SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Maxkamadah iyo mucaaradka mustaqbalka.

 By Maxamed Xuseen Cadow.

 

Waxaan maqaal inagu ah in dhawaan la dhisi doono urur ay ku midaysan yihiin dadka ka soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ay joogaan ciida Soomaaliyeed.
 
Ururkan ayaa la sheegay in ay ku midoobi doonaan qaybo ay ka mid yihiin maxkamadaha Islaamka, mudanayaal ka tirsan Baarlamaankii ansixiyey in ciidamada Itoobiya soo galaan gudaha Soomaaliya, ururada bulshada iyo shaqsiyaad siyaasada Soomaaliya hore ugu jiray iyo kuwo rabo in ay ka dhex muuqdaan siyaada Soomaaliya mustaqbalka oo hadda ku nool wadanka debadiisa.
 
Hadabo angoo ka cabir qaadaneyno inta aan ka maqalnay ururkaan la dhisi doono iyo dhibaatooyinka horyaalo iyo kuwa sugayo in ay xal u raadiyaan ayaa waxaa mudan in lays waydiiyo dhowr su,aalood oo kala ah.
 
1, Muxuu noqonayaa hadafka ururkaan hiigsanayo.
2, Dariiq noocee ah ayey u mareyaan in ay ku gaaraan hadafkooda.
3, Yaa leh fikirka lagu dhisayo ururkan.
4, Yaa ka mid noqonayo ururkaan.
 
Waxaa ila haboon in labo su’aalood jawaabtooda aan u dayno marka ururka la dhiso, kuwaas oo kala ah muxuu noqonayaa hadafka ururkan iyo dariiq noocee ah ayey u mareyaan in ay gaaraan hadafkooda.
 
Su’aasha ah yaa leh fikirka in la dhiso ururkaan, bal marka hore aanu eegno wax ay isku kordhin karaan hadii ay midoobaan. Aan ku bilaabo Maxkamadaha Islaamiga  waxoo loo arkaa in ay yihiin dad ku midoobay aragti kan kooban dad badan isla markaana leh awood ciidan iyo sumcad gaarsiisan nambar aad u badan.
Halka mudanayaasha Baarlamaanka aysan aheyn dad badan isla markaasna aan ku mideysan aragti taasoo ay u wehliso in aysan laheyn awood ciidan oo la dagaalanta cadowga,dhanka somcad ay ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed ay la mid tahay adigoo cirbad ka raadiyey bad weyn.
 
Hadaba waxaa dadka xaq u leeyihiin in ay iswaydiiyaan su’aal ah maxay ku soo kordhin karaan qaybahaan kale ay la midoobayaan Maxkamadaha Islaamiga  . Si aan taas u fahno aan eegno xaalada ay ku sugan yihiin madaxdii Maxkamadaha, marka hore waxay marti u yihiin dowlada ay mabda iyo aragti ay la wadaagin waxaan ognahay in Isaias Afewerki uu la dagaalo ururo ay Maxkamaha isku aragti dhow yihiin sida the Eritrean Islamic Jihad Movement (EIJM iyo the Eritrean National Alliance (ENA).
 
Abu Bara Hassan Salman oo ah ku xigeenka Eritrean Islamic Jihad Movement mar uu wareysi siinayey Wargeyska Nida’ul Islam ayuu yiri in wadamada Itoobiya iyo Erteria oo shacabkood ugu badan ay yihiin Muslimiin hadana waxaa nasiib daro ah in gacanta loo galiyo jabhado Kiristaan ah si loo caburiyo dadka Muslimiinta ah arintaasna waxaa aad ugu shaqeeyey dowlada Mareykanka markii Mingisto xukunka laga tuuray. Abu Bara Hassan Salman ayaa hadalkiisa raaciyey waan in la helaa dawlada ka dhalato Soomaaliya oo dheeli tirto awooda Geeska Africa.
 
Fikirka ah in la helo urur ay ku midoowaan garabyada aan kor ku soo sheegnay waxaa wada jir u qabo Midowga Yurub iyo Eritrea iyadoo marna raali ka noqoneyn urur islaami ah waxayna sharuud uga dhigeen hadii ay rabaan in la kaalmeeyo waa in aragtidooda iyo madaxdoodaba wax ka bedalaan.
 
Hadabo hadii ay dhacdo sida lagu wada in uu dhismo ururkaan aragti noocee ah ayuu shacabka ka qaadanayaa ma waxuu haysanayaa aragtidii hore maxkamadaha iyo garabka Baarlamaanka ka qabeen mise mid ka badelan, so arintan horseed uma noqon karto in la waayo aragti ama muuqaal laga qaato ururkaan. Waxaa xaqiiqo ah in dad badan oo manta sito qoriga lana dagaalamayo Itoobiya kunala dagaalamaya mabda uu aaminsana yahay in uu berto is waydiin karo markuu ururkan midoowo su’aal ah maxaan u dagaalamaya.
 
Ugu danbeyntii waxaa fiirsasho mudan in ay maxkamadaha ka fiirsadaan ururkaan ay ku biirayaan iyo qayaamooyinka qarsoon ay wataan Midowga Yurub iyo Erteria taas horseed u noqon doonto in ay burburaan iyaga ka urur ahaan.
 
Shalay waxaa laga waayey Maxkamadaha  in laga helo shaqsiyaad qonyare socod ah talo manta ma laga helayaa Maxkamadaha in ay noqdaan urur qon yar socot ah.
 
 
By Maxamed Xuseen Cadow.
Qamuus@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com