SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Shirkaan micnihiisu waa gumeysi halaqaato 

Yoonis  Aadan  (Cigalley)
wardhiigley@hotmail.com

Shirakaan ujeedadiisu  waxey tahay  in beesha caalamka  ladhaho  beelihii soomaaliyeed ayaa shirey weyna hishiiyeen kadibna waxey ansixiyeen in Itoobiya ay dalka xasilisey amnina kusoo dabaashey saasna uu baarlamaanka  ku ogolaado maadaama ay metelaan beelaha. waxaana kuxigi doono in soomaaliya ay kamid tahay federaalka Itoobiya., mana lahubo in uu dhacaayo shirkaan oo maalmo yar ay inagaxigaan  wakhtiga loo  qabtey inuu  qabsoomo ama dhaco, laakiin haduu dhaco waa in la ansixiyaa qodobkaan ay soomaaliya kula midoobeyso Itoobiya.. 

Cali Mahdi maku fiicno  in uu dhaho shir dib u hishiisiin ayaan qabaneynaa iyadoo dalkii ay heysato Tigreey dadkiina la leynaayo oo la dhacaayo lana barakicinaayo, weliba lagu sameynaayo bahdil  kusaleysan hab diineed, bal fiiri Jameeco dhan ayaa laga kaxeestey Masaajid. 

Hadaba sideen  ku yeeleynaa in aan  Tigreey hoos fadhiisano isagoo waardiyo naga haayo oo nala ilaalinaayo, ilama ahan in qof Soomaali oo Muslimnimo sheeganaayo   oo damiir wadaninimo ay ku jirto in uu hoos fadhiisanaayo Tigreey. 

Dadka moodo in Itoobiya wanaag ukeeneyso Soomaaliya, waxaa tusaale noogu filan dhulka Soomaalida ay heysato wax ma uqabatey? Nabada ay ukeeni weysey, cadaalada ay ukeeni weysey, horumarka ay ukeeni weysey miyey Soomaaliya ukeenee, qofka bini aadamka waa inuu xisaabtamaa. 

 Cali Mahdi sow maahan ninkii  badaha suntan ku shubay oo dalkii iibsadey, Cabdulaahi Yuusufna sow maahan ninkii ugu horeeyey ee ugalo Amxaaro, sow maahan ninkii Balanballe iyo Galdogob  ka taagey calanka Itoobiya, sow maahan ninka dalka soo galiyey cadowga soo jireenka ah. Hadaba hadii la yiri  labadaan daba dhilif ayaa  wax hishiisiinaayo taas micnaheedu waxey tahay yaan la hishiin. 

Cabdulaahi yuusuf iyo Cali mahdi  hadafkoodu waa sidii ay ukala dili lahaayeen dadka ka soo horjeedo gumeysiga geyigeena qabsadey.

 Xaaji Cabdi  Iimaan waa nin oday ah waxaana umaleynaa in shirkaan lagu sigsaagey oo lagu marin habaabiyey, waana ayaan daro in nin oday ah oo shalay loo xirey mabda uu aaminsanaay ee gumeysi diid ah, uuna kuhelay mansab iyo magac in uu is bedelo!!.

Hadii xaajiga si hoose loola hadley iyo intii kaloo soo raacikarto ma ahan in la yiraahdo   Hawiyaa udhamaay shirkii  lagu qabtey Hotel Lafaweyne. 

Waxaa cadaatey in 16 kii sano ee lasoo dhaafey waxa naloo fiirsanaayey  wexey eheed in nalaga helo dad badan oo inaga mid ah oo la shaqeeya gumeysiga, waa geeri  in Itoobiya guushii ay dooneysey ay maanta dad soomaali daba dhilif ah ay siiyaan, waana ayaandaro  in Itoobiya  calankeeda ay ka taagto Caasimadii Soomaaliya.!!! 

Hadaba sabata loogu qabanaayo shirkaan Muqdisho loogana  dhigey  mid  beeleed waa in aysan ka soo qeyb gelin mucaaradka  ka soo horjeedo kooxda Imbagathi  ha ahaadeen maxkamadaha , baarlamaanka xorta ah, aqoonyahanka  iyo siyaasisiin  culeeskooda siyaasadeed aan la iska indha tiri kerin.  Hadii laga dhigo mid siyaasadeed wexey ka cabsanaayaan in  ay soo baxaan axsaab cusub, suuqa siyaasadana ay ka baxaan  qaar badan oo ka mid ah kooxdaan Imbagathi ee dabadhilifka ah waana taas sabata ay u isticmaalen siyaasadaan foosha xun si aysan usoo noqon aqoonyahanka iyo indheergaradka shirkana ay ugu yeereen shir beeleedl. Ayagoo kala gadaayo beelaha kuna abuuraayaan colaad, shaki iyo is aamindaro. si ay u gaaraan danahooda guracan. 

Kooxda Imbagathi  khilaafka ka jiro soomaaliya ayey qeyb katahay welibo ayaga  laftigooda ayaa mucaarad isku ah, macquulna maahan in ay dhahaan anagaa shir uqabaneyno beelaha,  ayagoo weliba qirsan in uu jiro mucaarad   ayaga ka soo horjeedo jiritaankooda, hadii aysan hor fariisan mucaaradka  wax  usoconaayo maleh wexeyna noqoneysaa jug jug meeshaada jog

Hadaba dibuhishiisiin ujeedadeedu tahay mid qabiil ma keeneyso xal siyaasadeed waana shimbirayahoow heesa hees wanaagsan heesa. 

By:- Yoonis  Aadan  (Cigalley )
wardhiigley@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com