SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
Wararkii: July 16, 2007
  • Qaylo Dhaan Kasoo Baxaysa Beelaha Qarkood Oo Ku Aadan Qaabka Ergooyinka Shirka Loo Qaybsaday.
  • Qaraxyo Iyo Iska Horimadyo Ka Dhacay Caasimada Xili Ay Joogaan Cutubyo Ciidamo Ethiopian Ahi.
  • Af-hayeenka Ciidamada AMISOM Oo Ku Dhawaqay Inaysan Shaqo Ku Lahayn Amaan Sugida Madasha Shirka .
  • Gudoomiyayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiga  UCID oo  Booqasho Tacsi ah  ugu   Tegay Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuum Saaqa

Qaylo Dhaan Kasoo Baxaysa Beelaha Qarkood Oo Ku Aadan Qaabka Ergooyinka Shirka Loo Qaybsaday.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Qaab qaybsiga ergooyinka shirka beelaha soomaaliyeed oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxaa kasoo baxaya cabashooyin beelaha qarkood ka mujinayaan inaysan xaq ku fadhiyin taasoo muran iyo isqab-qabsi ku abuurtay xarunta gudiga shirka dib u heshiisiinta qaran ee muqdisho.

Cabdi aadan dhuxuloow oo kamida aqoon-yahanada beesha gaal-jecel ayaa ku eedeeyey gudiga dib u heshiisiinta shirka qaran ee beelaha soomaaliyeed inay wax ku wadaan nin jeclaysi islamrklaana aysan jirin wax xaqa oo lagu soo xulay ergooyinka taasoo daliil uu uga dhigay inaysan jirin nin isima ah oo madasha shirka fadhiya .

dhuxuloow ayaa sidoo kale hadalkiisa sii raaciyey ma shir dib u heshiisiinbaa oo u dhexeeya belaha soomaliyedbaa mise waa meel dad lagu soo camiray si loo helo dhaqale dibadeed waxaa la oran karaa sidii loo shegay shirku uma dhowa mana u eka .

Sidoo kale waxaa qaylo dhaan ka muujiyey aqoon-yahanada kasoo jeeda beesha dhul-bahante ee ku sugan casimada muqdisho fu,aad cabdi xaaji diiriye ayaa ku sheegay inaysan beeshiisa uga soo qayb gelin nin isima ah islamrkana ay dhalin yaro laga soo ururiyey buhoodle iyo laascanood laga soo dhigay ergo shirka ka qayb gala taasina ay u muuqato qaab siyaasadeed lagu danaysanayo islamarkaana aysan jirin cid oday dhaqameed ah oo weli ku sugan madasha shirka taasoo lagaga ben shegay ayuu yiri hadalkii ahaa waxaa shirka lagu wada hadal siinayaa beelaha soomaaliyeed .

Fu,aad cabdi xaaji diiriye oo ah afhayenka xiligan ee beesha dhul-bahante ee ku sugan muqdisho ayaa xusay marnaba ma filayn inay sidani dhacayso isagoo sheegay inaysan u arkin shir wax kasoo baxayaan.

''waxaa laga been sheegay shirka lagu tilmamay inuu qaran yahay waayo laguma casumin nin ISIM ah oo magac ku leh soomaaliya anaga waxaanu leenahay labo garaad oo ugu tetal sareya kumana jiraan shirkan '' ayuu yiri fu,aad.

Si kastaba ha ahaatee qaylo dhaantan iyo isqab-qabsigan kasoo yeeraya qaar ka tirsan beelaha soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xili ay maalintii shirka qaran ee beelaha soomaaliyeed uu furmi doono maanta oo ay magalada caasimada ah ka jiraan amaan darro baahsan oo ay habenkii xalay ahaa laga maqlayey qaraxyo iyo rasaas goos goos ah waloow aan la xaqiijin waxyeelada iyo halka ay ka dhacayeen.

Qaraxyo Iyo Iska Horimadyo Habeenkii Axadda Ka Dhacay Caasimada Xili Ay Joogaan Cutubyo Ciidamo Ethiopian Ahi.

Qaraxyadan iyo iska hor imaadyadan ayaa lala beegsaday fariisimada ay ciidamada xukumada ethiopia ku leeyihiin meelo kamida casimada muqdisho iyadoo dhawaqa qaraxyadana laga maqalyey guud ahaan caasimada muqdisho iyadoo shirka qaran ee beelaha soomaaliyedna lagu wado inuu maanta ka dhaco muqdisho.

xiliga qaraxyadani dhacayeen ayaa waxaa ku gaaf waregayay madasha shirka ,villa soomaaliya xafadaha magalada iyo weliba badanaaba wadooyinka waweyn ee caasimada kumanaan ciidamo Ethiopian ah oo weliba lagu soo kordhiyey kuwii hore u joogay islamrkaana si aad ah usoo buux dhaafiyey guud ahaan casimada ayaa hadana waxaa xalay markale dhacay weeraro iyo qaraxyo isdaba joog ah .

