Kulankii Jaamacadda Gedo oo Ka dhacay SOAS
London.
Shalay oo taariikhdu ahayd sideeddii bisha
Luuliyo waxaa ka dhacay qaacada shirarka ee
Jaamacadda SOAS ee bartamaha magaalada London kulan
si weyn loosoo aagaasimay, kulankaas oo ku saabsanaa
ka qeyb-qaadashada hirgalinta mashruuca jaamacadda
(University of Gedo) oo lagu wado in laga hirgaliyo
magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Kulanku waxaa uu bilowdey 3:15 saacadda London,
waxaana kasoo qeybgalay kulankan dad lagu qiyaasay
labo boqol illaa saddex boqol inta u dhaxaysa oo ka
kala yimid magaaloyinka kala duwan ee dalkan
Ingriiska sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa
marti sharaf lagu martiqaadey inay kulanka
khudbooyin iyo muxaadarooyin ka jeediyaan oo ka
yimid wadamo ka mid ah Yurub iyo waqooyiga Ameerika.
Waxaana kulanka hagayey C/shakuur Cali Mire oo
ka mid ah guddiga hirgalinta jaamacadda Gedo ee
dalka Ingriiska, C/shakuur ayaa u sharaxay markii uu
hadalka furay kasoo qeybgalayaashii kulanka
ujeeddada shirka iyo habka kulanku u dhici doona,
sidoo kale waxaa uu tilmaamey inuu shirkaani uu ku
kooban yahay ujeedadii looqabtay kulanka oo ahayd
sidii dhaqaalo loogu heli-lahaa mashruucan
jaamacadda isogoo kazoo qeybgalayaasha ku booriyey
inaan looga hadli Karin kulanka siyaasad iyo wixii
la mid ah.
Ahmed Sheekh Xuseen oo ka mid ah gudigii soo
qaban-qaabiyey kulanka jaamacadda ayaa waxaa uu
asaguna jeediyey hadal kooban asagoo ku hadlayey
magaca gudiga ayuu mahad ballaaran ujeediyey dhamaan
dadkii waqtigoodu kusoo bixiyey inay kasoo
qeyb-galaan kulanka iyo marti sharaftii aq-bashay
kuna timid martiqaadkii ay u fidiyeen gudiga
qaban-qaabadu wuxuuna si rasmi ah u furay asagoo ka
wakiil ahaa gudiga qaban-qabaada hawlihii kulanka.
Waxaa la jeediyey cudurdaar uu soo gudbiyey Dr
Maxamed Adan Sheekh oo asagu sheegay arrimo gaar ah
oo u suurta galin waayey inuu helo fursad uu uga soo
qeyb-galo shirka, waxaana qorsheysanayd inuu
muxaadaro ka jeediyo kulanka waxaa kale oo kasoo
qeyb-galayaasha loo gudbiyey salaan uu u soo
gudbiyey kulanka sidoo kale shaqsiyaad kale oo ay
ahayd inay kulanka yimaadaan oo soo gudbiyey
cudurdaar ayaa ayagana goobta laga sheegay
cudurdaarkoodii..
Waxaa markaas ka dib la guda galay hawlihii
kulanka waxaana lagu bilaabay war bixin loogu
talagalay in kasoo qeyb-galayaasha sawir buuxa looga
siiyo mashruucan Gedo University waxaana
(Presentation) war-bixin dhameystiran ka jeediyey
kulanka Cabdi Xayi Cusmaan Garaad, war-bixintii
Cabdi Xayi oo ahayd war bixi tifaftiran dhinac
kastana taabanaysay waxaa ay kasoo qeyb-galayaashiii
u suurta galisay inay si buuxda u fahmaan
mashruucan, sababtoo ah war bixinta waxaa ay ka
hadlaysay, arrimaha ay ka mid yihiin ujeedada laga
leeyahay aas-aasidda jaamacadan, dhaqaalaha la
doonayo in lagu hirgaliyo iyo qaabka loo heli karo,
heerka iyo tirada iskuulada wax barasho ee ka jira
gobolka gedo, qey-baha dhismaha jaamacada gedo, sida
loo maamuli doono iyo meelaha ay ku kala bixi
doonaan dhaqaalaha lagu hirgalinayo mashruucan iyo
guud ahaan wax kasta oo la xiriiray mashruucan oo ay
u baahannayeen dad-weynihii kasoo qeybgalay inay
ogaadaan, sababtoo ah gudiga qabanqaabadu horey ayey
uga doodeen saameynta ay dadka ku yeelan karto war
bixin dhamaystiran oo ku saabsan mashruucan si loo
dabaalo su`aalo badan oo ay is waydiin lahaayeen
dadka aan ku hawlanayey mashruucan.
