheellitiran oo awood wax fulineyd leh kaasoo
xornimadii iyo qarannimadii ummadda soo celin
kara. Waxaa haddaba loo baahanyahay in:
- Soomaalida gudaha dalka joogta is
habeenyaan, deegaan deegaan, waayo dagaal
Xamar oo keliya ka socda keligii waxba
laguma xoreyn karo.
- Soomaalida qurbaha ay iyaguna waddan
waddan isu habeeyaan ka gadaalna ay
billaabaan olole siyaasadeen oo ay caalamka
uga gadayaan qadiyadda dalkooda.
- Maxkamadaha, barlamaanka xorta ah iyo
xoogagga kale ay dhammaantood ay la
yimaadaan istaraatijiyad cad oo dalka lagu
xoreyn karo.
- Waxaa loo baahanyahay in Shirka uu ku
dhawaaqay Sheekh Shariif ay ka wada qeyb
galaan dhammaan xoogagga aan kor ku soo
xusay iyo inta kale ee jecel in ay dalkooda
xoreystaan. In dhisme dhaqdhaqaaq xornimo
doon ah ay noqoto natiijada shirka kaasoo
mideyn doona xoogagga Soomaaliyed.
- Dhaqdhaqaaqu yeesho hoggaan ummadda u
cuntami kara, bulshada caalamkana aanay ka
dideyn ama ay la shaqeyn karto soona
diyaariya barnaamijkii lagu hagi lahaa
dhaqdhaqaaqa.
- Dhaqdhaqaaqa laga furo dhammaan
gobollada dalka si halganka loo ballaariyo.
- Siyaasadda Arrimaha dibedda – gaar ahaan
tan ku wajahan Afrika iyo Yurub – xoog la
saaro si loo helo saaxiibo qadiyadda nala
qaada.
Ballanteenu waa Soomaaliya oo xor, Xamar
oo nabad ah iyo Xabashiyoo kala daadata!
Qore: Khaalid Maxamed, MA. Cilmiga
Siyaasadda
khaalid100@hotmail.com