Daabaco
Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo
Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan
Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul
ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise
and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada
Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda
Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad
Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka
Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY,
CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka
diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey
Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay
layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw,
kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay:
GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW
JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda
Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa
Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur
Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR
XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
SOOMAALIYAY AAN DAWLADDA KU MEELGAARKA TAAGEERNO
Waxay ra'yigay ila tahay in qarannimadii Somaliya khatar ku jirto,
Somaliya waxay khatar u tahay in ay la wareegto Itoobiya,Waxana lagaga
hor tagi karaa in Somalidu midowdo, oo ay iloowdo khilaafaadkii ku
salaysnaa bursiga oo u dhexeeyay dhawr iyo labaatankii sano oo u
danbaysay,waxan aaminsanahay in aysan jirin colaad u dhexeysa ummadda
Somaliyeed,Wuxuna ku salaysnaa dagaaladii dhacayay dhowr iyo labaatankii
sano oo u danbaysay,kala burso awood iyo dhaqaale,waxayna
qab-qablayaashii dagaalku adeegsadeen in ay shacabka ku kacshaan magac
qabiil, taas oo ahayd sida ugu fudud oo Soomaalida lagu kicin karo, ama
Somalida laysaga horkeeni karo.
Somalida oo reer guuraa u badnayd markii ay noloshii adkayd u
dulqaadan waayeen oo ay baladka soo galeen, wixii ugu horeeyay oo ay
arkeen waxay noqotay in loo shaqeeyo dawladda, laga soobilaabo
dawladihii Talyaniga iyo Ingiriiska,waxay noqotay in ninka kaliya oo
qadayn kara ama walaalkiis shaxaadi karo in uu noqday kan dawladda u
shaqeeya oo kaliya,taas ayaa fududaysay in nin walba qabiilkiisa ku
kacsho, aan dirirno si aan dawladnimada u qabsanno,kadibna kaligeen ugu
raaxaysanno.
Dawladihii Somaliyed ummadda ugama faa'iidayn khayraadka dabeeciga ah
sida;Gaaska,macdanta,iyo u jihaynta soosaarida khayraadka badda iyo
beeraha,si dadku u helaan ila dhaqaale oo ay kaga maarmaan shaqada
dawladda taas oo aan cidnaba gaari karin.Waxa igala yaab badan nimanka
aqoon yahannada oo isu soo sharraxay madaxweynanimada waqtidii,
doorashooyinkii Carta iyo Nba kasi,ma aysan jirin rag ballan qaadkooda
uu ugu muhiimsanaa in ay dhaqaalaha kor u qaadi doonaan oo shaqo
abuuridoonaan,si ummaddaan gaajadu isku dirtay u kala nastaan,waxay
dhahayeen ammaankaan sugaynaa,sidase ammaanka Somaliya lagu sugui karo
waa in dadka shaqooyin loo abuuro.
Waxan ka xumahay ahna wax laga naxo, Umad muslimiina oo walaalo ah oo
qofba qofka kale dhiigiisa iyo maalkiisa banneysanayo, Taasna waxa
keenay Cabsidii Alle weyne oo nagu yaraatay iyo culimada oo aan
doorkoodii qaadan, kaasoo ahaa in ay si joogto ah uga digaan cawaaqib
xumada dagaal sokeeye, Taasna ma ahan oo kaliya, in sheekhu minbarka
fuulo oo yiraahdo qofkii qof muslima dilaa waa ehlu naar, ee waa inuu
sheekhu sidoo kale u sheego assagoo murugeysan oo qarracan ah, qofka
dagaalka hogaaminaya, iyo kan galaya, walaalow dagaalkaan naarbaad ku
galaysaaye kahar.
Waxan ummadda Somaliyed ugu baaqayaa in aan taageerno dawladda ku
meelgaarka Somaliyed,Taasina waa sida kaliya oo ciidamada Itobiyanku
dalkeenna kaga baxahayaan,Dadka qaba in aan Itobiyaanka xoog dalka uga
xoreyn karno, waxan qabaa ineysan shaqeyneyn, sababtoo ah waxan Itoobiya
iska celin jirnay ama ka adkaan jirnay markay Somali mideysneyd, Hadda
qofkii qaba in uu la diriro Itobiya oo uu taageerayo dawlad Somaliyeed,
ama aan iraahdo Somali barkeed waxa cad in uusan guul gaareyn,Halgan
dagaal oo aan xigmadaysnayna looma baahna. Haddii aan Dawladda
qabqablayaasha dagaal taageerno oo Somali midwowdo, waxa la hubaa labo
arrimood, in Itobiya iska baxayso, iyo in dawladdaan dawlad Somaliyed
badali doonto.
