‘Shirka Dib-uheshiisiinta Qaran’:
Ruwaayad si xun loo alifay
Axmd Cali M. Khayre
aakhayre@hotmail.com
Hardhac
Waxaa maalmahaan la hadalhayaa in
magaalada Muqdisho lagu qabanayo shir loogu
yeeray mid dibuheshiineed oo ay isugu
imaanayaan qabiilooyinka Soomaalidu.
Shirkaas waxaa lagu sheegay inuu yahay mid
qabiilooyinka lagu heshiisiinayo balse uusan
wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.
Dowladda KMG ah oo Imbagaati lagu soo
dhisay oo markii hore diidday in ay wax
wada hadal ah la gasho kooxaha ka soo
horjeeda ayaa cadaadis badan oo dibadda iyo
gudahaba ah ka dib garowsatay in ay lagama
maarmaan tahay in la qabto shir, kadib
markii ay ogolaansho ka heshay dowladda
Itoobiya oo ah awoodda sida dhabta maanta
uga talisa Soomaaliya oo dhan si dadban ama
si toos ahba. Wuxuuna Madaxweynaha DFKM
C/laahi Yuusuf ku dhawaaqay in ay shir ku
qabanayaan dalka gudhiisa isagoo jooga
magaalada Addis Ababa oo ah meesha inta
badan go’aannada muhiimka ah looga soo
yeeriyo mas’uuliyiinta DFKM ah.
Qormadan gaaban waxaan ku eegaynaa shirka
la sheegay in lagu qabanayo Muqdisho iyo
arrimaha ku xeeran. Haddii Mas’uuliyiinta
DFKM ahi iyo Guddiga qabanqaabaduba ay marar
badan ku celceliyeen in ay fashilmeen 14kii
shir ee kan ka horreysay oo aan laga gaarin
dibuheshiisiin, shirarkaas oo uu ugu
dambeeyay Imbagaati ee lagu soo dhisay DFKM
ah, ma yahay shirkani mid dib u
heshiisiineed oo dadka Soomaaliyeed ay u
aayaan? Maxayse noqon kartaa natiijada kama
dambeysta ah ee laga fili karo?
Ka qaybgalka shirka hab qabiil
Waxaa la shaaciyey in shirka ‘bib u
heshiisiinta’ looga soo qayb gali karo hab
qabiil oo keli ah oo ayna jirin cid matali
karta koox siyaasadeed, diineed ama si
madax banaani ah uga soo qaybgali
karta.Qofkasta oo imaanaya waxaa la yiri waa
in uu soo gashadaa shaatiga qabiilka.
Arrinkan ayaad moodaa in loogu talo galay in
umadda Soomaaliyeed dib loogu qaybiyo lana
baa bi’iyo iskaashiga siyaasadeed oo aan ku
dhisnayn qabiilka. Sida la wada ogyahay
khilaafka Soomaaliya ka jira waa mid
siyaasadeed oo ay isku hayaan shaqsiyaad iyo
kooxo siyaasadeed oo mar mar adeegsada
qabiilka. Haddii taariikhda dib loo raaco
waxa aad arkaysaa in dagaalada Soomaaliya ka
dhici jirey in ayna ku salaysnayn qabiil ee
laysku qabsan jirey biyo,daaqsin ama khilaaf
kale oo deegaanka khuseeya. Inta badan
dagaaladaas waxa ay u dhexeeyeen dadka isla
daga, haddii ay isku qabiil yihiin iyo
haddii kalaba. Laga bilaabo markii la qaatay
xorriyadda oo Soomaaliya yeelatay dowladdii
ugu horreysay oo meel dhexe laga maamulayo
dalka dhan ayaa jagooyinkii iyo wax dheefka
dowladda waxa ay badashay biyihii iyo daaqii
lagu dagaali jirey. Ka helidda jago sare oo
dowladda ayaa noqotay helitaan dhaqaale
badan oo la lunsado oo mar mar laga yaabo in
uu qabiilka wax ka gaarto. Waxa kale oo
helidda jagooyinka sare oo dowladda ku
lammaansanaaday ku takri falidda awoodda iyo
hantida dowladda.
