SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 17, 2007

  • Fu,aad Cabdi X,Diiriye : Shirka Lagu Tilmaamay Inuu Yahay Shirweyne Qaran Waxaan U Arkaa Inuu Yahay Shimbirayohow Heesa Waraysi Xiiso badan.

  • Mujaahdiinta Wax Iska Caabinta Soomaali Galbeed Oo Dagaalo Qaraar La Galay Gumaysiga Tigreega

  • Kabta Hayga Goyn Oo Ka Dhacday Madashii Shirku Ka Furmay Shalay Ee Muqdisho ...

  • SHIRKAD ILAALISA XEEBAHA SOOMLIYA OO LA SHACAAIYEY

  • Dagaalo Cusub oo dhaxmaray Mujaahidiinta S/Galbeed & Ciidamada Guumaysiga Ethiopia

  • Dagaal Dhexmaray Mujaahidiinta SoomaaliGalbeed iyo Gumeysiga Itoobiya

Fu,aad Cabdi X,Diiriye : Shirka Lagu Tilmaamay Inuu Yahay Shirweyne Qaran Waxaan U Arkaa Inuu Yahay Shimbirayohow Heesa.... Waraysi Xiiso badan.

Waxaan waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay Afhayeenka beesha dhulbahante ee ku dhaqan muqdisho fu,aad cabdi xaaji diiriye isagoo ku sugan magaalada caasimada muqdisho waxuuna u dhacay sidatan:

Su,aal :sidee u aragtaa shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka furmay muqdisho ?

Jawaab; waxaan u arkaa inuu yahay shimbirayohow heesa waayo waa shir ay ku danaysanayaan shaqsiyaad gaara .

Su,aal; imisa Ergay ayaad beesha aad afhayeenka u tahay qayb ahaan u heleen mase ku jiraan isimada beeshu eragada soo gaadhay muqdisho?

Jawaab: sida nagu maqaalo ah beeshu waxaa loo qoondeeyey 27-xubnood mana ku jiraan isimadii beeshu lahaayeen .

Su,aal :maxay yihiin xubnahan idin metelayaa hadaysan ahayn isimo beeshu soo dirsatay?

Jawaab:27-ka xubnood waxaa laga soo ururiyey garoowe iyo laascaanood maamulka punt-land ayaana soo urursaday mana jiraan wakiil ka socda garaadada beeshu leedahay namana metelaan .

Su,aal; sidee u aragtaa hadii ay maamul ahaan punt-land uga soo xushay gobolada oo ay horena u sheegeen inay shirka uga soo qayb gelayaan maamul ahaan?

Jawaab;Aintaasi waxaan u aragnaa anigoo ku hadlaya magaca beesha arin aad u qaldan waana arin xad gudub ku ah shacabka reer SSC shirkana sida la sheegay waa shir beeleed la rabay in isimada soomaaliyeed lagu wada hadalsiiyo maka waxaa muuqata in la hareer maray hadafkii loogu tala galay shirka .

Su,aal; adigu ka afhayeen ahaan kulan ma la yeelatay ergada uga qayb gelaysa beesha shirka ee ku sugan muqdisho xiligan ?

Jawaab; haa waan la kulmay mana ku jiraan oday dhaqameed xataa wakiil lasoo wakiishay mana ku jiraan xataa nin oday ah ee waa dhalin yaro shaqaale ah oo u shaqeeya maamulka punt-land .

Su,aal;wax xiriir ah mala samaysay ISIMADa iyo oday dhaqameedada gobolada Beeshu degto Ee SSC ?

Jawaaab;haa xiriir badan ayaan la sameeyey waxayna noo cadeeyeen inaysan cidna soo dirsan .

Su,aal: Maxaad shirka ugu tilmaantay shimbarayow heesa ?

Jawaab: markaan eegay ergooyinka miisaankooda ,markaan raganay inaysan bulsho culusi kasoo qayb gelin mashana joogin waqti xaadirkan ayaa waxaa iisoo baxday inuu yahay shimbirayohow heesa .

Su,aal : sida jirta shirka waxaa aqoonsaday maraykanka ,yurub QM iyo weliba contact Group sidee kuula muuqataa arintaasi ?

Jawaab; walaahay mar hadii aysan soomaaliyi heshiin oo aysan raali isaga ahayn inay heshiiyaan waxba tari mayso america iyo yurub aqoonsanaantoodu .

Su,aal; Ugu Dambayn xagee ayay kuula muuqataa inuu xalku ku jiro umada soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye kasoo daashay mudada 17-ka sano?

