Barnaamijkii Radio
Xoriyo
14 July 2007.
Dagaallo lagu
jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
Dilal iyo
xidhay ay ciidammada gumaysigu u gaysteen
dadwaynaha
Bannaanbaxyada
Jaaliyadaha Ogaadeenya.
Shir balaadhan
oo ka dhacay Ontario -Canada
======================
Dagaallo lagu
jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
Wariyaha RX uga
soo warrama furinta dagaalka ayaa noo soo
sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO
iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo si wayn
loogu waxyeelleeyay ciidammada saama-la-luudka
ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u
dhaceen sidatan;
06/07/07 hawlgal
si wayn loo qorsheeyay oo CWXO ka fuliyeen
ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Fiiq,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 14
askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay. Askarta
hawlgalkaas lagu dilay waxaa ku jiro saraakiil,
kuwaasoo maydkooda lagu qaaday diyaarad
halokobtar ah.
8/07/07 koox
Dabaqoodhi ah oo ciidammada gumaysigu iska soo
hormariyeen ayaa soo weeraray cutub ka tirsan
CWXO oo ku sugnaa degmada Haarcad, hase yeeshee
CWXO ayaa is-difaacay markii weerarkaas
xaqdarrada ah lagu soo qaaday, waxayna weerarka
wadday ka dileen 13 ka mid ah, waxay sidoo kale
ka dhaawaceen 9 kale.
03/07/07 dagaal
CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray
Waafdhuug, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/07/07 koox
Dabaqoodhi ah oo cadowgu soo diray ayaa lagu
halay meesha lagu magacaabo Dogobley, oo
Maraacaato u dhaw, waxaana laga dilay 4, 8
kalana waa laga dhaawacay.
08/07/07 CWXO ayaa
weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxaana loo
gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
10/07/07 waxaa la
miray ciidan cadowga ka tirsan oo ku sugnaa
Higlaley, waaxana weerarkaas loogu gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Dilal iyo
xidhay ay ciidammada gumaysigu u gaysteen
dadwaynaha
Ciidammada
gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah dilal iyo xadhig ugu
gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba
galabsanin.
Nawaaxiga Labiga
waxaa laga halay maydka dadwayne ka mid ah
dadkii ay ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen dhawr
tuulo oo Dhagaxbuur ka tirsan oo Labiga ay ka
mid tahay. Dadka maydkooda hadda la halay waxaa
ka mid ah;
1- Sh Maxamed
Xasan Waxar
2- Fatxi Cali
Shide
3- C/llaahi
Tima-jaad
4- Maxamud
Maxamed Adhi-fuul iyo 2 carruur ah oo uu dhalay
iyo
5- C/llaahi
Muxumed Gaaxnuug
05/07/07 waxay
ciidammada gumaysigu ku dileen meesha lagu
magacaabo Qaw-dheer, oo Dhagaxbuur u dhaw, ninka
lagu magacaabo Maxamed Aaden Bulxan.
12/07/07 waxay
ciidammada gumaysigu nawaaxiga Dhagaxbuur
jidhdil xun ugu gaysteen oo ka dibna ay la
tageen 3 nin oo shacab ah oo agacyadoodu ayna
wali na soo gaadhin.
28/06/07 waxay
ciidammada guaysigu ku xidhxidheen magaalada
Dhagaxbuur dadwayne aad u badan. Dadkan ayaa
markii denbe loo qaaday meelo aan la garanaynin,
ka dib markii ay ciidammadu ka warhaleen in
deegaanka ay imanayaan ergo ka socota Laanqayrta
Cas, ilaa iyo haddana lama garanayo meesha ay
dadkani ay ku xidhan yihiin. Dadkaas waxaa ka
mid ah;
1- Bashiir
Xaashi
2- Cabdi
Madoobe Baddal
3- Maxamuud
Cabdi Siraad
4- Faadumo oo
magaceeda buux aanaan haynin
5- Qawad oo
magaceeda buuxa aan la haynin
6- Ayaad
Siyaad
7- Ifraax
Xaaji Cali
8- Xuseen
Macalin
9- Muxubo
C/llaahi iyo
10- Khadra Cabdi
Jaamac
15/06/07 waxay
ciidammada gumaysigu ku kufsadeen Garigo’anka
Dhiyaad gabadh lagu magacaabo Ceeg Aw Muuse.
Bannaanbaxyada
Jaaliyadaha Ogaadeenya.