Doorashadii ugu dambaysay oo xorta ahayd
oo ee dalka ka dhacday 1967dii waxaa ka
qaybgalay 62 xisbi siyaasadeed inta badan
ku dhisan qabiil oo soo sharaxday 1002 oo
qof si ay ugu tartamaan 123dii kursi oo
baarlamaanku lahaa. Ururadaas waxaa dhistay
shaqsiyaad jagooyin rabay oo qabiilkana
isticmaalayey. Isku daygii afgambigii ugu
horeeyey ee Somaliya lagu sameeyey dowladdii
milatariga ahayd waxaa sameeyey saraakiil ka
soo jeeday hal qabiil, waxaana cad in
ujeedkoodu ahaa in ay lawareegaan awooda
dalka iyo wixii faa’iido ah oo la socota.
Saraakiishaas iyaga ayaa damacu ku jirey
laakiin kuma socon talo qabiil. Jabhadihii
kale oo samaysmay iyagana waxaa abaabulay
saraakiil ama shaqsiyaad kale oo abaabulay
qabiilkooda, si ay u qabsadaan ama qayb uga
helaan hantida qaranka oo la dhacayo. Waa
laga yaabaa in ay jiraan shaqsiyaad dagaalka
u galay ujeedo kale laakiin waxaan ka
hadlayaa meesha loo badan yahay. Dagaaladaas
oo dhan waxa ay ahaayeen kuwo ay abuureen
siyaasiyiin u tartamayey jagooyin ee ma
ahayn qabiilooyin is neceb oo sidaas u
dagaalay. Marka xal larabana waa in
siyaasiyiinta la heshiisiiyo, ileyn waxa
dagaalsan oo qabiilka isticmaalayey waa
ayagee.
Waqtiga hadda la joogo, DKMG ee Kenya
lagu soo dhisay waxaa laga buuxiyay oo
jagooyinka ugu muhiimsan lagu dhoobay
qabqablayaashii dagaalka iyo xulufadoodii oo
ku bahoobay xisbigii SRRC oo lagu dhisay
dalka Itoobiya. Xisbigaas oo loo dhisay in
lagu burburiyo dowladdii KMG ahyd oo markaas
jirtay. Waxaa muhiim ah in la ogaado in
isbaheysigii SRRC qabqableyaashii dagaal ee
ku midoobay aysan isku keenin hayb qabiil,
balse uu isku keentay danahooda gaarka ah
iyo damacooda waashay. Laakiin haddana waxay
adeegsaneeyn qabyaalad iyagoo isku
muujinayay iney ka shaqeynayaan danta
qabiilkooda oo ay u raadinayaan xaq ka
maqan.
Kooxaha isbahaysi oo samaysmay waxaa kale
oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka oo intooda
badani ay hadda Eretria joogaan, kuwaasoo
iyagu ku dooda iney ka soo horjeedaan
faragelinta Itoobiya ay ku hayso Soomaaliya,
walow iyaga ruuxoodu ay qayb ka yihiin
siyaasiinta isbedbedela oo ay dabeyshu u
waddo marba meesha ay dantoodu jirto.
Kooxdaasna waxa ay iskula socdaan dan ee
iskuma keenin xigto qabiil. Waxaa kale oo
jira Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyana ah
xisbi taageero badan ka haysta qaybo kamid
ah bulshada Soomaaliyeed, iskulana socda
mabda’ diineed.
Kooxahaas aan kor ku soo xusnay midna
kuma dhisna isbaheysi qabyaaladeed. Waxa
kale oo jira shaqsiyaad aqoonyahanno ah ama
siyaasiyiin aan kooxna ka tirsanayn oo aanna
rabin in ay dallad qabiil ama koox hoos
galaan. Waxaa intaas dheer in ayna jirin
qabiil Soomaaliyeed oo siyaasadda ku
midaysan oo qabiil ama jufo kasta ay kala
jaban yihiin oo ay kooxaha siyaasadda ku
kala xiran yihiin.