Qaraxyadan oo aan la xaqiijin karin khasaaraha ay gaysteen ayaa hadana ahaa kuwo argagax ku riday shacabka ku haray casimada oo malmihii ugu dambeeyey ee asbuucan si weyn uga qaxay casimada tasoo ay kusii qul-qulayaan deeganada u dhexeya afgooye iyo muqdisho halka dadka qarkiisna ay u hayaameen gobolada dalka soomaliya meelo kamida iyadoo qaxana loo aanaynayo inay dhacaan dagaalo mar kale lagu hoobto oo u dhexeeya xoogaga diidan joogitaanka ciidamada xabashida dalka soomaaliya iyo weliba ciidamada xukumada ethiopia .

Si kastaba ha ahaatee amaanka caasimada ayaan ahayn mid laysku halayn karo xili weliba la filayo inuu maanta ka furmo shirka dib u heshiisiinta qaran ee beelaha soomaaliyeed .

Af-hayeenka Ciidamada AMISOM Oo Ku Dhawaqay Inaysan Shaqo Ku Lahayn Amaan Sugida Madasha Shirka .

Af-hayeenka ciidamada Ugaandha ee ka jooga ciidamada nabad sugida Midowga afrika ee ku sugan magaalada casimada ah ee muqdisho ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn ilaalinta iyo amaan sugida xarunta madasha shirka ,islamrkana aysan soo dhaafi doonin xarumaha ay ku sugan yihiin ee garoonka iyo dekedda .

Pandy Akunda oo la hadlayey saxaafada ayaa shaaca ka qaaday inaysan wax shaqo ah ku lahayn amni sugida Madasha shirka islamrkaana ay dalka soomaaliya u joogaan oo keliya sidii ay u ilaalin lahaayeen goobaha muhiimka ah ee Qaranka Soomaaliyeed, sida Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya, Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha .

"Ciidamada Uganda ee dalka ku sugan awood uma lahan inay dhowr goobood amnigeeda sugaan, maadaama ay yar yihiin, islamarkaana aysan ka hawlgali karin goobo badan" sidaana waxaa yiri Pandy Akunda .

Hadalkan Paddy Akunda ayaa kusoo beegmaya xili laga cabsi qabo inay xarunta madasha shirka ka dhacaan khal khal amaan daro oo ay sameeyaan kooxaha kasoo hor jeeda qabashada shirka islamarkana kala fogayn kara siyaasada dowlada FKMG ah iyo weliba xoogaga ka jooga ciidamada AMISOM.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Gudoomiyayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiga  UCID oo  Booqasho Tacsi ah  ugu   Tegay Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuum Saaqa

Bristol-UK (Somali Voice) Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi ''Cirro" oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa Booqasho tacsi ah ugu tegey Qoyskii uu ka geeriyooday Gudoomiyihii Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo America Marxuum Maxamed Caabi Ciise oo ku magac dheeraa "Saaqa" oo  Alle ha u naxariistee dhawaan ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Maka.

 Booqashada masuulyiintani ay ugu tageen Qoyska Marxuumka oo deggen Galbeedka Magaalada London waxay ahayd munaasibad ay ku muujinayeen sida ay Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ugu muragoodeen geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuumka oo ahaa halyey weyn oo olole weyn u galay la dagaalanka kala sarraynta iyo cunsuriyada jahliga ku dhisan ee boqolaalka sanadood lagu hayay beelaha laga tirada badan yahay ee Gabooyaha, iyada oo sidoo kale uu Marxuum saaqa ahaa ciyaaryahan caan ah oo taariikh dahabi ah ku lahaa garoomada kubada cagta isla markaasna uu ahaa xubin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID.

Dhinaca kale  Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha UCID waxay  Hamblayo iyo Guul u rajeeyeen Wiilka curad ee Marxuumka Mudane Cabdinaasir Maxamed Caabi Saaqa oo beeshiisu ay u doortay inuu qabto Xilkii Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee  QaaradahaYurub iyo Ameerika oo uu aabihii hayay intii aanuu geeriyoon, waxaanay u rajeeyeen inuu Allah ku guuleeyo xilkan balaadhan ,  sidoo waxay masuuliyiintani  ugu baaqeen Bulshada reer Somaliland inay usoo jeestaan la dagaalanka kala sarraynta una hawl galaan sidii xaqooda iyo xuquuqdooda ay u heli lahaayeen Beelaha Gabooye ee xaq u dirirka ahi.

Masuuliyiinta kale ee booqashadan ku wehelinayay Gudoomiyayaashan waxaa ka mid ahaa Mudane Siciid Cumar oo ah Gudoomiye ku  Xigeenka Xisbiga UCID ee qaarada Yurub iyo Xasan Macalin Aadan oo ah ganacsade ka tirsan Xisbiga UCID.

Sidii horeba aanu ugu ololeynaynay waxa mar kale Jariidada Somali Voice ay taageeraysaa Baaqa Gudoomiyha Baarlamaanka Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ay soo jeediyeen ee ku saabsan in loo hawl galo soo afjarida cunsuriyada jahliga ku dhisan ee boqolaalka sanadood sida xaq darrada ah loogu hayay Beelaha Gabooye ee ku nool Geeska Afrika. 

Kaysar Cabdilaahi.

Bristol. UK

Tafatirka Somali Voice

kaysar@europe.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com