Haddii dagaalku dheerado waxa Itobiya u fududaanaysa in ay Somaliya u
qaybiso dawlad goboleedyo mid kasta leedahay madaxweyne, mid walbana tan
kale col la tahay, dhammaantoodna hoos yimaada dowladda federalka
Itobiya.Haddaan si kaleeto u dhigo,ma Cabdullaahi baan madaxweyne ka
dhigannaa,oo uu xukunka uga danbayn doono madaxweyne kale oo
soomaaliyeed,misse Mallas Zanawi baan madaxweyne ka dhigannaa oo uu
xukunka kaga danbayn doono Itobiyan kale?
SOMALIYEY aan heshiinno,Somaliyey aan is cafino.Somaliyey aan isu
samirno,Somaliyey aan khayrka is farno,Somaliyey aan wanaaga isugu
kaalmeynno,Si aan naar uga badbaadno,si aan jannada Alle weyne u
galno,Si aan Itobiya dalkeenna ula wareegin,Si Alle weyne Roobka noogu
furo,Si Alle weyne daaqqa iyo miraha beeraha noogu badiyo.
Somaliya maantay waxay ku nooshahay nolol aad u adag,Cadaabkii Alle
baa qaar naloo soo hor mariyay,Roob ma leh daaqsin ma leh(cawskii
Somaliya waa ka dabar go'ay) miro beerood ma leh, ammaan ma leh shaqo ma
leh, Barakadii oo dhan baa Alle naga qaaday, Taasna waxa keenay dagaalka
sokeeye oo muslimintu midba mid dilayo, dhacayo, xaqirayo
xamanayo,xasdahayo,xumaynayo.
Waxan ugu baaqayaa siyaasiyiinta cabdullaahi ama rag kale oo
dawladdiisa ah, xarig joogsiga la' leh; ninkii dawladnimadiisii
Cabdullaahi horey uga riday, ninkii aaminsan in uu cabdullaahi
madaxweynanimada uga xaq lahaa,iyo ninkii liqi la' in dagaal ooga
yaalkii waddanka dawlad ka noqdaan,dhammaantiin waxa laga yaabaa in aad
ku dadaalaysaan, sidii dawladdaani u dhici lahayd,si aad u
aarsataan,waxanse idiin sheegayaa, Ninbaa wuxuu yiri war waxaas
day,markaasuu ugu jawaabay, Adigu waxa ka sokeeya day,waxa Cabdullahi
idiin dhexeeya, ama colaaddaad u qabtaan dagaal ooga yaalkii,waxad ku
illowdaan(siisataan) qarannimo Somaliyeed, waxad ogaataan in qarannimo
Somaliyed ku xiran tahay in dawladdan taabba gasho,Haddii kalana
Itobiyan madaxweyne idiin noqon doono.
Ugu danbayntii, ninkii dawlad Ismamig ah raadinaya, Cabdullaahi bay
ka danbaysaa, (in kastoo ragga hadda u diriraya aysan ahayn kuwa
fakarkooda iyo maamulkoodu dawladnimo gaari karo,hase ahaatee lagama
raja dhigin in la helo rag fakarkooda iyo maamulkoodu gaarsiisan yahay
heer dawladnimo), ninkii dawlad Dimoqradi ah doonaya, ninkii dawlad
shacabku soo doorto doonaya,ninkii dawlad aqoonyahanku hogaaminayo
doonaya, ninkii dawlad caddaaladdu u sareyso doonaya,ninkii dawlad
sharcigu qofkasta ka sarreeyo doonaya, ninkii dawlad aan qabqablayaal
dagaal hogaaminayn doonaya,ninkii dawlad dhaqaalaha kobcisa doonaya,
ninkii dawlad danta shacabka ka fakarta doonaya,ninkii dawlad nabadeed
doonaya, dawlad kasta oo aad doonaysaba Cabdullaahi bay ka danbaysaa,
Dawladnimo Somaliyed iyo Qarannimo Somaliyed Waxay ku xiran tahay in
aan taageerno dawladda ku meel gaarka.
