Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji

Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Hab-xisaabeedka Puntland:
Darasaad ay samaysay Qaramada Midoobay (qaybta u qaabilsan Public Financial
Management and Good Governance ) ayaa lagu sheegay Xisaabaadka Puntland mid
aan waafaq-sanayn Nidaamka Caalamiga ah, maalin dhoweyd ayey ahayd
markii Golaha Wakiilada Puntland uu diiday in uu ansixiyo Xisaab-xirkii
2006. Haddaba warbixintii QM ay ka qortay hadda ka hor Xisaabaadka DGPL
ayaa waxaa soo turjumay,wariye. Maxamuud Cumar Bille.
Hab-xisaabeedka
Puntland ayaa ku salaysan kii hore ee ay isticmaali jirtay Dowladii
burburtay ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, waana mid gaboobay marka loo eego
nidaamka caalamiga ah ee loo sameeyo xisaab-xirada iyo dejinta
miisaaniyadaha caalamka ee maanta.
Waxaa ka muuqda
habkaan xisabaadka, sida diyaarinta miisaaniyada, fulinta miisaaniyada,
waajibaadka xisaabiyaha guud ee Dowlada, waajibaadka Hanti-dhowrka guud ee
dowlada, iyo Guddiga daba-galka/dhaqaalaha ee GW (Accounts committee or
oversight committee) marka ay Wasaarada Maaliayadu samaynayso Miisaaniyada
ayaa moodaa sidii dowlad caalami ah,basle waa oo kaliya magac u yaal marka
laga eego dhankasta waa sida ay u qorataye QM.
Puntland waxay
leedahay Bangi u shaqeeya sida Bangiga dhexe ee dowlada iyo Bangiga
Ganacsiga, wuxuuna waafaq-san yahay kii hore ee Soomaaliya amaba DFKMS ee
hadda isticmaalaysa Axdiga Ku-meelgaarka ah oo DGPL ay qayb ka tahay.
Puntland waxay
qaadaa canshuuraha, iyadoo isticmaalaysa habkii canshuur qaadista ee
gaboobay.
Waxaa jira Gole
Baarlamaan kaas oo ansixiya miisaaniyada. Puntland ma laha sharci laysku
halayn karo oo canshuurta loo qaado, waxayna isticmaalysaa nidaamkii
gaboobay ee dowladdii hore ee Soomaaliya kaas oo aysan fahan sanayn
ganacsatada cusub lana jaan qaadi karin maadaama dalku burbur ku jiray muddo
16 sanno ka badan.
Miisaaniyada waxaa
loo soo gudbiyaa GW kama dib dhici karto 30-November, waxayna Goluhu
ansixiyaan miisaaniyada 31 December ee sanad xisaabeedka bilaabmaya
1/January.
Puntland waxay
leedahay khayraad kooban sida canshuurta ka soo xaroota dekada Boosaaso oo
lagu bixiyo mushahaaraadka shaqaalaha iyo amniga iyo sidoo kale garoomo
sida Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Miisaaniyada
Puntland waxay ku baxdaa amniga 80%.
Puntland: ma jiro
sharci si dhab ah u qeexaya shaqada Hanti-dhowka guud, waloow waajibaadkiisa
shaqo iyo xaquuqdiisu ay qayb ka tahay sida ku cad Hab-xisaabeedka DGPL,
Khasnada dowlada waa mid u shaqaysa sida caalamiga ah ee aduunyada kale,
haddana waxaa ka jira shakiweyn habka loo maamulo iyo xisaab celinta
warbixinada khasnada ee la soo gudbiyo.
Puntland waxaaa miisaaniyada oo ku salaysan Cash ama cadaan loogu
fasaxaa madaxyada dowlada si bille ah.
dhamaan
kharashaadka waxaa maamula Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda.
Xisaabiyaha Guud ee
dowladu wuxuu xafidaa buugta ama Akoomada dhamaan wasaaradaha dowlada,
waajibaadkiisuna waa diyaarinta akoomada dowlada oo ku salaysan Cadaan(Cash
Basis) wuxuuna soo rogayaa buug baalal waa weyn oo ay ku qoran yihiin lacago
wada siirooyin waa-weyn ama badan wata sida Billions, Millions iyo
Thousands, kuwaas oo aan ahayn wax standard ah ama la fahmi karo, marka laga
reebo dadka ku lugta leh, qaab-xisaabeedka Puntland.
Xisaabaadka
/Maaliyada waxaa ku lifaaqan dhamaantood cadaymaha kharashaadka baxay iyo
wixii la helay(Cash Receipts and Payments , and Budget reports).
Xisaabiyaha guud
ayaa laga rabaa in uu u gudbiyo xisaab-celinta dowlada H/dhowrka Guud muddo
3-bilood gudaheed ah, Maarso 31 dabaadiga sanadka,
Sidoo kale
H/Dhowrka Guud ayaa laga rabaa in uu fududeeyo Xisaabaadka(Tabulation and
Presentations) una gudbiyo Guddiga Daba-galka ama Dhaqaalaha ee GW-da 30-ka
Juun.