Jawaab; Horta xalka ALLE gacantiisa ayuu ku jiraa balse iiguylama muuqato sida ay xalka u raadinayaan kuwa siyaasiyiinta ah xiligan ee masuuliyada u qaaday umadaan waxayna iila muuqataa in kitaabka ALLE iyo sunada loo noqdo .

waxaa waraysigan soo qaaday weriye
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Kabta Hayga Goyn Oo Ka Dhacday Madashii Shirku Ka Furmay Shalay Ee Muqdisho ...

Waxaa halmar is qabsaday Hugunka Madaafiicda hoobiyaha loo yaqaano xili uu furmay shirka qaran ee beelaha soomaaliyeed islamrkaana uu khudbad ka jeedinayey madaxweyne c/laahi yuusuf .

Hoobiyayaashan oo ahaa dersino lagu qiyaasay ilaa 11-madafac ayaa lala beegsaday madasha shirku ka socdo oo ah xaruntii hore ee gaadiidka booliska soomaaliyeed ,buuq iyo sawaxan aad u sareeya ayaa hal mar isqabsaday kadib markii ay hoobiyeyaal daran doori ah kusoo dhaceen hareeraha goobta madasha shirka taasoo shir gudoonkii shirka cali mahdi maxamed uu ka codsaday madaxweyne yuusuf inuu soo gaabiyo khudbada islamrkaana la xiro goobta .

Sidoo kale hoobiyayaashan ayaa gaystay khasaare naf iyo maalba isugu jira shacabkii ku teedsanaa degmooyinkii c/casiis iyo shibis taasoo ay ku habsadeen dhowr guri oo ay deganayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan

Ugu yaraan 7-qof oo dhaawaca ayaa loola cararay isbitaalka keysanay sida ay saxaafada u xaqiijiyeen goob joogayaal xafaadahaasi ku sugnaa.

Sida uu u sheegay saxaafada afhayeenka shirka c/raxmaan shifti in shirka dib loo qaban doono maalinta khamiista ah ee nagu soo fool leh isagoo dib u dhigistan ku macneeyey arimo xaga farsamada ah waa siduu hadalka u dhigaye , halka dadka qaarkiisna ay ku macneeyeen inay kala eryeen ergadii shirka hubka daran dooriga u dhaca ee lala beegsaday madasha shirka.

Si kastaba aha ahaatee waxaa rajo xumo laga muujinayaa habsami u socodka shirka qaran ee beelaha soomaaliyeed iyadoo ay amaanka aad u sugayeen ciidamada xukuumada Ethiopia iyo kuwa Fedaraalka ,kaasoo kusoo beegmaya xili ay madasha shirka ay ku sugnaayeen wafuud ka socota wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Ethiopia waxaase loo dheg taagayaa meesha uu ku dambayn doono shirku

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

SHIRKAD ILAALISA XEEBAHA SOOMLIYA OO LA SHACAAIYEY

Magaalada Boosaaso ee dawlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa Isniintii lugu soo bandhigay Maraakiib cusub oo leedahay shirkad ilaalin doonta xeebaha soomaaliya oo heshiis la gasahay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya.

Maraakiibtan lasoo bandhigay ayaa waxa ay gaarayaan 3 Markab ,waxaana lasaaray ciidamo kala duwan oo ah Badda Dalka Soomaaliya,ayadoo lagu waramay in dhawaan ay shaqo bilaabayaan Maraakiibtan.

Cabdi Cali Taar (Xiif) oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada Faderaalka ayaa sheegay in maraakiibtan ay dawladu keentay ay dadaal dheer ugayshay,markii ay xeebaha Soomaaliya soo buux dhaafiyeen Maraakiib Shisheeye oo kheyraadka xeebta Soomaaliya xadaya.

Wuxuu kaloo sheegay in ay ka danbaysay arintaan markii xeebaha Soomaaliya ay noqdeen ,meel ay ku tarmaan kooxaha burcad badeedaa kuwaas afduubyo ka geysta Xeebaha Soomaaliya.

Cabdi Cali Taar ayaa sheegay in ay habeenkii Isniinta [July 16, 2007] wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Xasan Abshir ay ka Wada hadalan Dawlado badan sidii loo taageeri lahaa Ciidmada ilalaada xeebha soomaaliya shirkada ilaalada xeebaha soomaaliya ayaa lagu magcabaa Somali marine services.

Waa markii ugu horaysay oo lasoo bandhigo Maraakiib ay leedahay dawlad Soomaaliyeed 16 sanno ka dib markii ay burburtay dawladii Dhexe ee Soomaaliya ayadoo arintan sidoo kale ku soo adaay xeebaha Soomaaliya oo noqday meelo lugu baacsado Maraakiibta sida shixnadaha kala duwan ee gar gaar.

Sheikh Adduun
Puntland

Mujaahdiinta Wax Iska Caabinta Soomaali Galbeed Oo Dagaalo Qaraar La Galay Gumaysiga Tigreega

Mujaahidiinta Soomaali galbeed ee dagaalka kula jira ciidamadda gumaysiga Itoobiya, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay dagaalo kulul ku dhexmareen ciidanka gumayiga deegaano ka mid ah dhulka Soomaali galbeed ee la gumaysto.

Dagaaladan mid ka mid ihi waxa uu ka dhacay 10/7/07 Badhtamaha Dagmadda Dhamaan, ee gobalka Godey, dagaalkan ayay Mujaahidiintu weerar kadis ah waxay ku qaadeen xero ay ka daganyihiin Ciidmada Tigreegu dagmadda Dhamaan waxayna halkaa ku dileen tiro badan oo ka mid ah ciidmada Wayaanaha, iyagoo halkaa ku gubay Sedex ka mid ah gawaadhida Ciidamada Itoobita.

Dagaalkan oo socday mudo kooban ayuuna jirin habayaraatee wax khasaare ah oo kasoo gaadhay Mujaahidiintii weerarkaa ku qaaday ciidmada cadowga waxayna si nabad ah ugu laabteen fadhiisimadoodii ay markii hore kasoo kicitameen.

Dagaalkan kale ayaa isna ka dhacay jidka u dha xeeya Dagmadda Barmiil iyo tuuladda Gudhis, ee gobalka Nogbeed, dagaalkan oo ahaa mid dhabo gal ah oo cutub ka tirsan Guutadda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ay jidka ugaleen Laba baabuur oo ay wateen ciidmadda gumaysiga Tigreega ayay sheegeen inay halkaa kaga dileen 26 ka mid ah ciidmadda wayaanaha ayagoo halkaa kaga dhaawacay tiro intaa ka badan.

Cutubkan ayaa la sheegay waa Alle mahadiiye in uu xagooda kasoo gaaadhin wax khasaare ah haba yaraadee si nabad galiyana ahna ay ugu laabteen goobihii laga soo qorsheeyay howlgaladan Barakaysan.

Mujaahidiinta S/galbeed ayaa bilihii ugu dambeeyay sii laba jibaaray weeradii ay ku qaadayeen ciidmadda gumaysiga xali ay shacabka S/galbeed, ay ku jiraan cunaqabatayn ay kusoo rogeen ciidmadda gumaysiga iyo xasuuq badan, barakicina ay ku hayaan shacabka halkaa dagan, tobada reer oo dganaa deegaano ka tirsan Dagmadda Gabagabo ee gobalka Qoraxay ayay ciidmadda Tigreegu ka gubeen guryihii ay daganaayeen.

Warar dheeraad ah hoos ka akhri...

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com 

Dagaalo Cusub oo dhaxmaray Mujaahidiinta S/Galbeed & Ciidamada Guumaysiga Ethiopia

Jabhada Midawga Xoraynta S/Galbeed

Xafiiska Warbaahinta

Date: 16/07/2007

War Saxaafadeed:

Ujeedo: Dagaalo Cusub oo dhaxmaray Mujaahidiinta S/Galbeed & Ciidamada Guumaysiga Ethiopia

 
Siday horayba (Mujaahidiinta Jabhada Islaamiga ah ee xoraynta S/Galbeed) ay balanka ugu qaadeen inay u soo aar gudayaan Shacabka S/Galbeed ee ay Tikreegu si gaara u  gumaadayaan maalmahan (Dil, Dhac, Kufsasho, Xidhxidhid, Gaajayn, IWM) yaa waxay qaadeen Mujaahidiintu wiigan weeraro badan oo ay ka mid ahaayeen:

1-       Magaalada Dhanaan: 14-06-2007:   Salaadii subax ayay Ciidamada Mujaahidiintu ku waa bariisteen Xerada ciidamada Tikreega ee Magaalada Dhanaan iyaga oo ku weerarar Hubka Culculus iyo ka fududba, 1 saac ka dibna waxay ku guulaysteen inay xeradiiba qabsadaan lana wareegaan Qaniimooyin aad u badana oo xaga Hubka ah dileena wax alaalay iyo wixii askar ahaa ee meeshaa joogay oo lagu qiyaasay inay dhamaayeen illaa 70 askari. Mujaahidiinta ayaa dadkii magaalda oo halkaas isugu soo baxay u Jeediyay Khudbooyin dheer dheer, Gaadhsiiyayna Fariimo & dhambaalo ay uga wadeen Madaxada sare ee Mujaahidiinta. (Tafaasiisha intaa ka badana waan idiin soo sheegi doonaa saacadaha soo socda). Waxaa ilaahay mahadiisa inaan mujaahidiinta meeshaas dhimasho iyo dhaawac midna ka soo gaadhin.

2-       Magaalada Dhuxun: 15-07-2007:  Mujaahidiintu waxay wadada u galeen 2gaadhi oo ay ka buuxeen ciidamada Tikreegu oo lagu qiyaasay inay dhamaayeen illaa 60 Askari. Mujaahidiinta oo baryahanba adeegsanayay qalab aad u sareeya oo la yiraahdo (Miinada meesha fog laga xukumo) ayaa in ka yar 1daqiiqo gudeheed waxay ku qarxiyeen 2 gaadhi iyo wixii saarnaaba wax ka baxayna ma jiro. Waxaa ilaahay mahadiisa inaan mujaahidiinta meeshaas dhimasho iyo dhaawac midna ka soo gaadhin.

3-       Waxaan u sheegaynaa Cadawga Tikreega inay tani tahay Hordhac yar oo waxa soo socda uu aad uga wayn yahay.

4-       Shacabkana waxaan idiinku bishaaraynaynaa inaad maqli doontaan wax aad idiin farax galiya maalmaha soo socda Inshaa Allaah.

 
Allaahu Akbar……Allaahu Akbar………Allaahu Akbar.  

Jabhada Midawga Xoraynta S/Galbeed
Xafiiska Warbaahinta
uwslf2007@yahoo.com
16-7-2007

Dagaal Dhexmaray Mujaahidiinta SoomaaliGalbeed iyo Gumeysiga Itoobiya

Mujaahidiinta Soomaali galbeed ee dagaalka kula jira ciidamadda gumaysiga Itoobiya, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay dagaalo kulul ku dhexmaaraan ciidanka gumayiga deegaano ka mid ah dhulka Soomaali galbeed ee la gumaysto.

Dagaaladan mid ka mid ihi waxa uu ka dhacay 10/7/07 Badhtamaha Dagmadda Dhamaan, ee gobalka Godey, dagaalkan ayay Mujaahidiintu weerar kadis ah waxay ku qaadeen xero ay ka daganyihiin Ciidmada Tigreegu dagmadda Dhamaan waxayna halkaa ku dileen tiro badan oo ka mid ah ciidmada Wayaanaha, iyagoo halkaa ku gubay Sedex ka mid ah gawaadhida Ciidamada Itoobita.

Dagaalkan oo socday mudo kooban ayuuna jirin habayaraatee wax khasaare ah oo kasoo gaadhay Mujaahidiintii weerarkaa ay ku qaadeen ciidmada cadowga waxayna si nabad ah ugu laabteen fadhiisimadoodii ay markii hore kasoo kicitameen.

Dagaalkan kale ayaa isna ka dhacay jidka u dha xeeya Dagmadda Barmiil iyo tuuladda Gudhis, ee gobalka Nogbeed, dagaalkan oo ahaa mid dhabo gal ah oo cutub ka tirsan kuutadda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ay jidka ugaaleen Laba baaur oo ay wateen ciidmadda gumaysiga Tigreega ayay sheegeen inay halkaa kaga dileen 26 ka mid ah ciidmadda wayaanaha ayagoo halkaa kaga dhaawacay tiro intaa ka badan.

Cutubkan ayaa sheegay Alle mahadii in uuna xagooda kasoo gaaadhin wax khasaare ah haba yaraadee si nabad galiyana ahna ay ugu laabteen goobihii laga soo qorsheeyay howlgaladan Barakaysan.

Mujaahidiinta S/galbeed ayaa bilihii ugu dambeeyay sii laba jibaaray weeradii ay ku qaadayeen ciidmadda gumaysiga xali ay shacabka S/galbeed, ay ku jiraan cunaqabatayn ay kusoo rogeen ciidmadda gumaysiga iyo xasuuq ba,an, barakicina ay ku hayaan shacabka halkaa dagan,

todaba  reer oo daganaa deegaano ka tirsan Dagmadda Gabagabo ee gobalka Qoraxay ayay ciidmadda Tigreegu ka gubeen guryihii ay daganaayeen.

Gaashaan Cusmaan
gaashaancismaan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com