War bixintaas dheer ka dib waxaa laguda galay soo
jeedinta khudoobinyakii iyo muxaadarooyinkii ay
kusoo talagaleen marti sharaftii kulanka martida u
ahaa waxaana muxaadaradii ugu horeysay jeediyey
Prof: Warsame Xasan Cali
Prof: Warsame oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad
lagu magacaabo Praive Veiw A&M University oo ku taal
State-ka Taxes ee dalka marayakanka waxaa uu ka
jaadiyey kulanka muxaadaro aad u qiimo badan ayna
aad ugu riyaaqeen kasoo qeybgalayaashii, ciwaanaka
muxaadarada Prof: Warsame ayaa ahayd (The role of
Diasporas) ama kaalinta qurbo joogta.
Prof: Waxaa uu aad ugu dheeradey baahida loo qabo
hirgalinta mashruucaan iyo kaalinta ay ka ciyaari
karaan dadka qurbo joogta ah asagoo sifican u
sharaxay hababka ugu haboon ee ay dadka qurbo joogta
ah uga qeybqaadan karaan.
Prof: Warsame ayaa waxaa ay muxaadaradiisii ahayd
mid ka jawaabayasay su`aalu iyo arrimo badan oo ay
dadka qaarkiis iswaydiinayeen ugu dambeyntiina
khubadii uu jeediyey waxay ahayd mid dadkii kasoo
qeybgalay ku dhiira galisay inay kaalin wax ku ool
ah ka qaataan mashruucaan.
Dr C/risaaq Takar waxaa uu ahaa aqoonyahankii
labaad ee muxaadaro ka jeediya shirka wuxuuna ka mid
ahaa aqoonyananadii waqtigooda qaaliga ah usoo hurey
inay ka qeybgalaan kulanka jaamacada, wuxuuna ahaa
mowdiicii uu ka hadlayey sida ay Diintu u amaanto ka
qeyb-qaadashada arrimaha lagu hormarinayo bulshada
Muslimka ah iyo sida uu illaahay badal wanaagsan u
siinaya qofkii waqtigiisa iyo hantiidiisaba uga
qeyb-qaata arrimaha wax barashada ummada iyo wixii
la mid ah.
Runtii waxaa la dhihi karaa wacdigii uu jeediyey
Dr C/risaq Takar waxaa uu ahaa midkii suurta galiyey
ujeedadii loo qabtay kulanka wuxuuna Dr C/risaaq si
xamaasad iyo tartan ku jiro dadkii kasoo qeybgalay
kulanka ugu tartansiiyey inay kukala hormaraan
sadaqada iyo yaboohii loosamaynayey jaamacadda taas
oo suurta galisay in la helo ballanqaad lacagtii la
filayey mid ka badan.
Waxa sidoo kale Dr C/risaaq Takar kala
qeyb-qaatay yaboohii loosameynayey Jaamacadda C/wali
Sheekh Maxamed Aw-Maxamud oo kaalin firfircoon ka
qaatay dhiiri galintii dadka, asagoo mararka qaar
dadkii kasoo qeybgalay kulanka u dusinayey kaftan
dhiiri galin ah.
Markii uu dhamaadey yaboohii iyo isdiiwaan
galintii dadkii lacagaha ku yaboohay ayna gudigii
farsamadu soo afjareen diiwaan galinta iyo aruurinta
warqadihii lagu qoreyey tabaruca, waxaa la joojiyey
shirkii sidii qorsheysnayd-ba waxaana dadkii oo dhan
u dareereen Salaadii casar iyo sanasho, hase ahaayee
markii laga soo laabtay salaadii iyo nasashadii
koobnayd, ayna dadkii soo qaxweeyeen waxaa la`iskugu
soo laabtay kulankii halkaasi waxaa laga sii amba
qaadey kulankii.
Salaadii Casar kadib Maryan Faarax Gooje oo ay
ahayd inay jeediso muxaadaro ciwaankeedo u ahaa
(Role of women in educating society) kaalinta ay
haweenku ka qaadan karaan wax barashada bulshada
ayaa ka cudur daaratay inay jeediso warqadii
lafilayey inay shirka ka aqriso waxaana loo gudbey
qofkii xiggey.
Dr Bashiir Nuur Xasan (Looyaan) waxaa uu ka mid
ahaa midka mid ah marti sharaftii ay gudiga
qaban-qaabadu ku martiqaadeen kulanka wuxuuna ka
jeediyey kulanka muxaadaro ciwaankeedu ahaa (
Higher Education) ama Tacliinta Sare.
Dr Bashiir wuxuu soo bandhigay war bixin iyo
falanqeyn guud oo la xiriirtay wax-barashada
Soomaaliya iyo heerarka ay kala yihiin gobolada
Soomaaliya, waxaa uu si gaar ah u faahfaahiyey
wax-barashada sare iyo inta jaamacadood ee ka jira
Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu muxaadaradiisa si
guud ugu sharaxay, xaaladda dhaqaale, caafimaad, wax
barsaho, iyo horumar ee ka jirta dalka Soomaaliya
wuxuuna cuskadey war bixinihii ugu dambeeyey ee
sameeyeen hay`addaha caalamiga ah sida UN iyo kuwo
la mid ah .
