Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: July 13, 2007
- Gaadh-haye : Shirka Dib U Heshiisiinta Maaha Mid U Muuqda Mid
Qabsoomaya .
- Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Oo Sheegay Inuu Shirku Dhici Doono
Xiligii Loogu Loo Balamay Amaan Xumona Aysan Baajinayn.
- Weeraro Loo Adeegsaday Qoryaha Hoobiyaha Oo Habeenkii Khamiista
Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Gaadh-haye : Shirka Dib U Heshiisiinta Maaha Mid U Muuqda Mid Qabsoomaya .
Waxaa
inoo suurto gashay inaan waraysi dheer oo dhinacyo Badan taanaya la yeelano
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka sool Maxamed Saleebaan Bootaan oo loo
yaqaan Gaadh-haye kana mid ahaa siyaasiintii wax ka soo dhisay Dowladda FKMG ah
ee lagu soo dhisay magaalada Embagathi e dalkaasi kenya isagoo ku sugan muqdisho
wuxuuna u dhacay sidan:-
su'aal: sidee u aragtaa Xiriirka u dhexeeya Xukuumada Ethiopia iyo dowlada
Fedraalka ah ?
Jawaab.: Xiriirka u dhexeeya Dowladda fedaraalka iyo Dowladda Ethiopia anigu
waxaan u arkaa inuu yahay mid wax yeelaya Dowladda soomaliyeed oo kalsoonidii
bulshada iyo shacabka soomaliyeed luminaya islamrkaana Dowlado Badan oo Caalamka
ahna ay kasoo hor jeesanayaan.
Su,aal :Sidee u aragtaa shirka dib u heshiisiinta ,mase qabsoomayaa xiligan
oo ay magaalada muqdisho amaan xumo baahsani ka jirto?
Jawaab: aniga waxay iila muuqataa inuusan qabsoomayn taasoo aan ku macnaynayo
marka laga eego ergooyinka ,iyo weliba miisaanka dadka kasoo qayb gelaya waxaa
soo baxaya inuusan qabsoomayn ,hadii uu qabsoomana waxba kasoo biximaayaan .
Su'aal :Cabashooyin badan ayaa ka soo yeeraya Beesha aad ka tirsan tahay oo
ay ka tabanayaan wax qaybsiga maamulka Dowlada sidee u aragtaa adigu madaam aad
u dhuun daloosho arimaha dowladda?
Jawaab. Horta siyaasadda Beesha ayaaba iska kala daadsan oo wax badan
iyadaaba u sabab ah, laakiin waxaan kuu sheegayaa beelaha soomaaliyeed 95 way ka
cabanayaan arintaas dooduna kuwaas ayey ka mid tahay.
su'aal Waxaad moodaa in Cabshadu u badan tahay masuuliyiinta Beesha ee
Golayaasha Dowaladda ku jira maxad taas ka leedahay?
Jawaaab anigu masuuliyiinta Beesha ee golayaasha ku jirta waxaan u aqaanaa
inay ka mid yihiin kuwa ugu aqoon badan uguna fir-fircoon dadka golayaasha ku
xira, laakiin faah-faahin kama bixin karo Xiriirka hoose ee iyaga iyo Beesha u
dhexeeya.
Su'aal :Sidee aragtaa Xaaladda ka taagan kismaanyo?
Jawaab: Xaaladda Kismaanyo waxaan u arkaa arin aad u xun oo aan wax basid ah
ahayn, Dowladuna ay dayacday oo aanay waxba ka qaban, arintiina hadda u muuqato
mid beeleedyo,marka Beelaha ay arintaasi khusayso waxaan u soo jeedinayaa in ay
runta wajahaan oo nabad gelyo lagu dhameeyo xaaladda halkaas ka taagan la iskana
dhaafo waxyaalaha Dhalanteedka ah.