Jaaliyadaha
Ogaadeenya ee ka jira dalalka kala duwan ee
adduunka ayaa bannaanbaxyo isla xdhiidhsan ku
qabtay meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah,
iyagoo cabashooyin qoraal ah u gudbiyay dalalkii
iyo gobolladii ay bannaanbaxyada ku qabteen.
Bannaanbaxyada intooda badan waxaa la qabtay
maalintii arbacada ahayd ee taariikhdu ku
beegnayd 11 July 2007.
11 July,
Washngton, USA
Jaaliyadda
Ogaadeenya ee Magaaladda Washington, DC iyo
Nawaaxigeeda ayaa qabatey bannaanbax aad u
ballaadhan oo qayb ka ah bannaanbaxyada ay
Jaaliyadaha Ogaadeenya kaga cabanayaan xasuuqa
iyo gumaadka ay ciidammada Itoobiya ka wadaan
dalka Ogaadeenya.
Banaanbaxan, oo ahaa mid aan loo kala hadhin oo
ay dadweynuhu si aad ah uga soo qayb galeen,
waxaa lagu qabtay ka soo horjeedka xarunta
wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanka.
Qabanqaabiyayaasha bannaanbaxan ayaa la kulmay
Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan wasaarada
arrimaha dibada, waxayna u gudbiyeen qoraal ay
kaga cabanayaan gumaadka ay ciidammada Itoobiya
u gaysanayaan dadwaynaha rayadka ah ee
Ogaadeenya.
Qabanqaabiyayaashu
waxay dowlada Maraykanka ku adkeeyeen inay si
dhab ah wax uga qabato xaalada murugsan ee
Ogaadeenya ka jirta iyo denbiyada
bani’aadamnimada ka baxsan ee Itoobiya ka
galayso dadwaynaha Ogaadeenya.
11 July, Oslo,
Norway
Jaaliyada
Ogaadeenya ee dalkaka Norway ayaa iyaduna
dhinaceeda qabatay bannaanbax wayn oo lagu
qabtay magaala madaxda Norway ee Oslo.
Bannaanbaxayaashu waxay socod ku mareen Jid wayn
oo magaalada badhtankeeda mar, iyagoo hormaray
xarunta Baarlamaanka iyo Qasriga boqorka Norway,
ka dibna socodkooda ku dhammeeyay xarunta
wasaarada arrimaha dibada, halkaasoo ay kula
kulmeen masuuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha
Afrika oo kala ah; La-taliyaha guud ee arrimaha
Afrika iyo ku xigeenka Arrimaha Bariga iyo
badhtamaha Afrika, waxayna masuuliyiintaas u
gudbiyeen warbixino iyo cabashooyin ku saabsan
xaalada uu hadda dalka Ogadenya ku sugan yahay.
Haweenayda ku xigeenka ka ah arrimaha ariga iyo
badhtamaha Afrika ee wasaarada arrimaha dibada
ee Norway ayaa, iyadoo ku hadlaysa magaca
wasaarada, waxay tacsi u soo gudbisay dhammaan
shacabka Ogaadeenya oo ay uga tacsiyaysay
gumaadka ay u ku hayaan ciidammada Itoobiya,
waxayna sheegtay inay ka xun tahay
cunaqabataynta hadda saaran shacabka iyo guud
ahaan xaalada uu wadanku ku sugan yahay, isla
markaana ay xaalada Ogaadeenya si gaar ah u
eegayaan, dadaalna ay ka gaysan doonaan sidii
loo caawin lahaa shacabka Ogaadeenya.
11 July,
Copenhagen, Denmark
Sidoo kale waxaa
magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark lagu
qabtay bannaanbax wayn oo isna lagaga soo
horjeedo gumaad wadareedka lagu hayo shacabka
Ogaadeenya. Banaanbaxan oo in muddo ahba la soo
abaabulayay ayaa u dhacay si heer sare ah, ayna
ka soo qayb galeen dadweyne aad u badan oo u
dhashay Ogadenya.
Bannaanbaxan waxaa lagu qabtay ka soo horjeedka
Aqalka Duqa Magaalada Copenhagen iyo fagaaraha
Aqalka Baarlamaanka, waxaana goobahaas lagu
qaybiyay waraaqo ka tarjumaya dhibka lagu hayo
dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin iyo
warbixinadii Humar Rights Watch, Ogaden Human
Right iyo warbixintii wargayska Newyork Times.
