SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Sh. Sharif Maxaa La Gudboon? 

Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) 
London 
Yarisow70@hotmail.com

Qoraalkan waxaan uga hadli doonaa marxallada maanta waddanku ku sugan yahay iyo in loo baahan yahay in laga doodo  ama wax la iska warsado sababaha kalifay in marxalladdu ay sidaan ahaato. Waxaan si gaar ah talo uga bixin doonaa waxa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed. Haddaba qoraalku waxuu ka hadli doonaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

  1. Maxkamadaha Islaamiga ah,
  2. DFKMG ah,
  3. Quwadaha shisheeye 
  4. Dib u heshiisiinta lagu talo jiro.
  5. Maxaa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed
  6. Gunaanad

 

  1. Maxkamadaha Islaamiga ah:
  • Maxkamadaha Islaamiga ah waxaan shaki ku jirin inay wax weyn u qabteen ummadda soomaaliyeed muddadii ay maamulka hayeen (June 2006 illaa December 2006). Qoraal ay soo saareen Chatham House (oo ah hay’ad madaxbannaan oo arrimaha dibedda kala talisa waddanka UK) bishii April 2007 waxey ku sheegeen waqtigii maxkamadaha waqti dahab ah oo soo maray Somalia (Golden Age). Iyadoo lagu faani karo guulihii iyo nabadgelyadii ay soo celiyeen maxkamadaha haddana waxaa habboon in la is warsado sababaha keenay burburkooda, si looga qaato waayo aragnimo buuxda, loona saxo qaladaadkii jiray si aan mustaqbal loo gelin qaladaad noocaas oo kale ah.
  • Wanaagii maxkamadaha halkan laguma soo koobi karo ha noqoto dhanka nabadgelyada, dhanka ka fogaanshaha qabiiliga, dhanka soo celinta adeegyada bulshada iyo rajada ah in ummadda soomaaliyeed ay isku tashan karaan. Aniga waxaan fursad u helay inaan ku tago caasimadda waddanka Muqdisho dhamaadkii June iyo bilowgii July 2006, oo aan fursad u helay aan ugu kuurgalo arrimaha, lana fariistay madaxdii ugu sareysay ee maxkamadaha islaamiga ah iyo weliba saraakiisha shabaabka sida Ceyrow, islamarkaana aan sidoo kale la fariistay aqoonyahanada soomaaliyeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho.
  • Walow ay wanaag fara badani jirtey, haddana waxaa iyadana jirtey khaladaad fara badan oo haddii lala imaan lahaa qorshe wanaagsan la sixi karay. Qaladaadkaas qaarna waxey ahaayeen kuwo fudud, sida fiirsadasha kubbadda cagta ah oo qaar ka mid ah maxkamaduhu ku kaceen, walow mas’uuliyiinta sare ey noo sheegeen inaysan siyaasaddoodu ku jirin. Qaladaadkii waaweynaa iyagana waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta maxkamadaha iyo saraakiisha militariga oo aan wada socon una dhaqmin hab maamuus keeni karay kala danbeyn iyo maamul wanaag, kaasoo markii danbe keenay burburka maxkamadaha. Qilaafkan ayaan aniga u aaneyn karaa lafdhabarka burburka maxkamadaha oo qilaafkan ayaa keenay in mas’uuliyiinta maxkamadaha ay la iman waayeen siyaasad cad cad oo ay ku wajahaan la heshiisiinta DFKMG ah ama caalamka intiisa kale. Qilaafkan ayaa isna sabab u ahaa in maxkamadahu ay ku fidaan waddanka gudihiisa tanoo soo dedejisay burburkii maxkamadaha.
  • Sidaas daraadeed maxkamadaha islaamiga ah waxey ku lahaayeen qeb dhan 3 meelood meel (1/3) burburkii ku yimid iyaga iyo waddankaba.
