RABBI IDANKIIS HA HIRGALO SHIRWEYNAHA
DIB-U-HESHIISIINTA, HANA KU FURMO NABAD,
ISKU-KALSOONAAN, IS-AAMIN, SHAKI LA'AAN, HANA KU
DHAMMAADO NABAD, FARXAD, ISCAFIN IYO HESHIIS LOO
AAYO, INSHA ALLAAH
KOOX KASTA OO CURYAAMISA HANAQAADKA SHIRWEYNAHA
WAA CADOOW DIIDDAN NOLOSHA IYO JIRITAANKA
SOOMAALIYA
Ummadda Soomaaliyeed oo amar Alle dartiis burbur
aad u darani ku dhacay, asaagoodna dib uga
haray, ayna aseebtay aafo weyn iyo ilhaano xun,
waxay maalmahan u hanqal-taagayaan qabsoomidda
shirweynaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed oo
loo ballansan yahay 15ka July, insha Allaah.
Dadka Soomaaliyeed oo ah dad aad ugu baahi qaba
nabad, dawlad iyo in dawo khayr loo helo cudurka
xun ee ku raagay waxay werwer iyo walaac ka
qabaan isna weydiinayaan qabsoomidda
shirweynaha, iyo hadduu qabsoomo ma lagu
gaarayaa heshiis loo wada hoggaansamo, meelmarna
noqda si ay mar uun noloshu ugu macaanaato,
ugana baxaan halaagga hareereeyey ee aan waxba u
dhaafin dal, dad iyo maal adduun,
aakhiradoodiinna qiilqiilka geliyey?
Dad badan ayaa shaki iyo su'aal ka qaba
shir-sag-saagidda ka muuqata koox ku hadasha
magaca Beesha hawiye (aana matali karin ! ) oo
kusugan Gobolka Benaadir oo ah goobta shirka
lagu qabanayo, waxaana ka mid ah su'aalahooda:
- ma loo maleeyaa in ay kooxdaas oo ka shiidaal
qaadata kooxda joogta Asmara iyo dalal aan
doonayn nabad ka aslaaxda Soomaaliya ay ku
guuleysato in aan shirku qabsoomin?
- haddii ay arrintaasi dhacdo maxaa laga
yeelayaa?
- iyo dalku ma koox yar oo si xun u fekereysa,
wax wanaag ahina agtooda oollin, ayuu weligiis u
qafaallaanayaa?
Guddiga Shirka Dib-u-heshiisiinta waa Guddi si
daacadnimo iyo dad aqooni ku dheehantahay looga
soo dhex-xulay bulshada Soomaaliyeed intooda aan
beloobin ee caafimaadka qabta.
Guddigaas oo ay tiradoodu aad u yartahay waxaa
si weyn kalsooni buuxda loogu qabaa tayadooda
wanaagsan, maxaa yeelay waa xubno Ummadda
Soomaaliyeed aad u wada garanayaan isuguna jira
siyaasiyiin hore, halgamayaal xornimada u soo
xarbiyey, aqoonyahanno iyo Ganacsato.
Xubnahaasi waxay nadiif ka yihiin
dhibaatooyinkii Soomaaliya kala geeyey, wax
godob ahina ma taaban, waana rag daacad iyo
waddaninimo keli ah ku abtirsada, waxaana Alle
looga baryayaa in uu ku gargaaro xilka culus ee
tuurta loo saaray, ayna soo hoyaan guul
mireheeda dhaqso loo gurto laguna xasilo, insha
Allaah.