Shirkan sida muuqata waxaa laga
casuumayaa qabiilka qaybtiisa taageersan
fikirka kooxda abaabulaysa shirka la sheegay
in lagu qabanayo Muqdisho. Madaxda Dowladda
KMGka ah iyo gudiga qababqaabaduba waxa ay
ku celceliyaan in 14kii shir oo hore oo loo
qabtay siyaasiyiinta iyo kooxaha in ay
guuldaraysteen hadana loo baahanyahay in
shir qabiil la qabto. Shirarkaas ay
sheegayaan waxaa ku jira kii Imbagaati oo
lagu soo dhisay dowladda ay sheeganayaan.
Haddii la raaco qaabka fakarka sidaas ah
waxa ay noqonaysaa in la qiro in ay
fashilantay wixii ka soo baxay shirkii
Imbagaati oo Soomaalida oo siman hab qabiil
loo shiriyo. Haddii ay ka tanaasulaan
jagooyinka ay sheeganayaan oo hab qabiil uga
soo qaybgalaan shirka, doodoodu waxa ay
noqon lahayd mid macquul ah. Waxa kale oo
guddiga qabanqaabada iyo dowladduba ku
celceliyaan in qofkasta oo Soomaali ahi
qabiil ka tirsan yahay oo uuna jirin qof ka
madax bannaan. Su’aasha dhalanaysa ayaa ah,
iyaga naftooda sow kuma jiraan dadka
qabiilka ka tirsan, ma yeelayaan in ay ku
yimaadaan magaca qabiiladooda? Mase ujeedadu
waa anaga waxaan ahaanaynaa koox siyaasadeed
inta kalana qabiil haloo kala qaybiyo.
Doodaasna waa mid gurracan oo aan socon
karin.
Waxa ay u muuqataa in dowladda Itoobiya,
oo hadda dhab ahaan haysata awoodda dalka
Soomaaliya, ay ku adkaysanayso in hab qabiil
oo keliya looga soo qayb galo shirka. Dadka
Itoobiya oo kala luqado iyo qowmiyado duwan
waxaa la rabaa in la yiraahdo waa mid, dadka
Soomaaliyeed oo wadaaga wax kastana in jufo
jufo loo kala qaybiyo. Dabinkan oo kale
waxaa loo maleegay madaxdii ururkii xoriyad
u dirirka ahaa ee Koofur Afrika ka dhisnaa
ee ANC. Caddaanka tirada yar oo dalka
haystay oo iskugu jira dad ka kala yimid
dowlado kala duwan, laakiin rabay in ay hal
ahaadaan oo loo aqoonsado caddaan ayaa waxa
ay rabeen in ay dadka madowga ah u kala
qaybiyaan qabiilooyin iyo dowlado yar yar.
Ururka ANC waa fahmay arrinkaas si fiican
ayeyna gaashaanka ugu daruureen. Meles
Zenawi uma malaynayo in uu yeelayo dadka
Itoobiya qabiil ha loo kala saaro oo
khilaafaadka ka jira haloo heshiisiiyo.
Dalka Itoobiya jabhadaha ka jira awalna ka
jiray waxa ay ku salaysnaayeen qabiil sida
kuwa Soomaaliya oo kale mana ogola in qabiil
ama qowmiyad loo wada hadlo. Soomaalidna
waxa uu rabaa in uu kala qaybiyo si ayna u
imaan dowlad midaysan oo awood leh. Dadka
Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ayna yeelin
hagardaamadaas oo aan caadifadda qabiilku ka
tan badin.
Sida muuqata ujeedadu waa in dadka
Soomaaliyeed la geliyo jawi kala qaybsanaan
iyo kala shaki qabyaaladeed taasoo wiiqeysa
awoodda iyo wadajirka umadda, si kooxda
Imbagaati ay u helaan kaaba qabiillo u
sacbiya si aduunkana loogu tuso in dowladdu
haysato taageeragda shacabka. Laakiin waxaa
fiican in ay fiiriyaan mirihii ay dhaleen
kala qaybinta iyo sacabka bilaashka ah oo
waqtiga dheer la tumayey.
