SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

UJEEDO: ITOOBIYA WAA DAMBIGEENNII OO KAAKI QABA EE INTA GARWAAQSANNO ALLAAH MAW NOQONAA?

cabda cabdullaahi
Cabda12@hotmail.com 

Assalaamu calaykum wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu,

Walaal Shiikh Shariif shiikh Axmed,

Ii ogolow inaan halkaan kuugu soo diro dhambaalkaygii 2-baad uu furan. Dhambaalkani wuxuu ku u jeedo yahay kii aan kuu soo diray 13/04/07.

Walaal Sh. Shariif,

Waxaan ku xusuusinayaa in mas’uuliyadda kaa saaran, Allaah horti, shacabka Soomaaliyeed le’egtahay intuu le’egyahay xilka aad u haysid MMI, sidaas daraadeed waxaan kuugu yeerayaa inaad shacabka, siiba dadka Xamar dagan, Allaah uga baqdid oo wax ka baadi doontid nabad in lagu soo dabaalo dalka siiba Xamar.

Sidaad ogtahay Shareecada islaamku waxay leedahay waxa afka carabiga lagu yiraahdo (awlawiyaat) waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa, arrimuhu siday u kala faa’iido badanyihiin ama u kala khasaaro yaryihiin baa loo kala hormariyaa iyadoo mar walba la xeelinayo maslaxadda guud oo ummada.

Sidaas daraadeed, waxay ila tahay waxa ugu horeeya oo maanta Soomaalidu u baahantay waa nabad. Wax walba oo kale waxaa laga hadli karaa markii nabad la helo ka dib. Haddii nabad la waayo wax walba waa la waayay. Caqli caafimaad qabaa ma qaadan karo in guri gubanaya oo dadkii daganaa gudihiisa ku jiraan korkiisa lagu dagaalamayo 17 sano walina loosii xiiso qabo in la wado dagaalka!!! Dadku waa diriraan waana heshiiyaan, dagaalku hadduusan xaq ahayn waa dab oo kale, dabna waa dhici kartaa in gacanta qalad loo saaro laakiin layskama dul hayn karo! Dagaalka aan ka hadlayaa wuxuu ku koobanyahay Soomaalida is laynaysa.

Dagaalka Soomaaliya ka socday 16 sano wuxuu ahaa jaahili walaal walaalki muslim ah dilayo. Hadda kan socda waxaa loogu magac daray xoraynta Soomaaliya iyo jihaad, waa laba arrimood oo muqadas waajiba ah, waxaase lagama maarmaan ah inay haystaan dariiq sax ah oo ayan noqon magacyo xaq ah oo baadil loo adeegsado.

Su’aalaha soo socda iyo kuwa badan oo kale buu shacabka Soomaaliyeed Xaq u leeyahay in looga jawaabo, sababtu waxay tahay xoolahaa hadba meeshii la doono loo duwaa laakiin dadka Allaah SWT baa guud ahaan ku karaameeyay caqli, gaar ahaanna qofka mu’minka ahi wuxuu haysta manhaj cad oo habeenkiisa iyo maalintiisu isku mid yihiin, qofka qabsadaana uusan dhumin, waa xadiiskii Nabigaa CSS.

S1): Maxaa keenay in Itoobiya soo gasho Soomaaliya?

Haddaynu arrinta siyaasadda inta ka saaro si mukhlisnimo iyo daacadnimo ku jirto uga hadalo, in dalkeenna Itoobiyana xoog kusoo gasho caalamka intiisii kale oo Afrika u horaysana laga baryayo inay inakala badbaadiyaan waxaa sababay dunuubteenna iyo dulmigeenna xad dhaafay. Maalin dhawayd waxaan arkayay Ugaandha oo leh Caasimadda Soomaaliya waa nabadaynay, yaa laga nabadaynayaa Caasimaddeenna ma Itoobiya mise innaga?