11 July,
London, UK
Dadwaynaha
Ogaadeenya ee ku dhaqan dalka UK ayaa iyaguna ka
mid ahaa dadwaynaha Ogaadeenya ee qurba joogta
ah ee ka dhiidhiyay xasuuqa ay xukuumadda
Wayaanuhu ku hayso dadwaynaha Ogaadeenya, wxayna
reer UK bannaanbax wayn ku qabteen ka soo
horjeedka xarunta Barlamaanka waddankaas.
Bannaanbaxan ayaa lagaga cabanayay xasuuqa ba’an
ee ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka
Ogaadeenya, cunaqabataynta dhaqaale iyo
xadgudubyada kale ee ciidammada gumaysatada
Itoobiya ku hayaan dadwyanaha Ogaadeenya.
Bannaanbaxan waxaa
ka soo qayb galay in ka badan 200 oo qof oo ka
kala yimid magaalooyinka kala duwan ee dalka UK,
kuwaasoo wajiyadooda laga akhrisan karayay sida
ay uga cadhaysan yihiin dhibaatooyinka ay
ciidammada gumaysigu ku hayaan dadwaynaha
Ogaadeenya. Ka qayb galayaasha bannaanbaxan ayaa
sitay boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin
hal-ku-dhagyo muujinaya faalka naxariis darrada
ah ee ciidammada Itoobiya Ogaadeenya ka wadaan.
Ergo ka socota
bannaanbaxayaasha ayaa la kulantay xoghaynta
Baarlamaanka UK , waxayna u gudbiyeen Dowlada
iyo Baarlamaanka UK qoraal dheer oo ka hadlaya
xasuuqa iyo xadgudubyada ay ciidammada Itoobiya
ka wadaan dalka Ogaadeenya iyo siyaasadda
naxariis darrada iyo xilkasnimo la’aanta ku
salaysan ee xukuumadda Itoobiya kula dhaqanto
arrimaha Ogaadeenya. Qoraalkan ayaa si
faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka ay
ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha
rayadka ah, sida dilka, xidhayga, faraxumaynta,
cunaqabataynta, gubista tuulooyinka iyo aqallo
soomaaliga iyo xayiraada gaadiidka iyo isu
socodka dadwaynaha.
Bannaanbaxayaashu
waxay qoraalkoodan kaga codsadeen Dowlada UK ,
Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub inay si toos
ah u faragaliyaan arrimaha Ogaadeenya, isla
markaana ay beesha caalamku guddi xaqiiqo raadis
ah u dirto Ogaadeenya, si ay laf ahaantoodu u
arkaan oo u qiimeeyaan masiibada ka taagan
Ogaadeenya.
11 July, Bern,
Switzerland
Jaaliyada
Ogaadeenya ee dalka Switzerland ayaan iyaduna ka
maqnayn dibad-baxyada lagu muujinayo
dhibaatooyinka ka taagan Ogaadeenya iyo
masiibada ka dhalatay gumaadka iyo
cunaqabataynta ee Itoobiya ka wado Ogaadeenya.
Jaaliyada Switzerland waxay magaala madaxda
dalkaas ee Bern ku qabteen bannaanbax wayn oo ay
bulshada caalamka kaga dalbeen inay joojiso isir
baabi’inta ay Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya,
iyagoo soo bandhigay boodhadh ay ku
canbaaraynayaan taliska Addis Ababa iyo
aamusnaanta ay dowladaha caalamka iyo ururrada
caalamiga ahi ka aamuseen denbiyada waawayn ee
ka dhacaya Ogaadeenya.
Bannaanbaxayaashu
waxay sidoo kale dhalliileen aamusnaanta ay
dalalka Carabta iyo kuwa Islaamku ka aamusan
yihiin isir goynta Ogaadeenya ka socta, waxay
Jaamacada Carabta iyo Ururka Wadammada Islaamka
ka codsadeen inay tallaabo ka qaadaan qadiyada
Ogaadeenya.
Bannaanbaxayaashu
waxay qoraal oo ka hadlaya dhibaatada Ogaadeenya
u gudbiyeen wasaarada arrimaha dibada ee dalka
Switzerland iyo wakiillada ururrada daneeya
arrimaha xuquuqul insaanka ee xaruntoodu tahay
magaalada Jeneve ee dalka Switzerland.
