Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: July 11, 2007
-
Dadweynaha Muqdisho “Marnaba Dowladda
kama fileyn in ay noola dhameyso sidaan…”
-
Gudoomiyaha Boondheere oo koox hubeysani
dhaawac u gaysatay
-
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo
laga dayrinayo
Dadweynaha Muqdisho “Marnaba Dowladda kama fileyn in ay noola dhameyso
sidaan…”
“Ciidamada Dowladda way igu jees-jeeseen” waxaa sidaa yiri nin cuuryaan
ah oo labada lugood ka go’an.
Iyadoo weli ay socdaan hawlgalada ay Ciidamada
Dowladda Federaalka ka wadaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa weyn ee
Bakaaraha ayaa waxaa dhanka kale cabashooyin xoogani ka soo baxaan
dadweynaha suuqaasi ku ganacsatada iyo kuwa u soo wax iibsi taga, waxayna
dhamaantoos sheegeen in ay aad uga xun yihiin falal fool xun oo ay sheegeen
in ay kula kacaan Ciidamada Dowladda Federaalka. Dadweyhuhu waxay sheegeen
in ciidamadu u gaystaan dhac iyo waliba jirdo mararka qaarkood.
Midki ka mid ah dadkii u soo iibsi tagay suuqa
weyn oo u waramay wargeyska ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay si xun ula
dhaqmeen, waxa uuna sheegay in ciidamadu ay jirdilo u gaysteen, isla
markaana ay ku qasbeen in uu isaga cararo goobtiisii ganacsi oo furan. Sidoo
nin cuuryaan ah oo labada lugood ka go’an ayaa isna sheegay in ciidamad
Dowladda Federaalka ay taci xoog leh kula kaceen, waxa uuna ninkaasi isaga
oo ilmeynaya sheegay in ay dhowr saacadood hadba meel u jiidayeen. “Runtii
waxay iila dhaqmeen sidii aan ajnabi dambiilaa ahay, aniga oo lugaha ka
go’an ayay hadba meel ii jiideen oo waliba qaar ka mid ah askarta ayaa igu
jees jeestay” ayuu yiri ninkaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Diiriye Cadodow
isla markaana ay korkiisa ka muuqatay astaamaha in dhulka lagu jiiday,
waxaana ninkaasi sidoo kale wajigiisa ka muuqday daqar nabar weyn ah, waxa
uuna sheegay in ay u gaysteen ciidamada Doladda Federaalka.
“Dowladda kama fileyn inay sidaan noola dhaqmi
doonto, balse waxaan mudo ku taamayey in ay haddii ay dowlad timaado aan ka
heli doono daryeel, iyo waliga iyadoo igu dhiiragelinta waxbarashadeyda”
ayuu ninkaasi sii raaciyey isagoo aad u ciishoonaa. Ninkaani ayaa ka go’naa
labada lugood, isagoo sheegay inay qarax miino uga go’een. Dadweynaha
siyaabaha kala duwan u yimaada suuqa Bakaaraha ayaa iyagu si weyn waxa
cabasho uga muujinayaan hawlgalada ay Ciidamada Dowladdu ka wadaan suuqa
weyn ee bakaaraha, waxaana indhaagu qabanayaan dadweynaha kala cararaya,
marka aad weydiisanaya waxa ay ka cararayaan ku sheegay in ciidamada
Dowladdu ay soo socdaan, waxa uuna nin isago miis yar ku leh Bakaaraha yiri
“Waxaan yaab nagu ah in ciidamadii Dowladda ka cararo”, waxa uuna taasi
sabab uga dhigay in kalsoonidii lagu qabi lahaa ciidamada Dowladda laga
waayey ayna qasab noqotay in iyaga qudhooda laga cararo.
Gudoomiyaha Boondheere oo koox hubeysani dhaawac u gaysatay
C/kariin Maxamuud Xasan (Xuuti)
oo ah Guddoomiyaha degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay
galab waxaa dhaawac kooxo dabley ah oo soo wareertay.
Goo jooge ayaa sheegay in
guddoomiyaha ay xabad ku dhifteen kooxo ka koobneyd saddex nin oo ku
hubeysnaa bistoolado, waxa uuna goob jooguhu sidoo kale sheegay in
dableydaasi halkaasi ku dishay askarigii waardiyaha qaaska ah u ahaa
Guddoomiyaha goobtii ku ruux baxay.
Guddoomiyaha ayaa markii
weerarka laga beegsana-yey waxa uu ku sugnaa Garoonka K/cagta lagu cayaaro
ee degmada Boondheere, isagoo fiirsanayey cayaar k/cagta ah oo halkaasi ka
socotay, markii ay dhamaatay cayaartiina waxaa la sheegay in saddex nin oo
ku dhex jirtay dadweynihii cayaarta u soo daawasho tagay in ay guddoomiyaha
toogteen, balse ay u suurtageli weysay in ay xabado dhowr ah la helaan kadib
markii uu ka dhacay meel jaranjaro ah, sidaasna ay ku dileen ilaaliyihii
kadib markii uu isku dayey in uu badbaadiyo Guddoomiyaha, waxaana dhaawaca
guddoomiyaha loo qaaday Isbitaalka Keydsanay halkasi oo lagu daaweynayo.
Ma ahan markii ugu horeysay oo
weerar lala beegsado mas’uul ka tirsan Dowladda, iyadoo horey loo dilay
mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka oo sheegtay in saddex
maalmood gudahooda ku soo gebagabeyn doonto Hawlgalada suuqa Bakaaraha
Shir jaraa’id oo uu qabtay
taliyaha ciidamada hawlgalada ka wada Bakaaraha Yuusuf Dhuumaalayuu ku
sheegay in mudo saddex maalmood gudahood ah lagu soo gebagabeyn doono
hawlgalada ay ciidamada Dowladdu ka wadaan Suuqa weyn ee Bakaaraha. Yuusuf
Dhiimaal waxa uu sheegay in ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha iyo
Saraakiisha Ciidamada ay kulan wada qaateen, isla markaana ay isla meel
dhigeen qodobo dhowr ah, sidoo kalana ganacsatada loo ogolaaday inay guddi
ku darsadaan hawlgalada suuqa laga wado si ay ula socdaan.
Taliyaha waxa uu sheegay in suuqa loo qaybiyey
afar waaxood, waax walbana ay raaci doonaan rag ka tirsan guddiga ay
Ganacsatadu iska soo dhex xushay si ay qayb uga qaataan hawlgalada, isla
markaana ay u soo gudbiyaan wixii dhaliilo ah oo ay arkaan inta uu
baaritaanku socdo.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo laga dayrinayo
Waxaa xaalad xun laga soo
sheegayaa Gobalka Sh/dhexe, kadib markii la sheegay in ay wadad isku xirta
Muqdisho iyo Sh/dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar ka dilaaceen burcad dhac
iyo boob kula kacda gaadiidka isticmaalka wadadaasi.
Qaar ka mid ah Gaadiidleyda
iyagu isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa sheegay in ay
dhibaato xoog leh kala kulman burcad wadada isbaarooyin dhigtay, waxa ayna
sheegeen gaadiidleydaasi in burcaddaasi ay hantadaadyo u gaysato, isla
markaana ay ku xujeeyaan lacago fara badan si ay u gudbaan, haddii ay bixin
waayana la xayiro.
Mid ka mid ah Gaadiidlayda oo
arrintaasi ka hadlayey a yaa sheegay in Burcaddaasi ay falal kufsi iyo
waliba jirdil isugu jira kula kacaan dadweynaha saaran gawaarida, waxa uuna
ka codsaday Dowladda Federaalka in ay wax ka qabato falalkaan ay burcaddu ku
kacayaan.
Arrimaha burcadeysiga ah ee wadadaasi ku soo
kordhay ayaa la sheegay in aysan waxba ka qaban Dowladda Federaalka, iyo
waliba maamulka Gobalka J/dhexe, oo lagu soo waramayo in maamulka gudihiisa
uu buuq ka jiro, kadib markii ay beelo badan oo dega gobalkaasi qaadaceen
dhismaha maamulkaasi.
Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2007
Wararkii JUly 10,2007
Qaraxyada Isdaba Jooga ah Oo Weli Ka Soconaya Caasimada Muqdisho Xili Ay
Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Ethiopia Howl-galo Wadaan.
Qarax gil-giley deegaanada ku dhow dhow xaafada buulo xuubey ayaa xalay ka
dhacay deegaanka xaafadaasi buulo xuubey ee degmada madiina qaraxan oo lala
beegsaday fariisin ay ciidamada ethiopia ay ku lahaayeen xaafadaasi.