Itoobiya waxaynu u baylihinay dalkeenna markaynu iskula kacnay intii Allaah SWT iyo Rasuulkiisu CSS xaaraantinimeeyeen; dil, dhac, been, Xukun burburin, xaaraan cunid, amaana daro, xuma ku faan, xishood daro, xigmad yari, xaasidnimo, xabad ku noolaan, xasilooni daro, xirfad la’aan, xoola mubadarnimo, maxay tahay xoola mubadarnimada ka daran dal dhan oo la baabi’yay) Allaah SWT wuxuu ku yiri qur’aanka kariimka ah “mubadariintu waa walaalaha shayaadiinta”.

Itoobiya waxaa keentay gabadha yar oo siqiirka ah oo Minnesota loo geeyay in laga daaweeyo dhibaatada loogu gaystay Caasimadda Soomaaliya Xamar, ee ciddii maqasha oo damiir binaw aadaminimo ku jirtaaba oyday. Dhakhaatiirtii gabadhaas yar daawaynayayna waxaa laga sheegay inay yiraahdeen lagama raja qabo inay si buuxda uu biskooto. Badanaa inta gabadhaas oo kale ah ama kasii dhibaato badan oo aan laba is waydiin, Allaah kali ahina xogtooda ogyahay.

Itoobiya waxaa keenay dadka nolosha lagu gubay, ilmaha siqiirka ah oo inta kor loo tuuray waranka caloosha laga gashay, gabdhaha cadradaha ah oo laysku sawiray iyadoo xumaan oo dhan lagu samaynayo, qofka muslimka ah oo inta la dilay maydkiisii xagta la saaray oo lagu dul heesay, isku soo wada xoori oo Itoobiya waa camalkeennii xumaa oo kaaki qaba dayuurado iyo dabaabadana wata ee ma toobad keennaa, oo Allaah maw noqonaa, intaan qabriga laynooku keenin isagoo sidaas kasii fool xun? Allaah SWT baa qur’aankiisa kariimka ah ku yiri “kuwa iimaanka lehow ka baqa fitna aan ku dhacayn daalimiinta kaligood (al-anfaal aayada 25). Markaynu iska qaban waynay gacanta daalimiinta ama ugu kaalmaynay dulmiga wixii ka dhashay waa kan Itoobiya iyo Aabihii sharka Buush keenay dalkeenna.

Itoobiya waxaa keenay habaarkii dulmanayaasha, dhegahaygaan ku maqlay qof haween ah oo Xamar dhexdiisa ka ooyaysa oo leh Ilaahow Yuhuudna keen ee kuwaan naga qabo. Meeqa haweentaas oo kale ah ama kasii dhibaato badan baa habaaramayey wakhti dheer.

Nabiga CSS waxaa laga wariyay inuu yiri iska jira ducada qofka dulman sababtoo ah xijaab uma dhexeeyo isaga iyo Rabbigi.

Marka haddii ducadii dulmanayaashu kacday oo Itoobiya iyo aabihii sharka Buush dalkeenna yimaadeen maxaan u argagaxnay? Sideeda ma qofkaa qayma leh mise ciida lagu dhashay?

Waa xadiis caan ah ninkii 100-ka qof dilay oo la faray inuu ka haajiro meeshuu ku dhashay markay u noqotay meel shar. Waxa muqadaska ahi waa dhiiga mu’minka oo Nabiga CSS laga wariyay inuu yiri mu’min in dhiigiisa xaq daro loo daadsho Allaah agtiisa waa kaga darantahay Kacbadoo la dunsho.

Waxaas oo xumaan ah markaynu banaysannay haddaan, Allaah dhulka inala gown innagoo waxaas ku dhex jira ee Allaah Itoobiya keenay, bal inaynu is xasuusanno oo toobad celino maxaynu isaga dhignay in hada kaliya bela dhacday, miyaynaan garan karin in xumaanta uu kugu sameeyo walaalkaa aad la wadaagtid diin, dal iyo dhalashaba ka xanuun badantahay tan uu kugu sameeyo gaal cadaw ahi, mise xumaanta muslimku sameeyo waa muslim sidaas daraadeed waa ka fiicantahay tan gaalku sameeyo!!!