Su'aal: adiga gaadh-haye ahaan Waxaad ka soo mid noqotay Golaha Guurtida
Somali-land muddo yar ka dibna waad iska casishay, puntland waxay kuu magacowday
gudoomiye ku xigeenka Gobolka sool, waxaa kale oo la sheegayaa in Dowladda
Fedaraalku kuu magacaabilahayd xilal oo aad diiday welina siyaasadii kama aad
dhex bixin markaaas Ujeedadaadu maxay tahay?
jawaab: Labadaas xil ee somali-land iyo puntland waa sida aad u sheegtay,
waxaana ka lifay markii aan arkay sida ay maamuladaasi u wajayaan deegaankaas
aan xilka ugu magacownaa oo aan waxba loo qabanayn,ee dhib uun lagu kordhinayo
markaas waa igu adkaatay in aan hortaagnaado dadka oo aan ma suul sheegto
Xilkuna wuxuu dhadhan leeyahay marka dadka aad xilka u hayso si saxa loogu
adeegayo,tan kale ee aad sheegtay ee federaalka Ma jirto xil lay ii magacaabi
lahayd oo aan diiday ee waa warar been ah oo ay faafiyeen dad u jeedooyin kale
ka leh.
Su'aal : dhibkaas aad sheegatay ee aad xilalka uga tagtay ma tilmaami kartaa
Jawaab: haa Waxaa lagu abuuraa nabad gelyo daro loogu danaynaayo siyaaadaha
maamuladaas, Waxaa loo samayn waayey maamuladii degmooyinka oo gobolada kale oo
dhan loo sameeyey puntland iyo somali-landba, waxaa la iska hortagaa
mashaariicda ha'yadaha oo Gobolada kale aad uga faa'iidaysteen, iyo wax qaybsiga
oo aan beesha saamigeedii laga siin ee wixii la doono loo tuuro.
Su'aal Miyaan la oron karin waxaa wanaag sanaan lahayd in beeshu Labada
maamul mid isugu luga duwato?
Jawaab. Haa waa sax laakiin sababo aan suuro gelinayn ayaa jira oo horta
mamuladu Dowlado Xuduudo kala leh ma aha,labada dhinacna beeshu deegaan ayey la
leedahay waxaana isaga xiran arimo badan oo xagga nabadgelyada, xagga dhaqaalaha
marka duruufo badan ayaa jira oo arintaas diidaya.
Su'aal : Sidee u aragtaa Goosashada soomaali-land ay sheeganayso?
Jawaab: Arintaas waxaan u arkaa anigu arin khaldan oo aan dadka Soomaliyeed
ogolayn, dadka goboladaasi wada degaana ogolayn, Caalamkuna ogolayn wax
sharciyada oo ay leedahayna aanu jirin, ee dad siyaasiina oo ku faa'iidaysana
ayaa dadkii shacabka ahaa Jaahwareerinaya oo waqtigiina ka luminaya , Marka si
kale loo eegana ma jirto maamul soomaliyeed oo ay wax la maamushaan, iyada oo
shirarkii carta iyo embagathina laga siiiyey saamigii ay lahaan jireen wax ka
yar 60% iyaga oo horeba wax uga tirsanayey saamigaas lixdameeyadii.
waxaa waraysigaasi noosoo qaaday weriye
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Oo Sheegay Inuu Shirku Dhici Doono Xiligii Loogu
Loo Balamay Amaan Xumona Aysan Baajinayn.
Madaxweynaha dowladda KMG ah , C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa,id
ku qabtay xaruntiisa madaxtooyada ee villa soomaaliya islamrkaana sheegay inuu
dhacayo shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed xilliga loogu tala galay .
Shirkiisa jaraa,id ayuu sidoo kale ku xusay madaxweyne yuusuf inaysan marnaba
ka bixi doonin ciidamada xukumada Ethiopia dalka inta laga gaarayo xal waara waa
siduu hadlka u dhigaye ,iyadoo ayuu yiri uusan u baaqan doonin shirku ayuu yiri
xataa hadii gantaalo lagu soo rido '
" Waa qabsoomayaa shirka dib u heshiisiinta qaran xitaa haddii lagu soo rido
Nuclear goobta uu ka dhacayo" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf, xilli xalay magaalada
Muqdisho ay ka dhaceen weeraro hoobiyeyaal ah oo qaarkood lala beegsaday xarunta
lagu qabanayo shirka iyo weliba xarunta madaxtooyada ee hoyga madaxweyne yuusuf
ee viilada .