Qaraxan ayaa la sheegay inay ku weerareen kooxo ku hubaysan bambaanooyinka
gacanta ciidamada ethiopia ee fariisinka ku leh deegaanka xaafada buulo xuubey
islamarkaana ay jaahwareer khal kal cabsiyeed soo wajahday dadka shacabka degan
xaafadaasi oo ahaa badaanaba meelaha nabdoon tan xiliyadii dagaaladu ka socdeen
caasimada muqdisho.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay Qaraxani loo adeegsaday bam
gacmeedka iyadoo ay halkaasi laga maqalayey rasaas goos goos ah oo ay
isweydaarsanayaan kooxaha weerarka gaystay iyo ciidamada xukuumada ethiopia .
Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili ay maalinamdii shalay ciidamada huwanta ah
ee dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia baaritaano ka gaysteen isla xaafadaasi buulo
xuubey iyo meelo kale iyadoo qaraxani noqonayo kii shanaad ee dhaca maalinmadii
shalay oo lagu weeraro ciidamada dowlada iyo kuwa ethiopia .
Si kastaba ha ahaatee ciidamada isku dhafka ah ee dowlada iyo kuwa ethiopia
ayaa ku guulaysan la, inay caasimada muqdisho xasdilyaan xili uu shirka dib u
heshiisiinta beelaha soomaaliyeedna qarka u soo saaran yahay.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Beesha Mareexaan Oo Qaadacday Kasoo Qayb Galka Shirka Dib-u Heshiisiinta
Qaran.
kulamo badan oo ay wada qaateen waxgaradka ,aqoonyahanada iyo isimada beesha
sade mareexaan ayaa waxay ku gor feeyeen xaalada siyaasadeed ee maanta dalku
marayo taasoo isku afkaar ka noqdeen sidii looga dabaalan lahaa qaab
siyaasadeedka murugsan ee maanta dalku ku jiro,islamrkaana kasoo saaray baaq ay
kaga soo hor jeedaan shirka dib u heshiisiinta qaran ee lagu wado inuu muqdisho
ka dhaco bishan aynu jirno bartamaheeda .
Afhayeenka beesha Sade c/naasir xirsi shaarib ayaa saxaafada u sheegay inay
kulankoodii maalmaha qaatay ee ay wada lahaayeen waxgaradka beesha mareexaan ay
kasoo saareen inaysan marnaba kasoo qeybgalayn shirka dib u heshiisiinta beelaha
soomaaliyeed ee lagu wado in uu ka dhaco 15-ka bishan aynu ku jirno caasimada
Muqdisho .
kulankan beesha mareexaan kadib ayaa waxaa shir Jaraa'id uu ku qabtay Hotel
Marindium ee magaalada Kismaayo afhayeenka Beesha mareexaan c/naasir shaarib
islamrkaana sheegay inaysan ku howlanayn wax shir qaran la yiraahdo iyadoo aysan
jirin ergo kasoo uga soo qayb gelaysa beesha sadde magaceeda waanuna ka midaysan
nahay ayuu ku sheegay shirkiisa jaraa,id .
Sidoo kale c/naasir shaarib ayaa xusay inaysan beelaha soomaaliyeed
dagaalsanayn islamrkaana la doonayo in la wada heshiisiyo siyaasada taasina ay
ma jaro habaabinayso dowlada KMG ahi .
" Ma dirisana hogaamiyeyaasha dhaqanka beelaha Somaliyeed, laakiin
jahawareerka Somaliya ka taagan waxuu u dhexeeyaa siyaasiyiinta iyo kuwa xukunka
jacel, beesheeyaduna diyaar u mahan kulankaasi haddii aan looga hadleyn
siyaasdda" ayuu yiri Afhayeenku.
Si kastaba ha ahaatee shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed ayaa u
muuqda mid ay durba hareeyeen jaah wareer iyo kala qaybsan badanaaba beelaha
soomaaliyeed ay kasoo hor jeesteen islamrkaana aysan jirin diyaar garoow xoogan
oo ka muuqda ergooyinka beelaha soomaaliyeed iyadoo ay ka harsan tahay maalmo oo
qura .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


|