  1. Dowladda Federalka ku meel gaarka ah
  • Shirkii Eldoret iyo Mbegathi oo ka dhashay DFKMG ah waan la wada soconaa oo ma aheyn shir soomaalidu u madax bannaanaayeen, oo waxaa aad ugu weynaa fara gelinta dowladda Ethiopia. Shaqsiyaadkii tegay goobta oo keliya ayaa garan kara sida loo bahdilay soomaalida sheeganeysay inay mas’uul ka yihiin waddanka. Waxaad arkeysay hoggaamiyeyaal daba ordaya saraakiil Ethiopian ah. Aragtida gaaban ee mas’uuliyiintii ka qeybgalay shirka iyo khilaafka dhexdooda ah ayaa keenay in saraakiisha Ethiopianka ay sidey rabaan u maamulaan shirka oo waxaa iigu darneyd markaan arkay aqoonyahanno soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah oo loo diiday inay shirka ka qeybqaataan, islamarkaana hoggaamiyeyaasha kooxuhuna ay taageereen fikirkaas iyagoo ka cabsi qabay in aqoonyahanadu la wareegaan maamulka shirka. Arrimahan ayaa sabab u ah horumar la’aanta DFKMG ah ee maanta jira.
  • Iyadoo sidaas ay tahay ayaa haddana ummadda soomaaliyeed oo aan anigu ku jiro la soo dhoweeyey DFKMG ah loona arkay in dhismo dowladdeed ay lama huraan tahay, khaladdaadkana ay saxmi karaan. Waxaa loo arkay in DFKMG ah looga gudbi doono nabadgelyo xummada waddanka ka jirtay. Waxaana iyadana la ogsoonyahay in DFKMG ah ay mar hore burburi laheyd haddaan Ethiopia ku mintidin. Waxaad moodaa in Ethiopia ay daraasad wanaagsan ku sameysay siyaasadda soomaaliya oo xulasho cajiib ah u xulatay mas’uuliyiinta DFKMG ah oo iyaga danta Ethiopia ka horumariya tan Soomaaliyeed. Waxaa muuqatay in dhowr jeer oo khilaaf ka dhex dhacay mas’uuliyiinta ugu sareysay oo wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia uu si waadix ah u soo dhexgalay una dhameeyey khilaafkii jiray.
  • Hay’adda International Crisis Group (ICG) ayaa maqaal ay qoreen 21 December 2004 ka dib doorashadii Madaxweynaha ayaa waxey ku sheegeen in Somalia ay dagaaladu socon doonaan iyagoo wejiyo kale leh”Continuation of War by Other Means?” DFKMG ah lama iman aragti dheer oo ku wajahan waddanka iyo shacabka soomaaliyeed oo kalsooni gelin karay ummadda soomaaliyeed. Arrimahan waxaan u aaneynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha oo labadaba ku weyntahay raaligelinta Meles Zenawi una muuqda inay ka amar qaataan. Waa hubaal in Meles uu ku caawinay inay qabtaan jagooyinkan, haddana waxey meesha ka saareen in mas’uuliyadda ay u hayaan ummadda soomaaliyeen, mudnaantooda koowaadna ay tahay sidii waddanka ay u gaarsiin lahaayeen horumar iyo barwaaqo. Aniga shaqsiyan ma qabo in mas’uuliyiintan ay keeni karaan wax horumar ah xitaa haddii shacabka oo dhan ay la shaqeeyaan, waayo kama muuqato falalkii hoggaan wanaagsan.
  • DKMG ah waxey ka faa’iideysan weysay fursaddii maxkamadaha islaamiga ahi ay nabadda ugu soo celiyeen caasimadda waddanka. DFKMG ah waxey la imaan weysay qorshe dib u heshiisiineyd ay ku hantaan maxkamada islaamiga ah. Xildhibaan ka mid ahaa xildhibaanada oo kala shaqeeyey madaxeynaha sidii la isagu xiri lahaa maxkamadaha iyo DFKMG ah ayaa ii sheegay in madaxweynaha uu markii hore raalli ka ahaa in lala heshiiyo maxkamadaha oo xitaa uu ogolaaday in 100 ergo oo ka socota maxkamaha ay yimaadaan baydhabo oo la furo wada hadal, ha yeeshee madaxeynaha ayaa u socdaalay safar dibedda ah (Ghana) soona maray Addis Ababa ayaa markuu yimid u sheegay xildhibaanadii diyaarinayey sidii maxkamadaha loola xaajoon ahaa inay joojiyaan dadaalka ay wadaan kuna yiri la heshiin meyno maxkamadaha. Tanoo fasireysa in Addis ababa laga soo amray.
  • DFKMG ah waxey door bideen inay ciidamada Ethiopia u fasaxaan waddanka oo ay laayaan soomaali, iyagoo sheeganaya inay matalaan soomaalida. Waxey garan waayeen in Somaliya ay u baahantahay isbedel dhan walbo ah oo ay ugu horreyso shacabka soomaaliyeed oo dantooda laga fikiro.
