SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Hid: Miyey Soomaali tahay? 

W/T: C/raxmaan Max’ed Aadan
E-Miail: dirham114@hotmail.com 

      Bishan horaanteedii ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si xoowli ah uga bilowday hawlagalo Baaritaan oo ay sameynayaan ciidamada Dowaldda Federaalka oo kaashanaya kuwa Dowladda Itoobiya, baaritaanada ayaa inta badan ka socda Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo waliba deegaanada ku dhow dhow, marka ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku  guda jiraan baaritaanka waxay mararka qaar ku kacaan falal wax u dhimi kara hab dhiska Dowladnimo, kuwaas oo ka baxsan sharciga ciidanka, waxaana isa soo tareysa qaylo dhaanta ka soo yeereysa ganacsatada suuqa Bakaaraha oo iyagu ku goodiyey inay Dowladda Federaalka uga guurayaan suuqa.

      Intaas oo dhan marka laga soo tago, waxaa dhankooda dhib sheeganaya dadka socota ah ee suuqa wax ka iibsiga u yimaada, waxaa dadkaasi dhib ku noqotay in ay si toos ah suuqa u soo dhex galaan, waxaa mararka qaar dhacda in ay masaafo fog u soo socdaan meesha ay doonayaan oo marka wadada quman loo eego aad u fog, tusaale ahaan goob aad dooneysid oo hal mitir kuu jirta ayaa laga yaabaa in aadan dhowr Mitir kor kaga soo wareegto, tan ayaa dadka intiisa badani cabasho aysan jirin cid dhageysaneysaa ka muujiyeen.

      Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo hawlgalada inta badan wada fuliya ayaa dadka ku amra in ay dib ugu laabtaan meeshii ay ka yimaadeen, waxaana mararka qaar halkaasi ka dhacda dood u dhexeysa Asrkiga amarka bixinaya  iyo waliba qofkii doonayey in uu ka daneysto ama ka soo Xamaasho Suuqa, waxayna tani keentaa mararka qaar in qofku uu muteyso xabsi, waxaa intaa dheer in gaar ahaan ciidamada Itoobiya marka ay doonayaan in ay qof celiyaan iyagoo ku hadlaya afkooga ay yiraahdaan (Hid), balse dadka qaar ay garan waayaan, marka dambana ay dhacdo in qoriga afkiisa lagu dhufto qofkii oo war moog ah, waxayna tani keentay in dadku inta badan haatan gartaan Macnaha Ereyga Hid, sidaa darteedna isla marka uu hid maqlo uu dib uga laabanayo wadadii uu ku socday.

      Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga ee Dowlada Federaalka taa bedelkeeda iyana ay isticmaalaan Shaarka Kor u qaad, balse waxay uga bedelan yihiin horey ayaad u soconeysaa adiga oo shaarka kor u haya ilaa aad ka dhamaatid goobta ay ku sugan yihiin markaasi.

      Ereyga Hid ayaa wadno qabad ku noqday Bulshada rayidka ah ee iyagu lugeynaya qaybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, waxaana tan runtii ka faa’iideystay ciidmada Dowladda Federaalka oo iyaga qudhooda qaatay isticmaalka ereygaan Hid, kadib markii ay arkeen in ereygaan laga baqanayo, waxaad arkeysaa askari Soomaali ah oo luuq fadhiya oo marka aad ku soo dhawaato ku leh Hid.

      Nin isaga oo luuq sii maraya hid lagu yiri oo dib u soo laabtay ayaa ka hor yimid nin kale, waxa uu u sheegay in Hid la soo yiri oo uu dib u soo laabtay, balse ninkii kale ayaa ku yiri “War heedhe miyaad waalatay askariga xagga fadhiya waa Soomaalia, side hid laguugu yiri, ma anigaa i waaleysaa”, kii kale ayaa ku yiri “Ama waalo ama iska dhaaf, aniga qudheyda markii hore waxaan u maleynayey Soomaalia balse markii uu Hid i yir waxaa ii cadaatay in uu Itoobiyaan yahay” kii kale ayaa hadalkii ku celiyey oo weydiiyey “Ninyahow askarigu waxa uu wataa dharkii lagu yaqiinay ciidamada Dowladda Federaalka, ee siduu Itoobiyaan ku noqon karaa?”, kii kale ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa in Itoobiyaanka qudhooda ay dharka Soomaalida gashteen oo sidaa qaarkood hawlgalada uga qayb-qaadanayaan”, labadii nin oo is-maandhaafsan ayaa waxaa u yimid Odey, waxayna weydiiyeen askariga meesha fadhiya in uu Itoobiyaan yahay iyo in uu Soomaali yahay, balse Odeygii ayaa ugu jawaabay “waa Soomaali-Itoobiyaan”, inta ay yaabeen ayay ku celiyeen “Adeer maxaad sidaasi ku tiri?”, waxa uu yiri “Mar haddii uu Askarigii soomaaliga ahaa Hid ku leeyahay oo uu luuqaddiisii ka door biday Midda Itoobiya, sidaa ayaan ku iri waa Soomaali-Itoobiyaan, oo magac keliya ma siin karo, micnaha waxaan ula jeedaa meel aan ku tirin karo maba aqaan”, wuxuuna odeygu Dowladda Federaalka ku cambaareeyey inay iyadu mas’uul ka tahay wax dhacaya oo dhan, waxa uuna yiri.

      “Dowlad waxaan u aqaan mid daryeesha dadkeeda, ka talisa aayaha wanaagsan, horumarka dhinacyada Bulshada, Dhiiragelinta shacabka si ay horey ugu talaabsadaan iyo wixii la mid ah, balse la yaab ayay kugu noqoneysaa in aad aragto Dowlad intaa aan soo sheegay lidi ku noqotay marka loo kuurgalo”, Odeyga ayaa sidoo kale dayro ka muujiyey hab dhaqanka ciidamada Dowladda Federaalka ee Booliiska iyo Milatariga isugu jira, waxa uu Odeygu hoosta ka xariiqay in isagu fakir ahaan qabo in arrimaha oo dhan dib ugu laabanayaan Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay ka gaabisay ka warqabka hawlgalada ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka sameeyaan dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee  Muqdisho.

      Abwaan Guure oo ka mid ah Abawanada Soomaaliyeed ayaa dhawaan gabay uu soo saaray waxa waxaa ka mid ahaa:

Dariiqaad soo martaba

HID ku noqo meeshaad ka timid

Habeen iyo maalin HID

W/T: C/raxmaan Max’ed Aadan
E-Miail: dirham114@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com