Dr waxaa uu amaan gaar ah u soo jeediyey goboloda
waqooyi galbeed iyo waqooyo bari ee dadka qaarkiis
u yaqaanaan Puntland iyo Somaliland wuxuuna gobolada
kale ee Soomaaliya ku booriyey inay ku daydaan
asagoo asal uga dhigay horumarka ay gaareen
goboladaasi xasiloonida ka jirta, wuxuu si gaar ah
isku barbar dhigay deegamadaas iyo gobolka Gedo
marka la eego tilmaamihii ku cadaa warbixintii u soo
bandhigayna waxay ahayd mid naxdin iyo amakaag ku
abuurtay daka kasoo jeeda gobolkaas.
Dr Bashiir waxa uu warbixintii kusoo gabagabeeyey
sida ugu haboon ee looga qeyb qaadan karo hirgalinta
mashruucaan, asagoo sheegay inay dhankooda, hadey
yihiin jaaliyadda reer waqooyiga America ay
dardargalindoonaan mashruucaan inkastoo ay horey u
bilaabeen.
Waxaa ayaguna xusid mudan kaalintii ay kulankii
Jaamacada Gedo ka qaateen Cabdullaahi Bootaan iyo Dr
Martin Orwin oo ah labo xubnood oo suuganyahano ah
Cabdullahi Bootaan waa gabyaa ama abwaan
Soomaaliyeed London-na aad looga yaqaan intabadana
ka gabya ama suugaantiisa la abaara arrimaha
bulshada iyo dhibaatooyinka ummadda haysta.
Dr Martin Orwin waa nin Ingriis ah macalina ka ah
Jaamacadda SOAS wuxuuna dhigaa Afafka Soomaaliga iyo
Amxaariga, waana aqoonyahan caan ka dhex ah bulshada
Soomaaliyeed ee London gaar ahaan bahda suugaanta
ayaa aad u taqaan, waxayna labaduba kulankii
Jaamacadda Gedo ay uga qeybqaateen (Suugaan) la
xiriirta aqoonta iyo qiimaha wax barashada waxayna
suugantoodii kicisay kasoo qeybgalayaashii waxayna
ahayd suugaan tilmaan fiican ka bixinaysay wanaaga
aqoonta, ayagoo ku dhiiri galiyey dadkii kasoo
qeybgalay kulanka inaan loo kala harin ka
qeyb-qaadashada hirgalinta jaamacada Gedo.
Prof: Cabdullaahi Qodabeey Maax iyo Prof: Cali
Garoowe (oo labaduba barayaal ka ahaa jaamacaddii
Ummadda Soomaaliyeed) ayaa waxay si wada jir ah
ujeediyeen ciwaan loogu magac daray (Relationship
between ignorance and engaging in civil war) ama
xiriirka jaahilnimada iyo dagaalka Sokeeye,
muxaadardoodo waxay ahayd mid si qoto dheer diirada
loogu saaray sida ay jaahilnimada iyo aqoon la`aantu
qeyb lixaad leh uga qaadataan dagaalada sokeeye,
waxay tusaalooyin muuq-muuqda u soo qaateen in
dhalinta loo adeegsado dagaalada sokeeye iyo
wax-yeelanyta bulshada ay yihiin dhalintii ka
dhacdey wadadii wax barashada ama dhalintii aan
fusradda wax barsho helin.
Waxay sabab weyn uga dhigaan arrimahaas burburkii
dowladii Soomaaliyeed iyo kibixidii ay meesha ka
baxaan dhamaan hay`addihii ka shaqeyn jiray
wax-barashada iyo aqoonta, shaqo la`aanta oo ka mid
ah sababaha dagaalada sokeeye ayey sabab uga dhigeen
in shaqo la`aanta lafteeda ay sabab u tahay aqoon
la`aan.
Guud ahaan khudbadii iyo muxaadaradii ay
soojeediyeen Prof: Maax iyo Prof: Cali Garowe ayaa
waxay ahaayeen kuwo kasoo qeyb-galayaasha sawir
buuuxa kasiiyey in haddii aqoonta la badiyo lq
yareyn karo ka qeyb-qaadashada dagaalada Sokaaye.
Gudiga qaban-qaabadu waxaa ay kalmad sharaf
odeytino ah siiyeen C/qaadir Xaaji Maxamed oo hadal
kooban oo waano iyo dhiira galin ah ka jeediyey
kulankii, asagoo ugu baaqey dadkii kasoo qeybgalay
kulanka inaysan ka daalin ka qeyb-qaadashada
mashruucaan.
