Soomaaliya :-Haybsasho Qabiil iyo Hiigsi Qarannimo
Midnimo la taaban karo iyo is -aaminaad hal dhinac loo wada raro waxa
ugu xoog badneyd sanadihii 1943kii liaa 1956kii; markaas oo ololihii Gumeysi
la dirirka iyo Halgankii Gobonimo- doonka lagu guda jiray .Wixii xiligaasi
ka dambeeyay marka laga reebo isracii labada Gobol, waxaa noo hoortay
Daruur in ayan da,in ay fiicneyd; anaa ka aabbe roon, anaa kaa isir fiican
ayaa dhegaha laysugu dhibciyay ; waxayna taasi sababtay Cadaalad-darro iyo
colaad aan waxba laysu reeban. Reero-reero ayaa laysu laayay, laysuguna
boholo qotay .Waxaa la barbaariyay isku nasab sheegasho .Barbaar diiran baa
la kiciyay; dariskii baa dabka kala qaadan waayay. Qabiil walba saldanad
udirir buu noqday xaqeenii baa maqan ayaa cod dheer lagu qayla dhaamiyay
.Anaa reer qurac ah, anigaa nasab ah; kani waa reer qansax, labadeenaa
qolo ayaan is geeyn, ayaa laysku garab riixay.
Dowladihii rayidka ahaa qeyb ayay ka ahaayeen kuwii lagu eedeeyay
inay kiciyeen Qabyaaladda . Himiladii Soomaalidu lahayd xilligii
dhaqdhaqaaqii Xorriyad doonka ,iyadoo hammiga Ummadda Soomaaaliyeed uu ahaa
inay ku waari doonaan Horumar iyo Barwaaqo ,marka uu dalku xorroobo sida in
badan oo ka mid ah umadaha dunida . Hase ahaatee maamuladii dalka soo maray
aya ahaa kuwa ku sifoobay qabiileeysi ,sinnaan la’ aan laga waayaay
garsoorkii dalka, kaas oo aan Diinta Islaamka meelna uga soo dhawaan .
Sidoo kale caalamku wuxuu Xukuumaddii daakhiliga u yaqaanay
Dowladdii Qabriga macaawinada ; taasina waa mid cid kasta ay ka war qabto
sidii ay u dhacday iyo raadkii ay ku reebatay wixii ay ku haminayeen Ummadda
Soomaliyeed . Arrintaa waxay dhaxalsiisay Soomaaliya in laga furo 75 Xisbi
Siyaasadeed doorashadii ugu dambeeysay ka hor dilkii Madaxweyne C/rashiid
Cali Shar-ma-arke, oo lagu dilay magaalada laascaanood 15kii Oktoobar
1969-kii; halka 6 casho ka dibna 21-kii Oktoobar isla sannadkaas Xukunkii
dalka ay la wareegeen Milatarigi dalka; Kacaankii la magac baxay 21kii
Oktoobar; kuwaas oo dhisay Gole ka koobnaa 25- Sarkaal oo uu hogaaminayay
Generaal Maxamad Siyaad Barre .
Curashadii Kacaanka, dadku waxay ahaayeen kuwa si wanaagsan u soo
dhaweeyay ,sababtoo ah waxaa hore u soo daashaday Xukuumadihii rayidka ahaa
ee ku caan baxay “Musuqa” .
Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre, khudbad uu jeediyay markaasi wuxuu ku
yiri :- “Qarannimadii oo haadaan ka sii dhaceysa baan seeynta qabannay”;
balse Madaxweynuhu kuma xisaabtanin in waxa seeynta la hayo ay halis u
yihiin inay go,aan.
7dii sano ee ugu horreysay Xukunkii Kacaanka waxay qabteen wax
muuqda oo lagu diirsaday .waloow koow iyo labaatan sano kadib uu gumadkii
seeynta soo haray ,Qaranimadiina ay ku dhacday god dheer .