Meesha shirka lagu qabanayo
Marka shir loo qabanayo kooxo iska soo
horjeeda, waxaa kamid ah qodobbada ugu
muhiimsan in la helo meel dhexdhexaad ah oo
aan qolo ka mid ah kuwa is haya ayna haysan
oo si toos ah loogu wada hadli karo.
Magaalada Muqdisho oo lagu qabanayo shirka
‘dib-u heshiisiinta’ waxa jooga ciidamo
Itoobiyaan ah oo dalka sharci darro iyo xoog
ku jooga oo haysta. Waxa kale oo jooga
malayshiyo ay leeyihiin mid ka mid ah
kooxaha siyaasadda isku haya. Waa arin aan
soconayn caqligana galayn in kooxaha ka soo
horjeeda joogitaanka Itoobiyaanka dalka in
laga filo in ay ka qaybgalaan shir lagu
gabanayo taangiyada Itoobiyaanka hoostooda.
Waa sahlan tahay in afka laga yiraahdo anaga
ayaa amaanka balan qaadayna, laakiin weli
taariikhda ma dhicin in kooxo iska soo
hojeeda lagu wada hadashiiyo meel ay mid
kamid ahi ka taliso. Sida kaliya oo Muqdisho
uu uga dhici karo shir miro dhal noqon kara
waa in ciidamada dalka kusoo duulay laga
saaro, laguna soo badalo kuwo adduunku soo
diray. Ciidamadaas dhexdhexaadka ahina ay
sugaan amaanka ka qaybgalayaasha shirka iyo
madasha lagu qabanayo intaba.
Haddii taas aan la helin ma dhici karo
shir laga fili karo in lagu xaliyo khliaafka
siyaasadda Soomaaliya.
Madax bannaanida gudiga qabanqaabada
shirka
Waxaa shirka guddoomiye looga dhigay
Cali Mahdi oo sheegay in uu u madax bannaan
yahay shirka qabashadiisa iyo casuumaadda
cidda ka soo qaybgalaysa. Marka la rabo in
la qabto shir dhexdhexaad ah waxaa laga
rabaa in uu soo buuxiyo shuruudo ay ka mid
tahay dadka abaabulaya ama fududaynaya
shirka waa in ay noqdaan dad dhexdhexaad ah
oo u siman dhinacyada kala duwan iyo in
qaybaha la dhexdhexaadinayo ay soo
magacowdaan dadkii uga qaybgali lahaa shirka
kuna wada qanacsanyihiin guddiga
dhexdhexaadinta. Waxaa kale oo lagama
maarmaan ah in la sii caddeeyo waxyaabaha
looga wada hadlayo shirka iyo natiijada kama
dambaysta ah oo la rabo in laga gaaro.
Shirkaan ma soo buuxin shuruuradaas oo
dhan, umana muuqdo mid dhexdhexaad ah
sababaha soo socda owgood. Tan koowaad,
guddiga qababqaabada waxaa magacaabay
dowladda KMG oo ah koox ka mid ah kooxaha la
rabo in la heshiisiiyo kamana haystaan
kalsooni kooxaha kale. Macquul ma ahan in
kooxo is haya mid kood uu magacowdo
qaalligii kala saari lahaa. Tan kale ka
qaybgalka shirka iyo cidda loo ogolyahay
waxaa ka hadla oo go’aamiya madaxda
Dowladda KMGka iyo Dowladda Itoobiya. Dhowr
goor ayaa Ra’isul wasaaraha Itoobiya
waraysiyo uu dhiibay ku sheegay cidda loo
ogolyahay iyo tan aan loo ogolayn ka
qaybgalka shirka. Waraysi uu dhiibey Cali
Mahdi ayaa la weydiiyey in maamulada
goboleedyada dalka ka jira ay uga
qaybgalayaan hab maamul ama hab qabiil. Cali
Mahdi waxa uu ku jawaabay “arinkaas waa mid
siyaasadeed waxaana la weydiinayaa dowladda
kumeelgaarka ah”. Jawaabtan ayaa ku
tusinaysa in ayna jirin madax banaani oo uu
shirku yahay mid ay kooxu qabsanayso. Waxaa
kale oo hadda la xaqiijiyey in maamulka
lamagacbaxay Puntland uu soo xushay ergo
shirka uga qaybgasha hab maamul oo ay
caddeeyeen. Taasna waxa ay sii burrinaysaa
fikirkii ahaa waa in hab qabiil looga soo
qaybgalaa shirka. Gobolada kale waxaa laga
rabaa in madaxda qabiilladu ay soo xulaan
oo aan maamulka gobolku shaqo ku yeelan
dadka ka soo qaybgalaya shirka.
