Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Dibdhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliland Dan uma
aha Dalka Iyo Dadka
Saeed abdillahi duale
Islamabad, Pakistan
Duale_june@hotmail.com
Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sugnaatay naxariis
iyo nabad galiyo rasuulkeen SCW kor kiisa ha ahaato, Aslaamu Calaykum
warxmatullilaah wabarkaatu. Inta ka dib,
Hanaankii geedi socodka dimuqraadiyada ee ay soo martay Somaliland ayaa ah
mid si weyn wax uga bedelay habkii ay dunidu ku waajihi jirtay Somaliland oo ah
in ay Somaliland ka jirin qaab ay ku soo dooran karto madaxeeda iyada oo
raacaysa habka doorashooyinka axsaabta badan. waxyaabihii aan runtii ka xasuusto
Somaliland xiliyadii kale duwanaa doorashooyinkii sida degaanka iyo tii
madaxtooyada ayaa ahaa mid si weyn ay Somaliland ugu kasbtay caalamka iyo
mandaqadba sumcad weyn iyo hufnaan ay la timid Somaliland doorashooyinkii oo
lagu kala guuleystay tiro aan sida u buurnayn.
Bal akhristow inta aynaan gudo gelin dulucda maqaalka bal aynu yar milicsano
faaiidooyinka Somaliland u lahayd doorashooyinkii Degaanka, Madaxtooyada iyo
Barlamanka :
- Somaliland oo markii
ugu horeysay ka soo gudbtay marxaladii ahayd qaabka beelaha ee lagu soo
dhisay labadii maamul ee ay kale hogaamin jireen abdirxaman ahmed cali iyo
mahmed xaji ibrahim cigaal ( Alle ha u naxriisto labadoodaba). Una soo
gudbtay qaabka axsaabta badan oo shacbiga u siinaysa awooda ah in ay
doortaan hogaamiyahooda ay doonayaan.
- Shacbiga Somaliland oo
fursad u helin in ka badan 30 sano oo doortay golayaasha degaanka
magaalooyinka Somaliland heer tuulo, degmo, ilaa heer gobol.
- Doorashadii
madaxtooyada ee shabciga Somaliland u dareereen in ay doortaan hogaanka
wadankooda ayaa iyaduna ahayd mid muujinaysa biseylka ay dadka Somaliland u
qabaan in ay doortaan heer madaxtooyo taas oo runtii ah waxa si weyn dadka
gobolka dega iyo beesha caalamkaba ula yaabeen, oo xitaa ka dhicin wadamada
aynu jaarka nahay iyo dunida inteeda badan in lagu kale badiyo tiro yar oo
aan badneyn. Waxa ay taasi markaa bedeshay fikirkii gurcanaa ee lagu jaro
habaabin jiray bulshada caalamka, waxayna Somaliland siisay maqaam sare oo
ay qireen xitaa wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa dunida horumartayba.
- Doorashadii baarlamanka
Somaliland ayaa iyaduna ahayd talaabo fiican oo hore loo qaaday,
Doorashadani waxay ahayd dhidibka u sii aasida somaliland iyo soo xulasho
bulshada laga soo xusho dad tayo fiican leh oo dadka iyo dalkaba wax u qaban
kara.
- waxa ay dadka
Somaliland bareen doorashooyinkaasi qaabka positive ka ah ee dadku ay u
dooran karaan cida ay rabaan iyada oo la maraynin in wax lagu bedelo fawdo
iyo gacan ka hadal midna.
- waxa ay saldhig u
noqdeen doorashooyinkaasi in shacbiga Somaliland kale tageeraan axsaab kale
duwan oo mid kasta leeyahay ajendihiisa gaarka ah ee siyaasadeeda iyada oo
la raacayo qawaaniinta u degsan wadanka, halka xiliyadii hore dadku ay u
qeybsanaayeen afkaar reereed oo jiho lahayn.
- waxa ay
doorashooyinkaasi bedeleen qaab nololeedkii bulsheed ee dadkeena waxayna
gaar inooga saareen koonfurtii somalia ee had iyo jeer la inagu mili jiray,
sidoo kale waxay muujisay shucuurta dadka somaliland sida ay uga go'an tahay
in ay noqdaan dawlad madaxbanaan oo cagaheeda isku taagi karta oo marna
gorgortan geli karin madaxbanaanideedu.
Haddba, doorashooyinka Somaliland siiba doorashada golaha deegaanka ayaa waxa
ka hadhsan imika muddo ka yar 5 bilood oo ku siman aakhirka bisha December 2007,
ayaa waxa dad badan oo reer Somaliland ahi ay Is weydiinayaan su’aalaha ah
doorashooyin ma dhici doonaan xiliga dhow ee fooda inagu soo haya? Haddii ay
dhici waayaan maxaa xigi doona? Sidee u qabsoomi karaan doorashooyin haddii
siidhwalayaalkii garoonka ka garsoori lahayd dhameystirnayn?
Beryahan danbe waxaan shaashadaha wararka ka akhrisanayey khilaaf weyn oo u
dhexeeya goleyaasha qaranka kaas oo si weyn u ragaadiyey hawlihii ay u hayeen
bulshada reer somaliland, haddba, waxa la yaab leh sida aaney goleyaasha
somaliland ee la soo doortay aanay u wada shaqeyn taas oo runtii ah wax foolxun
oo niyad jab ku keenaysa shacbka somaliland ee u soo samiray dhibkii kala
duwanaa ee ay u soo mareen maarxishii kale duwanaa ee ay soo martay somaliland
tan iyo xiligii lagaga dhawaaqay jiritaanka somaliland magaalada burco 18 may
1991.
Runtii sida ay ila eeg tahay haddii loo helin khilaafyada ka dhex jira
goleyaasha dawlada siiba komishanka qaranka xal deg deg ah , oo u muuqta hadda
I jiid aan ku jiidee ayaa waxay arrintu noqon kartaa mid baajisa in doorashooyin
guud ka dhacaan Somaliland , taas oo dhabar jab iyo tacab khasaar ku noqonaysa
Somaliland dhinacii hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland ee
curdinka ahaa, waxayna arrintaasi keeni karta in Somaliland u ku yimaado dib u
dhac weyn oo dhinac siyaasada ah oo keeni kara fawdo iyo khalkhal ay ka
faaiideystaan cadow badan oo Somaliland leedahay oo manadaqadeena ku gadaaman.
Waxayna daaqada ka saaraysaa wixii aynu dunida u sheegaynay ee ahayd in wadanku
dumuqraadiyad ka jirto.
Talo ahaan, waxa loo baahan yahay in Somaliland oo ku soo caano maashay isu
tanaasul iyo wada hadal lagu dhameeyo arrimaha intooda badan cakiran sida labada
xubnoode guddiga doorashooyinka ah ee golaha barlamanku soo celiyeen ee weli
arrintoodii u dabran yihiin shantii xubnood kale. Inkasta oo sadexda xubnood ee
ka been sheegay da’dooda ay fiicanaan lahayd in aanu barlamanku aqbalin ayaa
haddna nasiib xumo mid ka mid ahi uu najaxay taas oo runtii shaki weyn gelin
karta dadka qaar macquulnimada ( credibility) guddiga doorashooyinka.
Si loo helo fursad looga gudbo marxaladan, waxa la gudboon golaha guurtida
Somaliland oo kulan aan caadi ahayn leh 18 bishan july oo markii hore soo
magaacbay labadan xubnood in ay soo bedelaan si loo hawlgeliyo guddida
doorashooyinka Somaliland si ay u gutaan wajibaadkooda qaran ee ku aadan
doorashooyinka soo dhow. Taasi ayaa noqon karta mid wadada u xaadha in
ismaandhafka ka dhex jira goleyaasha qaranka xal loo helo, haddii ay golaha
guurtidu ay arrintaas si hoose u eegi waayaan waxay keeni karta in arrintu ay
noqon doonto mid cirka ku sii laalanta oo meesha ka saarta rajadii ay Somaliland
caalamka ka qabtay in ay hesho ictiraaf iyo in doorashooyin ka dhacaan guud
ahaan wadankeena.
Waxaan ku soo gunaanadayaa dib u dhac ku yimaada doorashooyinka soo socoda
dan uma aha dalka iyo dadka somalilandba.
SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO
Saeed abdillahi duale
Islamabad, Pakistan
Duale_june@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2007


|