Waxaa la eersaday Qabiil loogu tasbiixsaday sidii wardi ;islamarkaana
aannu u guntanay sidii caqiido diimeed , wixii ka dambeeyay sanadihii
1991kii oo dalka burburka soo garay ayna kana dhaceen dagaaladii sokeeye
,waxaa gacata ku dhigay Hoggaankii dalka, majarihiina u qabtay tubteediina
seejiyey Qabyaaladii iyo Colaaddii.
Waxa ka sii waday halkii kuwii dalka burburiyey iskuna dayey inay
umada qaran la,aan xukumaan maadaama ay surteen calan u gaar ah. oo lagu soo
xardhay dhiig, dhexdana qabiil looga soo qoray. Calan keenii buluugga ahaa
ee quruxda badnaa, xiddigta shanta Gees leh dhexda kaga asteysneyd ayay
afka ku tirteen kana dhigteen maryo calal ah oo aan caalmaka laga qadarin.
Waxay Soomaalidu tiraahdaa:-“ Ratiga weyn meesha uu maro ayuu kan
yarna maraa”. taas oo ay macneheedu tahay kuwii dalka laga sugaayey iney
dalka ka arrimiyaan ay sidaa u wax yeelleeyeen Caruurtii muddada burburka
dhalatay ,sow kuma dul saxaroonayaan calankeennii sharafta badnaa ..?!!
maadaama aan la barin qiimaha wadaniyadu leedahay iyo waxa ay tahay ..?!!.
Sidaas oo ay tahay Caalamku wuu nala yaabay, wuxuuna aaminsanaa in
dalka ka mid ah shan qaaradood ee adduunka uu hal maalin dowlad la,aan iyo
kala danbeyn la,aan noolaan Karin, balse Soomaaliya ayaa taas been ku
tilmaantay, taajkiina ku guddoontay oo ay 47 Qabiil iyo qabyaalad in mudo
17sano ah gayiga Soomaaliya aan laga helin nidaam iyo kala danbeyn oo aan
asaageen kula tartami karno haddii ay ahaan laheyd Qaran Caalamku nagu tix
geliyo iyo haddii kalaba .
Si kastaba ha ahaatee Soomaalidu ma sii oggolaan doontaa iney
dhibaatada iyo colaada iyo qabyaalada ay dhex maquuranayaan ay ka baxaan
mise maskax waliba waxay ku fekerto ayey qabtaa..?
Haddaad Maankaaga geliso inuu wanaaggu shaqeeyo waad ku dhaqaaqeysaa
haddaad ku fikirto inaad dad wax u qabato waad u qabaneysaa haddii aad
awoodid .
Haddii aad ku fikirtid inaad geeskaaga dagaal ka kiciso waad
kicineysaa; laakiin intaas oo dhan waxaa ka wanaagsan in ay maskaxdaadu
noqoto mid mar waliba inay wanaag sameyso, oo aaney dadka dhibaateyn ku
fekerto .Waa ineysan Qabiil ku fikirin ,balse ku fikirta Qaran sidii lagu
heli lahaa sidii aannu dunida aan ka harnay ula jaan qaadi lahayn..iyadoo
la ogsoon yahay in qaranimada lagu keenin qabiil balse lagu keeney midnimada
shacabka Soomaaliyeed waxaana halku dhigeennu ahaa " AXYAA WADANI YAAA
SOOMAALI AHEEY ; AXYAA WADANI".
Arintan oo ay hormuud ku ahaayeen Xisbiyadii SYL iyo SNL ee ka ka la
jiray Gobolada Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya; waxayna ahaayeen Halgama
yaashii labadan xisbi .
Labadan Xisbi waa kuwii sabab u noqday inuu dalku Qaranimo gaaro,
kadibna ay midoobaan dalka labadiisii gobol 1-dii Luulyo 1960kii .
Hase ahaatee waxaa nasiib darro noqotay in markii lahan tay Qaranimadii
ay Xukunka majaraha u qabteen shaqsiyaad Qaranimadii u baddalay Qabiil iyo
cadaalad daro iyagoo ka leexday jidkii iyo barnaamijkii Siyaasadeed ee
Xisbiyadii SYL iyo SNL.