Allaah SWT wuxuu yiri “waxaan ku imtixaannay, wanaagyo iyo xumaanno bal inay soo noqdaan (al-acraaf aayada 168). Wuxuu kaloo yiri Allah SWT waxaa kasoo banaan baxay birri iyo badba fasaad (xumo) sababta waxay kasbadeen gacmaha dadku si uu Allaah u dhadhansiiyo xumaantii ay kasbadeen qaarkeed bal inay soo noqodaan toobad keenaan (ruum aayada 41). Wuxuu kaloo Allaah SWT yiri wixii idinku dhaca oo musiiba ah waa waxay gacmihiinu kasbadeen in badanna waa dhaafa (shuura aayada 30) aayaadka ina faraya inaan Allaah u noqono aad bay u badanyihiin.

Allaah SWT wuxuu ku yiri qur’aanka kariima ah “Allaah u noqda kuwa iimaanka lehow dhammaantiin aad liibaanteene” aayad kale Allaah wuxuu ku yiri kuwa aan toobad keenini waa daalimiin.

Qofka mu’minka ah oo caqliga wanaagsan oo daacadda ahi marka dhibaato ku dhacdo waa inuu ka fakaro dambigiisa oo baraarugo oo toobad keeno, ee maaha inuu hadba meel isku laalo isagoo raadinaya meel uu saaro waxa ka dhashay dambigiisa. Nin shiikh ah baa laga sheegay “markaan dambaabo xaaskayga iyo daabadaydaan ka garta”, Nabi Yuunis CSS markuu malaygu liqay markiiba wuxuu gartay inuu dambi ku dhacay markaasuu Allaah u cararay, Nabi Muuse markii, si kama’ ah nin gacantiisa ugu dhintay toobad buu u deg degay.

S2): Sidee ugu dhaqso badan uguna khasaaro yar oo aynu Itoobiya iyo ajnabi oo dhan uga saari karnaa dalkeenna isla markaasna u soo ceshan karnaa sharafteennii dhulka lagu jiiday?

J2): Waa innagoo heshiinna oo si dhab ah isu cafina. Itoobiya waa isla Itoobiyadii Ruush iyo Kuuba u soo gurmadeen markay Ardi sababa u baqday. Maalintaynu xabaddaan iyada ku ridi jirnay innagu dib isugula jeesanay bay Itoobiya bilawday hammiga ay maanta Xamar ku dhex mushaaxayso, lagamana yaabo inay ka baxdo intaynu innagu is laynayno. Maalintii heshiiska Soomaaliyeed dib u dhacaba Itoobiya iyo aabaha sharka guul wayn bay u tahay innagana guul daro wayn bay inoo tahay.

Waxaan aaminsanahay qofkii heshiiska Soomaalida shuruud uga dhiga Itoobiya inay dalka ka baxdo maahe Soomaaliyi ma heshiin karto inuu la mid yahay sidii qof quful ku xiray albaabkii Itoobiya iyo ajnabi oo dhammi ka bixi lahaayeen.

Itoobiya albaabka dagaalkeennay ka soo gashay albaabka ay deg deg uga baxaysaana waa heshiiskeenna. Siyaasiyiinta Soomaaliyeedow, magacaad doontaan watta, ee Soomaali idinkaa halkaas dhigay, shacabka walaalaha ahna idinkaa isku soofeeyay oo isku laayay, walina aan ka daalin. Waxaan idin leeyahay guud ahaan intaasi nagu filan, gaar ahaanna waxaan leeyahay dadka diinta magaceeda ku hadla oo shacabka masaakiinta ah ku hogaaminaya hab dagaal oo cusub, Allaah ka baqa oo islaamku waa nabad iyo naxariis ee shacabka haku dirina diintooda.

