Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: July 10, 2007
- Ra’isul Wasaarha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga
- Cali Mahdi “Haddii laga dhabeeyo qodobada shirka Beelaha Hawiye ka
soo baxay waxaa la gaari lahaa nabad waarta”
- Saddex qarax oo dad wax ku noqdeen oo ka dhacay Suuqa Bakaraha ee
Muqdisho
- Beesha Sade “Dhaqan la iskuma haysto laakiin waxaa la isku hayaa
siyaasad, sidaa darteed waa in aan runta la iska indho tiring”
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga
Ra’isul Wasaaraha DFKMG
Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo ku sugan dalka Sucuudi Carabiya ayaa kulan
gaar ah waxa uu la qaatay Boqorka dalkaasi Boqor Cabdalla Bin C/casiis
Al-Sucuudi.
Kulankaan oo ka dhacay Qasriga
Boqortooyada Sacuudiga ee Al-salaam ee ku yaala Magaalada Jeddah ee Xeebta
ah ayay labada mas’uul isla soo qaadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso
xaaladda dalka Soomaaliya iyo waliba sidii labada xiriir u dhexeeya loo
xoojin lahaa.
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali
Max’ed Geedi auaa boqorka Sucuudiga waxa uu ka codsaday in dowladdiisa laga
taageero xagga dhaqaalaha iyo waliba dib u dhiska dalka oo uu ka muuqdo
burbur aad u xoogan oo ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Wakaaladda wararka Sucuudiga oo
arrintaani wax ka qortay ayaa sheegtay in Boqorka Sucuudiga uu Ra’isul
Wasaaraha u sameeyey ballanqaadyo dhowr ah, sidoo kalana Ra’isul Wasaaraah
DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu Boqorka ka codsaday in ay kala
shaqeeyo sidii Jaamacadda Carabtu ay taageero xoogan u siin lahayd Dowladda
Federaalka, isla markaana xitaa Soomaaliya loo geyn lahaa ciidamo ka socda
Jaamacadda Carabta.
Cali Mahdi “Haddii laga dhabeeyo qodobada shirka Beelaha Hawiye ka soo
baxay waxaa la gaari lahaa nabad waarta”
Guddoomiyaha shirka dib u
heshiisiinta qaran ee 15-ka bishan lagu wado in uu ka furmo Muqdisho ayaa
sheegay in Beelaha Hawiye looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadda
isla markaana ay joojiyaan wax uu ugu yeeray quraafaad iyo waliba xaalad
abuurnimada, waxa uuna Cali Mahdi oo ka hadlayey shirkii labada maalmood
Lafweyn uga socday Beelaha ee shalay la soo gebagabeeyey sheegay in ay
fiicnaan lahayd haddii sida ay yihiin looga dhabeeyo qodobada shirkaasi ka
soo baxay.
Mudane Cali Mahdi Max’ed oo
qudbad halkaasi ka jeediyay markii uu shirku xirmay ayaa waxa uu ku nuux
nuuxsadayin shirka dib u heshiisiinta qaran waqtigii loogu talagalay furmi
doono, isla markanaa Beelaha Hawiye looga baahan yahay inay khilafka meel
iska dhigaan oo ay si wadajir ah uga qayb-qaataan shirkaasi, waxa uuna Cali
Mahdi tilmaamay in mas’uuliyiinta ka biyo diidsan weli ka qaybgalka
shirkaasi aan loo xayirnaan doonin, balse si khilaafka loo dhameeyo wax
walba oo uu xalku ku jiro la sameeyn doono, waxa uuna Cali Mahdi sheegay in
Soomaali oo dhan ay tahay hal qoys, balse aysan qoysas kala duwan aheyn,
sidaa darteed meel la iska dhigo waa reer hebel iyo waxa la midka ah si
dhibka looga baxo.
Saddex qarax oo dad wax ku noqdeen oo ka dhacay Suuqa Bakaraha ee
Muqdisho
Waxaa shalay saddex qarax oo is
xigtay ka dhaceen suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaa ku dhintay 1 qof sida ay
sheegeen dad halkaasi ka dhawaa, sidoo kalan waxaa ku dhaawacmay 10 qof oo
kale.