Waxan ugu baaqayaa.wadaadadii maxkamadaha dawladnimo, ama dawlad
Islamig ah mar bay idiin soo gacan gashay hasse yeeshee waad qabsan
waydeen(waad candho goyseen),hadda waa caddahay in aydnaan dawladnimo
helayn, waxadse u diriraysaan aargoosi iyo ninkii dawladnimada idiin
diiday yuusan asna ku raaxaysan,marka koobaad dawladnimadii ninna
idiinma diidine adinkaa isu diiday,(qabsan kari waayay),marka labaad
waxad tihiin culimadii ummadda ma habboona in aad umadda Somaliyed ku
baabi'isaan dagaal aarsi ah, oo aan natiija kale lahayn.Itobiyanka
adinkoo dawlad ah oo dalkii Somaliyed iyo dadkiiba gacanta ku haya oo
hubaysan haddaad Itobiya dalka ka difaaci waydeen,asaad dawladnimadii
cassar wareejiseen,inaad geed gadaasha ka martaan oo aad shacabka iyo
dhalin yarada dagaal guuldarradiisu caddahay ku dhammaysaan,taasu
caddaalad ma ahan caqli culimana ma ahan,ILAAH kabaqa, aarsiga jahlinimo
iska daaya, ummaddaan muslimiinta ah badbaadsha.
Mafilayo in uu sharciga Islamka waafaqsan yahay hadalkii Sh. Yusuf
Indhacadde uu BBC ka yiri markii laweydiiyay, khassarada ka soo gaartay
dagaal markaas dhacay;Khasaare nama gaaro, ma dhimanno, Haddii Jahadku
yahay in la dhinto oo aan guushu muhiim u ahayn musliminta,Rassuulkii
Alle weyne baa xilligii Maka oran lahaa waad shahiidaysaane dirira.
Balhada aan wax ka bidhaansho siyaasadii dagaalka ee Rassuulkeennii
barakaysnaa Naxariis EEBBE iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee,Dagaalkii
Mu'ta,Rasuulku wuxuu diray ciidan ilaa 3000 ah meel u jirta madiina
500KM, wuxuu u diray dad safiir Rassulku dirsaday dilay, war
isgaarsiintaa ma aysn jirin,muudo markii ciidankii maqnaa, Rassuulkii
Alle (NNKH) baa assagoo minbarka saaran ka sheekeeyay waxa ciidankii la
kulmeen,wuxuna yiri ugu dhawaan sidan;Zayd baa calankii dagaalka qaaday
si fiican buu u diriray waana shahiiday,kadibna Jacfar baa calankii
dagaalka qaaday si fiican buu u diriray,wuuna shahiiday,Cabdullaahi bin
Rawaaxa baa calankii qaaday wuu diriray wuuna shahiiday,Ka dibna Sayf ka
mi ah Sayfaha Ilaahay baa calankii qaaday goobtiina Ilaahay baa u
furay(wuu qabsaday),Hadaba aan micneeyo Sayftaas dagaalkii ku guulaysta
ilaa uu goobtii dagaalka qabsaday,Hogaamiyahaasu wuxuu ahaa Khalid Bin
Waliid Ilaahay ha ka raalli noqdee,markuu arkay in laga awood roon yahay
saddexdii amiir oo ka horeysayna la dilay,wuxu sameeyay dib u gurasho
xeel dagaal,markii Qorraxdii dhacdayna wuxuu ku soo shubay
Madiina,Haddaba waxan uga jeedaa, Guushii iyo furashadii goobta oo
Rassuulku (NNKH),sheegay waxay ahayd in uu ciidankii dhimashadii ka bad
baadshay maadaaba aad looga badnaa.
Sayinaa Cumar Allaha ka raalli noqdee, oo aad u nebcaa in ciidankiisu
hogaamin xumo u dhinto,Dagaalkii Jisri (Ciraaq)oo muslimiinta ciidan
badan kaga shahiiday,Cumar aad buu uga carooday,wuxuuna eedeeyay madaxii
ciidanka oo shahiiday, in markii hore, kaartada dagaalku ka
khaldantay,wuxuse aad uga xumaaday hadduu arkay in dagaalka lagaga
sarreeyo muxuu ciidanka dagaalka ugala bixi waayay,(dib u gurasho xeel
dagaal),Wuxuu sayid Cumar hadaladiisii ka mid ahaa,haddii ciidanku dib u
gurasho samayn lahaa, ilaa uu soo galo Madiina in ay u dhaami lahayd tii
dhacday.Cumar ma oran khasaare nama gaarin ciidankii naga shahiiday
Jannay galeen kuwii badbaadayna waa joogaan.
Waxay u bannaan tahay in uu u diriro dawlad Islaam ah ninkii guul
rajaynaya.Xag cudud iyo xag maamulba,Maxkamaduhu cudud waa hayeen
maamulbaase ka maqnaa.
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2007


|