Waxaa xusid mudan in gabar yar oo soomaaliyeed oo
ka mid ah gabdhaha da yarta ah ee ku korey dalal ka
reer galbeedka ay ka jeedisay kulanka khudab kooban
oo ay kusoo qoratay afka Ingriiska ayna kusoo
gudbisay dareenkeeda, kasoo qeybgalayaashii ayadoo
ay gabadhaasi yar oo lagu magacaabo Kaaho Cabdullahi
Shirwac uu ka muuqdey dareenkeeda iyo faraxeeda ku
aadan inay fursad u hesho kulan looga hadlayo
dal-keedii, inkastoo laga yaabo inaysan dalkaas
arag laakiin ay ku taamayso inuu noqdo mid la mid ah
dalalka dunida ka jira.
Waxaa lasoo gaaray waqtigii la sheegi lahaa
natiijadii shirka iyo ujeedadii loo sameeyey kulanka
oo ahayd in dhaqaalo loo aruuriyo jaamacadda Gedo
waxaana jeediyey lacagtii lagu yaboohay iyo guud
ahaan tirade ay noqotay-ba C/casiis Maxamed Shire oo
ka mid ah guddigii soo qabanqaabiyey kulankaan
mudadana kasoo shaqeynayey qabsoomida kulankaan.
C/casiis waxaa uu ku dhawaaqey in guud ahaan
lacagta lagu yaboohay ay tahay $ 179,670, waxaa
uuna cabdicasiis sheegay in lacagta la yaboohay ay
tahay celcelis 12% guud ahaan lacagtii loo doonayey
in lagu hirgaliyo mashruucan, wuxuuna u sheegay ka
sooqeybgalayaashii haddii ay kasoo baxaan ballanka
ay qaadeen inay taasi macanaheedu tahay in guud
ahaan mashruuca oo dhan lagu hirgalin karo
qiyaastii 6 ama toddoba kulan oo la mid ah midkaas
SOAS ka dhacay, wuxuuna ku waaniyey walaalihii wax
ballan qaadey inay ballankooda kasoo baxaan.
Aamino Cali Carkow oo ka mid ahayd gudigii soo
qabanqaabiyey kulanka jaamacada Gedo ayaa ugu
damebeyntii soo gebogabaysay kulanka waxay Aamino
Mahad ballaaran u jeedisay dhammaan dadkii aan
martiqaadka u dirney ee naga aqbalay waqtigoodana
usoo hurey waxayna si guud ugu mahad naqdey kasoo
qeybgalayaashii kulanka oo dhan.
Aamino waxaa ay sidoo kale mahad gaar ah
ujeediysay mulkiilayaasha Maqaayada Blue Ocean iyo
Imaan oo ay gudiga qabanqaabadu mudadii ay wadeen
diyaarinta kulankaan ay ku shiri jireen waxayna kala
yihiin labadas mulkiile Boqor C/casiis iyo
Cabdullahi Garoon.
Guud ahaan sidaas ayey Aamino kusoo gebogebaysay
kulankkii markaas kadibna waxaa la guda galay
Workshop-kii loogu talagalay inay dad koobani ka
qeyb-qaataan si ay arragtidooda uga dhiibtaan sida
ugu haboon ee lagu hirgalin karo mashruucaan.
Waxaa ka qeybgalay Workshop-yada shan koooxood
oo ay kala hogaaminayeen Prof: Warsame , Dr Bashiir,
C/casis Shire, Prof: Maax, Prof: Cali Garowe, koox
walba waxaa ay fariisatay meel loo qorsheeyey
waxayna bilaabeen doodi ku aadanayd sida ugu haboon
ee lagu hirgalin karo mashruucan waxayna qaateen
waqti ku dhaw kontan daqiiqo.
Waqtigii loogu talagalay markuu dhamaadey waxaa
la`iskugu soo laabaty shirkii waxaana ay koox walba
jeedisay talooyinkii ka dhashay doodii ay yeesheen,
dhamaan kooxihii doodey waxa soo jeediyeen talooyin
wax ku ool ah dhamaantoodna wax u taraya hirgalinta
mashruucan, waxaana talooyinkii oo qoran lagu
wareejiyey Cabdicasiis Shire oo ka mid ahaa gudiga
qabanqaabada waxayan gudigu ballanqaadeen inay
dhamaan talooyinka iskudubaridi doonaan kanasoosaari
doonaan hal qoraan ayadoo talooyinkaasina ay ka mid
noqoda tillaabooyinka la qaadayo waqtiyada soosocda
Halkaasna waxaa kusoo gebogebooye kulankii
Jaamacadda Gedo ayadoo kulankaasi u dhacay sidii
loogu talagalay.
Illaahay Baa Mahad Leh