Bannanbaxani wuxuu bannaanbaxyada kale dheeraa
isagoo uu si waafi ah uga hadlay tilifishinka
caanka ah ee Al Jazeera.
12 July,
Melbourne, Australia
Jaaliyadda
Ogaadeenya ee waddanka Australia ayaa iyaduna
bannaanbax kuwan la mid ah ku qabatay magaalada
Melbourne maalintii khamiista ahayd ee
taariikhdu ku beegnayd 12/07/07. Bannaanbaxani
wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka xarunta
wasaarada arrimaha dibada iyo Baarlamaanka ee
magaalada Melbourne.
Bannaanbaxayaashu waxay qoraal cabsho ah u
gudbiyeen wasaarada arrimaha dibada ee dalka
Australia, iyagoo ka codsaday in dowlada
Australia ay wax ka qabato xasuuqa lagu hayo
dadwaynaha Ogaadeenya. Waxay sioo kale codsadeen
in xukuumadda Itoobiya laga joojiyo dhaqaalaha
ay reer galbeedku ku taageeraan, maadaama ay
tahay xukuumad aan ixtiraamin xuquuqda aadanaha
iyo xorriyada saxaafada, isla markaana dadwayne
rayad ah gumaadaysa.
Bannaanbaxan waxaa
xiiso gaar ah u muujisay saxaafada waddankaas
Australia, iyadoo dhacdooyinka bannaanbaxa uu
tabiyay tilishinka caanka ah ee SBS.
9 July, San
Deigo, USA
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Magaalada San Deigo ee
Gobalka California ayaa iyadu maalmo kaga
horraysay Jaaliyadaha kale qabashada
bannaanbaxyadan lagaga cabanayo gumaadka ay
Itoobiya ka wado dalka Ogaadeenya, waxayna iyadu
bannaannbaxday maalintii isniinta ahayd ee
taariikhdu ku beegnayd 09/07/07.
Bannaanbaxan, oo
ka dhacay magaalada San Deigo, waxaa ka qayb
galay dadwayne aad u badan oo ka kooban bulshada
qaybaheeda oo dhan. Waxaa iyaguna bannaanbaxa ka
qayb galay dadwayne u dhashay Jamhuuriyada
Soomaaliya.
Bannaanbaxayaasha
ayaa ku muusanaabayay in bulshada Ogaadeenya ay
tahay bulsho ay dunidu dayacday, waxayna
muujiyeen in dhaqaalaha uu Maraykanku siiyo
xukuumadda Itoobiya uu yahay midka ay u
adeegsanayso gumaadka ay ku hayso dadwaynaha
Ogaadeenya.
Bannaanbaxayaashu
waxay qoraal cabsho iyo xogbixin ah u gudbiyeen
madaxda Gobolka California, oo iyaguna
dhinacooda ballanqaaday inayna indhaha ka
daboolan doonin cabashada bulshada Ogaadeenya.
9 July, Shir balaadhan oo ka dhacay Ontario
-Canada
Jaaliyada
Ogaadeenya ee Gobolka Ontario ee wadanka Canada
ayaa shir ballaadhan isagu timid maalintii
Sabtida ee bisha July 7, 2007.
Shirkan oo ahaa
mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa
uu ahaa mid looga arrinsanayey dhibaatada ka
aloosan Ogaadeenya ee ah Xasuuqa
bani'aadamnimada ka baxsan ee ay Xukumada
Itoobiya ka wado geyiga Ogaadeenya.
Ka soo qaybglayaasha shirkan ayaa halkaas ku
dhegaystay warbixinadii ugu dambeeyey ee
Ogaadeenya iyo gumaadka ay Ciidamada Itoobiya ka
wadaan halkaas.
Dadkii halkaasi ka hadley waxaa ka mid ahaa Dr.
Cabdiraxmaan Yusuf oo aad uga hadlay xaalada
Ogaadeenya ku sugan yahay iyo dhibaatada
shacabka ka soo gaadhay cunaqabateynta ay
Itoobiya ku soo rogtay dhamaan Gobollada
Ogadeniya, isaga oo sheegay in Itoobiya ay ku
fashilantay cunaqaatayntii ay Ogaadeenya
saartay, iyadoo ugu wacan tahay in shacabka
Ogaadeenya adkaysin dheeraad ah u muujiyay
dhibaatada uu gumaysigu ku hayo.
14
July
2007
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda
19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo
internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30
waqtiga Afrikada Bari