Qaraxyadan ayaa ka dhacay
agagaarka qaybaha Dahablaha iyo Sarifka ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la
sheegay in ay jireen dad dhaawacyo halis ah ka soo gaareen qaraxyadaasi.
Markii ay qaraxyadu dhaceen
kadib ayaa waxaa halkaasi soo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu
gebi ahaanba halkaasi isku gadaamay kana bilaabay baaritaan xoogan.
Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo shalay kacsaneyd
ayaa inta badan waxaa xirnaa goobihii ganacsiga, waxaana dhanka kale wadada
Folorinsa ee Wardhiigley lagu dilay mid ka mid ah askartaga dhanka canshuur
uruurinta ee Dowladda Federaalka.
Beesha Sade “Dhaqan la iskuma haysto laakiin waxaa la isku hayaa
siyaasad, sidaa darteed waa in aan runta la iska indho tiring”
Beesha Sade oo haatan gacanta ku
haysa maamulka Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose ayaa sheegtay in aysan
jirin wax qaban-qaabo ah oo ay ugu jiraan ka qaybgalka shirka dib u
heshiisinta qaran ee 15-ka bishan Muqidisho ka furmi doona.
Afhayeen u hadlay Beesha Sade oo
lagu magacaabo ayaa sheegay in ay gebi ahaanba qaadaceen ka qaybgalka
shirkaasi, waxa uuna sheegay afhayeenku in aysan jirin sabab beelo
Soomaaliyeed dhaqan ahaan la isugu yeero, lana yiraahdo waan la idiin
heshiisiinayaa, waxa uuna afhayeenku sheegay in taas aan waqti la isaga
lumin, balse ay wanaagsanaan lahayd in runta la abaaro oo shirka laga dhigo
mid siyaasadeed.
“Waxaa la isku haystaa siyaasad,
arinta Soomaaliyana meesha ay ka degi la’dahay waa la wada ogsoon yahay, ee
ma ahan in waqtiga lagu lumiyo arrimo aan jirin” ayuu yiri Afhayeenka oo
sheegay in aysan jirin qabiil qabiil la dagaashan, balse dhamaan qabaa’ilka
Soomaaliyeed ay is dhex maraan meel kasta oo ay ku kala sugan yihiin.
Hadalka afhayeenka ayaa yimid
xili mudo dhowr maalmood ah ka harsantahay furitaanka shirka dib u
heshiisiinta, waxaana sidoo kale shirka u qaadacay qaar ka mid ah Beelaha
Hawiye oo iyagu soo jeediyey in shirka laga dhigo mid siyaasadeed.
Dowladda Federaalka ayaa moodaa in ay ka dhegaha
ka fureystay baaqyo uga imaaday qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed iyo
waliba Caalamka, iyadoo Beesha qaarkeed ku baaqeen in shirka laga dhigo mid
siyaasadeed, maadaama Soomaaliya siyaasad ahaan isku haystaan, isla markaana
shirka laga qaybgalayo dhamaan dhinaca isku haya siyaasadda dalka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
July 10, 2007 Wararkii SHalay hoos ka akhri
Kala Qaybsan Siyaasadeed Oo Soo Wajahay Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye
.
Gudoomiyaha guurtida hawiye xaaji cabdi iimaan cumar ayaa si lama filaana
u taageeray garabka odayaasha taageersanaa dowlada KMG ah islamrkaana
sheegay in hadii dagaal la galay oo ay ku guulasyan waayeen ,aysan isku
dhamaan doonin sidii basashii oo kale basasha ayaa sida loo fiiqayo dhamatee
waa siduu hadalka u dhigaye.
Xaaji cabdi iimaan oo shalay shir jaraa,id ku qabtay hotel laf-weyn oo
shir uga socday garab kamida garabyada odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa
sheegay inuu ka tanaasulay is-jiid is-jiidka siyaasadeed ee u dhexeeya
odayaasha beesha hawiye iyo dowlada islamrkaana uu taageerayo waxii maanta
ka dambeeya shirka dib u heshiisiinta .