Gunaannad
Sida muuqata ujeeddooyinka shirkan loo
qabanayo waa in adduunka looga dhaadhiciyo
in dowladda loo dhan yahay si loo helo
dhaqaale, una hirgasho in hal koox xukunka
dalka u haysato. Kala qaybinta qabiilka ee
dadka Soomaaliyeed mar kale iyada oo laga
leeyahay ujeeddo gaaban, waxa ay reebaysaa
cawaaqib xumo waqti dheer socota iyo qalqal
siyaasadeed oo horleh. Dalka Soomaaliya
waxaa haysta ciidan cadow oo kusoo duulay,
waxaana adkaanaysa in xal siyaasadeed la
gaaro inta ay ciidankaas dalka ku sugan
yihiin. Dadka Soomaaliyeed waa kasoo daaleen
maamul xumo iyo ruwaayad.Waxaa loo baahan
yahay in laga fakaro sidii loo heli lahaa
dowlad loo wada dhan yahay oo ku dhisan
caddaalad iyo awood qaybsi hufan. Dowladdaas
waa in hoggaan looga dhigaa dad aan dambi ka
galin umadda lehna karti iyo aqoon ay dalka
ku maamulaan. Si taas loo gaaro waxaa lagama
maarmaan ah in lafuliyo arimaha soo socda:
- In dalka laga saaro ciidamada
Itoobiya oo sida sharci darrada ah ku
soo galay sida ugu dhaqsaha badan iyada
oo aan lagu xirayn wax shuruud ah.
laguna badalo ciidan ka socda waddamo
dhexdhexaad ka ah arimaha Soomaaliya.
Haddii la yiraahdo ciidamada Itoobiya ma
baxayaan iyada oo aan amaan lahelin, oo
aan ammaanna imanayn iyaga oo jooga ,
taas macneheedu waxa uu noqonayaa
ciidamada Itoobiya weligood ha joogeen,
dalkana ha haysteen.
- In la qabto shir dib-u-heshiisiineed
oo dhab ah oo loo qabto qaybaha kala
duwan ee bulshada iyo kooxaha
siyaasadda.Waxaa lagama maarmaan ah in
xooxaha siyaasadda isku haya laysku
keeno, lagana soo qaybgaliyo cidkasta oo
wax ka qaban karta arimaha Soomaaliya oo
qasan. Haddii DKG ah ay ku adkaysanayso
shirarkii hore waxba kama soo bixin waa
in ay iyagana ka tanaasulaan jagooyinka
ay sheeganayaan si simanna looga hadlo
arimaha dalka.
- In laga hadlo dambiyadii ka dhanka
ahaa xuquuqda aadanaha oo ka dhacay
dalka Soomaaliya oo ay ugu dambeeyeen
xasuuqii shacabka loogu gaystay Muqdisho
bilowgii sanadkan, lagulana xisaabtamo
shaqsiyaadkii ka dambeeyey. Haddii aan
shaqsiyaadka dambiilayaasha ah lala
xisaabtamin waxaa imaanaysa in dambigii
ay galeen loo saariyo qabiilkooda, taas
oo keeni karta cawaaqib xumo iyo raadin
aarsi joogto ah.
Axmd Cali M. Khayre
aakhayre@hotmail.com