Intaa waxii ka danbeeyey wuxuu Qaranka Soomaaliyeed magan u ahaa
Qabiil iyo cadaalad- darro kaas oo sababay in ay burburaan dhamaanba
Maamuladii Siyaasadeed ee dalka isaga danbeeyey 1960-1990kii.
Miyaanan hadda ka naxeyn kuwa masuulka looga soo dhigay ilmaha tabarta
yare e ay aabba la,aanta dhigeen..?!!
Haweenka asaayda loo saaray, ardaydii ay aayo la,aanta dhigeen,
mustaqbal koodiina seejiyeen, dalkii ay ka dhigeen bahalo galeynka laysku
cabsiiyo, dadweynihii ay meel walba qax ku geeyeen dhibaatadana ku jira…?!!
Waxay dadkii maskaxda u geliyeen Qabiil iyo Qabyaalad gaamurtay misena
mahadho noqotay ‘balse haddii aad wax u qabaneysaan shacabka aad mahadhada
geliseen ;waxaa xaqiiqo ah, loona baahanh yahay in iyaga xukunka dalka loo
daayo ,si ay isaga soo dhex xulaan duul ay hogaanka u dhiibtaan. Haddii ay
taa dhiciweydo mar uun ayey imaan doontaa xukun doonis iyo qawaaniin dabiici
ah oo dalka lagu xukumo shacabkuna ay u riyaaqaan.
Dhinaca kale naguma haboona taariikhdaan casriga ah ee maanta in aan ku
dhaqano qabiil iyadoo aan qireyno in qabiilku yahay midka maanta meeshaan
nadhigay oo dunida naga reebay dadkeenana kala irdheeyey.
Hase ahaatee iyadoo taasi jirto ayay sanadahaan timid “ka dar oo dibi
dhal” ,sababtoo ah Soomaalidu waxaa ay aheyd mid Qabiilka tix-geliso misana
qabyaalada ku dhaqanta walow aysan arag maamul wanaagsan oo ka dhaqi kara
qabiilka ay sida ba,an u tix geliyaan.
Marka laga reebo kuwa hogaanka u hayo qabyaalada xukun iyo magacna ku
raadinaya qabiilka si ay ugu dhiira geliyaan Soomaalida sida jaahil-nimada
leh ugu dhaqmeysa qabiilka iyagoo sii kala soocay Soomaalidii.. Xaqmiyey
noqotay in la kala saaro dad midab, diin iyo afba wadaago, xidid iyo
xigaalana ah ?!! Soomaalidu ma la haboon tahay in ay eegtaan gef loo
geysanayo walaalahooda..?!! kuwaas oo ay ku hayan dadka xukun doonka ah;
tusaale 4.5 kaas oo ah mida ay haatan ku dhisan tahay Xukuumadda Fedraalka
ah ee Soomaaliya, kaas oo ah mid Soomaalida lagu sii kal fogeynayo ;waayo
nidaamka 4.5 ayaa ah mid ay kawada qeylisay Soomaalida; islamarkaan, waxa
laga dhereg san yahay in Qabiil iyo Qaran meel ay wada geli karin waayo
,horaa loo yiri :-“Qabiil waa Qaran dumis”. iyadoo taasi jirto ma tahay in
Qabyaalad Qaran lagu dhiso?
Sidaa daraadeed umadda Soomaaliyeed waxaan kula dar daarmayaa iney ka
fogaadaan qabyaaladda iyo Qabiilka sida ay u adeegsadaan iyada oo la
og-yahay in Qabiilka uu illahey Quraankiisa kaga hadlay. Wuxuu Eebbe yiri:-“
Waxaan idinka yeelnay dhexdiina qabaa,ilo si aad isugu aqoon sataan,” Balse
Soomaalidu taa ay ka leexatay iyadoo hamigeedu yahay in ay qabiil qaran ku
dhisaan ,taasina ayan suuragal aheyn .Inta ay taagan tahay heybsasho qabiil
uu hiigsi qaranimo ka fogyahay umada Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Qaranimo ayaan qeyrkeen kula loolami karnaaye
Soomaaliyey Qaranimo ha loo guntado.
W/Q:Nasro Macalim- Cilmi (deggan)
nasro106@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan