Banaanbax shalay ka dhacay Switzerland
Bern, Switzerland

Sawiraddii
Mudaharaadka Ka Daawo Halkan....
Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ayaa shalay oo aay taariikhdu
ahayd 11.07.2007, waxey qabatay banaanbax si heer sare ah loo soo
agaasimay. Banaanbaxa oo aay sidoo kale ka soo qeyb galeen dadweyne
tiro badan oo ka soo jeeda jamhuuriyada Soomaaliya iyo maamulka
jaaliyada Oromada ee wadankan ayaa wuxuu ka dhacay xarunta
baarlamaanka federaalka ee Bern isla markaana ah magaalo madaxda
wadankan Switzerland hortiisa.
Dhamaan dadweynihii dibad baxan ka soo qeyb galay ayaa waxey
muujinayeen sida aay uga xun yihiin dhibaatada joogtada ah oo uu
gumeeysigu ku hayo shacbi weynaha aan waxba galabsan ee Soomaalida
Ogaadeenya. Waxa kaliya oo dhibaatadaa soo af jari karana uu yahay
umada Ogaadeenya oo xuquuqdooda ayaa ka talineed hesha.
Dibad baxayaashu waxey ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah dowlad is
ku sheegta gumeeystada itoobiya oo iyadu caadeeysatay waxyeeleenyta
maatada Ogaadeenya, waxeyna amaanayeen geesiyada beeniyay hamiga
cadawga manaxa ah. Banaanbaxa waxa barbar socday qoraalo iyo
cabashooyin loo gudbiyay masuulka lagu magacaabo Mr. Pierre Scyboz
oo baarlamaanka federaalka Switzerland u qaabilsan tacadiyada iyo ku
xad gudubka xuquuqda aadanaha.
Qoraaladan ayaa si si waafi ah uga turjumayay xaqiiqda dhabta ah
ee ka taagan Ogaadeenya iyo in Soomaalida Ogaadeenya aay yihiin umad
gumeeysi ku hoos jirta oo u baahan in aay dib u hesho xornimadii iyo
madaxbanaanidii eey horay u heeysatay
Mr. Scyboz, wuxuu balan qaaday in tacadiyan oo aay soo ururiyeen
diiwaangaliyeena hayadaha xuquuqul insaanka ee Ogaadeenya iyo kuwa
caalami ahba, uu hor dhigi doono gudiga baarlamaanka wadankan u
qaabilsan arrimaha Afrikada Bari, is la markaana la filayo in
dowlada Switzerland dib uga fiirsato kaalmada aay siiso taliskan
xaqdarada ku dhisan.
Intii uu socday banaanbaxani ayaa waxa la arkaray wariyayaal
caalami ah sida Al-Jasiira iyo wariyayaal kale oo qaadayay sawiro
iyo wareeysiyaba.
Waqtigan oo uu gumeeysiga itoobiya xoog ku qabsaday jamhuuriyadii
xorta ahayd ee Soomaaliya , ayaa waxey Soomaalida guud ahaan
dhadhamiyeen dhibaatada uu geeysto cadawgan soo jireenka ah oo dhul
balaarsiga, adoonsiga iyo dhiiga u ooman, waxa kaliya oo looga bixi
karana aay tahay midnimo, mintid iyo is ku tashi lana gara bis taago
halganka xaqa ah oo aay Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya
hormuudka u tahay.
A.M
Bern, Switzerland
abdimoh@hotmail.com