SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

MUQDISHO WAAN JECLAHAY HADANA MA JOOGI KARO..!

W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)

E-Mail: dirham114@myway.com

Waa cabsi joogto ah waxa aan had iyo jeeraale wehelka u ahay, marka aan waddada marayo, waxaan isweydiiyaa goormee lagu dili doonaa?, ama shil qarax ah uu agtaada ka dhici doonaa, kuna galaafan doonaa? Ama rasaasta ciidanka ay ku haleeli doontaa, iyagoo ka jawaabaya weerar lagu soo qaaday?.

      Su’aalahaasi oo dhami waa kuwa ka dhashay xaaladda dhabta ah ee hadda ka jirta magaala madaxda Muqdisho, siyaasadda gabi dhacleynta badan ayaa waxey ku soo biyo shubatay, haddii aad dhinac raacdo dhafoorka ayaa xabbad lagaaga dhufanayaa, waa dhinacna ha raacin, cidna haku lug yeelan, laakiin, aniga waan feejignaan badanahay, kooxna ku siyaasasd ma ihi, waxaan jeclahay kaliya waa kala dambeyn iyo nidaam, waxaanse ka baqayaa shaki aan run aheyn in uu i salfado.

      Imisa ayaa ku nafweysay siyaasadda ay rumeeyeen, ama kooxda ay ku fikirka noqdeen? Imisaase u xiran? Anigu intaas waxaan ahay goobjooge aamusan!, waxaan dusha ka daawanayaa waxa dhacaya, balse cabsida ayaa iga saa’id caleysay, oo waan u sii gagsan la’ahay, iskaba daa inaan siyaasadda la socdee, hadda nafteyda ayaan u baqayaa.

      Maalinba meel bay joogtaaye, maanta magaalada waxaa ku sugan dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, oo u soo guurtay  caasimadda, marka laga reebo Golaha Shacabka oo si KMG ah ugu soo shaqeeya magaalada Baydhabo.

      Waxaa jira dhacdooyin joogto iska noqday, markii ay dhiiragelin ka heleen idaacado iyo wargeysyo buunbuuniya dhacdooyinka ay sameeyaan, kuwa kale ma aha waa kuwa ka soo horjeeda siyaasadda dowladda ay ku shaqeyso.

      Dagaalkii ugu dambeeyey ee Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu ku dhawaaqay iney dowladdu ku guuleysatay oo la soo afjaray, wuxuu dhalay gaari miidaamsan oo la qarxiyo, ogow waxaa inta badan ku dhinta rayid ila mid ah oo Muqdisho degan, weerar gurile ah oo laftiisa aaney sahlaneyn dhibtiisa, sidoo kale, miino la aaso iyo bambo gacanta laga tuuro, ayaa wax caadi ah ka noqday goobaha ay dadka ku badan yihiin ama ay ciidamada joogan, inkastoo ay yar yihiin, haddana waxaa ka badbadiya idaacadaha Muqdisho.

      Waxaase wax walba beentaa yiri, Marshal Lowgii ay xubnaha Golaha Wakiilada u codeeyeen in dalka la geliyo ayaa wuxuu dhaqan galay muddo yar un ka hor, wuxuuna u soconayaa si xawli ah.

      Nolosha habeenkii ee magaalada Muqdisho waxey la mid tahay meel eber ah, hadda waa bandow, wixii ka horreeyeyna weeraro gaadmo ah ayaa qaati laga taagnaa, waxaaba sii dheer isbaaro aad mooddo in dadka loo garba duubay, waa habeenkii qolkaaga jiifka haka soo bixin.

      Kaba sii daran hawlgalada ay sameeyaan ciidamada dowladda ayaa dorraad iyo shalay waxey qalqal geliyeen noloshii caadiga aheyd, waxaan ku sigtay inaan iyadoo maalin ah habeen u maleeyo.

      Ciidamada dowladda oo Boolis iyo Milateri isugu jira ayaa waxey shacabka ula dhaqmeen maalmihii yaraa ee laga soo gudbay, si aan caadi aheyn, waxey geliyeen xaalad argagax oo fool xun, waxey dhaceen hantidii rayidka, waxeyna taagan yihiin maalin iyo habeen dariiqyada muhiimka ah ee magaalada.

      Intaasi oo dhan haddii aan ugu dul qaadan lahaa, waxaan sinaba u fiirsan Karin, in askari Itoobiyaan ah uu wadada iga celinayo oo uu I dhahayo “Hit” iyo “Yalam”, waa wax aanan qaadan karin, waa ciil ku noolow, adoon waxba ka qaban Karin, waxaan ka badin waayey inaan guri jooge iska noqdo anoo ciil sariirteyda la dul saran.

      Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa ku duugan xudunteyda, waa meeshii aan ku dhashay, ee aan ku barbaaray, nolosheyda waxey la falgashay cimilada iyo jawiga magaalada.

      Waxaan ku dhex leeyahay saaxiibo badan, waligey kuma fikirin inaan meel uga baxo, mana aaminsani iney jirto meel ka nolol iyo hawo fiican.

      Laakiin, dhalinyarada ila midka ah waxey ku taamaan iney tagaan meel ka baxsan Muqdisho, oo ay aadaan magaalooyin ay door bideen oo ku yaalla dalalka Yurub iyo Mareykanka, taasoo ay ku macneeyaan iney u doonanayaan horumar iyo waxbarasho, aniguse waan ka duwanaa waligey waxaana maanka ku hayaa inaan Muqdisho wax ku ahay, waxaan ku riyoodaa iney xaaladdu isbadali doonto maalin un, nafteydana sidaas ayaan ku sabaa.

      Maalmo kala duwan waan u soo joogay iyo xaaladdu kala jaad ah, waxaan ka mid ahaa dadka degan Muqdisho oo ay gacanta ku dhigaan marba koox, balse, markan waxey nafteydu igu leedahay, meesha naga dhaqaaji, iskuma aamini karnee!, Muqdisho waan jeclahay, hase yeeshee, ma sii joogi karo, meel aan ka aadana ma aqaan, waxaan un isaga sugayaa qadarta Alle oo aanan ka dhuuma karin!

W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)

E-Mail: dirham114@myway.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com