Madaxweynaha ayaa waxaa shirkiisa Jaraa'id ku wehliyey Guddoomiyaha golaha
midnimada beelaha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan iyo Afhayeenka dhinaca siyaasadda
C/laahi Sheekh Xasan islamrkaana halkaasi hadalo kasoo jeediyey .
Madaxweyne yuusuf ayaa carabka ku adkeyey inuu cafis u fidiyay dhamaan dadkii
la shaqeyn jirey maxkamadihii islaamka waa siduu hadalka u dhigaye marka laga
reebo kuwa caalamka ay u aqoonsadeen argagixiso isagoo intaasna ku daray in
xabsiyada laga sii deyn doono waxa uu ugu yeeray dadka aan dembiga laheyn, kuwa
dambiilayaasha ahna la marsiin doono Maxkamada.
Shirkaasi Jaraa'id ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay ,Xaaji Cabdi iimaan oo
sheegay inuu ugu baaqayo shacabka gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan dowladda
isla markaana wax dhibaato ah aysan u gaysan dowladda waa siduu hadalka u
sheegaye .
Si kastba ha ahaatee hadalka madaxweyne yuusuf ayaa kusoo beegmaya xili ay
magaalada caasimada ah ee muqdisho ka jiraan amaan darro baahsan ,islamrkaana ay
xalay ka dheceen dagaal xoogan oo laysu adeegsaday hubka noocyada loo yaqaano
hoobiyeha iyo weliba madaafiicda taasoo saaka keentay inay qoysas badani ka
barakacaan magaalada muqdisho.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Weeraro Loo Adeegsaday Qoryaha Hoobiyaha Oo Habeenkii Khamiista Ka Dhacay
Magaalada Muqdisho.
Qorayaha hoobiyaha ayaa Habeenkii Khamiistii lagu asqeeyey meelo kamida
magaalada caasimada ee muqdisho ilamarkaana lala beegsaday xarunta madaxtooyada
iyo weliba xarunta loo qaban qaabinayo kulanka shirka beelaha soomaaliyeed .
Weeraradan oo ahaa kuwo qorsheysnaa islamrkaana si toosa loola beegsaday
xarumaha villa soomaaliya iyo weliba xarunta loo qorsheynayo shirka la sheegay
inuu dhacayo bishan aynu ku jirno bartamaheeda oo ay inaga xigto maalmo oo
keliya .
Sidoo kale weerarada iyo qaraxyada isdaba jooga ah ee ka soconaya caasimada
ayaa sii ragaadinaya nabad gelyo ka dhalata caasimada muqdisho ,taasoo ay
ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba kuwa ethiopiana ay ku jawaabeen madaafiicda
iyo weliba rasaasta qoryaha waaweyn islamrkaana ku dhacday guryo ay ku jirn dad
rayid ah oo ay ku geeriyoodeen ilaa 3-qofood halka dhaawacuna kor u dhaafayo
ilaa tobaneeyo .
Dhinaca kale suuqa weyn ee ganacsiga ee bakaaraha ayaa xiran ilaa in ka badan
5-maalmood kadib markii ay ciidamada isku dhafka ah ee dowlada iyo kuwa ethiopia
ay halkaas ku dileen ilaa 3-qof oo rayid ah oo ka tirsan dadka ka ganacsada
suuqaasi islamrkaana aysan jirin wax ganacsi ah oo ka socda suuqaasi .
Amaan xumada iyo weliba dagaalka laysu adeegsnayo qoryaha hoobiyahaba ayaa
kusoo beegmaya xili uu shirka beelaha soomaaliyeed ee lagu qabanayo magaalada
muqdisho ay ka harsan yihiin 2-maalmood oo qura ,islamrkaasna aysan jirin wax
amaan ah oo ka jira caasimada muqdisho.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2007


|