Guddiga Shirweynaha oo uu Guddoomiye u yahay
mudane Cali Mahdi Maxamed waxaa hawlihiisa
xasaasiga ah ka mid ah:
in ay Soomaaliya heshiiso, kuna heshiiso in
ay run ahaan u heshiiso, ka hayaanto banka
abaarta ah, ayna degto balli doog leh oo nabad
ah, aadna u barwaaqo badan.
in uu si diirran iyo qalbi furan ku soo dhoweeyo
Ergooyinka ka kala imanaya Gobollada Soomaaliya,
uuna si wanaagsan u dejiyo.
in uu shirweynaha hago, hoggaamiyo, horseed ka
noqdo hawl kasta oo la xiriirta shirka
iyo baahida badan ee Ergooyinka, u qaybiyo
ergooyinka wada hadalka iyo doodaha ay ku qaadaa
dhigayaan maslaxadda ummadda soomaaliyeed meel
kasta oo ay la gasho, si loo gaaro heshiis
qotodheer oo nuxrur loo wada aayo leh iyo
go'aammo xambaarsan farxad, shargudban, sheydaan
xijaaban ah iyo Soomaalini-madii oo laga soo
saaro ceelkii dheeraa ee ay ku daxalsatay.
Waxaa kaloo hawlaha culus ee Guddiga Shirweynaha
qaran ka mid ah, ururinta talooyinka Ergooyinka
oo uu ka samaynayo shirqoraal markii la kala
haadiyo uu ka soo baxayo heshiiska kama
dambaysta ah ee uu shirweynuhu isku raacayo
haddii Alle idmo.
wuxuuna Guddigu ku faraxsan yahay
kuna kalsoonyahay Ergooyinka gobollada oo
iyaguna ah guurtidii weligood u gole iyo geed
joogtay garqaybta iyo maslaxadda dadka, kana
hortegi jiray ismaan-dhaafka markay la
kaashadaan weynaha wax walba awooda
Alle, wuxuuna arrintaas guddigu u arkaa
nasiib-wanaagsan iyo in ergooyinku yihiin dad ay
wada shaqayn karaan oo ay kheyr doonayaal isla
yihiin.
Waxaan Eebbe ka rajaynayaa in dhammaan
Ergooyinka Shirweynaha lagu martiqaaday uu u
fududeeyo socdaalka nabaddoonnimada iyo
niyadsamida ah, ayna caafimaadqab ku yimaadaan
xarunta shirka waqtigii lagu ballamay, iyagoo u
soo diyaargaroobay ka qaybgalka shirweyne muhiim
ah oo taariikhi toban jibaaran ah oo ka wada
mudan dhammaan shirarkii dibadaha loogu yaaci
jiray, ayna harayn jireen siyaasado wada
sirgaxan oo aan meel u wada jeedin, cid walibana
sidii ay rabto u tarjuman jirtay.
Shirweynuhu waa mid guddigiisa iyo ergadiisa la
xulay oo la turxaan bixiyey, damac gaar
ahaaneedna aan cidina ka lahayn, balse rabbi
hortiis Guddiga iyo Ergooyinku ugu adeegayaan
dalkooda iyo dadkooda.
waxay ogsoonyihiin catowga, calaacalka,
jibaadka, oohinta, ciilka, carada, dilka iyo
dibindaabyada shacabkooda dullaystay ee la
degay 17 sano.
Alloow raggaas riyadooda run uga dhig.
Ergooyinka sharafta badanoow, walaalayaal, mid
mid innoogu duceeya in aan shirku innaga
burburin iyo in Alle innaga dulqaado ceqaabtiisa
aan innagu gacmaheenna ku doonannay, naxariis
iyo nabad inna siiyo, inna waafajiyo talada
toosan ee xaqa ah, innagana dhaqo uurxumada iyo
yaan belaayo lagaa badin ee weerarka badi, dadka
iska dil kuna nasiibso wixii ka daata.
Kalsooni ku qaba in shirweynuhu sabab u noqdo in
Soomaalidii la isku diray ee kala
irdhowday Rabbi qalbigood burcad isu mariyo,
ayna dib u soo noolaato walaaltinimadii, wada
jirkii iyo midnimadii qaalliga ahayd ee aan
weligeen kaga adkaan jirray cadowgeenna,
innaguna isku aamini jirray, isku dhexmari
jirray, isku soori jirray, xidid iyo xigaalona
ku ahaan jirray, indhowaalena aan ceeyr ka
ahayn.