Haddaad tihiin madaxda MMI waxaad mooda inay idiinka dhegtay Muqdishaan Dajinay, oo aad qaadan kari la’dihiin in laydinka xoog roonaaday. Waa run in shacabka Allaah idiin sakhiray oo intay idiinka hiiliyeen nimankii Buush idinka iibsaday, oo rabay in Guwaantanaamo laydinku uruuriyo, Allaah SWT guul deg deg ah gacanta idiin gashay. Waxaa kale oo run ah in guushii ku fashishay siyaasad xumadii dharka la'ayd oo madaxda MMI qaarkood. Wixii wanaag ah oo aad niyad sami u qabateen Allaah agtiisaad ka helaysaan ee ka dul dhaqaaqa Xamar baan dajinay oo xal wax ka raadsha. Nabi Muxammad CSS iyo asxaabtiisii oo dagaalkii Uxud guulaystay baa koox yar oo amarkii Nabiga CSS khilaaftay la ogyahay wixii ka dhashay.

Buush wuxuu doonayaa inuu keeska Afrika ka sameeyo Israa’iil labaad, Soomaaliyana waxay ka mid tahay meelaha bar tilmaameedka u ah, sidaas daraadeed haddaynu doonayno inuu ku guul daraysto qorshihiisa shaydaan, miiska nabada u deg dega, iskana illaawa waxa dhexdiinna ah, hana ka kala dareerina shirka dib u heshiisiinta illaa Soomalidu heshiis run ah heshiiso.

Walaaleheenna Carbeed waxa halkaas dhigay waa qaybsanaantooda iyo dagaalka dhexdooda ah. Iyagu waxay u diriraan dal dal laakiin innagu waxaynu u dirirayno waa wax laga xishoodo, qof aabihii dhalay dambi looga dhigay waa arrin cajiib ah, dadka Allaah baa abuuray oo inba isku meel ku beeray marka ma Allaah baa lala dirirayaa? Wallaahi xaalkeennu waa yaab iyo fajaciso waa sidii qof yiri maxaa geedka quraca ahi uga soo baxay qansaxa agtiisa. Culimada Soomaaliyeedey Allaah ka baqa oo shacabku baarinimuu idiin muujiyay ee ku dadaala inaad heshiisiisaan si dalku nabad u helo shacabkuna codkooda xoriyad ugu doortaan cidday doonayaan iyagoo aan madaafiic, miino lyo ismiidaamis midna ka baqayn.

Ardi Sababa, Asmara, Washington iyo intii la hal maasha midna Soomaali maslaxad uma hayo ee walaalayaal idinkaa is hudhan ee heshiiya, qof walowba sii fiican ugu fiirso, walaalkaaga Soomaaliga ahi wuxuu yahay uun baad adna tahay, xaqiiqadu taas weeye ee Allaah ha ku garansiiyo.

S4): Ma laga raja qabaa in Soomaalidu inta ka biskooto wixii dhacay oo dhan walaalnimadoodii iyo qarannimadoodii soo ceshadaan? J4): In shaa Allaah, sidii loo burburiyay cooshashkii Xamar laga dhistay intii dagaalka sokeeye socday oo dalku dawlad la’aanta ahaa, bay u burburaysaa cadaawadda beenta ah oo dagaal sokeeye oogayaashu kala dhex dhigeen shacabka walaalaha ah.