Xaajiga oo mar la weydiiyey waxaa loo malaynyaa in ay gudoomiyaha gobolka
banaadir iyo madaxweyne yusuf ay dhaqaalo badan kugu bixiyeen maxaa ka jira
arintaan ,waxuuna ku jawaabay anigu ma jirtto dadkuna qofku marku
mowqifkiisa cadaysto walax waa sheeg-sheegaan marka waxaan taageeray nabada
iyo isu soo dhowaanshaha ayuu yiri xaaji cabdi iimaan .
Sidoo kale su,aal kale oo ay saxaafadu weydiisay ayaa ahayd miyaydaan
isku mowqif ahayn odayaasha axmed diiriye iyo mr xaad ayuu waxuu ku jawaabay
odsayaashaasu xiligii hore dagaal ayay u ololaynayeen taasina way dhamaatay
waayo in laysku dhamaado sidii basal looma baahna waa in laysu tanaasulaa
ayuu ku jawabay .
kala qaybsankan siyaasadeed ee iminka soo wajahay odayaasha dhaqanka
beesha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili ay shirka dib u heshiisiinta la
sheegay inuu dhici doono bsihan 15-keeda ay ka harsan yihiin maalmo oo qura
islamrkaana aysan jirin wax amaan ah oo ka xasilay casimada muqdisho iyadoo
ay dilalka iyo qaraxyada isdaba jooga ahina ay kasii darayaan.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmailk.com
Suuqa Weyn Oo Bakaraha Oo Aan Saaka Al-baabada Loo Furin .
Ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa xukumada Ethiopia ayaa dhowaanahanba
howl-galo lagu macneeyey baaritaano hubeed ka wadey suuqa weyn ee bakaaraha
islamarkaana la sheegay in lagu dhacay hantiyo dadweyne taasina ay ka
dhalatay fowdo iyo qaraxyo ka dhacay suqaasi.
Nabad gelyo xumo iyo dhaca dadka shacabka ah ee ganacsatada ah darteed
ayaa saaka Waxaa gabi ahaanba xiran oo haawanaya goobihii ganacsiga ee Suuqa
Bakaaraha, iyadoo dadweynaha loo diidayo in ay galaan Suuqa oo ay kasoo
adeegtaan taasoo ay ku dhex jiraan oo keliya ciidamada huwanta ee dowlada
KMG ah iyo kuwa ethiopia
Sidoo kale waxaa iridaha loo laabay saaka shirkadaha isgaarsiineed ee
Hormuud iyo Telecom Somaliya oo ay ciidamo aad u fara badan isku gadaameen
saaka waabarigii hore islamrkaana loo diiday in la furo shirkadahaasi .
Howlaglkan lagu sheegay in lagu baadi goobayo dadka qaraxyada gaysta iyo
weliba hubka iyo walxaha qarxa ayaa ka soconaya mudo gaaraysa Afar maalmood
oo aysan jirin cid loosoo qab-qabtay iyo weliba qaraxyada oo aan istaagin
Hawlgalada oo socda .
Waxaa sii kordhaya qaraxyada bambaano ee lagu tuurayo ciidamada isku
dhafka ah ee ka howlgelaya suuqa weyn ee bakaaraha taasoo amaanka caasimada
muqdisho oo markiisii horeba aan cago badan ku taagnayn khal khal kusii
riday waxaa cabsi iyo wel wel soo wajahay ganacsatada jeeblaha loo yaqaano
oo dhowaanahanba dhac kala duwan ka cabanayey .
C/casiis barre oo kamida ganacsatada jeeblaha ah ee ka ganacsata suuqa
bakaaraha ayaa saxaafada u sheegay inay cabdi labo daran kala dooro ay ku
jiraan taasoo hadii ay dukaamadii ay lahaayeen hadii ay furaan la dhacayo oo
lagu dhacayo shaarka ciidamada dowlada KMG ah ,halka hadii ay furi wayaana
loo qadanayo in uu hub lagu qarinayo islamrkaana laga jebinayo .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2007


|