Guddiga Dhaqaalaha ayaa sii fududeeya xisaabaadka ka dibna horkeena Golaha
iyagoo soo raaciya wax loo yaqaan warbixin Tix-raac ah(Reference Report).
Dadka ka shaqeeya
Wasaarada Maaliyada ee DGPL ayaan dhamaantood aqoon u lahayn waajibaadka
laga rabo ee shaqo, waxayna isugu jiraan dadkii hore oo aan la socon
hab-xisaabeedka caalamiga ah(The International Public Sector Accounting
Standards). Iskaba daa isaga in ay xataa fikrad ka haystaan Hab-xisaabeedka
caalamiga ah ee loo isticmaalo Computers-ka, ee loo myaqaan
Integrated
Financial Management Information Systems(IFMIS) taas oo looga soo gudbay
Manualskii, ama habkii gacanta lagu samayn jirey xisaabaadka.
Sidoo kale, dadka
aqoonta u leh xisaabaadka caalamiga ah waxay u shaqeeyaan dhamaantood
hay'adaha waayo Puntland ma siin karto mushahaar ku filan.
Dhibaatooyinka kale
ayaa waxaa ka mid ah, in aan laysku halayn karin xisaab gacanta lagu qoray
oo aad u fara-badan.
Hab-xisaabeedka
Puntland oo dhan waa mid aan lagu qanci karin waayo ma waafaqsana
hab-xisaabeedka caalamiga ah.
Sidoo kale,
H/dhowrka Guud ayaan u shaqayn sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee
INTOSAI(Internariional Organization of Supreme Audit Institutions).
Habka loo yaqaan
Procurement-ga ayaa ah mid uu maamulo xafiiska Madaxweynuhu.
waana mid gaboobay oo laga soo dhiraan-dhiriyey kii hore ee Soomaaliya.
Sidoo kale Guddiga
loo yaqaan(Central Tender Board, gelista Qandaraasyada Dhexe ayaa waxaa
maamula Wasiirka Maaliyadda).
Ma jiro nidaam lagu
ilaaliyo xisaabaadka gudaha(Internal audit) ee waaxyaha wasaaradaha, marka
laga reebo waxa loo yaqaan Xisaabiye Idman oo aan nidaam sax ah oo cad ku
shaqayn balse inoo kala tuur ku shaqeeya.
Waxaa kaloo jira in
dadka ka shaqeeya Wasaarada Maaliyada ay ku yimaadeen Hab-Garabsi ah oo
aysan aqoon u lahayn Nidaamka Xisaabaadka, Waxaa sidoo kale la xusi karaa in
Shirkadaha Gaarka loo lleeyahy sida STG, Golis IWM ay isticmaalaan nidaamka
Xisaabaadka ee Caalamiga ah marka loo eego Wasaarada Maaliyada ee DGPL.
Waxaad sidoo kale arkaysaa qof, sida gabar ama wiil dhex fadhiya xafiis aad
u qalabaysan oo qurux badan aanse lahayn haddana hab uu kula xiriiro karo
bulsho aqoon leh amaba aan qori karin waraaq Memo ah(Poor or Nill
Communication and Unfamiliarity of Source of Documents).
Miisaaniyada ayaa marta Tubtaan:
1. In marka hore
loo dejiyo qorshe, si loo waafajiyo ujeedada dowlada loona siiyo muhiimada
sida ay u kala mudan yihiin barmaamijyada wax laga qabanayo.
2. In Golaha Wakiilada loo gudbiyo si ay u ansixiyaan
3. In wasaarad
kasta loo qoondeeyo inta ay isticmaalayso waxaana reeban waxa loo
yaqaan(Over or Under Expenditure oo ah midka hadda dhaliyey muranka iyo
sababta loogu laaday Xukuumada Xisaab-xirkii miisaaniyada.
4. Xisaab-Celinta
ayaa jirta, balse waxaa dhacda inta badan in layska soo gudbiyo
iyadoo aan lagaba
fiirsan.
5. Daba-galka si loo ogaado in looga faa'iidaystay miisaaniyada
ujeedooyinkii laga
lahaa, isla
markaasna ay ka madaxbaanaan tahay Musuq-maasuq iyo Maamul-xumo.
Xisaab-xirka
Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka duwan kan DGPL , wuxuuna waafaq-san yahay
kan caalamiga ah ee ay isticmaasho dunida horu martay, inkastoo aysan ahayn
dowlad la aqoon-san yahay taas ayaana ku noqotay dhibaato weyn.
Waxaa yaab leh in
Miisaaniyada DGPL ay tahay mid aan danaynayn barmaaminyada arimaha bulshada
sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2007


|