Waxaa rajo weyn laga qabaa in ergay kastaa
go'aansaday, raallina ka yahay in la heshiiyo,
si daacadnimo ahna loogu heshiiyo in la
heshiiyo, waxwalbana laga noqdo xalay dhalay ,
in la is cafiyo Alle dartiisna la isku cafiyo,
xumihii la isu geysteyna la illoobo, lana soo
hadal qaadin, amaanta Alle la badiyo, Alle
aqoonsiga la badiyo, wixii dhacey wey dheceen
mana soo noqonaayaan, ee cafiska badiya iyo
warxunoow lagu waa.
Cid kasta oo diidda ama cillado u yeesha
in soomaaliya heshiiso, iskana saarto fidmada
daba dheeraatay waa cadoow jiro xun oo aan dawo
lahayn qaba Alle ha u sakhiree, waana in laga
tashado oo loo taliyo dadka sidaas ku sifooba.
Alle aan cafis weydiisanno, innaguna is cafino,
dhulkana aan iska dhigno hoogga (hubka) cadoowgu
hoosta innoo geliyey ee aan kuweyney
eheladeennii iyo aakhiradeennii, waxaana la wada
dayeysannahay suntii aan ka dhaxallay iyo
ciribxumada aan wiil wiilkiis la illaabi doonin.
Ergooy, fadlan, aan ku dadaallo dulqaad,
deganaansho iyo in aan marna cid la durin, hana
laga fogaado waxkasta oo aan samaan ahayn.
Shirka aan la tagno hadal habaysan oo hufan oo
aan turxaan lahayn si aan dhaqso ugu gaarro
yoolka aan higsanayno oo ah nabad iyo caano.
Waqtigu yaanu innagu dhaafin xigasho murti hore,
maahmaah, hal baan iri, hal baa ii raaca, hal
kalena waa ii dabayaal iyo tixraac hadal qof
kale hortaa yiri.
Qof kastaa ha hadlo, hadalkuna waa daawo, aan
hadallona waa aan heshiinno, waxaase muhim ah in
oraahdu urursanaato adiga oo ilaalinaya safka
dheer ee loogu jiro hadalka, waana in aad loo
ilaaliyo ajeendaha shirka iyo sida qodobbadu u
kala horreeyaan.
CODSI IYO FIIRO GAAR AH
Shirweynaheenna maanta waa mid taariikhi ah oo
aan weligeen inna soo marin, waxaana wada jooga
dadkii talada Soomaaliya ka go'i jirtay oo isugu
jira dawladii, culimadii iyo guurtidii dalka,
waxaana hareeraha ka taagan, dhegahana u
taagaya shacabweynihii ahaa laf-dhabarta dhabta
ah ee dalka, kuwaas oo hiil, hoo iyo taageeroba
shirka ugu filan, ahna dadka shirku u adeegayo.
Sidaas darteed, waxaa shacabku si xushmad leh
shirweynaha uga codsanayaan in shirku uu fiiro
gaar ah siiyo in uu u hiiliyo xaqa oo ah in uu
ku dhiirrado in la heshiiyo oo lagu heshiiyo in
la go'aamiyo oo si buuxda loogu dhawaaqo ku
dhanka Shareecada Islaamka, taasoo ah nidaamka
keli ah ee aan kaga bixi karro dhibaato
kasta, isku xukumi karro, kuna gaari karro
caddaalad iyo kheyr badan adduun iyo aakhiroba,
insha Allaah.
Qarniyaal badan ayey ummadda soomaaliyeed ahayd
dad Islaam ah oo neceb cid kasta oo faragelin ku
samaysa diinta Islaamka, sababtii 5 qaybood
looga dhigay soomaaliyana waxay ahayd in la
dhaawaco diinteenna xaqa ah, markii
la innagu xasdey dal weyn oo haddana dadkiisu
islaam wada yahay, nasiib-wanaaggaasina adduunka
dhif iyo naadir ayuu ka yahay.
Ikhyaar, awood iyo talo uma
aynaan lahayn muddooyinkii aan gumeystayaasha ku
hoos noolayn in aan isku xukunno kitaabka, ha
yeeshe gumeystayaashiina kuma
ay guuleysan qorshahoodii ahaa qaybi oo xukun
iyo in ay diinta inna illowsiiyaan, toodana
innagu tallaalaan.