  1. Quwadaha Shisheeye
  • Soomaaliya weligeedba loolanka quwadaha shisheeye wuu ku xoog badnaa wallow ay marxaladuhu aad u kala duwanaayeen. Ka dib isticmaarkii Somaliya dowladihii soo maray oo dhan waxaa qasab ku aheyd inay ku xirnaadaan quwado shisheeye ha noqoto xag dhaqaale ama xag siyaasaddeedba. Ka dib burburkii dowladdii dhexe ee 1991 ayaa sababtay in Ethiopia ay straatejid fog ka yeelato Somalia ayna ku dadaashay xal kasta oo keeni karo inaysan Soomaalida isu iman, haddii ay isu imanayaana ay gacanteeda ku jiraan. Waqtigii Ali Mahdi waxey la safatay Ceydiid, ka dib markii Ali Mahdi iyo dowladdiisii burburtay oo ceydiid uu noqday quwad militari xoogan leh, haddana wey ka safatay oo waxey taageertay hoggaamiye kooxeedyadii jiray sida Muse Sudi. Waxaa ku xigtay inay Hussein Ceydiid dagaal ku soo hoggaamisay, xoogna uga soo saartay gobolada Bay iyo Bakool. Heshiiskii Masar waxey ku burburisay Soodare. Dowladdii Cartena waaba la ogaa waxii ka dhacay oo waxey abuurtay SSRC. Ka dibna doorashadii DFKMG ah waan la soconaa inay taageertay Mohamed Dheere.
  • Sidaas daraadeed Ethiopia straatejiyadeedu waxey aheyd mid muuqata oo aad u cad cad. Waxeyna ka faa’iideysatay hoggaan xumada heysata ummadda soomaaliyeed, si fiicanna u fahamtay isticmaalka kaarka qabiilka oo u noqday aalad ay u isticmaasho ummadda soomaaliyeed. Qofkii shaki ku jiro in Ethiopia aysan dano gaar ah ka leheyn soomaaliya waxaa tusaale ugu filan inay taariikhda 17kii sano ee u danbeeyey ey dib u jaleecaan iyo sida ay ula dhaqanto soomaalida kelinka 5aad marka loo fiiriyo kuwa Kenya. Waxaa u sii dheer inay si fiican u isticmaashay kaarka la dagaalanka argagixisada caalamka. Tan oo keentay in Mareykanka uu nal cagaaran u ifiyo. Isticmaalka Ethiopia ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada caalamka ma aha mid hadda bilowday.
  • Mareykanka oo ka naxsan dharbaaxadii ku dhacday dagaalkii Ceydiid ayaa weligiisba si taxadar ah u eegayey arrimaha soomaaliya. Waxaan shaki ku jirin in mareykanka uu in muddo ah uu raadinayey fursado u saamaxa inuu soomaaliya arrimaheeda wax ugu qabto, haddana ma siinin fursad dhamaadkii shirkii Kenya iyo doorashadii DFKMG ahba oo waxuu si cad ugu sheegay inuusan taageereynin illaa ay ka tagaan waddanka oo ay ka sugaan nabadda soona celiyaan nidaam dowli ah. Dhanka kale mas’uuliyiinta DFKMG ah waxey ku haminayeen in caalamku taageerayo is ay nabadda u soo celiyaan una dhisaan nidaam dowlad. Haddaba waa arrintan arrimaha dhaliyey in DFM\KMG ah ay noqoto mid fadhiid ah oo aan akhrin karin aragtida caalamka.
  • Maxkamadaha Islaamka markii ay Muqdisho nabad ka dhigeen, kana ceyriyeen hoggaami kooxeedyadii Muqdisho, ayaa si deg-deg ah caalamku diiradda u soo wada saaray arrimaha Soomaaliya. Waxaa isla markiiba uu Mareykanku ku dhawaaqay Somalia Contact Group oo in muddo ahba kulmayeen. Nasiib darro waxaa noqotay in Maxkamadaha ay fahmi waayeen ifafaalayaashii caalamku ku wajaheen arrimaha Soomaaliya. Ethiopia ayaa fursad ka dhigatay dhega-adeyga Maxkamadaha gurbaan weynna u tuntay in Maxkamadaha ay xirriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo inay marti geliyaan 3 ruux oo mareykanku danbiyo u heystay. Arrimahan ayaa waxey soo dedejiyeen dagaalkii Maxkamadaha Islaamiga iyo Ethiopia oo uu mareykanku si xoog leh u taageerayey.
  • Caalamka oo uu ugu horreeyo Qaramada Midoobay kuna jiraan saxaafadaha galbeedka waxey kuligood ka sinaayeen in lag aaamuso faragelinta Ethiopia iyo xasuuqa ummadda soomaaliyeed.
  1. Dib u heshiisiinta:
  • Madaxweynaha DFKMG ah siduu ugu hayey cadowga waa laga guuleystay wax dib-u heshiisiin la yiraahdo ma jrito ayaa uu mar qura isbedel weyn ku yimid ka dib markii shirkii AU ee ka dhacay Addis ababa lagu amray inuu oggalaado. Arritan ayaa waxaa ku xigay inuu kulankii baarlamaanka ee dhacay 1 March 2007 uu magacaabo guddi uu ku sheegay heer qaran yirina waa guddi madax bannaan uuna madax uga dhigay Mudane Ali Mahdi Mohamed.
  • Guddiga dib-u heshiisiinta ayaa fursadda markiiba ka faa’iideystay oo Ali Mahdi oggolaaday xilka, ha yeeshee tan iyo markaasba u dhaqmayey inuu ka tirsan yahay DFKMG ah. Mas’uulka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Africa, Jenday Frazer ayaa si buuxda uga hadashay arrimaha dib-u heshiisiinta  siisayna kaalmo buuxda Ali Mahdi una sheegtay inuu madax bannaan yahay oo DFKMG ah aysan wax shuqul ah ku laheyn. Ha yeeshee waxaan aragnay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo idaacaddaha u sheegaya in shirka dib u heshiisiinta uu baaqday, islamarkaana uu wasiir ku xigeenka dib- heshiisiinta uu ka daba hadlay sheegayna in shirka uusan dib u dhicin. Waxaa ku xigtay in Ali Mahdi uu maalin ka hor baajiyey kulanka. Ali Mahdi ma sameysan hay’ad madaxbannaan oo xafiis madax bannaan leh una shaqeeya ummadda soomaaliyeed. Ma sameysan aqoonyahanno u sameysa daraasad iyo diyaar garow la xirriira shirka. Weli ma uusan soo bandhigin qorshe cad cad oo uu ugu baaqayo dhammaan kooxaha iska soo horjeeda inay miiska wada hadalka wada yimaadaan. Balse waxuu dhowr jeer idaacadaha ka cambaareeyey shaqsiyaad muhiim u ah shirka dib u heshiisiinta. Ma aheyn Ali Mahdi inuu u jawaabo shaqsiyaadka iska soo horjeeda amaba dhaliila isaga iyo howshiisa, waxey aheyd inuu u muuqdo shaqsi madax bannaan oo ka hadli kara arrimaha iyo dhibaatooyinka shacabka soomaaliyeed lagu hayo. Waxaa muuqaneysay inuu waqti badan geliyey la kulanka mas’uuliyiinta DFKMG ah halka uu waqti isla eg gelin lahaa la xirriirka kooxaha iska soo horjeeda.
  • Waxaa cad in Ali Mahdi fursaddan qaaliga ah uusan uga faa’iideysan si ku habboon ama ha noqoto isaga sumcaddiisa ama danta guud ee ummadda soomaaliyeedba. Aniga aragtideyda kooban ma filayo in shir dib-u heshiisiin uu marxaladda waddanka maanta ku jiro uu ka qabsoomi karo Muqdisho iyadoo ay joogaan ciidamo Ethiopian ah.
  1. Maxaa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed.
  • Ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogto aad bey ula dhaceen hoggaankii suubanaa uu Sh. Sharif Sh. Ahmed la soo baxay xilligii ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ay maamulayeen caasimadda iyo koofurta waddanka inteeda badan. Xitaa waxaa soo dhoweeyey soomaalida inteeda kale sida Somaliland iyo Puntland. Caalamka ayaa isna soo dhoweeyey hoggaanka Sh. Shariif, ha yeeshee arrimo dhowr ah oo is biirsaday iyo ajendaha Ethiopia iyo Mareykanka ayaa waxaa suuroobi weysay in Maxkamaduha ay sii waaraan.
  • Aniga waxaan ka mid ah shaqsiyaadka fursad u helay uu kula kulmo Sh Sharif oo runtii aan ku ammaani karo xirfaddiisa ixtiraamka shaqsiga iyo bani’aadanimada iyo dulqaadkiisa dhageysiga fikradaha kala duwan. Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa iyagu jiray ka hor dagaalkii lala dagaalay hoggamiye kooxeedyada ka dib markii ay ku dhawaaqeen isutag la magac baxay la dagaalanka argagixisada. Intaas waxii ka danbeeyey Maxkamadaha dagaalkooda iyo guulahoodaba waxey ahaayeen kuwo isdaba joog ah. Ka dib guushii dagaalada ayaa waxaa la isagu yeeray 12 urur oo islaamiyiin oo iyaga dagaalka ka qey qaatay loona sameeyey gole shuuro ah oo ka kooban 88 xubnood. Maxkamadaha Islaamiga ah waxey ku lahaayeen tiradaas 21 xubnood. Isu taggan ayaa waxey doorteen Sh. Shariif Sh. Ahmed inuu u noqdo hoggaamiye. Marka waad garan kartaa mas’uuliyadda Sh. Sharif waxey aheyd isu heynta ururaddan isu tagay iyo hoggaaminta guud ee waddanka. Shabaabka ayaa qeyb weyn ku lahaa in dagaaladu ay noqdaan kuwo lagu guuleysto, islamarkaana ay isbedel weyn ku sameeyeen qaab dagaalkii lagu yaqiinay soomaalida oo lama sheegin xasuuq soomaali ama beelo gaar ah. Arrintan ayaa dhalisay kalsooni in shacabka laga helo.
  • Runtii Sh. Shariif si hagar la’aan ah ayuu ugu hagar baxay ulana yimid hoggaan suuban, lehna aragti dheer. Ha yeeshee dhowr arrimood oo is biirsaday oo ay ka mid yihiin, khibrad la’aanta guddiga intiisa kale, xirriirka Shabaabka iyo maamulka guud oo aan aad u wanaagsaneyn, sida lama filaanka ah oo ay guushu ugu timid iyo dhaqanka soomaalida ayaa keentay in ay fara badaan mudnaanta halka ku habboon. Sidoo kale siyaasad la’aanta ku wajahneyd la heshiisiinta DFKMG ah iyo dhaqanka shabaabka ayaa waxey intaba fursad siiyeen Ethiopia inay kaarkeeda la dagaalanka argagixisada miiska soo saaraan si fiicanna uu ugu gadmo.
  • Si kastaba ha ahaateen Maxkamadihii meesha waa ka baxeen oo Sh Shariif iyo mas’uuliyiintii kaleba dibedda waddanka ayey yimaadeen. Qaladaadkii kalifay burburka Maxkamaddaha waxaa sii wehliyey in maanta uu Sh. Shariif Sh. Ahmed joogo Asmara oo aan aniga u heysto inay tahay khalad kale oo aasaasi ah. Waxaa intaas sii wehliso, maxkamadaha oo dhowaan is wada cesilay, ha yeeshee ay mas’uuliyiintoodu ay sidii hore ugu soo noqdeen iyagoon wax isbedel ah sameyn. Tan waxaa sii dheer inaan weli Maxkamadaha laga helin barnaamij cad oo ay u soo gudbiyaan ummadda soomaaliyeed oo ay kalsoonida ula soo noqdaan, kaasoo laga filayey inay isbedel buuxa oo dhan walba ah la yimaadaan, danta guud ee ummadda soomaaliyeedna ay ka hormariyaan danta gaarka ah ee Maxkamadaha. Waxaa la rabay inay caddeeyaan inay la midoobayaan soomaalida waddaniyiinta ah iyo aqoonyahanada soomaaliyeed, iyo inay la yimaadaan straatejiyad ay kula macaamilayaan caalamka intiisa kale gaar ah Mareykana iyo wadamada geeska Afrika.
  • Haddaba markaan ariimahaas oo dhan aan eegay waxaan kula talin lahaa Sh. Shariif Sh. Ahmed inuu ka dhex baxo marxalladda siyaasadda soomaalida oo uu ka nasto tan iyo muddo inta laga helayo soomaali diyaar u ah inay si xallaal ah uga hadlaan mustaqbalka waddanka. Waxaana kula talin lahaa inuu ka soo tago Asmara oo uu yimaado waddamada kale, sida Doha, Dubai, Cairo iyo Yemen.
  1. Gunaanad.
  • Qoraalkan kooban waxaan filayaa inaan si gaaban ugu soo koobay marxaladaha waddanka soo maray sanadkii ugu danbeeyey, anigoo isku dayey inaan meelo badan ifiimiyo, haddana waxaa hubaal ah in loo baahan yahay in daraasad dheer lagu sameeyo arrimaha soomaaliya oo si gaar ah qodob walba looga dodo, wax la iska wareysto, lana fiiriyo in xal loo heli karo arrimaa murugeysan ee soomaaliya. Sidaas daraadeed qoraalkan waa mid aan ugu talo galay inaan dood ku furo, bilowna u noqoto in soomaalida firkirkooda ay la wadaagaaan ummadda soomaaliyeed.
  • Maxkamadaha Islaamka waqtigoodii dahabiga ahaa waa in la is weydiiyaa maxaa keenay in aan lagu nagaan. Waxaa jira sababo fara badan oo loo aaneyn karo burburkii Maxkamadaha oo iyaga ka bari yeelayo, haddana aniga ma qabo in sidaas looga haro, waayo, taariikhda waa lagu cimri qaataan, si loo saxo khaladaadkii jiray. Sidaas daraadeed waxaan soo dhoweynayaa in doodan la furo oo si dhab ah looga run sheego. Tusaale waxaa ugu filan, in la yiraahdo Mareykanka iyo Ethiopia waligoodba raalli kama noqdeen in diinta islaamka la isku xukumo. Ha yeeshee waxaa iyadana meesha ku jirto in la ogaa inay weligoodba raalli ka noqoneyn, sidaas daraadeed maxaa laga qabtay oo lagu yareyn karay khasaaraha. Su’aalaha la isweydiin karo ayaa waxaa ka mid ah ma la oran karay Maxkamadaha inay iibsadaan 275 xildhibaanada si danta guud ee soomaaliya loo gaaro? Tani waa iska soo dhex dhigid si dooda u bilaabato.
  • DFKMG ah waa la ogaa intaan la dooran waxa soo socda, maxaan ka qabanay haddii aan soomaali nahay. Waxey ila tahay inaan mar walba nahay dad iyaga ku wanaagsan facil celiska oo markii wax dhacaan baan ka daba boodnaa. Haddase soomaalidu ma isu diyaarinoysaa mustaqbalka ka dib DFKMG ah waxa dhici doono, mise waxaa la leeyehay kuwaan ma socon karaan ee iyagaa iska baaba’aayo, Markey baaba’aanse maxaa noo diyaarsan. Waxaad moodaa hal adeyga Madaxweynaha inuu u suuro galiyey inuu marxalado badan u dhago adeygo, haddesse waxuu yiraahdaa si domoqraadi ah ayaan u tartamayaa 2009. Arrintan waxey ku tuseysaa aragtida dheeri haba qalafsanaatee in la gaaro. Tan kale oo isweydiinta leh waxey tahay DFKMG ah ma qabiil baa lagu diidan yahay, mise is xasid iyo is inkirid baa lagu diidan yahay. Arritan waa lagu wareerayaa oo waxaad is leedahay maxaa keenay in Puntland aad looga taageero dowladda, haddiise Madaxweynuhua uu joogi lahaa Puntland oo uusan u tartami laheyn jagada Madaxweynenimo waxaa badnaan lahaa mucaaradkiisa uu ku leeyahay Puntlan. Si kastaba arrimaha waa is dhex yaacsan yihiin, oo dadka ku dooda Hawiye baa diidan DFKMG ah maxey ku fasirayaan Gedi, Gacmo dheere, Salad Jeelle, Dhimbil, iyo kuwa la mid ka ah ee ku jira DFKMG ah.
  • Anniga aragtideyda waxaan u arkaa in Soomaalida aysan inteeda badan waxba isku oggoleyn, oo xaasidnimadu ay ka weyntahay wax walba, qabiilkana loo kaashado marka wax la burburinayo. Weli ma arag beel inta isku timid wax isla meel dhigtay ku heshiisay, wanaag u horseeday shacabka, gobolada ay degen yihiin ka dhistay isbitaallo, skuulo iwm.
  • Arrimahan oo dhan waxaa looga gudbi karaa hoggaan wanaagsan oo suuban fahmi kara meesha uu hiigsanayo, lana yimaado cadaalad iyo sinnaan. Habka keliya ee lagu heli karo arrintan waa in Qaramada Midoobay ay u codeeyaan in Soomaaliya la geliyo trusteeship waddankana la keeno ciidamo ka socda qaramada midoobay, maamulka UN kana uu dhiso haykalkii dowladnimo. Muddo la isla gartey ka dibna waddanka maamulkiisa loo soo celiyo Soomaalida.

Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) 
London 
Yarisow70@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com