Waxaan rumaysnahay ciddii ka shaqaysa in Soomaaliya nabaddii lagu yiqiin u soo noqoto oo Allaah sababtooda uga saaro dhibaatada dilootay shacabka, siiba dadka Xamar ku nool, inay ka galayaan taariikhda Soomaaliya baal dahab ah, hadday iyagoo iimaan leh niyad wanaagsan ku darsadaana Allaah ka abaal marinayo, Allaah SWT wuxuu qur'aanka kariimka ah ku yiri "kuma jiro khayr in badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo, ama wanaag dadka fara, ama heshiisiis dadka dhex dhiga, kii falana sidaas isagoo doonaya Raallinimada Alle waxaan siin doonnaa ajar weyn (Annisaa 114). Gaaladii Allaah SWT noo sheegay in quluubtoodu kala tagantahay baa u midoobaya maslaxadooda iyo inay muslimiinta dhagar u maleegaan, innagii Allaah SWT ina yiri UMMAD HAL AH BAAD TIHIIN ANIGUNA RABBIGIIN BAAN AHAY EE I CAABUDA, Nabigana CSS laga wariyay inuu yiri waxaad la mid tihiin hal jir, sidan baynu u dhaqmaynaa, marka maxay tahay arrintan foorortaa?

Culimadu waa inay ogaadaan inay xaakimka iyo maxkuumkaba culimadooda yihiin, kuna dadaalaan inay naseex u noqdaan labadaba, iyagoo ku dhaqmaya ADDIINU NASEEXA, Nabi Muxammad CSS Yahuudigii dhibi jiray buu markuu raadkiisii dhibta waayay raadinayay, siduu naar uga badbaadsho, idinkuna waxaad ku magacaabantihiin inaad dhaxalkii Nabi Muxammad CSS sidaan, marka ha kaga bakhaylina dadka qaar!!!

Walaal Shiikh Shariif,

Waxaan ku xusuusinayaa heshiiskii Alxudaybiya, haddaad guul u aragtid dagaalka jooji oo nabad raadi ,haddaadse guul daro u aragtid dagaalka wad, sababtoo ah heshiiskaasi wuxuu tusaale cad u yahay nabada oo laga doorto dagaal aan laga filayn natiijo wax ku ool ah Nabiguna CSS ku dayashaa inooku sugan oo waa hogaanka muslimiinta meel iyo goor ay joogaanba.

Cidda diida in Soomaaliya nabad iyo xasilooni ku soo noqoto, waxay doonayaan inay shacabka Guwaantonaamo ku hayaan, waa ha dhiman hana noolaan. Dad hadduu daacad yahay dawo ma waayaan ee dalka ku soo noqo oo nabad wax ka baadi doon. Waxaan la yaabaa markaan maqlo adoo leh Itoobiya dalka hadday ka baxdaan shirka nabadda ka qayb galayna. Waa arrin la yaab leh, dagaalkeennaa Itoobiya keenay, marka sidee baad ugu riyoon kartaa in sababtii keentay oo sideedii u taagan Itoobiya baxdo. Itoobiya dan wayn baa ugu jirta in dagaalku socdo.

Tusaale haddaan kaa siiyo shacabka Xamar, shalay markaad adiga iyo Maxammad Dheere dirirayseen adigaan si buuxda kuula jiray, haddana mabda'ayga wax iskama badalin, laakiin markaad diraahdid adigoo Asmara joogaa dagaalama oo miina xabaala, Maxammad Dheerana isagoo Xamar jooga yiraahdo shacabka yaan dhigahooda la maqashiin xabad, isagaan u arkaa inuu maslaxaddayda wado. Miinadu makala taqaan ilmahayga guriga banaankiisa ku cayaaraya iyo Itoobiyaanka. Tan kale ma arko wax maslaxad Soomaali u ah oo Asmara ka soo socda, sidaas daraadeed waxaan si walaalnimo ah kuugu soo jeedinaya haddaad naseex u tahay diinta, dadka iyo dalka deg deg Xamar ugu soo noqo oo nabad baan u baahanahaye nabad wax ka baadi doon.

Waxaan kaa rajaynayaa inaad ii soo jawaabtid, waana xaq walaalnimo oo aan kugu leeyahay ee ha yaraysan.

Assalaamu calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuhu

cabda cabdullaahi
Cabda12@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com