Nasiibdarro, 47dii sano ee aan 30 ka mida dal
gob ah ahayn, 17 sanona aan soo marray gumeysi
iyo gumaad midkii ugu xumaa oo dhexdeenna ah,
Alle ma qaddarin in aan iska beddello beentii
dastuurka la innoogu sheegay ee ahaa qoraallo la
innooga soo daabacay Rome iyo London oo
xambaarsanaa sidii ay iyagu wax u doonayeen, aad
ayeynuna uga ilduufnay in aan iska akhrino kana
digtoonaanno, balse hadda ayey weli buuxdaa talo
oo bisishahay.
Su'aasha aan waayey cid iiga jawaabta ayaa ah:
maxaa innaga oo 100% islaam ah innagu kallifay
in aan iskaga hornimaadno, dhiig badanna ku
daadinno arrin aynaan u qalmin oo murugadii hore
innoo raacisay qalbijab iyo quus oo ahayd in la
innaga maqlo:
- qayb-heblaayo waa culimo rabta in dastuurka
dalku noqdo Kitaabka qu'raanka kariimka ah,
waxayna ku jahaadaysaa qayb kale oo xujoowday oo
gaaloowday.
- iyo qaybtii kale oo ugu jawaabtay, kuwaasi ma
aha culimo ee waa sheegato, xil gaar ahina kama
saarra diinta islaamka oo dadka oo dhan u
dhexeysa ee waa jifi-hoosaad xukun doon ah oo
soo huwatay shaar diineed, waana la
dagaallamaynaa.
Haddii aan ka cabsanayno hanjabaad, cagajuglayn,
cunaqabatayn iyo in la innaga goosto
sandareertada sasabashada iyo hooyo ku go'da ah
waxba ma aha, waxaana ka mudan fulinta
waajibaadka Alle, isagaana awoodiisa iyo iyo
taageeradiisu weyntahay, kheyrkiisu badanyahay,
ceqaabtiisu aad u kulushahay, ciddii aamintaana
guuleysaneysaa, insha Allaah.
- ugu dambaystii Ergooyinka si joogto ah ha loo
siiyo, iyaguna ha isasiyeen casharro wacdi iyo
waano ah.
- ergooyinka ha loo fariisiyo gobol gobol,
tirada ergo kasta iyo kuraastoodu ha
isleekaadaan, ergey kasta qoorta ha ugu jiro
baajkiisa sawirka leh, fadhi kastana ha la
hubiyo arrintaas si looga fogaado waxyaabo
badan.
- in hadalka ergooyinka lagu xafido duubis iyo
qoraal.
- in muhimad la siiyo xasiloonida, is-dhegeysiga
iyo isfahamka.
- in laga digtoonaado ereyada qofba si
macnahiisa u yaqaan.
- in shirka laga ilaaliyo wax hub ah ama hub
noqon kara sida ulaha, toorreyda iwm.
- in aad loo ilaaliyo caafimaadka deegaannada
Ergooyinka sida meelaha hurdada, cuntada iyo
shirweynaha, hana la badiyo muqsulaha iyo biyaha
oo dawada colorinka lagu daray.
- in ay jiraan takhaatiir iyo kaaliyeyaal si
joogto ah meel kasta uga hawlgala, dawo iyo
gaadiid diyaar ah.
- in aad loo yareeyo booqashada ergada loogu
imanayo iyo fasaxa magaalada lagu aadayo si
looga taxadaro nabadgeyada ergada.
CUDURDAAR
Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh
uga cudurdaaranayaa akhristayaasha qoraalkan
oraah iyo hadal kasta oo ah qalad iyo gaf aan
munaasib ahayn oo iga fakaday ama aan ka
ilduufay,
waxaana diyaar u ahay in aan raalligelin ka
bixiyo markii la i soo gaarsiiyo, waxaana la
igala soo xiriiri karaa:
Emailka ah:
Muuse Xaaji (Abees) Tel.
703-606-9488
WABILLAAHI TAWFIIQ
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan